Waxaa qoray: Yaxye Caddaani
Todobaadkii ina dhaafay waxa aan waqti u helay akhrinta Buugga: ” Afka Hooyo Waa Hodan” daabacaddiisii labaad oo soo baxday 2019-kii, ayna daabacday madbacadda Garanuug. Buuggu waa mid si farshaxammo leh uu ugu fara yaraystay Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan, oo ahaa qoraa qalin cuddoon. Badana qoraalladiisu waxa ay ku dul wareegaan afka Soomaaliga, Suugaanta iyo taariikhda bulshada Soomaalida. Maxamed Baashe X. Xasan (AHU) waxa uu ahaa Qoraa, Saxafi, Af-aqoon, halgamaa, Siyaasi, iyo taariikhyahan raad gura taariikhda Soomaalida iyo suugaana. Maxamed Baashe, Wuxuu ku dhashay deegaanka Maygaagle ee duleedka Sacma-daaq oo ka tirsan dagmada Buuhoodle, hillaadii 1963-kii, isaga oo god galay 8-dii Juun 2020-kii, waxaana lagu aasay magaalada London ee carriga Uk.
Buuggan oo uu daabacaddiisi labaad soo baxday 2019-kii waa noocyada dhexe ee buugagga. Waxaanu ka koobanyahay 300-oo bog. Maxamed, buugga waxa uu u qaybiyay 11-waaxood oo uu si milga leh oo aad la ashqaraarayso ugaga faalloonayo hodannimada afka iyo sidii uu uga soo doogay hayaankii adkaa ee nolosha reer guuraanimada bulshada Soomaalidu ku sugnaayeen qarniyo badan. Waayahaasi oo ay ku lammaanaayeen nolosha bulshada abaaro daba-dheeraaday, cudurro baaha oo jiitama, iyo colaado riiqdoodu dheeraato. Sidaa awgeed, buuggani waydiinta koobaad ee uu ka hel celinayaa, isla jeerkaana si hagaagsan uu uga tibaax bixinyaa waa sababihii keenay afka oo aan qornayn in uu kasoo doogo hirrigiihii iyo haydaarooyinkii ay bulshadiisu ku sugnayd, ayada oo aanay jirin dugsiyo afka lagu barto isla mar ahaantaana lagu daryeelo, bal e sida uu qoraagu tilmaamayo af dadkiisu uu ahaa: ” Hadlaa, aan waxba qorin”.
Waxa uu hordhaca buugga ku tilmaamayaa in aanu afku dayacmin, in ay kaalin wayn ka qaadatay suugaanta jaadadkeeda kala gadisan, gabaygu hawguba horreeye. Biyo-dhaca buuggu se waa dhawr qodob oo iskaashanaya ama isbuuxinaya oo kala ah:
1-Qiimaha afka iyo ahmiyaddiisa, heerarkii sooyaalka qoraalka farta Soomaaligu soo martay, isirro afka madhxintiisa u taagnaa xilligii aanu qornayn, hodantinnimadiisa ka marag kacaya oo dhinaca tarminta iyo tayada ereyadiisa qaabbilayey, meerisyo gabay oo sidii maahmaahda u dhaqan galay, gabay-ku-maahmaahyo beyd ama beydad aynu u bixinnay, maanso-ku-sheekaynta suugaanneed, doorarka iyo xaaladaha shibbaneeyaasha labanlaabma, qabyada qoraalka afka Soomaaliga iyo raadadka afafka qalaad ku yeesheen afka Soomaaliga, gaar ahaan Carabida, Ingiriisida, Talyaaniga, iyo kuwo kale, ugu dambayntii waxa uu buuggu isweydiinayaa in af Soomaaligu dabar go’ ka badbaadi karo!
Maxamed, waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa qiimaha afka iyo ahmiyaddiisa. Waxa uu hoosta ka xarriiqayaa afku in uu yahay nimco Eebbe aadanaha ku galladay, oo tan iyo kolkii la unkay uu iska soo dhaxlaayay. Waxa uu xusayaa in uu afku yahay qalabka kaliya ee lama huraanka u ah wada xidhiidhka iyo horumarinta aadanaha, isaga oo tilmaamaya in haddii afka la waayo maqalkana la beelo, qofkuna sidaas uu ku noqdo amuumane aan hadli karin. Qoraagu waxa uu tibaaxayaa afku in uu yahay xabagta isku xidha aadamiga iyo is-afgaradkiisa, isu soo hilawgiisa, iyo war iyo wacaal is waydiintiisa. Afku waa baadi-soocda bulshada lagaga sooco bulshooyinka kale. Waxa uu daadafaynayaa dadka aaminsan afka Soomaaligu in uu ka liito afafka kale, isaga ku dooday in afsoomaaligu aanu ahayn af liita ee dadkiisi ay ka gaabiyeen kaalin galkiisi.
“Adduunyada af baa fura
Aqoontana af baa qora
Dhaqankana af baa sida…”–Yuusuf-Shaacir.
Bulshada afkeeda aqoomayn wayda ee beer darraysaa, afaf kale ayay martidaa, waxaanay garwaaqsadaan afkaasi in uu yahay af aqooneed, waxay se hilmaansanyihiin af walba cidda lihi in ay ka dhigi karto af aqoomaysan iyo mid aqoon ka arradan.
Qoraa Maxamed, waxa uu si yaab leh ugu tiiqtiiqsanayaa isirrada afka hodaneeya, iyo sida aanay Soomaalidii hore afka oo aan wali qoraal galin aanu uga tasoobin, illaa dharaartii qoristiisa lagu dhawaaqay: 1972, iyo maantii la hirgaliyay:1973-dii. Maxamed, waxa uu u jidbixinayaa isirrada afka hodaneeya, in ay ka mid yihiin: ” Gabayga, geeraarka, guuxa, masafada, saarka, geeraarka, maahmaada, ciyaar dhaqameedka kala duwan, hees carruureedda, iyo hees hawleedyada xoolaha…” iwm, ayaa ahaa kayd wayn oo qayb laxaad leh ka qaatay madhxinta af soomaaliga. Kaydadkaasi waxa ay Soomaalida ugu jiraan barta ay quruumaha kale ugu jiraan maktabadaha iyo matxafyada lagu kaydiyo aqoonta iyo taariikhda. Sidaa darteed suugaanta qaybaheeda kala duwan, gabayguba hawgu boqranaadee ayaa ahaa isirrada ugu xoogga badan ee afka hodmiyay.
Buuggu waxa uu si heer sare ah usoo tabinayaa isirrada afka hodmiya. Waxa uu tusmaynayaa in afka Soomaaligu uu hodantinimo ku dhaato in ay qayb laxaad leh ka qaadatay hooyadu, oo heesaha carruurta ee bajinta,dhiirrigalinta, iyo sheeka xariirada lihi mar waxa ay muujiyaan kartida hal-abuurka haweenka Soomaliyeed, marna waxa ay soo bandhigaan hodantinnimada afka Soomaaliga. Oo waatuu Hadraawi ku maansooday:
” Hooyay la’aantaa
Higgaad lama barteeno
Hooyooy la’aantaa
afka lama kareeno” —Hadraawi
Qooraagu, waxa uu xubintaa uu ku taxayaa heeso kala jaad ah oo ku dheraran nolosha barbaarinta ilmaha soomaaliga ah oo ay dhamman heesahaa hal abuureen hooyooyinka soomaalidu. Waxa Qoraagu si cajiib ah ugu tiiqtiiqsanayaa sheekada iyo maadaysiga, oo bulsho kasta oo afkeeda iyo suugaanteedu nooshahay waxa qasab ah in laga dhex helo afkeeda maadaysyo iyo sheekooyin. Asalka waxaa u badan haweenka, walaw ay jiraan qaybo ragga ay wariyaan. Waxaanu taxayaa maadaysyo iyo sheekooyin xiisa badan. Waxa xiisaha goonnida ah leh, sida uu u falkiyay kaftanka haasawaha, iyo hal-xidhaalaha, iyo kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaataan hodminta afka, isla markaana geeddi galiya afka iyo aftahammada. Fagaarayaasha Soomaalidii hore isugu iman jirtayna lagama waayi jirin kaftan iyo haasaawe, oo isu imaanshaha bulshada xiise u yeela. Waxaanu si quman inoogu tabinaya kaftannadaas, iyo hal-xidhalayaashaas oo aad la ashqaraarayso.
