Talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan barashada Quraanka

Waxaa qoray: Cabdiwali Ciid

Maqaalkani waa soo koobidda muxaadaro uu jeediyay Sh Xuseen Cabdirasaaq oo xambarsaan talooyin waxgal ah oo quseeya barashada Quraanka iyo la noolaanshihiisa. Ugu horrayn wuxuu sheekhu tilmaamayaa in barashada Quraanka lagu koobo xifdigiisa oo qura ay tahay khalad fahan faafay balse ay habboontahay barashada Quraanka in lagu bilaabo xifdintiisa kadibna loo gudbo noocyada kale, sababtuna waa in xifdigu kaa dhigayo mid la noolaado musxafka waqti badan.

Halkaan waxaan ku soo koobaynaa 14 qodob oo kaa caawinaya xifdiga Quraanka oo sheekhu tilmaamay:

1. Ka bilow suuradaha kuu sahlan: Marka aad ku bilowdo suuradaha kuu sahlan ee aad jeceshahay(si gaar ah suuradaha yaryar) waxaa fududaanaysa inaad suurado badan aad xifdido, markaas ayuu dareemayaaa natiijo iyo inuu awood u leeyahay barashada kitaabkaan wayn. Qofku markuu Quraanka baranayo hadduu natiijo mirodhal ah gaarana, dhiirgalin inuu safarkaas sii wado ka saacidaysa ayay u noqonaysaa. Marka aad ka bilowdo aayado dhaadheer oo aadan macnahooda aqoon, oo kugu adag, isla markaana aad muddo dheer ku jirtid hal suurad barashadii waxay noqonaysaa mid adag.

2. Qaybta aad xifdinaysid dhagaysigeeda badi, intaadan xifdiga bilaabin ka hor aad u dhagayso qaybtaas. Marka aad rabto in Qur’aanku si adag qalbigaaga ugu xasilo, waa inaad isku darto dhammaan dareenkaaga: dhegaha (dhageysi), indhaha (akhris), iyo qalbiga (fahan iyo u fiirsi).

3. Dhagayso qaari’ga adigoo isla markaasna Musxafka eegaya oo la socda aayadaha uu akhrinayo. Xitaa suuradaha aad sida fiican u taqaanid ka akhri Musxafka, si aad ula qabsato aragga eray kasta, xarakadiisa, iyo meelaha lagu joogsanayo ama laga bilaabayo(الوقف والأبتداء ).
Habkan ayaa xifdinta ka dhigaya mid xooggan oo si qoto dheer qalbiga ugu xasila.
Marka ugu horraysa waxaad xifdid miskaxda way ku xasilaan , haddii aad bilowga qaab khaldan aayadda u xifdisid way adkaanaysaa in gadaal laga saxo, sababtoo ah carrabkaaga ayaa la qabsaday sidaas darteed bilowgaba ku dadaal saxsanaanta, dhagaysiga Quraankuna arrinkaan ayuu kaa caawinayaa.

