Fahanka Hanti Tacbashada : Faallo Dr Cabdinuur

Waxaan daawaday muuqaal uu ustaad Abdinur Ali Mohamed ku faafahinaaye ninkii odayga ahaa Kiyosaki, oo deynta lagu lahaa maalmahan trend ahaa.

Kiyosaki wuxu qoray buug ciwaankiisa ahaa Rich dad Poor dad, wuxu ku tusaaleenaya laba aabbe oo mid qani yahay midna Sabool yahay. Labadaas aabbe uu soo qaatay wuxu u kala qaatay tusaale sabool ah iyo tusaale qani ah.

Aabbaha uu tusalaha saboolka ku tusaaleynayo waa abbihiis oo ahaa macallin iskuul wax ka dhigo sidaasna noloshiisa maalinlaha u wato, wuxuuna talo ku siin jiray in uu waxbarashada ku dadaalo oo heer ka gaaro, halka aabbaha qaniga uu tusaalaha uu soo qaatay uu ahaa mid ay saaxiibo yihiin aabbihi, wuxu tilmaamay in uu ka bartay sida lacag lo sameeyo, deynta loogu qaato sido kalana maalgelin loo sameeyo.

Ustaad Cabdinuur waxyaabaha uu ku dhaliilayo Kiyosaki waxaa ka mid ah in uu aaminsanyahay guriga aa dagantahay hanti maaha waa deyn, sababtoo ah lacag maso saaraayo.

Kiyosaki wuxu kaso horjeeday in qofka waxbarashada ku dadaalo. Isagii sidaas aaminsana ayaa haddana, markii uu buuggiisa soo saaray, wuxu bilaabay siminaaro uu dadka ku baraayo sida maalgashi loo sameeyo, qofkiina waxa uu ka qaadi jiray $219. Waxbarashadii dadka uu ku dhihi jiray haku dadaalina waxba maaha, ayuu rabaa in uu lacag ka sameeyo si dadka isaga wax uga bartaan.

Buugaagta kala aha The Richest Man in Babylon iyo Physcology of Money dhammaantood waxay isku raacsanyihiin qofka sida uga fiican ee hanti uu ku abuuri karo ay tahay lacagta isaga uu keedsado.

Waxaa jira Dood ah in buugga isaga uusan qorin, balse ay qortay gabar la dhaho Sharon L. Lechter oo ahayd CPA, balse aragtida isaga uu lahaa. Sannadkii 2012 shirkad Rich Global LLC uu laha ayaa suuqa ka baxday, markii ay suuqa ka baxdayna maxkamadda ayaa ku xukuntay lacag dhowr milyan ah, balse magaca shirkadda ayaa ganaaxaas la saaray madama ay LLC ahayd.

Kiyosaku hantidiisa waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxayso, 60 ilaa 100 milyan oo doollar, deynta lagu leeyahayna ay tahay 1.2 bilyan. Marka la kala jarana, net worth-giisa waa maynis. Dadka waxa ay ku dadaalaan waa hanti. Hantida aad heesato waxay la egtahay deynta laguugu leeyahay iyo waxa aa heesato oo lakala jaray wixi kaso haro ayaa ah inta aad leedahay.

Gabi ahaanba, ustaadka wuxu tilmaamaya in bulshada si qaldan u fahmeen aragtida maalgelinta. Wuxu dib u sixid ku sameynayaa arrin ay dad badan aaminsan yihin, oo ah in qofka Soomaaliga ah oo 10 sano kahor dhul gaaraayo qiimihiisa $50 kun ka ibsaday ee degay ka dibna uu qasaaro ku jiro, markii la barbardhigo qof Mareykan joogo oo Tesla ku maalgishtay 50 kun uu maanta heysto milyamaad.

Arrintaas waxay meesha ka saareysaa baraarugga ah in stocks-ka aan looga tusaale qaadan karin hal shirkad ama laba shirkad oo faa’iiday. Kawaran haddii 10 sano ka hor qofkaas Mareykanka ah uu maalgishan lahaa Nikola ama WEWKQ oo maantana suuqa ka baxeeen labadoodaba. Si kooban, haddii aad rabto inaad lacag sameyso kuma xirno aragtiyaha short-cut(so gaabinta) in ay kuu shaqeyneyso.

Ustaadka wuxu qofkasta oo dhallinyar ah uso jeediinaayaa talo wax ku ool ah, oo ku saabsan maaliyadda wuxuna tilmaamay sida lacagaha loo maamulo in ay marto 5 marxaladood;

Financial Crisis: waa marka uu qofka baahiyihiisa dabooli karin sida; kirada, korantada iyo cunnada, wuxuuna u baahanyahay taageerid qo fkale, si uu u noolaado.

Financial instability: Waa qofka awoodo in uu bixin karo kala bar waxa uu ku noolaan lahaa, laakiin qeyb badan oo kamid ah noloshiisa wey maqantahay, walina wuxu u baahanyahay taageerid. Financial instability waxay ku timaadaa qofka oo maamulistiisa lacagta aysan fiicneyn.

Financial Stability: waa marka uu qofka baahiyiisa isaga filanyahay balse hal xaalad uusan ku tashaneenin haddii ay ku so siyaado aanan xammili karin ama iska xallin karin, sababto ah waxa so galo waxay ku jaan go’anyihiin baahiyiisa wax yar ba ha ahaate uma dhigmo.

Financial Independency : waa marka aadan u baahneen mushaar, haddii mushaarkaaga istaago ay noloshada istaageenin, waxa heesata hanti aad kaso saari karto noloshaada laakiin wali waxa u baahantahay inaad shaqeyso.

Financial Freedom: waa in aadan u baahneen in ad shaqeyso. Haddii aad shaqeyso iyo haddii aadan shaqeyn wixi lacag kuso gali jiray iyo noloshaada in aysan waxba iska baddelin, waxa la sheegaa 1% in ay dadka heerkaas gaaran ay adduunka ka yihiin, waa marxaladda ku dhow in qofka la yiraahdo wuxu ku dhowyahay qani, sababto ah qani-nimada waxa lagu qeexaa haddii lacag aysan baddeli karin waxa aa qabato waxa tahay qani.

Ugu danbeyn, wuxu isku xiraayaa qaabka in aad financial crisis kaga so baxdo aad ku gaari karto financial freeedom. Si taas loo gaaro ustaadka wuxu so jeedinaya 5 waxyaabood in looga baahanyahay qofka dhallinyarada ah:

1. Character: waxay sheegtaa qofka tahay, dabeecadaada, dhaqankaaga iyo akhlaaqdaada , waa waxa ay kaa sheegi lahaayeen saaxiibada iyo dadka ku yaqaan markii la weydiiyo hebel ama heblaayo yaa waaye markii la yiraahdo waana waxa ugu adag ee aasaska ah ayna tahay qofkastaba in uu soo dhiso.

1. Competence : waa waxa aa qaban karto waxa ay tahay, competence ga waxa ku jiro seddex waxyaabood oo KSA laisku yiraahdo; knowledge aqoonta aa leedahay , aqoonta waxay noqon karta in aa taqaan waxyaba badan ama falanqeen karto ama ogaal ahaan aa u taqaan. Skill waa inta kore aan soo sheegnay ee aad taqaan inta yarta aad ficil ahaan u baddeli karto , skill ka heerka aa gaarsiin kartana waxa la yiraahdaa Ability, sidaa darteed waxaa u baahantahay aqoon, xirfad iyo awood aa wax ku qaban karto. Bilmatal inta caafimaadka aa taqaan waa knowledge, inta adiga aa ka daaweyn kartana waa skill , heerka aa gaarsiin kartana waa ability

1. Credibility: Waa heer intee in la eg ayaa lagu aamini karaaa. Creadibiltyga waxay ka timaadaa khibradda

1. Credible relationship : waa dadka aa taqaan ee ku damiinan karo intee la’egyihiin. Tusaale, haddii aa bangiga deyn u doonato, banigaga isago fiirinaayo akoonkaaga dhaqdhaqaaqa uu sameenaayo, kaso qaad wuxu ku deymin karaa 10kun, tobankaas kun uu bangiga ku deymin karo, waxa ku heshay credibilty. Laakiin qof milyaneer ah oo ku damiinan karo haddii la helo waxa la yiraahdaa credibile relationship.

1. Cash: waa meqa lacag ayaa heli kartaa, meqa lacag aa soo saari kartaa. Lacagtaas waxay ku xirantahay qiimaha qofka uu joogo, sida akhlaaqda, aqoonta uu leeyahay, aaminaadda la aamini karo iyo dadka uu yaqaan awoodda ay leeyihiin. Intaas waxyaabood waxay ku xirantahay qofka cash ka u sameeyn karo.

Haddaba, si qofka ugu kaso baxo crisis-ka maaliyadeed, una gaaro madaxbanaani maaliyadeed, wuxuu u baahan yahay in uu ka shaqeeyo shantaas waxyaabood. Sida kiyosaki qabo, uma baahno inuu deyn deyn ku gudo. Sido kale, kiyosaki mida u qabo ee ah in qofka deyn qaato, meel geliyo, taa waxey soo saartana lacagta deyn kale ku gudo, si uu qofka qani uga dhigto, waxay kaso horjeeddaa aragtiyaha hantida lagu sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *