Aadan Cabdulle Cismaan: Agoon ilaa Hoggaamiye Qarran
Noloshiisii Hore iyo Saboolnimadii Carruurnimada
Isha: Buugga First Democrats: Somalia’s Aden A. Osman and Abdirazak H. Hussen
Waxaa tarjumay: Suhayb Caydiid
Aadan Cabdulle Cismaan wuxuu ku dhashay Ceel-qurun, oo u dhow magaalada Beledweyne, sannadkii 1908 ama 1909. Wuxuu ahaa ilmaha keliya ee ay dhaleen Cabdulle Cismaan iyo Cawrala Yuusuf Dulaad. Waalidkiisa waxay kala tageen afar bilood kaddib dhalashadiisa. Sidaas darteed, ayeeyadiis dhinaca aabbaha, Xaawo Xerow, ayaa masuuliyadda daryeelkiisa qaadday. Waxay daryeeshay ilaa ay indho beeshay xilligaas uu Aadan jiray qiyaastii afar sano.
Carruurnimadii Aadan waxaa si weyn u saameeyay saboolnimo iyo duruufihii adkaa ee aabbihii. Aabbihii, Cabdulle Cismaan, wuxuu ka tegay qoyskiisa si uu ugu biiro kacdoonkii qarannimo-doonka ahaa ee Daraawiishta kula jireen gumeystihii Ingiriiska waqooyiga Soomaaliya. Markii uu ugu dambayn soo noqday, wuxuu noqday nin hanti la’aan ah oo ku noolaa dhaqashada xoolaha. Intii uu xaaladdaas ku jiray, libaax ayaa weeraray oo si xun u dhaawacay lugtiisa, taas oo ka dhigtay curyaan. Intii uu soo kabanayay, qoys xoolo-dhaqato ah oo aan qaraabo la ahayn ayaa si deeqsinimo leh u taageeray qoyskooda. Waayo-aragnimadaan waxay Aadan ku reebtay raad aan tirmayn oo mahadnaq ah.
Saboolnimada awgeed, Aadan isaga qudhiisu wuxuu shaqo bilaabay isagoo aad u yar. Wuxuu Xuddur ka ahaa raaci xoolo gaar ahaan lo’da iyo arriga. Sannadkii 1921, adeerkiis Xabiib Cismaan wuxuu aabbihii curyaanka ahaa u qaaday Baydhabo. Halkaas ayuu Aadan markii ugu horreysay kula kulmay laba nin oo reer Yurub, waa Cavalli oo sargaal Talyaani ahaa iyo sahamiyihii Ugo Ferrandi.
Saboolnimada ba’an awgeed, Aadan waxaa lagu khasbay inuu shaqooyin hoose ka qabto xeryihii askarta calooshood-u-shaqaystayaasha Yemeniyiinta. Shaqooyinkiisa waxaa ka mid ahaa inuu biyo ka soo dhaamiyo isha Baydhabo. Waxa kale oo uu saacado badan ka shaqayn jiray maqaaxi shaah oo uu kabalyeeri ka ahaa, xaaladaas nadaafadeed oo aad u liitada darteed, waxay keentay inuu qaado cudurka isnadaamiska.
Shaqooyinkii Hore iyo Bilowgii Waxbarashada
Dabayaaqadii 1921, dhamme Stiffan oo Talyaani ahaa iyo Faaduma Xuseen oo aheyd haweeney Soomaaliyeed oo la socotay ayaa Aadan u shaqaalaysiiyay inuu noqdo adeege guri. Faaduma waxay Aadan ula dhaqmi jirtay sidii wiilkeeda oo kale, waxayna u diyaarisay gudniin. Aadan wuxuu iyaga u raacay Muqdisho, laakiin Stiffan markii dambe wuxuu ku noqday Talyaaniga, halka Faaduma ay u guurtay Baardheere, taas oo Aadan ka dhigtay kalli.
Intii uu Baydhabo joogay, Aadan wuxuu iskiis isaga diiwaangeliyay dugsi dadweyne oo Talyaani ah oo markaa la aasaasay. Macallinkiisii, Giuseppe Tusso, wuxuu garwaaqsaday garaadkiisa, xiisihiisa iyo go’aankiisa adag. Maadaama Tusso uu ka damqaday saboolnimada Aadan, wuxuu sameeyay hab uu ku caawiyo Aadan, taaso ah inuu ka caawiyo howlaha guriga si uu waxbarashadiisa usii wato una ogalaado inuu helo gunno.
Aadan markii dambe wuxuu ka tagay shaqadii Tusso kaddib markii si been ah loogu eedeeyay inuu lumiyey qaar ka mid ah sawirradii Tusso. Isla markiiba wuxuu shaqo ka helay dhamme Rossi oo Talyaani ahaa. Rossi wuxuu ahaa nin aad u qalafsan. Markii Rossi loo diray Jowhar si uu u soo cabburiyo kacdoon socday, wuxuu Aadan iyo haweeneydiisii ugu xiray guriga kor dhowr maalmood.
Markii Rossi soo noqday, wuxuu waayay furihii guriga. Sidaas darteed, wuxuu Aadan ku qasbay inuu saqafka ka soo dego isaga oo adeegsanaya xarig adag si uu iridda u furo. Xariggu wuxuu si xun u dhaawacay calaacalaha gacmihiisa.
Waayo-aragnimadii Xukunkii Gumeysiga, Takooridii iyo Horumarinta Hadafkiisa
Aadan wuxuu markii dambe u shaqeeyay beeraley Talyaani oo lahaa beero ku yaallay agagaarka Kaytooy ee degmada Janaale. Sannadkii 1924, waxaa loo sheegay in aabbihii ku dhintay Baydhabo. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu beertaas ka sii shaqaynayay muddo ku dhow laba sano. Inkasta oo uu si weyn u doonayay inuu wax barto, haddana ma haysan warqado uu wax ku qoro. Sidaas darteed, mararka qaarkood magaciisa ayuu gidaarada ku qori jiray. Maalin maalmaha ka mid ah, milkiilihii beerta ayaa qabtay isagoo gidaarka wax ku qoraya, wuxuuna ku qayliyay hadallo aflagaaddo ah. Dhacdadaasi ma niyad-jabin Aadan, balse waxay sii xoojisay go’aankiisii ahaa inuu noqdo qof wax akhriya oo wax qora.
Markii Aadan uu fahmay bahdilka iyo dulmiga ay shaqaalaha Soomaaliyeed beeraha kala kulmayeen gumeystihii Talyaaniga, Kadib markii uu shaqaalahii caddaanka ah kala murmay sida aan caddaaladda ahayn ee loola dhaqmaayay, isaga iyo saaxiibkiis. Aadan iyo saaxiibkiis waxay iska casileen shaqadoodii. Waxaa lagu xiray Marka iyada oo aan wax baaritaan ah lagu samayn. De Rege oo gudoomiye ugu magacawnaa maamulkii Talyaaniga ayaa la hor geeyay, Aadan si adag ayuu isu difaacay. De Rege, halkii uu ka dhegaysan lahaa dooddiisa, wuxuu dharbaaxay Aadan sababtoo ah wuxuu ka horyimid awoodda iyo sarreynta gumeysiga.
Sannadkii 1926, Aadan wuxuu noqday adeegaha maqaaxi ku taallay Afgooye oo ay lahaayeen qoys Talyaani ah oo la oran jiray Cecchi. La ciyaarista siddeeddii carruur ee qoyskaas waxay ka caawisay inuu horumariyo afkiisa Talyaaniga. Waayo-aragnimadaas waxay sidoo kale siisay faham ah in takoorka jinsiyadeed uu si gaar ah ugu xoog badnaa dadka waaweyn.
Qoyska Cecchi waxay ka soo horjeesteen saaxiibtinimadii Aadan iyo gabadhooda Alfa oo ahayd shan iyo toban jir. Waxay si been ah ugu eedeeyeen inuu xiriir la lahaa, waxayna sababeen in magaalada laga saaro. Taliyihii booliska Talyaaniga, janaraal Ziccardi, ayaa markaas Aadan siiyay bashqad (warqad) xiran oo uu u geeyo Wanlaweyn. Aadan ayaa ka shakiyay waxa ku jira, sidaas darteed wuu furay. Wuxuu ogaaday in warqaddu xambaarsanayd amar lagu faraayay in halkaas lagu haayo ama meel ka sii fog loo sii masaafuriyo. Si kastaba ha ahaatee, warqaddii wuu geeyay, ugu dambayntiina waxaa loo oggolaaday inuu Baydhabo ku laabto.