  1. Waa Inaad quraanka ku dul akhrisid sheekh aqoon fiican u leh Quraanka iyo axkaamta tajwiidka. Khaladaadkaaga ayuu ka saxayaa, akhriskaaguna si tartiib ah ayuu u hagaagayaa. Sidaas ayaad ku helaysaa xifdin iyo sixid wada socda. Haddii aad macallin aad caadi ula kulantid aad waysid xitaa, internetka kaa raadi. Haddii aad ku qasbanaatid inaad lacag ku bixisidna ku bixi,illeen wax barashada Quraanka ka mudan oo aad wax ku bixin lahayd ma jirto, sheekhuna waqtigiisa ayuu ku siinayaa dadaalna wuu kugu bixinayaa oo wuu mudanyahay in wax lagu siiyo waqtigaas uu ku siiyay.
  2. Waa inaad badisid fiirinta iyo ka akhrinta musxafka, dadka qaar markay aayadda wax yar akhriyaanba , dusha ayay ka akhriyaan oo ma fiiriyaan kitaabka arrinkaanna wuxuu sababi karaa in qofku aayadaha qaar si khaldan u xifdiyo. Waxaa fiican inaad marar badan Musxafka ka akhrido oo aad si fiican u eegto. Markaad dareento in aayaduhu si dhab ah qalbigaaga u gashay, markaas ayaad bilaabi kartaa inaad Musxafka xirto oo aad ka dusha ka akhrido.
  3. Macallinkaagu yuusan noqon qofka ugu horreeya ee Quraanka kaa dhagaysta sababtoo ah waxaa la raba markaad macalinka uga baxaysid mid fudud oo khalad lahayn,kaliya macallinku talooyin yaryar uu ku siiyo ee khaladaad waawayn uusan lahayn. Saaxiibkaa ama walaalkaa ama qof kale ha kaa dhagaysto marka hore.
  4. Inaad aad u badiso dhageysiga suuradda aad xifdinayso. Markad qolka nadiifinaysid, ama dariiqa maraysid iyo mar walba oo aad fursad u heshid dhagayso. Gaar ahaan haddii suuraddu kugu adkaato, aad u dhagayso, hubaashii qalbigaaga way ku xasili doontaa. Sheekhu wuxuu intaas ku darayaa, Quraanka barkiis inuu ku xifdiyay dhagaysi.
  5. Waa inaad ku tukatid suuradda aad xifdinayso salaadaha faralka iyo kuwa sunnada ah(si gaar ah salaatu laylka). Ha ku ekaan suuradaha gaagaaban ee aad mar walba ku tukato, ee ku tuko kuwa aad hadda baranayso, arrinkani wuxuu kaa caawinayaa inaad si dhab ah u xifdiso, kana akhrin karto meel kasta oo suuradda ka mid ah oo aadan u baahan in bilowga aad ka soo bilowdid si aad iskugu xirtid. Dadka qaar suurada markay bilowgeeda ka bilaabaan xifdigoodu waa fiicanyahay balse haddii aayad dhexda ku jirta looga bilaabo ma sii wadi karaan. sifooyinka dadka suuban ee Alle ammaanay waxaa kamid ah inay lahaayeen qayb habeenka ka mid ah, oo ay ku akhriyaan Qur’aanka, salaadda habeenkuna waxay si wayn u caawisaa xifdinta iyo fahanka Quraanka.
  6. Waxaa kale oo xoojiya xifdiga inaad samaysataan kulamo akhris wadareed ah oo adiga iyo saaxiibadaa aad si wadajir ah u akhrisaan suuradda aad xifdinaysid.
  7. Sidoo kale waxaa xifdiga xoojiya inaad baratid micnaha suuradda; Arrintani waxay kaa caawinaysaa inaad kala saarto aayadaha isku eg. Dad badan ayaa aayado isku khaldi jiray, laakiin markii ay fahmeen macnaha iyo sababta ay aayaddu u soo dagtay, si fudud ayay u kala saareen oo qalbigooda ay ugu xasishay.
  8. Mar walba musxafku ha kula socdo oo ka faa’iidayso wakhtiyada sugitaanka: Gadiidka, dhakhtarka iyo ballamaha kalaba. Markaad mar walba gacanta ku hayso, wuxuu ku xusuusinayaa Qur’aanka, firaaqo yar hadaad hesho haba yaraatee ka faa’iidayso. Qofku marka uu shayga hortiisa dhigto oo si joogto ah uu u arko, si fudud ayuu ku xasuustaa shaygaas ahmiyadna wuu siiyaa, sidaas darteed Musxafku yuusan kaa harin.
  9. Suuradaha kugu adag ee xifdigooda aad ka cabsato kaligood waqti sii oo isbuuc dhan suuradahaas kaligood sii oo wax kale ha xifdin, waxaad gaari doontaa markaa heer suuradaha Quraanka oo dhan isku mid kuu noqdaan oo si siman aad u sugtid xifdigooda.
  10. Ugu dambayn, waxaa jira sabab aad u weyn oo ka sarreysa xifdinta iyo murajaacada, waana:
    • Alle ka cabsiga iyo ku dhaqanka Qur’aanka.
    • Inta aad ku dhaqanto Qur’aanka, aad u samirto, naftaada aad ku adkayso inay raacdo amarkiisa oo aad ka fogaato waxa uu reebay, intaa le’eg ayuu Alle Qur’aanka qalbigaaga ku sugayaa.

Qur’aanku wuxuu leeyahay awood uu ku xukumo nafta:
Wax buu amraa, wuuna reebaa, wuu bishaaraynayaa, wuuna digayaa. Marka aad u hoggaansanto Quraanka, wuxuu noqdaa iftiin iyo hanuun ku jira qalbigaaga.
قال النبي صلى الله عليه وسلم: والقرآن حجة لك أو عليك
وقال: إن الله يرفع بهذا الكتاب أقواماً ويضع آخرين

Waxyaabaha ugu waawayn ee mudan inaad raadisid waa inay ka mid noqoto inaad Quraanka si fiican u baratid. Bal qiyaas adigoo Quraanka si fiican u xifdiyay, aqoon u leh axkaamtiisa, iyo halka lagu joogsan karo aayaddda iyo halka laga bilaabi karo, iyo halka xarfuhu ka soo baxaan,sidoo kalana yaqaanna suuradduu halkay ku soo dagtay, sababtay u soo dagtay, mowduuceeda, qisooyinkeeda; qofka sidaan ah iyo qof yaqaanna kaliya sida Quraanka loo akhriyo farqi wayn ayaa u dhaxeeya.

Ugu dambayn; waa inaad ogaatid qiimaha kitaabkaan,iyo inuu yahay waxa ugu mudan ee la barto, sababtoo ah waa hadal kan ugu saxsan, waa hadalka Alle. Waqtina aad siisid barashadiisa. Caqabad kasta oo ku qabsata ha joojin ee sii wad, hana ka dhigin joogtaynta barashada Quraanku mid ka xiran in xifdigu kuu fududyahay, bal’e dhibaatooyinka xifdiga kaa haysta waa wanaag iyo khayr ajar badan lagu helayo, Allena hadduu kaa arko; runnimo iyo doonis daacad ah, Alle ka cabsi iyo samir; saddexdaan arrin haddii lagaa helo wuu kuu fududayn doonaa oo wuu kugu kaalmayn barashadiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *