Dareen-habaabiyaasha Qarsoon
“Ilaa aad garawsato sida ay u fududdahay in maskaxdaada la maamulo, waxa aad ahaandoontaa kubbad uu qof ku ciyaaro”.
Dareen-habaabintu (emotional manipulatoion) waa xeelad ay adeegsadaan dadka raba in ay dareenka qofka maamulaan ama ka weeciyaan dhabbihii qofkaasi gaarkiisa dareennadiisa ula faqi lahaa. Waa xirribo ay ku rabaan in ay qofka dareen ahaan maamushaan ama hadaf kale ku gaaraan.
Dareen-xukumayaal ama dareen-maamulayaal ama dareen-habaabiyayaal, waxa aad doontaba ugu yeere, dadka ku howlan in ay dadka ay xiriirka la leeyihiin ama shaqada wadaagaan dareenkooda maamulaan waa ay badanyihiin. Waxa ayna marwalba dadka ku hafiyaan hadallo ammaan been ah u badan, cabsi gelin iyo farsamooyin kale. Dareen-habaabiyayaashu waxa ay kugu qasbayaan in aad samayso wax aadan rabin samayntooda.
Dadka dareen-habaabinta ku talaxtegay waxa ay qofka ka dhigaan mid aan isku kalsoonayn, ixtiraamka naftiisu ku yaryahay, go’aan qaadashada ku liita iyo xakameynta nafta oo ku yaraata. Marka aad aragto in ammaan badan dusha lagaa huwinayo ama hanjabaad badan lagu leeyahay waxaad bartanka kaga jirtaa dooxada dareen-habaabinta.
Qof ayaa maalin kaliya ku yaqaan, markaasuu kumanyaal ammaan ah oo aad leedahay kuu tixaa. Qofkaasi hadalkiisa ama waxa uu tixayo mid ka run maaha, ee dareen-habaabin ayuu wadaa.
Dareen-habaabintu (emotional manipulation) waa jaad ka mid xadgudubyada jireed (physical abusers) ee qofka lagu la kaco. Waxa ayna ku jirtaa tan ugu halista badan. Kasmanafeed-yaqaannadu waxa ay sheegeen ilaa soddon(30) farsamo oo ay adeegsadaan dadka dareen-habaabinta ka shaqeeya, kuwaas oo ay dadka kale ku xukumaan (dominate) dareennadooda. Qaybo ka mid ah ayaan qoraalkan kaga warrami doonnaa.
Dhiirregelin teetlteel ah
“Mar walba oo jaceyl goosgoos ah lagu tuso, waa mar walba oo aad u hogato qofkii ku tusay, waxaadna noqonaysaa doolli qafi ugu jira”.
Dhiirregelinta teelteelka ah waa farsamo awood ahaan xooggan, oo dareen-habaabiyayaasho adeegsadaan. Dhibbanaha ayay ku qasbayaan in uu u dhaqmo ama u fekero qaabka ay jecelyihiin. Dhiirregelin ayuu la dabakacaa qofka uu rabo in uu habaabiyo. Ammaan, dhiirregelin, jaceyl iyo wanaag oo dhan ayuu u miisaa. Qofkii intaas la dhahay waxaa ku dhalanaysa arrin u diideysa in uu nasto, fekero oo uu markaliya naftiisa la sheekeysto.
Waxa uu ka shakinayaa hadallada uu qofkaas kula hadlo. Waad ka careysiiyay, armuu kaa caroodaa, hadal qaldan ayaad ku tiri iyo kelmado werwer kugu beeraya ayaa kugu dhalanaya. Mar walba qancinta qofkaas ayaa si kuugu weyn ilaa aad isaga uun ka fekerto.
Eedeynta dhibbanaha
“Been aanan u qalmin ayaad ii saarisay…”
Farsamadan, dhibbanaha waxaa dusha loo saaraa eed uusan lahayn ama mid allifaad ah ayaa loo saariyaa. Haddii labada qof xiriir ka dhexeeyay dhibbanaha ayaa loo saarinayaa xumaan kasta oo soo gaarta xiriirkooda. Dhibbanihi waxa uu noqonayaa qof danbiile ah, isna waa uu isu arkayaaba—danbiile.
Aflagaaddo aan toos ahayn iyo xadgudub
“Marwaba xusuusnow, waxa uu si sax ah u yaqaan badhanka lagaa daaro e.”
Qof joog leh ayaad tahay. Soo jiidasho ayaad leedahay. Heestan waad keentay. Amaanta noocaasa ee aan jirin waa nooc ka mid ah aflagaadada aan muuqan, se jeedafku yahay in adiga lagu habaabiyo. qofku haddii uusan wax badan isku kalsoonayn xirribadan waa lagu xanyuubsan karaa. Qofku marka uu rabo in uu qof kale dareen xado ereyo aan dhab ahaan uga muuqan ayuu ku qulaamiyaa, si uu dareenkiisa u maamusho.
Wax aadan ahayn oo laguugu tilmaamo waa cagsiga waxaas. Arrinkan aad ayaa loo adeegsadaa. Tusaale: adiga oo aan macallin ahayn ayaa, ‘macallin, iska warran iyo hadallo la mid ah laguugu leeyahay’. Waa jaad ka mid ah dareen-habaabinta.
Ceebeyn
Gershen Kaufman waxa uu leeyahay, “ceebeyntu waa tan ugu dhibaatada badan ee qofku naftiisa kaga baqo; dareen kale ka dhib badan majiro, maxaa yeelay marka qofku ceeb ku suganyahay (run ama been) waxa uu dareemaa in uu gudaha ka dhaawacmay.”
Caadiyan, qofku waxa uu ka baqo ceebta ayaa ugu culus, sidaas darteed dadyowga jecel in dareen ahaan dadka xukumaan aad ayay u adeegsadaan.
Dadka xiriirka leh qof dareen-habaabinta ku xeel dheer waxa ay ka baqaan in ay ku ceeboobaan qofka kale ama marka ay erey dhahaan waxa ay isu qaataan in ay wax ceeb ah ku hadleen.
Cabsi geli
Dareen-habaabiyaashu qofka ay dareenkiisa koontaroolayaan waa ay cabsi geliyaan. Marka hore waxa ay kuu samaynayaan arrimo aad ku farxaysid ama dareen wanaagsan ayay ku gelinayaan, kolkaa qofku waxa uu ka baqanayaa in uu waayo waxaa loo muujiyay.
Xirfadlayaasha dareenka dadka habaabiya waxa ay aad u yaqaanaan sida dareenka loo xado, ka dibna cabsi in la waayo ah lagu abuuro—Siyaasiyiinta ayaa arrinkan aad ugu adeegta. Arrin wanaagsan ayaa qofka loo sawirayaa, se waxba kamajiraan ah. Qofku wax kale ka fekeri maayo, aan ahayn in uu ka baqo waayidda waxaas. Bal qiyas wiil ama gabar xiriir jaceyl ka dhexeeyo, oo midkood midka kale u muujiyay rabitaan saaid ah. Qofka kale muxuu ka werwerayaa, aan ahayn in uu dareenkaas waayo.
Yareyn (belittling)
Qofka dareen-habaabinta ku xeesha leh waxa uu yaqaan sida qofka niyadda looga dilo. Afjigid iyo xumeyn ayuu isugu kaa derayaa. Waxa uu ku tusayaa ama ku dareensiinayaa hooseyn nafeed. Dareen-habaabinta noocana waxaa kale oo la adeegsadaa in aragtiyaha qofka aan la dhegeysan ama wax aan muhiim ahayn laga dhigo. Yareyn ayuu ku sameynayaa wax wal oo aad la timaad, adigana qof aan qiima lahayn ayuu kaa dhigayaa. Taas hore Ayaan u ogaa. Wax kale ma haysaa, waxaas waa caadiye iyo wax la mid ah ayuu kugu yareynayaa.
Isdifaacid
Qofka raba in uu dareenkaaga xukumo ama ku maamulo, waxa uu isku dayayaa farsamo kasta oo uu kugu xajin lahaa. Waxa uu kuu muujinayaa marxalad lagu habaabiyay ama habaabin ah. waxa aad si aan caqliyaysnayn u difaacaysaa naftaada ama difaac caadifadaysan ayaad geleysaa, waana halka uu kaa soo gelayo kan raba in uu dareenkaaga la wareego.
Is-eedeyn
Is-deyntan waa marka denbi aadan ahayn laguu muujiyo in aad adigu leedahay, sidaasna aad ku qirato denbigii. Dareen-habaabiyaashu arrinkan waa ku adeegtan, dadkana aad ayay ugu badantahay in denbi aysan gelin ay aad kaga werweraan.
Is-illowsiin ula kac ah
Dareem-habaabiyuhu waxa uu iska dhigayaa mid illowsan arrin aad ku ballanteen ama ballan uu kaa qaaday. Run ahaan, ma illowsana e, waxa uu rabaa in uu dareenkaaga maamusho ama uu ku dareen lumiyo. Arrin aad ku ballanteen ayuu ka soo qaadayaa in uu illoobay amase eedda ayuu adiga ku saarayaa. Is-illowsiintu ma ahan wax qofka caadiya dareemi karo, waase wax marka loo fiirsado.
Tixraac: 30 Covert Emotional Manipulation Tactics: How Manipulators Take Control in Personal Relationships by Adelyn Birch
W/Q: Cali Xuseen Axmed
Akhriso;
- Hordhac: Kasmanafeed-Psychology | Q:1aad
- |Sooyaalka Kasmanafeedda-Psychology | | Q:2aad|
- Sheekadii The Bet(Sharad Dhigashada)
- U DHAMMEEY KHAALID