Maxamed, waxa uu si faahfaahsan uga sheekeeyay suugaanta iyo kaalinteeda hodminta iyo dhawrista afka. Waana xubinta ugu culus ee qoraagu buugga kaga faallooday, malaha saddex qaybood buugga marka loo kala jabiyo qayb ayaa uu mawduucaas kaligii kaga faallooday. Maxamed, waxa uu mawduucan ku lafa gurayaa meerisyo gabay oo maahmaahoobay, sida:
” Rag cadaalad waayay sida cawsha kala yaac”
Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”
Meerisyadaasi, sababta ay maahmaah isugu rogeen ayaa lagu tilmaami karaa qarada iyo cufnaanta murtiyeed ee ay sidaan, iyo xog bixinta lagaga kaaftoomi karo raadinta ujeedada gabyaagu maansadiisa uga gol leeyahay.Sidaas oo kale, qoraagu waxa uu si farshaxanimo ku dheehantahay u sawirayaa qabyada iyo saamaynta luuqadaha qalaad ku yeesheen afka soomaaliga. Sideeda bannaana, afafku waa noole dhasha, kora, kacaama, xoogaysta, oo gabooba kadibna dhinta oo luxudka la dhigo. Maadama oo ay sidaas tahay waxa lagama maarmaan ah in la ilaaliyo, la dhawro, la koriyo, la daryeelo isla jeerkaana la taabbagaliyo. Afku in uu dhinto waxa qayb ka qaata saamaynta afafka shisheeye ay ku yeeshaan, iyo isu furunka dunida ka dhacay wakhti xaadirkan oo barabixinta erayadu ay xoogaysanayaan.
Doc kale, waxa uu soo tabinayaa afku markii uu qormay 1972-dii, 73-diina la taabbagaliyay, waxa qayb laxaad leh ka qaatay ololihii qorista cidhibtirka akhris iyo qoraal la’aanta; manaahijtii waxbarashada oo dhammaan loo tarjumay af soomaali; iyo adeegsigii afka ee maamulka dawladda iyo warbaahinta. Arimahaasi waxa ka dhashay fuf eray bixineed oo casri ah oo layaab leh. Buuggu, waxa uu ku dheeranaya sooyaalka qoraalka fartsa Soomaaliga, heerarkii ay soo martay, farihii dhaladka ahaa. Farihii afka carabiga, iyo laatiinka, iyo gudiyadii kala danbeeyay ee loo sameeyay hir galinta afka, oo guddidii ugu horraysay ay dhiseen ururkii SYL, oo ajandaha uu ugu jiray afka in la qoro marka xornimada la qaato 1960. Waxa uu intaa ku ladhayaa suugaaantii ay hal-abuurkii xilligaasi u curiyeen hirgalinta farta soomaaliga oo ay ka mid ahayd:
“Aqoon qalaad ha moodin
Carrab ku qali maayee
Sidii caanaha qudhqudhi” –Xasan Sheekh Muumin
Maxamed Baashe, waxa uu buuggiisan kusoo afmeerayaa dood odhanaysa: ” Afka Soomaaligu ma badbaadi karaa”. Waa dood taagan una baahan si aqoomaysan in looga doodo. Qoraaguna si dhiillo ka muuqato ayuu u tibaaxayaa afka soomaaligu in uu qarka u saaran yahay dabar go’o, iyo in uu saaxadda macasalaameeyo. Waxa uu taa sabab uga dhigay afka soomaaligu waxa uu ku jiraa afafka la odorosay in uu ka mid yahay afafka dabayaaqada qarnigan dabar go’aya sida ay ONESCO sheeggtay. Waxa kale oo meesha ku jirta qoraaguna uu tilmaamay horumarka afku waa arrin baal socota horumarka ama dibu dhaca umadda nolosheeda dhan dhaqan-dhaqaale, aqooneed, ilbaxnimo iyo maamul. Maanta halka ay bulshada Soomaalidu marayso iyo xaaladaha qallafsan ee ay ku sugantahay saddexdii tobanle ee u danbeeyay, iyo is badallada waa wayn ee carra adag ka dhacaya, iyo kala irdhawga bulshada soomaalida iyo sida uu hoobadka u noqday xidhiidhkii ummadnimo, ayaa sii muujinayaan xaaladda daran ee afka soo wajahaysa sababahaas ayaanu qayla dhaanta iyo waydiinta caynkaas ah ee anaan arag cid is waydiinaysa uu qoraagu ugu xusay dhiganihiisa.Taa liddigeeda, xilliyadii qoraalka afku hirgeliyey ee 1970-aadkii, waxa ummadda ka dhex socday horumar iyo isbeddello la jaanqaadayey. Afku horumarkaas wuu raacay oo kama uu hadhi karayn. Waxa afku iska dhex cabbiray nolosha oo dhan, gaar ahaan rugihii cilmiga iyo aqoonta. Ereybixin buuxda ayaa wax kasta loo helayey, taas oo beenineysa aragtida gaaban ee dadka qaar qabaan ee odhanaysa afka Soomaaligu awood iyo karti uma laha in loo adeegsado culuumta casriga ah iyo ilbaxnimada adduunka.
Sido kale, qoraagu waxa uu tilmaamaya ifafaalooyin togan oo af soomaaligu gayllanka uu jiritaankiisa ugu jiro tusaale u noqon kara. Waxa uu tusaale usoo qadanaya afaf u muuqday kuwo sii dhimanaya balse dib boodhka looga jafay, oo kolkii danbe UNESCO u aqoonsatay afafka soo noolaaday, sida afka Koorshinka(Curmish). Maxamed, waxa uu buuggiisa kusoo afmeeraya taallaabooyin ay tahay in la qaado si afka loo badbaadiyo. Waxa uu ku talinayaa in dhawrkan qodob la sameeyo:
1-In la dhiso Mac-had bulshada Soomaalida u dhexeeya oo afka lagu cilmi baadho.
2-Waxbarahsada hoose ilaa jaamacad in afku doorkiisa ka qaato, oo ardayga laga haqab tiro akhris qoraalka afka.
3-Tayaynta qoraalka afka .
4- In dadka Soomaalida lagu boorriyo qiimaha afkooda hodanka ah.
5- Waxa uu intaas kusii darayaa dardaaran gaar ah oo uu siinayo bahda qorayaasha, abwaannada, saxafiyiinta, iyo dadka shaqada afka ku hawllan in ay iskaashi ka yeeshaan daryeelka afka.
Ugu danbayn; buuggu waxa uu ka mid yahay buugagga tayada leh ee ku qoran afka soomaaliga. Waa dhigane, si wax ku-ool-ah inoogu baraarujinaya qiimaha afka, iyo hodannimadiisa. Maxamed, waxa uu ka tagay qoraallo dhaxal gal ah, oo dhaxalka suugaaneed iyo taariikheed ee bulshada taabanaya. Waxa uu soo saaray buugag shan ah oo ay ka mid yihiin: Hal aan tabay, Hal tisqaaday, Guri waa haween, iyo buuggan aynu nuxurkiisa sida guudmarka ah usoo tabinnay ee Afka hooyo waa hodan Waxaanan da’yarta kula talinayaa in ay buugga daalacdaan.