Fahamka Aydooloojiyada Pancasila

W/Q: Siciid Maxamed Axmed (Carafaat)

Hordhac 

Annigoo akhrinaya buugga uu qoray Xuseen Sheekh Cali ee Aragtida Dawladnimada (The Idea Of The State), gaar ahaan cutubka afraad ee uu kaga hadlayo Waxbarashada, Akhlaaqda iyo Dib-u-dhiska Damiirka, cinwaan hoosaadkiisa “Bogsiinta Ruuxda Soomaaliyeed”, ayaan markii igu horraysay kula kulmay ereyga “Pancasila” oo uu tusaale usoo qaatay, wuxuu yiri “Induniisiya waxa ay si kutalogal ah u bartay ubadkeeda ‘Pancasila, oo ah shan mabda’ oo u taagan midnimada iyo caddaaladda. Iskuullada ayaa mabaadii’daas lagu dhigayay, si loo soo saaro arday caqli iyo damiir leh”. Arrintan wuxuu qoraagu ku keenay in dhibaatada bulsho aysan mar walba ahayn waxbarasho la’aan, balse ay tahay marka aqoontu ku guuldarraysato inay hagto damiirka iyo akhlaaqda bulshada. Sida uu tilmaamayo, nabarrada bulshooyinka ma aha oo keliya kuwo ka muuqda hay’adaha iyo nidaamyada siyaasadeed, balse waxay sidoo kale ku jiraan ruuxda, qiyamka, iyo kalsoonida ay dadku isku qabaan. Wuxuu tilmaamay in dib-u-dhiska qaran dhab ahi u baahan yahay in la bogsiiyo dhinacyada qarsoon ee bulshada, lana mideeyo aqoonta, damiirka, iyo qiyamka.

Aydooloojiyadan Pancasila waa xero-u-dhalan kasoo dhex fuftay aragtihii ay indunuusiyaanku isugu diyaarinayeen inay gobonimadooda ku ilaashadaan, seesna uga dhigaan qaran dhiskooda. Indunuusiya ma ahayn bulsho hal hayb ku abtirsanaysay oo wadaagtay dhaqan, diin, ama af , balse waxay ahayd dad kala duwan oo ka soo baxay gumaysi dheer, iyagoo ka dhaxlay xuduudo iyo qaabdhismeed dawladnimo oo gumaystahaasi sameeyey. Si kastaba ha ahaatee, shacabka indunuusiya waxay ku guuleysteen inay qalfoofkii dawladnimo ee gumaysigu ka tagay ku dhex abuuraan ruux indunuusiyaan ah, iyagoo ku dhisay aqoonsigooda qiyamkooda, dhaqamadooda, aaminaadooda, iyo kala duwanaanshahooda bulsho. Halkaas ayay Pancasila uga dhalatay isku dayga ah in la sameeyo tiir mideeya bulsho aad u kala geddisan.

Aydooloojiyadan dhaladka ah waxay saldhig u noqotay isku haynta in ka badan 17,000 oo jasiiradood, oo ay ku nool yihiin in ka badan 1,300 oo qowmiyadood oo ku hadla boqollaal luuqadood oo kala duwan. Falsafaddani waxay noqotay hayb qaran oo u oggolaatay bulshooyinkaa ku kala duwan dhaqanka, diinta, iyo afka inay ku hoos midoobaan dallad qaran oo wadaag ah, iyada oo aan laga tirtirin aqoonsiyadooda gaarka ah. Tani waxay ka caawisay indunuusiya inay ka gudubto caqabaddii gumaysigu uga tagay bulshooyin badan oo la gumaystay, kuwaas oo mararka qaar dhaxlayay qaabdhismeed maamul oo dool ah, dibaddana laga soo ergaystay , balse aan lahayn ruux qaran oo gudaha bulshada ka soo baxday. Sida uu tilmaamay Frantz Fanon marka uu falanqaynayay raadadka gumaysiga, dalal badan ayaa halis ugu jiray inay ku ekaadaan qaababkii maamulka gumaysiga iyo hay’ado aan si buuxda uga tarjumayn aqoonsigooda bulsho. Indunuusiya, aydooloojiyadani Pancasila waxay u noqotay buundo lagaga gudbayo fagaagaas, iyadoo dawladnimada lagu lamaaniyey qiyamka, taariikhda, iyo kala duwanaanshaha bulshada indunuusiya. 

Soomaalidu waxay kamid tahay bulshooyinka ku dhacay debinkaa gumaysiga, ee dhaxalkii gumaystaha ka dhigay runta keliya ee dawladnimada casriga ah lagu dhiso, ilaa iyo maanta oo aynu xornimadeenii (1960) ka joogno lixdan iyo shan sanno iyo wax dheer, waxaynu hadba soo ergaysanaa haykal dawladeed, welina maynu abuurin ruux Soomaali ah oo isku xidha dhaqankeena diinteena iyo dawladnimadda aynu raadgurayno. Maqaalakan waxaynu ku lafaguro doonaa fahamka aydooloojiyada Pancasila, waxaynuna kusoo gunaanadidoonaa dulka xaadin aynu ku samayn doono xaalada Soomaaliya.

Fahamka Guud ee aydooloojiyada Pancasila

Aydooloojiyada Pancasila waa nidaam qaayasooro iyo fikrado ah oo noqday saldhigga aqoonsiga qaranka indunuusiya. Ma aha oo keliya aragti siyaasadeed oo dowladda hagta, balse waa falsafad loogu talagalay inay hoggaamiso habka ay shacabka, dowladda, iyo hay’adaha qaranku u fikiraan una dhaqmaan ama shaqada u gutaan. Erayga “Pancasila” wuxuu ka kooban yahay laba eray oo asal ahaan ka yimid luqadda Sanskrit¹ : “Panca” oo macnaheedu yahay shan, iyoSilaoo macnaheedu yahay mabda’ ama tiir. Sidaas darteed, Pancasila waxay ka dhigan tahay shan mabda’ oo loo arko inay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee qaranka indinuusiya.

Pancasila waxaa lagu qeexaa inay tahay aydooloojiyad furan (Open Ideology). Taas macnaheedu waa inay leedahay qiyam aasaasi ah oo aan si fudud loo beddeli kain, laakiin ay awood u leedahay inay la jaanqaado isbeddelada waqtiga. Waxay u oggolaanaysaa indunuusiya inay qaadato horumar cusub, sida tiknoolajiyad, iyo fikrado casri ah iyadoo aan lumin aqoonsigeeda qaran. 

Aydooloojiyadani waxay ku dhisan tahay fikradda loo yaqaan ‘Dawladda Qoyska ah’ (Kekeluargaan), taas oo ah qodobka xudunta u ah kala duwanaanshaha u dhexeeya Pancasila iyo nidaamka xorriyadda shakhsiga ah ee reer Galbeedka (Liberalism). Fikraddani waxay muujinaysaa in qaranka loo arko hal qoys oo wadajira, kaasoo xubnihiisu ay isku xiran yihiin oo ay wadaagaan mas’uuliyad, iskaashi, iyo dan guud. Sidaas darteed, qofka looma arkayo sida shaqsi madaxbannaan oo leh xuquuq gooni ah, balse sidoo kale waxaa loo tixgelinayaa inuu yahay xubin ka tirsan qoyskaa ballaaran oo ay ka dhexeyso tolaysi, isku tiirsanaan iyo wadajir.

Taas beddelkeeda, nidaamka laybaraalka reer Galbeedku wuxuu xoogga saaraa xorriyadda shakhsiga, ilaalinta xuquuqda qofka, iyo heshiis bulsho oo ku dhisan danaha shaqsiyaadka ismaamula. Aydooloojiyadani se waxay aaminsan tahay in danta guud iyo midnimadu ay ka horreeyaan xorriyadda shakhsiga marka ay jirto isdiido labadaas u dhexaysa, si loo ilaaliyo wadajirka iyo xasilloonida bulshada. Sidaas darteed, nidaam qoyseedkani waxa uu noqonayaa falsafad isku xiraysa bulshada, diinta, iyo dowladda, iyadoo ka dhigaya qaranka indunuusiya mid ku dhisan wadajir ummadeed, is-ixtiraam, iyo mas’uuliyad wadaag ah.

Fahamka dhabta ah ee aydooloojiyada Pancasila waxay kasoo dhex mudhay aragtiyihii lagu ciriq-saarayey isdiidooyinkii laga dhex unkayey haybta qaranka bulshada indunuusiya markay u diyaar garoobayeen gobonnimada. Sannadkii 1945-kii, markii ay indunuusiya qarka u saarnayd inay ku dhawaaqdo madaxbannaanideeda, waxaa horyimi foolaadkii horboodayey gumaysidiidka waydiimo culus oo ay ugu wayntahay; sidee loo dhisi karaa qaran ay ku nool yihiin dad leh diimo, dhaqamo, iyo aqoonsiyo kala duwan?, su’aashan waxaa shidaalinayey dhaqdhaqaaqyadii Islaamiga ahaa oo doonayay in shareecada lagu dhaqo dalka iyo xoogaggii wadaniyiinta ahaa oo geestooda u ololeynayay nidaam cilmaani ah oo aan diin gaar ah ku dhisnayn. Loollankan oo asalkiisu salka ku hayay qodobkii koowaad ee Axdigii Jakaarta (Jakarta Charter)² oo ay ku jireen toddoba erey³ oo qeexayay in dadka Muslimiinta ah lagu waajibiyo ku dhaqanka shareecada, way ka xeeladaysteen horwayntii aasaastay qaranka oo ay hormuud u ahaayeen madaxweynihii ugu horreeyey ee Sukarno iyo ku-xigeenkiisii Hatta , waxayna go’aansadeen inay meesha ka saaraan qodobkaas adag si ay u soo jiitaan, una qanciyaan gobollada aan Muslimka ahayn, waxayna waydiintaa sare warcelin uga dhigeen in la sameeyo falsafad qaran oo aan ku koobnaan hal koox oo keliya, balse ay wada qaadan karaan dhammaan bulshada indunuusiya. Sidaas darteed, Pancasila waxay noqotay heshiis bulsho oo isku dayaya inuu isku keeno kala duwanaanshaha dhaqan iyo diimeed ee ay markaas bulshadaasi wajahaysay.

Shantan tiir ee Aydooloojiyadan waxay sees adag u noqdeen, unkida hayb qaran oo muwaadinkasta oo indunuusiyaan ah iska dhex arki karo, tiirarkani waa kuwo isku tolan isla markaana hagaya gebi ahaanba hab-dhaqanka, anshaxa, iyo xeerarka qaranka, iyada oo si dhab ah loogu arko isha rasmiga ah ee ay ka soo burqadaan shuruucda dalka oo dhan. waxayna kala yihiin mabaadi’dani: 

  1. Mabda’a koowaad ee Pancasila waa “Ketuhanan Yang Maha Esa”, oo loo fasiri karo “Aqoonsiga Ilaaha Sarreeya”. Mabda’ani wuxuu muujinayaa in qaranka indunuusiya uu aqoonsan yahay muhiimadda diinta iyo qiyamka ruuxiga ah, isla markaana uu ilaalinayo xorriyadda caqiidada ee qof kasta. Sidaas awgeed, indunuusiya ma noqon dawlad diimeed ku dhisan diin gaar ah, mana noqon dawlad diinta gabi ahaanba ka saarta nolosha bulshada oo cilmaani ah (secular). Waxay dooratay waddo dhexe oo aqoonsanaysa doorka diintu ku leedahay bulshada.

Mabda’ani wuxuu turqunka u mudayaa aragti loo dhan yahay oo ixtiraamaysa awoodda sarraysa ee Alle iyada oo aan qool gelinayn dadka aaminsan diimaha kale ee dalka ku nool. In ka badan isku-xidhnaan dhiig ama isir, aasaasayaashu waxay sawireen in qaranku yahay wax lagu tilmaamay markabka midnimada (Kapal Persatuan), kaas oo xambaarsan dad kala geddisan balse wadaaga sooyaal xanuun badan oo ka dhashay eelkii uu gumeysigii shisheeye kaga tegay bulshadaa gobta ah, waana tan keentay in wadajirka ka dhashay dhibaatadaasi uu noqdo saldhigga dhabta ah ee qaranka.

Tiirka kowaad oo ah rumaynta Ilaaha keliyah wuxuu dammaanad qaadayaa xorriyadda caqiidada iyo ixtiraamka diimaha kala duwan, isaga oo dalku aanu waligii muwaadiniintiisa ku qasbin diin gaar ah. 