Horumarka Xirfadeed iyo Waxbarashada Xilligii Gumeysiga
Markii uu Baydhabo ku soo noqday, Aadan wuxuu cunto-kariye u noqday Gustavo Montanari, oo ahaa baadari ka yimid Turin. Labadoodu waxay ka doodi jireen arrimaha diinta iyo caqiidada.
Si uu uga baxo shaqooyinkii hoose ee aan dhammaadka lahayn, Aadan wuxuu u guuray Muqdisho, halkaas oo uu iska diiwaangeliyay barnaamij cusub oo lagu tababarayay kalkaaliyeyaasha Soomaaliyeed. Inkasta oo markii hore laga diiday, iyadoo loo arkaayay in da’ahaan iyo jir ahaanba uu yar-yahay, haddana ugu dambayn wuxuu dhammaystay koorsadii shanta bilood ahayd. Labaatan qof oo tababarka ku jiray ayuu ka galay kaalinta ugu sarreysa.
Waxaa loo magacaabaykalkaaliye caafimaadoo ka shaqeeya qaybta bukaannada caddaanka eeIsbitaalka Giacomo De Martini, isagoo hoos yimaaddaDr. Ferruccio Cotta Ramusino. Wuxuu sidoo kale shaqayn jiray xilliyada habeenkii. Dabaylaha cusbada leh ee ka imanayay badda ayaa ku sababayxasaasiyad sanka ah, taas oo markii dambe isu beddeshay neef-qabad ku dhacay sambabada ama xiiq-sambabeed, oo uu la dhibtoonayay muddo 26 sano.
Aadan waxuu kale iska diiwaangeliyay fasallada habeenkii ee dadka waaweyn ee waxbarashada aasaasiga ah, wuxuuna ku qalin-jabiyay heer aad u sarreeya. Wuxuu baadariyada ka codsaday in loo oggolaado inuu waxbarashada sii wato, laakiin waxbarashada sarre sharci ahaan waa laga mamnuucay Soomaalida. Maamulka gumeysigu si ula kac ah ayuu waxbarashada dadka deegaanka ugu koobay shan sano, isaga oo doonayay in la abuuro dad u hoggaansan oo u adeega gumeysiga.
Isla muddadaas, maamulka gumeysigu wuxuu soo saaray sharci ku qasbaya Soomaalida inay Talyaaniga ku salaamaan salaantii qadiimiga ahayd ee Roomaanka. Qofkii diida ama jebiya amarkaasi waxaa lagu karbaashi jiray fagaaraha.
Xirfaddiisa, Guurkiisa iyo Nolosha Xilligii Fashiistaha
Sannadkii 1931, kaddib cadaadis uga yimid abtigiisa, Aadan wuxuu guursaday Madiina Xasan Xooshow. Guurkaasi wuxuu sii jiray laba sano oo keliya. Dhanka xirfaddiisa, Aadan waxaa loo dallacsiiyay kalkaaliye heerka labaad ah, wuxuuna noqday madaxa shaqaalaha Isbitaalka Martini. Waxaa kale oo uu bartay wax ku qorista mashiinka iyo xisaab-xirka. Wuxuu si joogto ah u dalban jiray in xaaladaha shaqo ee kalkaaliyeyaasha Soomaaliyeed la hagaajiyo.
Dalabaadkiisa waxay ka careysiiyeen agaasimaha caafimaadka, Dr. Bacchelli. Sannadkii 1933, Bacchelli wuxuu Aadan u wareejiyay shaqo xafiiseed Shalambood ah, oo u dhow Janaale. Ujeeddada wareejintan waxay ahayd in Aadan laga fogeeyo isbitaalka ka hor inta uusan saamayn ku yeelan kalkaaliyeyaasha kale ee Soomaaliyeed.
Aadan wuxuu ku xigeen u ahaa turjubaankii iyo qoraagii sare ee Soomaaliyeed Xaaji Faarax. Halkaas ayuu ku arkay nidaamkii beeraha ee faashiistaha, kaas oo ahaa nidaam aad u naxariis daran. Nidaamku wuxuu ku tiirsanaa shaqaale la qasbo iyo kuwa aan mushahar ku filan lahayn. Wuxuu qoysas badan oo deegaanka ah ku riday xaalado u dhow addoonsi. Aadan wuxuu qarin jiray cadhadiisa, sababtoo ah si furan oo uu nidaamka uga hor yimaado waxay halis gelin kartay noloshiisa iyo badbaadadiisa.
Guddoomiyiha degmada Francesco Cossu wuxuu ahaa nin aad u naxariis daran. Wuxuu shaqaale Warsame Cumar Siyaad ku xukumay shan maalmood oo xabsi ah isaga oo aan baaritaan iyo caddeyn toona sameyn, sababtoo ah Warsame wuxuu ka hor yimid hadalka ganacsade Talyaani ah. Cossu wuxuu sheegay in ciqaabtu Warsame bari doonto sida qof “dhalad” ah uu u dhaqmo. Dhacdo kale, shaqaale beeraha ka shaqaynayay ayaa ka cabtay mushahar aan la siin. Markii Cossu beerta tagay, mulkiilihii Peraglia ayaa shaqaalihii karbaashay. Halkii uu joojin lahaa, Cossu wuu daawaday, xitaa wuu ka qayb qaatay. Cossu wuxuu sidoo kale fagaaraha ku karbaashi jiray Soomaalida.
Nolosha Qoyska, Geesinimada Siyaasadeed iyo Ka-hortagga Takoorka Gumeysiga
Cossu waxaa sannadkii 1934 beddelay Cesare Del Prato, kaas oo Soomaalida ula dhaqmi jiray si gebi ahaan ka duwan. Sannadkii 1935, Aadan wuxuu la kulmay Caasha Cilmi Mataan oo markaas ahayd toddoba iyo toban jir. Markii Aadan uu guur ka dalbaday, Caasha waxay ku adkaysatay in oggolaanshaha aabbaheed la helo. Aadan wuxuu doon ku aaday Gaalkacyo si uu oggolaanshaha u soo helo. Aabbaheed markii hore wuxuu dalbaday yarad dhan labaatan geel ah, laakiin saaxiibbada Aadan ayaa ka caawiyay in dalabkaas laga dhigo 2,000 liire. Guurku wuxuu dhacay 23-dii Oktoobar 1935.
Markii Dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobiya bilaabmay 1935. Xaaji Faarax waxaa loo wareejiyay Muqdisho si uu turjubaan ugu noqdo janaraal Graziani. Aadan wuxuu qabtay booskii Xaaji Faarax ee Shalambood, waxaana loo dallacsiiyay shaqaale heerka koowaad ah.
Wax yar kaddib, xog-bixiye la oran jiray Warsame Cumar, oo doonayay aargoosi, ayaa si been ah u eedeeyay saddex ka mid ah saaxiibbadii Aadan, kuwaas oo kala ahaa Axmed Maxamuud, Cismaan Xuseen iyo Maxamuud Aflow. Waxaa lagu eedeeyay inay Itoobiya taageerayeen iyo inay dadka ku dhiirrigelinayeen inay liiraha u beddelaan dahab. Maadaama maxkamad millatari ay xukun dil ah gaari kartay, Aadan ayaa arrinta farageliyay. Wuxuu Warsame Cumar ku qasbay inuu qirto, iyadoo ay goob joog yihiin markhaatiyaal iyo gudoomiye Del Prato, inuu isaga sameeyay eedeymahaas. Del Prato wuxuu arrintaas kala xariiray xeer-ilaalintii militariga, taasoo keentay in saddexdii nin la sii daayo.
Caasha waxay Aadan ugu timid Shalambood sannadkii 1936, waxayna dhaleen laba wiil oo kala ahaa Cabdulqaadir iyo Maxamed. Inkasta oo Aadan xirfaddiisa horumar ka sameysay, haddana wuxuu weli la kulmaayey takoorka gumeysiga. Sannadkii 1939, isagoo saaran baska Talyaaniga ee CITAO, darawalka gaariga Rossi wuxuu diiday inuu istaago meel u dhow tuulada dadka deegaanka. Aadan si degan ayuu u weydiiyay sababta, laakiin Rossi wuxuu ugu jawaabay caay iyo hanjabaad ah inuu wejiga ka burburin doono.
Koox caddaan ayaa markaas jiiday oo geeyay maqaaxi u dhow meesha, waxayna sabab u noqdeen inuu waayo boorsadiisa oo ay ku jireen buugaag, ka dibna qol xabsi ah ayay ku xireen. Markii la sii daayay, Aadan wuxuu gudbiyay warbixin qoraal ah oo uu ku dalbanayo caddaalad. Saraakiil sare oo fashiistayaal ah waxay doonayeen in lagu ciqaabo “geesinimadiisa”, laakiin Del Prato ayaa difaacay.
Maalintii xigtay, Cossu oo ahaa gudoomiyihii hore degmada Shalambood, oo markaas joogay Marka, ayaa Aadan kala hadlay dhacdadii baska. Cossu wuxuu ku dooday in nin madow uusan waligiis la sinnayn karin nin caddaan ah. Aadan wuxuu ugu jawaabay inkasta oo guddoomiyuhu xirfad ahaan ka sarreeyo, haddana uusan bani’aadamnimo ahaan isaga ka sarreyn. Cossu aad ayuu u xanaaqay, laakiin Del Prato ayaa mar kale soo dhex galay. Wuxuu Aadan kula taliyay inuu ka tanaasulo codsigiisii ahaa in loo wareejiyo meel kale, sababtoo ah wuxuu ka cabsaday in Cossu ka aarguto.
Waayo-aragnimadii Cusmaan soo maray waxay ku hoggaamisay inuu gumaystayaashii Talyaaniga u kala saaro saddex qaybood. Qaybta koowaad waxay ahaayeen kuwo arxan daran oo ku raaxaysta dullaynta Soomaalida, sida Cossu, kuwaas oo si ula kac ah u tacaddiyi jiray dadka Soomaaliyeed kana qaadi jiray xuquuqdooda iyo karaamadooda bini’aadamnimo.
Qaybta labaad waxay ahaayeen fuliyayaal aan si buuxda ugu qanacsanayn nidaamka gumaysiga, sida Del Prato. Inkasta oo ay ilaalinayeen mudnaanta iyo kala sarreynta jinsiyadeed ee ay dawladda Rome ku soo rogtay dhulalka la gumaysanayay, haddana waxay shaqaalaha Soomaalida ah ee ay wada shaqaynayeen ula dhaqmi jireen si tixgelin iyo dareen bini’aadamnimo leh, iyagoo ixtiraamaya karaamadooda aasaasiga ah.
Qaybta saddexaad waxay ahaayeen milkiilayaasha beeraha waaweyn ee ku teedsanaa webiga Shabeelle. Kuwaani waxay beeralayda ka qaadan jireen dhulkooda, waxay dadka ku khasbi jireen inay shaqeeyaan, shaqaalahana waxay ula dhaqmi jireen si bini’aadamnimada ka baxsan. Sidoo kale, waxay si arxan darro ah u ciqaabi jireen cid kasta oo isku dayda inay ka baxsato ama ka cararto shaqada qasabka ah.
Isku-filnaashaha Dhaqaale, Koboca Aqooneed iyo Siyaasadda Waddaniyadda
Sannadkii 1941, ciidamadii Millatariga Ingiriiska ayaa jebiyay Talyaanigii oo la wareegay maamulka Soomaaliya. Dhammaan shaqaalihii dowladda Talyaaniga, oo uu Aadan ku jiray, waxay waayeen shaqooyinkoodii. Aadan wuxuu isticmaalay kaydkiisa iyo dhowr bilood oo lacag magdhow ah.
Wuxuu furtay dukaan yar oo tafaariiq ah, wuxuu sameystay xarun shidaal lagu iibiyo, wuxuuna guri qoys ka dhistay Beledweyne. Waxaa kale oo ay gaari xamuul wadayeesheen Xaaji Faarax, kaas oo badeecooyin u kala qaadi jiray Itoobiya iyo gobollada waqooyi ee Soomaaliya. Guusha ganacsigiisu waxay siisay isku-filnaansho dhaqaale, madax-bannaani shakhsiyeed iyo xorriyad uu kaga fogaado ku-tiirsanaanta dano siyaasadeed.
Markuu helay waqti firaaqo ah, Aadan wuxuu bilaabay inuu si ballaaran u akhriyo, daraaseeyo arrimaha caalamka, isla markaana iskii u barto afka Ingiriisiga. Arrintaas waxay ka dhigtay mid ka mid ah dadka Soomaalida ugu aqoonta iyo fahamka siyaasada badan ee dhulkaas. Wuxuu sidoo kale noqday qof si gaar ah ugu xeel dheer afka Talyaaniga.
Sannadkii 1944, Aadan wuxuu u safray Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay aasasayaashii Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYC). Wuxuu ku biiray ururka isaga oo noqday xubintii 30aad. Isla waqtigaas, wuxuu diiwaangeliyay Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo noqday xubinta 29aad.
Markii uu Beledweyne ku laabtay, wuxuu qoray Shiikh Cali Jimcaale. Isaga iyo Shiikh Cali waxay si is-dhaaf ah u qaban jireen xilka xoghayaha laanta ururka. Aadan waxa kale oo uu warqado u qori jiray bogagga tifaftirka ee wargeysyada Ingiriiska isaga oo difaacaya xuquuqda Soomaalida.
Shirweynihii qaran ee ururka sannadkii 1947, Aadan wuxuu soo jeediyay in magaca ururka laga beddelo Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYC) loona bixiyo Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL). Fikraddiisa waxaa dhiirrigeliyay Ururkii Islaamiga ahaa ee Pakistan (PIL). shirweynuhu si aqlabiyad leh ayuu u ansixiyay soo jeedintaas.
Aadan wuxuu ahaa Muslim cibaado badan. Markii wiilkiisii yaraa, Maxamed, uu ka soo noqday dugsi Talyaani ah oo Muqdisho ku yaallay isagoo sheegay in lagu baray in Maryan ay tahay hooyada Ilaah, Aadan isla markiiba carruurtiisii ayuu dib ugu celiyey Beledweyne si uu u ilaaliyo caqiidadooda. Sannadkii 1950, Aadan waxaa loo aqoonsaday inuu ahaa fikir-yahankii ugu muhiimsanaa ee qorshaha SYL.
Shanta Dabeecadood ee Qaabeeyey Shakhsiyadda Aadan Cabdulle Cismaan
Carruurnimadii adkayd ee Aadan, waayo-aragnimadiisii shaqo, iyo iska-caabbintii uu kala hor yimid dulmigii gumeysiga ayaa qaabeeyay shan sifo oo muhiim ah oo saameeyay aragtidiisa siyaasadeed. Sifada koowaad waxay ahayd isku-filnaansho. Guushiisa ganacsi waxay u saamaxday inuu qoyskiisa si madax-bannaan u masruufo, isla markaana uusan ku tiirsanaan danno siyaasadeed.
Sifada labaad waxay ahayd dareen aad u xooggan oo uu u qabay dulmiga iyo kala-talisnimada. Waayo-aragnimadiisii tooska ahayd ee cadaadiskii fashiistaha waxay ka dhigtay inuu si qoto dheer u fahmo ku-takri-falka awoodda siyaasadeed iyo dhibaatada ka dhalata awood aan isla-xisaabtanka laheyn.
Sifada saddexaad waxay ahayd habkiisa heshiisiinta iyo wada-xaajoodka. Aadan wuxuu doorbidi jiray wada-hadal, tanaasul iyo heshiisyo wax-ku-ool ah oo lagu dhexdhexaadiyo dhinacyada danaha kala duwan leh, halkii ay abuurmi lahaayeen iska-horimaadyo aan loo baahnayn.
Sifada afraad waxay ahayd sida uu uga go’nayd ku dhaqanka sharciga iyo caddaaladda bulshada. Waayo-aragnimadii uu u lahaa caddaalad-darradii iyo garsoorkii aan nidaamka lahayn ee gumeysiga waxay xoojisay aaminsanaantiisa ku aaddan ku-dhaqanka sharciga, sinaanta, caddaaladda iyo xuquuqda bulshada.
Ugu dambayntii, wuxuu horumariyey nooc qarannimo ah oo ka soo horjeedda qabyaaladda. Aadan wuxuu aqoonsanaa in qabiilka iyo xiriirka xigtadu ay yihiin xaqiiqooyin ka jira bulshada Soomaaliyeed, balse wuxuu si cad u diidanaa siyaasadda ku dhisan qabyaaladda. Ma uusan rabin inuu xiriirka qabiilkiisa uga faa’iidaysto helidda mudnaan siyaasadeed ama horumarinta mustaqbalkiisa siyaasadeed.