  1. Mabda’a labaad waa “Kemanusiaan yang Adil dan Beradab”, oo aynu u dhigi karayno “bini’aadantinimo ku dhisan caddaalad iyo ilbaxnimo”. Mabda’ani wuxuu xoogga saarayaa in qof kasta leeyahay sharaf iyo xuquuq ay tahay in loo ixtiraamo. Wuxuu ku salaysan yahay fikradda ah in qaranku uusan xoog ku dhisnaan karin oo keliya, balse uu ku dhismo ilaalinta karaamada aadanaha iyo xiriirka wanaagsan ee bulshada, waxa uu tiirkani xoojinayaa ixtiraamka aadanaha isaga oo faraya in si siman loola dhaqmo dadka oo dhan.
  2. Mabda’a saddexaad waa “Persatuan Indonesia”, oo macnihiisu noqonayo “Midnimada indunuushiya”. Mabda’ani waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee aydooloojiyadan, maadaama dalka indunuusiya uu yahay dal leh kala duwanaansho ballaaran oo dhinaca qoomiyadaha, dhaqamada, luqadaha, iyo diimaha ah. Mabda’ani wuxuu bulshada ku guubaabinayaa inay ka hormariyaan danta guud, danaha kooxeed ama tan shakhsiga ah. Waxa uu ku boorinayaa in kala duwanaanshaha bulshadu uusan noqon caqabad kala fogaysa, una diida walaalnimada iyo wax wada lahaanshaha, balse uu noqon karo awood lagu dhiso qaran mideysan iyo yool wadajira. Sidaas darteed, aqoonsiga indunuusiya wuxuu ku dhisan yahay fikradda ah in dad kala duwan ay noqon karaan hal qaran haddii ay wadaagaan himilo, qiyam, iyo dareen waddaniyadeed oo laga soo dhanbalay ruuxda, caadooyinka iyo soojireenka bulshada, ee aaan laga soo minguurinin uumiyaha kale. Wuxuuna muwaadiniinta ku hanuuniyaa inay ilaaliyaan wadajirka, iskaashiga, iyo nabadda dhexdooda ah.
  3. Mabda’a afraad waa “Musyawarah Mufakat” oo aynu u fasiri karno “Dimuqraadiyad ku salaysan wadatashi iyo heshiis”. Mabda’ani wuxuu sharaxayaa habka loo gaaro go’aamada siyaasadeed iyo bulsho ee saameeynaya shacabka indunuusiya. Aydooloojiyadani waxay qabtaa in go’aamada muhiimka ah aan lagu gaarin oo keliya ku tiirsanaanta tirada badan, balse lagu gaaro wada hadal, dulqaad, is-dhageysi, is-jidmarin iyo raadinta heshiis ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin. Fikraddani waxay ka tarjumaysaa aragtida ah in dimuqraadiyad dhab ahi aysan ahayn oo keliya in dadka badankoodu ay mar walba ka adkaadaan kuwa yar, balse ay tahay nidaam qof kasta codkiisa iyo aragtidiisa la tixgeliyo.

Tiirkani wuxuu ka mid yahay mabaadi’da ugu muhiimsan ee aydooloojiyadan, maadaama uu isku dayayo inuu isku dheellitiro awoodda aqlabiyadda iyo ilaalinta xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Hannaankani wuxuu dhiirrigelinayaa in hoggaamiyayaasha iyo shacabka ay yeeshaan wadatashi qotodheer ka hor inta aan la gaarin go’aan kama dambays ah, si xalka loo wada aqbalo. Indhaha aragtidan markaynu ku fiirino; go’aanka ugu wanaagsan ma aha midka ay xoog ku qaataan koox gaar ah, balse waa midka ka dhasha faham iyo is-afgarad. Farqiga ugu weyn ee uu kaga duwan yahay nidaamyada dimuqraadiyadeed ee reer Galbeedka waa in nidaamyadaa go’aamada inta badan lagu saleeyo codbixin aqlabiyad (majority vote), sida 50% + 1, taas oo mararka qaar keenta in kooxda badani ay ka adkaato kuwa laga tirada badan yahay, islamarkaana ay qoorta ugeliso hoobad aan laga soo waaqsan . Aragtidani waxay doorbidaysaa isudumid, iyo tanaasul dhexmara dhinacyada bulshada.

  1. Mabda’a shanaad waa “Keadilan Sosial”, oo macnaheedu yahay “Caddaaladda Bulshada” ee dhammaan shacabka indunuusiya. Mabda’ani wuxuu si cad u muujinayaa in horumarka dalka, fursadaha nololeed, iyo kheyraadka dabiiciga ah aysan gacanta u gelin tira yar ama dabaqad gaar ah, balse ay si siman ugu faafaan bulshada oo dhan. Aydooloojiyadani waxay isku xireysaa caddaaladda iyo midnimada, iyadoo sheegaysa in bulsho aan caddaalad ku dhisnayn aysan gaari karin wadajir waara ama horumar dhab ah. Sidaas darteed, caddaaladda bulshada waxaa loo arkaa saldhig lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo midnimada qaranka.

Mabda’ani wuxuu ka tarjumayaa aragtida hoggaamiyihii ugu horreeyay ee indunuusiya, Sukarno, oo aaminsanaa in midnimada (Persatuan Indonesia) iyo caddaaladda bulshada (Keadilan Sosial) ay yihiin laba mabda’ oo is kaabaya oo aan la kala saari karin. Sida uu qabo, midnimo aan ku dhisnayn sinnaan dhaqaale iyo caddaalad bulsho waa mid tabardaran oo aan caga baddan ku taagnayn. Sidaa darteed, falsafadani waxay ku boorinaysaa dowladda iyo shacabka inay dhisaan nidaam hubiya in kobaca dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo fursadaha horumarineed ay si siman u gaaraan dhammaan muwaadiniinta. Tani waxay ka dhigaysaa Pancasila aydooloojiyad furan oo la jaanqaadi karta horumarka casriga ah, iyadoo isla markaana ilaalinaysa aqoonsiga iyo haybta gaarka ah ee indunuusiya. Waxay sidoo kale noqotaa hannaan lagu hago isku dheelitirka horumarka teknoolojiyadda, dhaqaalaha, iyo qiyamka ruuxiga ah ee bulshada, si dalka uu u horumaro isaga oo aan lumin haybtiisa iyo wadajirkiisa ummadeed.

Intaas waxaa dheer, tiirkani wuxuu xoogga saarayaa in dowladdu mas’uul ka tahay yareynta saboolnimada, kordhinta fursadaha shaqo, iyo hubinta in adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, iyo biyaha nadiifka ah ay gaaraan dhammaan bulshada, gaar ahaan dadka nugul. Wuxuu dhiirigelinayaa in hantida dalka si caddaalad ah loo maamulo si aanay u abuurmin fagaag weyn oo u dhexeeya hodanka iyo saboolka. Sidoo kale, mabda’ani wuxuu taageerayaa horumarka waara oo aan waxyeello u geysan deegaanka ama jiilasha mustaqbalka. Sidaas darteed, wuxuu noqonayaa tiir muhiim ah oo isku xiraya horumarka dhaqaale, sinnaanta bulshada, iyo mas’uuliyadda dowladda ee ilaalinta danta guud.

Gebegebo

Ugu dambayn, marka dib loo milicsado lafagurkan aan ku eegnay aydooloojiyada Pancasila iyo sida ay daw ugu furtay kala-duwanaanshaha bulshada Indunuusiya, waxa inagu carinaysaa waydiin culus oo ku saabsan waayo aragnimada dawladnimo ee Soomaaliya: sidee bulsho leh taariikh, diin, dhaqan iyo hayb gaar ah loogu dhisi karaa dawlad casri ah oo aan ka go’in xididdadeeda soojireenka ah iyo jiraalkeedii hore? Pancasila waxay tusaale u noqotay in kala duwanaanshaha bulshada aan loo arkin caqabad, balse loo beddeli karo saldhig qaran oo mideeya dad leh afaf, qowmiyado iyo taariikho kala duwan. Taasi waxay muujinaysaa in dawladnimo waarta aysan ku iman tirtiridda aqoonsiyada bulshada, balse ay ku timaaddo heshiis laga dhex abuuro.

Soomaaliya, marka laga eego dhinacan waxaa la tilmaama inay tahay bulsho isir, diin iyo af wadaag ah , balse weli la tacaalaysaa su’aashaas aasaasiga ah. Soomaalidu waxaa 1960 midowday laba gobol (Waqooyi iyo Koonfur) xornimada ka kala helay labadii gumayste ee Ingiriiska iyo Talyaaniga, balse waxay dhaxashay nidaam dawladnimo oo dool ah oo gumaystuhu kaga dhex tegay. Waxaa la hirgeliyey xeerar iyo hay’ado aan ku dhisnayn qiyam iyo nuxur si buuxda looga soo jeebay taariikhda, dhaqanka iyo qaab-dhismeedka bulshada Soomaaliyeed. Sidaas darteed, halkii laga dhisi lahaa dawlad ay bulshada Soomaaliyeed nafteeda ku aragto, waxaa soo baxay kala fogaansho u dhexeeya haybtii Soomaaliga ahayd iyo dawladnimadii casriga ahayd.

Arrintan waxa ay saldhig u tahay doodda ay aqoonyahanno ay ka mid yihiin Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, Dr. Bulxan, iyo Xasan Keynaan ka bixiyeen burburka dawladnimada Soomaaliya. Saddexdan aqoonyahan waxay ku kala duwanaan karaan falanqaynta, balse waxay si isku dhow ugu fasireen in dhibaatada Soomaalida ay qayb weyn ku leedahay loollanka u dhexeeya saddex tiir oo waaweyn: dhaqanka Soomaalida ee qabiilka ku dhisan, diinta Islaamka, iyo dawladnimada casriga ah. Xasan Keynaan wuxuu arrintan ku fasiray waxa uu ugu yeeray “ isla’egta Soomaalida— The Somali Equation”. Isla’egtaniwaxa ay sharxaysaa bulshada Soomaaliyeed iyada oo u aragta nidaam isku xiran oo ka kooban qiyam, hay’ado iyo hab-dhaqan wada shaqeeya, kuwaas oo si wadajir ah u qaabeeya sida Soomaalidu u fikirto, u go’aansato, una dhaqanto. Aragtidu waxay sheegaysaa in bulshada Soomaalidu aysan ku dhisnayn hal tiir oo keliya, balse ay ka kooban tahay saddex saldhig oo waaweyn: nidaamka qabiilka, dhaqanka Islaamka, iyo nidaamka dawladnimada casriga ah ee reer Galbeedka laga soo qaatay. Saddexdan tiir ma kala go’na, balse waxay sameeyaan “isla’eg bulsho” oo muddo dheer soo samaysantay, is dhexgal iyo la qabsasho joogto ahna ku jirta. Marka mid ka mid ahi miisaankiisu ka cuslaado kuwa kale, isku dheelitirkii nidaamka ayaa burbura, taasoo keenta qalalaase bulsho iyo siyaasadeed.

Aragtidu waxay sidoo kale ku dooddaysaa in fahamka Soomaalida aan lagu koobi karin hal aqoonsi oo keliya sida qabiilka, maadaama qofka Soomaaliga ahi uu mar qura ka wada tirsan yahay qabiil, Muslimnimo iyo muwaadinimo dawladnimo. Sidaas darteed, isla’egta bulsho waxay si dhow ula xiriirtaa fikradda “habitus”, oo ah hab-fikir iyo dhaqan si tartiib ah bulshada ugu samaysma, isla markaana jiilba jiil u gudbiyo. Aragtidu ma doonayso in la baabi’iyo mid ka mid ah saddexda tiir ee bulshada, balse waxay ku talinaysaa in dib loo habeeyo la iskuna dheellitiro si ay si wadajir ah ugu shaqeeyaan, taasoo suurtogal ka dhigaysa in la helo dawladnimo deggan oo si dhab ah uga tarjumaysa xaqiiqada iyo qaabdhismeedka bulshada Soomaaliyeed.

Dr. Bulxan isaguna wuxuu ku adkeeyey in fahamka taariikhda Soomaalida uusan ka go’i karin qaabdhismeedka bulshada iyo isbeddellada taariikheed ee saameeyey dhismaha qaranka.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow isna wuxuu ku doodday, qofka Soomaaliga ah waxaa qaabeeya saddex arrimood oo waaweyn: Islaamka, qabiilka iyo dawladnimada casriga ah. Saddexdan midkoodna lama tirtiri karo haddii la doonayo dawladnimo waarta. Hase yeeshee, taariikhda Soomaaliya waxay muujinaysaa in marar badan la isku dayay in mid ka mid ah tiirarkan la baabi’iyo ama kaalintiisa la yareeyo. Dawladdii kacaanku waxay isku dayday inay meesha ka saarto qabiilka, balse markii dambe iyadii ayaa lagu eedeeyay inay dawladnimadii u adeegsatay qaab qabiilaysan. Dhanka kale, kooxihii islaamiga ahaa ee ka dambeeyey burburka waxay xoogga saareen diinta iyagoo dhayalsaday xaqiiqada bulshada ee ku dhisan dabarada adag ee qabiilka iyo dhaqanka.

Sidaas awgeed, mushkiladda Soomaaliya ma aha oo keliya jiritaanka qabiilka ama diinta ama daciifnimada hay’adaha dawladda, balse waxay ku jirtaa awood la’aanta lagu heshiisiin lahaa saddexdaas tiir. Qabiilka oo aan loo helin hannaan siyaasadeed oo caafimaad qaba wuxuu isu beddeli karaa kalaqaybin; diinta oo aan si sax ah loogu dhex darin nidaamka dawliga ah waxay isu beddeli kartaa loollan siyaasadeed; dawladnimada casriga ahna haddii laga gooyo bulshada ay maamulayso waxay noqon kartaa hay’ad shisheeye oo laaji ku ah bulshada dhexdeeda.

Ugu danbayntii waxaan isleeyeyahay waxaa xal la isku ogolaysiiyo saddexdan tiir, looga dhex raadin karaa aragtida ceerinka ah ee u baahan saafida iyo bislaynta ee uu Xuseen Sheekh Cali ku sharraxay buuggiisa aragtida dawladnimada, ee leh “dhismaha qaranka Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay inuu ku tiirsanaado qiyam isku xira dhaqanka, diinta iyo waajibka madaninimo. Saddexda eray ee Gob, Muumin iyo Waddani waxay noqon karaan sawir ka tarjumaya isku-xirka saddexdaas dhinac: Gobnimadu waa sifo sharafeed ka timaadda xagga dhaqankeenna, oo lagu kasbado daacadnimo, deeqsinimo, geesinnimo iyo ixtiraam. Gobnimo lama dhaxlo, waase lagu noolaadaa.

Diinta Islaamka Mu’minka dhabta ahi waxay ku sifaysay shaqsiga muslinka misana la yimaada dhaqadan suuban; dhawrista ammaanada, u istaagidda caddaaladda, ka fogaanshaha dulmiga, iyo ugu noolaanshaha sharciga Illaahay si is dhuldhig leh.

Waddaniyaddu Ma aha halkudhigyo maran ee waa adeeg. Waddanigu dalkiisa ayuu ka sarraysiiyaa naftiisa iyo qabiilkiisa, waxaanu xilka ummadda u arkaa ammaano, xittaa haddii uu ku dhib mudanayo”.

Sida uu ku dooddayo Xuseen Sheekh Cali; Dawlad Soomaaliyeed oo qiyamkaas ku beerta hay’adaheeda ma noqon doonto oo keliya nidaam sharci iyo xeerar ka kooban, balse waxay noqon kartaa jamhuuriyad ay dadkeedu si dhab ah uga dhex arkaan naftooda. Sidaas oo kale, nugaylka siyaasadeed iyo bulsho ee muddo dheer ina haystay waxaa loo beddeli karaa adkeysi qaran.

Soomaaliya kama maqna hayb ay ku dhisan karto dawladnimo, balse waxa ka maqan hannaan mideeya haybahaas. Sida Indunuusiya ay Pancasila uga dhigtay buundo u dhexeysa kaladuwanaanshaha bulshada, Soomaaliya waxay u baahan tahay heshiis qaran oo isku keena qabiilka, diinta iyo dawladnimada casriga ah, si ay u dhalato jamhuuriyad aan keliya lahayn qalfoof dawli ah, balse leh ruux ay dadkeedu wada leeyihiin.

Cagdhig:

  1. Sanskrit: waa luqad qadiimi ah oo ka soo jeedda Koonfurta Aasiya. Waxay ahayd luqadda ugu muhiimsan ee qoraallada diimeed, falsafadeed, iyo suugaaneed ee Hinduuga, Budhiisamka, iyo Jainism-ka. Sanskrit waxay ka tirsan tahay laanta Indo-Aryan ee qoyska luqadaha Indo-European, waana mid ka mid ah luqadaha ugu faca weyn ee la diiwaangeliyey, iyadoo xididdadeedu dib ugu laabanayaan in ka badan 3,500 sano.
  1. Axdiga Jakaarta (Jakarta Charter): waa heshiis siyaasadeed la diyaariyey 22-kii Juun 1945 xilligii Indonesia ay u diyaar garoobaysay xornimada. Waxaa diyaariyey Guddiga Sagaalka (Panitia Sembilan), waxaana uu ahaa isku day lagu mideynayo kooxihii kala aragtida duwanaa ee ku saabsanaa aasaaska qaranka. Qodobka ugu muranka badnaa wuxuu ahaa qodobka koowaad oo ay ku jireen toddobada eray ee oranayay: “dengan kewajiban menjalankan syariat Islam bagi pemeluk-pemeluknya”, taas oo macnaheedu yahay in Muslimiinta lagu waajibinayo ku dhaqanka shareecada Islaamka. Hase yeeshee, si loo ilaaliyo midnimada qaranka loona qanciyo gobollada aan Muslimka ahayn, erayadaas waa laga saaray 18-kii Agoosto 1945, waxaana lagu beddelay mabda’a “Ketuhanan Yang Maha Esa” (Rumaysnaanta Ilaaha Sarreeya).
  2. Erayadan waxay ku jireen qodobka koowaad ee Axdiga Jakaarta, oo ahaa qayb ka mid ah qoraalkii hore ee saldhigga dastuurka indunuusiya (Pancasila). Qodobka wuxuu ahaa: “Ketuhanan, dengan kewajiban menjalankan syariat Islam bagi pemeluk-pemeluknya.”. Macnaha qodobku wuxuu noqonayaa:

“Rumaysnaanta Ilaaha Sarreeya, iyadoo waajib ku ah dadka Muslimiinta ah inay ku dhaqmaan shareecada Islaamka.”

  1. Habitus waa fikrad cilmiga bulshada ku saabsan oo uu soo jeediyey Pierre Bourdieu, waxayna tilmaamaysaa hab-feker, dareen iyo dhaqan si tartiib ah qofka ugu samaysma noloshiisa. Waxay ka dhalataa barbaarin, waxbarasho iyo bulsho, waxayna hagtaa sida qofku u arko dunida iyo u dhaqmo si aan si toos ah looga fikirin.

Tixraacayo

  1. Sumaryati, S. (2025). Opportunities and challenges of Pancasila as an alternative ethics for global citizenship. Proceedings of the 5th Annual Civic Education Conference (ACEC 2024), Ahmad Dahlan University, Yogyakarta. https://www.atlantis-press.com/proceedings/acec-24/126008981
  2. Sampoerna University. (n.d.). Pancasila ideology: Definition, examples and functions. https://www.sampoernauniversity.ac.id/news/pancasila-ideology-definition-examples-and-functions
  3. BPIP (Badan Pembinaan Ideologi Pancasila). (n.d.). Journal article on Pancasila. https://ejurnalpancasila.bpip.go.id/index.php/PJK/article/view/135
  4. Baadiyow, A. M. (n.d.). Making sense of Somali history.
  5. Xuseen Sheekh-Cali. (n.d.). Aragtida dawladnimada: Dhismaha jamhuuriyad iyo dood akhlaaqeed oo ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya.
  6. Keynan, X. (2024). Keynan Somali Equation Theory: An empirical attempt to explain what led to the collapse of the Somali state. Academia.edu. 
  7. https://www.academia.edu/118907486/Keynan_Somali_Equation_Theory_An_Empirical_Attempt_to_Explain_What_Led_to_the_Collapse_of_the_Somali_State. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *