W/Q Siciid Maxamed Axmed
Hordhac
Ka warran haddii maalin adigoo suuq dhex maraya, aad aragto dad dhankaaga u soo cararaya? Adigoon ogeyn waxa dhacay, oo aan arag wax khatar ah, waadigan is rogay, oo labada cagood wax kadeyey maxaa sababay? Maxaynu hab lebiska jiilkeena ugu sandulaysanahay? Maxaynu mararka qaarkood u aqbalnaa fikir aynu ognahay inuu khalad yahay, balse aynu u yeelnaa si aynaan uga duwanaan dadka kale? Ma laga yaabaa in garaadkaagu uusan xor ahayn inta aad u malaynayso? Ma dhici kartaa in go’aammada aad u haysato inay adiga kuu gaar yihiin ay dhab ahaantii yihiin kuwo aad iska gawaan raacday ee aan garaadkaaga ka iman? Maxaa ku kallifa qof maan furan inuu indhihiisu waxay u jeedaan beeniyo si uu u raalli-geliyo koox?. Xaaladani ma aha mid kugu keli ah, ee waa sifo ku abuuran bini’aadamka oo dhan, oo cilmiga Kasmanafeedu u yaqaanno Isu-ekeysiinta Bulshada “Social Conformity“. Waa awoodda ay bulshadu ku leedahay inay maskaxdaada iyo ficilkaaga qaabayso adigoon dareemin, waa halkii Rashiid Garwayne oo ah Jaalkii abwaan Hadraawii AUN, ka lahaa:
“Qof walba maskaxdiisa waxaa sameeya dadka kale, qof walbaa qofka kale wuu xukumaa, waayo: Maxaa lagu odhan baynu niraahnaa? Oo dadku maxay ku odhan? Oo tolow maad ku ceeboobi?. Dhaqan dhan ayaa jira oo inaga suluugeena iyo camalkeena hoggaaminaya ….”.
Isu-ekeysiintu ma aha oo kaliya in la raaco moodada dharka ama isku-dayashada qaab-hadalka, balse waa hannaan qoto dheer oo qofku ku beddelayo mabaadi’diisa, dareenkiisa, qaayasoorkiisa iyo go’aamadiisa si uu u waafajiyo xeerarka (norms) ay dejisatay bulshada ama kooxda uu ku dhex jiro.
Asalka iyo Baahida Isu-ekeysiinta:
Si aan u fahanno sababta aynu ugu nugulnahay inaan dadka kale iska raacno, waa inaan dib u akhrinaa taariikhda fog ee aadanaha iyo qaab-dhismeedka maskaxdeena. Cilmiga Tadawurka Kasmanafeedda (Evolutionary Psychology) wuxuu qabaa in Isu-ekeysiinta bulshadu (social conformity) aysan ahayn fal waayahan casriga ah laga dhaxlay, am ay keentay cadaadis bulsho oo maanta taagan, balse uu yahay natiijo taariikheed oo ka dhalatay halgan badbaado oo kumannaan sano soo taxnaa. Marka aynu dib u milicsano noloshii hore ee aadanaha sida tii insaanku kasoo bilaabay ee ugaadhsiga iyo qadhaabashada (hunter-gatherer societies), qofku ma ahayn noole awood u leh inuu keligiis ku noolaado; badbaadadiisa, cuntadiisa iyo difaaciisa dhammaantood waxay ku xirnaayeen koox ama qabiil qofka la jira, oo ay iska weheshadaan duruufaha qalafsan ee jiha walba kaga xeeran. Cilmi-baarayaashu waxay caddeeyeen, waqtigaa in qofkii ka dhex baxa xeerarka iyo caadooyinka kooxda uu wajahayay khatar degdeg ah: in laga eryo bulshada, laga tago, ama la go’doomiyo, taas oo badanaa u dhigmaysay geeri, maaddaama uusan kaligiis iska difaaci karin duurjoogta handadaysa naftiisa, sidoo kalena uusan si joogto ah u heli karin quud uu nafta ku ilaaiyo. Sidaas darteed, maskaxda aadanaha waxaa si tartiib ah ugu samaysmay hab-fikir dabiici ah oo u arka ka mid ahaanshaha kooxda, mid ka qiimo badan madax-bannaanidiisa qofeed, si uu rug amaana u dareemona waxuu u sadqayn jiray xoriyadiisa goonimarnimo
Aqoonyahannada Roy Baumeister iyo Mark Leary waxay soo bandhigeen aragtida baahida ka mid ahaanshaha “Need to Belong Theory,” waxayna ku dooddeen in baahida loo qabo ka mid ahaanshaha (koox/bulsho) ay la mid tahay baahida cunnada iyo hurdada. Baahidan weyn waxay keentaa in qofku uu dareemo xasillooni marka bulshada dhexdeeda laga oggol yahay, halka uu dareemo khatar marka la fogeeyo ee cid danaynaysaba uu waayo. Daraasado casri ah oo lagu sameeyay qalabka sawira maskaxda, gaar ahaan functional Magnetic Resonance Imaging (fMRI), ayaa si cad u muujiyay in diidmada bulsheed aysan ahayn dareen uu qofku si fudud ku liqi karo, balse ay tahay xanuun dhab ah oo maskaxdu u maamusho sida xanuunka jirka. Markii qof lagu abuuro dareen ah in la takooray, ama ay bulshadu raacdayso, isla qaybaha maskaxda ee ka falceliya dhaawaca jirka—gaar ahaan “Anterior Cingulate Cortex”—ayaa si muuqata u hawlgala, taasoo muujinaysa in kasmadu aysan si weyn u kala soocin xanuunka bulsheed iyo kan jireed. Cabsidan ruuxu ka qabo xanuunka go’doonka ayaa ku riixaysa inuu mar walba raadiyo oggolaansho bulsheed ama mid kooxeed.
Heerarka Isu-ekeysiinta (Compliance, Identification, Internalization):
Isu-ekeysiintu uma dhacdo hal qaab oo qura, mana aha mar kasta mid isku si u saamaysa qofka, waxaa jira wejiyo kala duwan oo Isu-ekeysiinta bulsho uu qofku u muujiyo. Sannadkii 1958, aqoonyahan Herbert Kelman ayaa u kala saaray saddex heer oo kala ah sidan: u hoggaansamid (Compliance), Is aqoonsi (identification) iyo ku milmid (Internalization).
Heerka koowaad wuxuu u buxiyey (Compliance), oo aynu ku fasari karno u hoggaansamid. Heerkan waa marka uu qofku dusha sare ka ogolaado fikirka kooxda isagoo kasha ka diiddan. Markan qofku ma rabo inuu fikirka uu qabo beddelo, balse wuxuu rabaa inuu helo oggolaanshaha dadka kale ama uu ka badbaado ciqaab iyo in la takooro. Waa isbeddel kumeel-gaar ah oo qofku xaaladaa ku jirayo inta ay dadku arkayaan ama cadaadiska uu dareemayo.
Waxaynu tusaalee usoo qaadan karnaa tijaabada caanka ah ee uu sameeyey Solomon Asch sannadkii 1951, taas oo dunida tustay awoodda uu cadaadiska kooxdu ku leeyahay go’aan qofka. Asch waxa uu tijaabadan u qaabeeyey si uu u ogaado haddii qofku waxa indhihiisu arakayaan ka beensheego si uu u raalli-geliyo dadka kale, isaga oo adeegsaday tijaabo fudud oo jawaabteedu iska caddahay. Waxa uu qol isugu keenay hal qof oo la tijaabinayo iyo toddoba jilaa oo lagula soo heshiiyay inay si ula kac ah u bixiyaan jawaabo khaldan. Tijaabadu waxay ahayd in la is bar-bardhigo dhererka xarriiqo kala duwan; tusaale ahaan, waxaa la tusayay hal xarriiq oo dherer go’an leh iyo saddex kale (B, T, iyo J), islamarkaana qof walba waxaa la weydiinayay midka la midka ah xarriiqda hore. In kasta oo jawaabtu ay si cad u muuqatay, jilaayadii ayaa mid-mid ugu dhawaaqay jawaab khaldan ka hor intaanu jawaabin qofkii la tijaabinayey. Natiijadu waxay noqotay: qiyaastii 75% dadkii la tijaabiyey waxay ugu yaraan hal mar raaceen khaladkii kooxda (jilaayada), iyagoo doortay jawaab ay indhahoodu u sheegayaan inay khaldan tahay. Celcelis ahaan, 32% dhammaan jawaabihii la bixiyey waxay ahaayeen kuwo khaldan.
Markii dambe ee la warsaday dadkii ka qayb qaatay tijaabada, waxay bixiyeen sababo muujinaya labada nooc ee ugu muhiimsan marka laga hadlayo arrimaha shidaaliya Isu-ekeysiinta Bulshada (Social conformity): qaarkood waxay sheegeen inay dareemeen cadaadis dadka uga imaanayey (Normative Influence), iyagoo aan rabin inay noqdaan “kuwa ka duwan dadka” ama lala yaabo warcelintooda, halka qaar kalena ay jawaabtooda ka shakiyeen, aragoodana su’aalgeliyeen (Informational Influence) iyagoo is-weydiiyey haddii indhahoodu khayaamayaan, maadaama toddobada qof ee kale ay hal jawaab isku raaceen.
Asch waxa uu tijaabadan ku caddeeyey in marka qofka loo ogolaado inuu jawaabta si qarsoodi ah u dhiibto, Isu-ekeysiintu yaraanayso oo qofku lasoo noqonayo xoriyadiisii fikir, taas oo muujinaysa in cabsida ugu weyni tahay in “lala soo muuqdo” fikir ka duwan kan guud ee dadku qabaan. Tijaabadani waxay weli saldhig u tahay fahamka sababta dadku runta u loogaan, beentana u miciinsadaan marka ay la kulmaan cadaadis bulsheed.
Heerka labaad waa Identification; waxaynu u turjumi karnaa (Aqoonsi) waa mid ka qoto dheer u hoggaansamida (Compliance), heerakan qofku ma raaco kooxda uun si uu abaal-marin u helo, balse waxa uu uraacayaa kooxda; sababtoo ah wuxuu jecel yahay xiriirka uu la leeyahay kooxdaas ama wuxuu rabaa inuu la mid noqdo. Qofku wuxuu rumeysan yahay doorka uu matalayo. Tusaale ahaan, marka qof lagu daro ciidan ama boolis, wuxuu bilaabayaa inuu u dhaqmo sidii askari dhab ah maadaama uu rabo inuu aqoonsigiisa ku dhex arko kooxdaas. Heerakan isbeddelku wuxuu soconayaa inta uu qofku xubinta ka yahay kooxdaas, laakiin marka uu ka baxo waxaa laga yaabaa inuu dib ugu laabto dabeecadiisii hore.
Tusaalaha aynu soo qaadan karno waa tijaabadii Philip Zimbardo (Stanford Prison Experiment). Zimbardo waxa uu soo xushay arday, wuxuuna u qaybiyey laba kooxood: “Ilaaliyayaal” iyo “Maxaabiis“, isagoo hoosta jaamacadda Stanford u beddelay xabsi macmal ah. Ardaydii loo xilsaaray inay “ilaaliyayaal” noqdaan waxay markiiba bilaabeen inay u dhaqmaan si naxariis darro ah, halka kuwii “maxaabiista” ahaa ay u dhaqmeen si daciifnimo ah. Tijaabadani waxay si dhab ah u muujisay sida deegaanka iyo doorka bulsho ee qofka la siiyo ay u beddeli karaan dabeecaddiisa asalka ah, xitaa haddii qofkaas uu markii hore ahaa mid naxariis badan oo deggen. Labada dhinacba waxay si buuxda u rumeysteen doorkii loo dhiibay. Waa halka ay dadku ku lumiyaan shaqsiyaddooda gaarka ah (Deindividuation) marka ay dhex galaan urur ama koox, taas oo keenta in damiirkii qofka uu ka kormaro “damiirka kooxda” ama nidaamka uu ka midka yahay. Tijaabadani waxay tusaale u tahay sida Isu-ekeysiintu u gaari karto heer qofku ku galo dambiyo ama ficillo naxariis darro ah uun si uu u fuliyo doorka looga fadhiyo.
Heerka saddexaad oo ah kan ugu khatarta badan, waxa loogu yeeraa Internalization, waxaynuna u fasiri karnaa “ku milmid” . Tani waxay dhacdaa marka qofku uu si dhab ah u aamino fikirka kooxda, isagoo u arka aragtida kooxdaas saldhigga u ah, inay tahay xaqiiqada dhabta ah ee jirta. Heerakan qofku uma baahna cadaadis dibadda ah; xitaa haddii kooxdu ay meesha ka baxdo, isagu wuxuu sii ahaanayaa mid rumeysan fikirkaas. Waa isbeddel abadi ah oo ku dhaca aduun-araga iyo qaaya-soorka qofka.
Waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa tijaabadii uu sameeyey Muzafer Sherif sannadkii 1935, taas oo loo yaqaanno Autokinetic Effect Experiment. Sherif waxa uu rabay inuu tijaabiyo sida dadku ay xaqiiqada indhaha uga dabooshaan, una doorbidaan inay indhaha dadka kale wax ugu arkaan, marka ay ku jiraan xaalad aan caddayn oo madmadow ku jiro (ambiguous situation). Sherif waxa uu dadkii tijaabada ka qayb-galayay geliyey qol mugdi ah, isagoo gidaarka ku muujiyey hal dhibic oo iftiin yar ah. In kasta oo dhibicdaasi ay gabi ahaanba taagnayd, haddana waxaa jira dhacdo cilmiyeed oo loo yaqaanno Autokinetic Effect, taas oo qofka dareensiisa in iftiinku uu si dhib yar u soconayo. Markii hore, qof kasta keligiis ayaa la weydiiyey inay dhibicdu dhaqdhaqaaq samaynayso, qof walbana wuxuu la yimid “jawaab” isaga u gaar ah; mid ayaa dhibicda u arkayay inay dhowr inji dhaqaaqday, halka mid kale uu u haystay inay fogaan weyn goysay. Hase yeeshee, isbeddelku wuxuu dhacay markii dadkii koox-koox loo fariisiyey. Markii ay maqleen qiyaasaha kala duwan ee saaxiibadood, waxaa bilaabmay nidaam qarsoon oo ay maskaxdu isku waafajinayso waxa ay arkayso iyo waxa ay maqlayso. Si tartiib ah, ayuu qof walba uga tanaasulay “xaqiiqadiisii” gaarka ahayd, isagoo garaadkiisa ku xiray garaadka kooxda ilaa ay dhammaantood ku midoobeen hal qiyaas. Tani waxay caddaysay in dadku aysan “is-yeelyeelayn” uun (Compliance), balse ay si dhab ah u rumaysteen in qiyaasta kooxdu ay tahay “xaqiiqo”.
Ku milmidu “Internalization” waxay inoo caddaynaysaa in heerkan, isbedelka qofka ku dhacaya uu yahay “hab-fikirka” ee uusan ahayn isbeddel ku dhacaya habdhaqanka uu muujinayo qofku. Sherif wuxuu caddeeyey in marka qofku uu ku jiro xaalad uusan hubin (uncertainty), uuna u arko dadka kale inay ka aqoon badan yihiin ama ka il dheer yihiin (Informational Social Influence) ay u gogol xaadho inu ku raaco fikradahooda. Tani waxay dhalin kartaa khatar weyn, waayo; qofku wuxuu dareemayaa inaan la khasbin, wuxuu rumaysanyahay inuu isagu runta gaadhay. Marka aad aragto qof rumeysan fikir xagjir ah, caqiidooyin leexsan, ama caadooyin bulsho oo aan cilmi ku dhisnayn, ogow inuu heerkan “ku milmidda” ah gaaray. Runtiisii asalka ahayd ayaa isbeddeshay, waxaana beddelay aragtida kooxda oo uu u qaatay midda kaliya ee saxda ah. Maadaama isbeddelkani uu salka ku hayo garashada maanka, waa kan ugu adag in qofka laga beddelo; waayo qofka ka baxsan kooxda ee isku daya inuu wax u sheego, qofka kooxda ku milmay wuxuu u arkaa inuu yahay mid “khaldan” ama “aan runta arkayn“, oo war moog ah. Halkan shaqsiyaddii iyo caqligii madax-banaana ayaa ku lumaya, qofkuna wuxuu u hoggasamayaa aragtida guud ee kooxda uu ku milmay, isaguna wuxuu isu haysata inuu wali go’aankiisii leeyahay, hab-fikirkiisana uu haggayo.
Xiriirka ka dhexeeya ku-milmidda maskaxda iyo badbaadada nafsiga ah waxaa sii xoojinaya aragtida aqoonyahanka Abraham Maslow, oo aaminsan in baahida aqoonsiga bulshadu ay tahay mid kamid ah tiirarka aasaasiga ah ee uu qofku ku dareemo kalsooni iyo ammaan. Sida uu Maslow qabo, qofka bini-aadamka ah waxaa ku abuuran cabsi ka dhalata go’doonka, taas oo ku qasbeysa inuu raadiyo meel uu ka tirsan yahay. Marka uu qofku go’aansado inuu bulshada raaco, isaga oo ka cararaya dareenkaas cabsida ah, wuxuu maskaxdiisa kula hadlayaa inuu ku qanciyo inuu isagu go’aankaas gaaray, isagoo tirtiraya shakigii uu ka qabay khaladka kooxda si uu u gaaro deganaansho buuxa.
Is-beddelkani wuxuu ina tusayaa in isu-ekaysiintu aysan ahayn fal dhaca hal mar, balse ay tahay silsilad ka billoobata “iska yeel-yeel” dusha sare ah (Compliance) si looga baxsado xaalad markaa taagan, isuna bedeli karta dhalan-rogan, iyo ku milmid(Internalization) afkaar aan si dhaba loo kala shaandhayn. Heerkan ugu dambeeya, qofku si buuxda ayuu u aminaadiisa u bedalaa; isaga oo u haysata inuu wali go’aankiisa leeyahay, ayuu haddana dhab ahaantii xididada u siibaa shaqsiyaddiisii madax-bannaanayd, kuna beddelaa aragtida kooxda si uu u helo nabadgelyadaas nafsiga ah ee uu Maslow ka hadlay.
Sababaha isu-ekaysiinta: Maxaynu u raacnaa kooxda?
Marka aynu u fiirfiirsano hab-dhaqanka bini-aadamka, waxaynu arkaynaa in go’aannadeennu aysan mar walba ka dhalan waxa aynu rumeysan nahay, balse ay inta badan ku xiran yihiin dadka inagu hareeraysan. Aqoon-yahannada cilmi-nafsiga sida Morton Deutsch iyo Harold Gerard (1955) waxay si qoto dheer u baadheen sababaha keena in qofku ka leexdo runta uu indhihiisa ku arkayo, waxayna soo saareen laba tiir oo waaweyn oo saameynta bulshada ama kooxdu ku leedahay salku ku hayo. Tan koowaad waxa loo yaqaannaa Informational Social Influence (Saamaynta Garashada). Tani waxay dhacdaa marka uu qofku ku jiro xaalad hubanti la’aan ah, ama uusan aqoon ku filan u lahayn waxa socda. Xaaladaas, maskaxdu waxay raadisaa meel ay ku tiirsato, qofkuna wuxuu aaminaa in “kooxdu” ay ka aqoon badan tahay ama ay hayaan ogaal uusan isagu gaadhsiisnayn. Markaas ayuu qofku raacaa dadka kale isagoo raba inuu “saxnaado,” waayo wuxuu u arkaa ra’yiga guud inuu yahay isha xaqiiqada. Waa dabeecad bini-aadam oo salka ku haysa inaynaan khaldamin, gaar ahaan marka aynu dareenno in garaadkeenna kaliya uusan ku filnayn inuu xaaladda dhabteeda iyo dhallanteedkeeda kala saaro.
Sababta labaad, oo ah tan ugu xooggan ee aynu maalin kasta indhaha saarno, waa Normative Social Influence (Saamaynta Xeerarka Bulshada). Xaaladan, qofku si cad ayuu u ogyahay in kooxdu ay dhab ahaantii khaldan tahay, balse wuxuu doorbidayaa inuu raaco si uu u badbaadiyo xiriirka uu la leeyahay dadkaas. Sababta ugu weyni ma aha inuu rabo inuu saxnaado, balse waa inuu ka fogaado inuu aminaada bulshada ka madax taago, ama far dheeratay loo arko. Xaaladani waxay ku baddantahay bulshooyinka asal-raaca ah, ee u xidhxidhan caadooyinka Ab kasoo gaadhka ah, qofku isagoo arka xaqiiqada dhabta ah, ayuu haddana dabarada soojireenka ah inuu gooyo ka masuugayaa, wuxuuna ka xishoonaya inuu ka horyimaado guurtida bulshada, ama saaxiibadiisa kooxda.
Labadan sababood marka ay isbiirsadaan, waxay horseedaan in qofku uusan is-yeelyeelin uun, balse uu markii dambe is-hilmaansiiyo xaqiiqadii uu arkayay si uu maskaxdiisa u dejiyo, dagaalka guduhiisa ka jira ee gubayana, biya qabow ugu shubo. Marka uu qofku muddo dheer raaco kooxda isagoo ka baqaya in la takooro (Normative), maskaxdu waxay bilowdaa inay raadiso hab ay isugu xidho ficilkiisa iyo dareenkiisa gudeed, si uu qofku uga badbaado is-khilaafka gudaha ah, kadib wuxuu bilaabayaa inuu isku-qanciyo in kooxdu dhab ahaantii saxnayd. Waa halka ay ka dhibaatada ugu weyn kasoo askunto; qofkii ma aha oo kaliya inuu dadka kale raacay, balse wuxuu lumiyey awooddii uu ku kala saari lahaa beenta iyo runta. Waa halka ay ka dhalato in bulsho dhan ay muddo dheer ku nagaadaan fikir khaldan ama dul dangiigaan dhaqan dib-u-dhac ah iyo goof shilin baddan, sababtoo ah qof kasta wuxuu ka cabsanayaa inuu noqdo midka ugu horreeya ee farta ku fiiqa boogta jirta iyo dhilqaha sarta galay. Sidaas darteed, Isu-ekeysiintu waxay isu bedeshaa darbi adag oo hortaagan horumarka iyo xaqiiqada.
Cawaaqibta Isu-ekeysiinta:
Isu-ekeysiintu (conformity) waxay leedahay door togan, waxay xoojinaysaa wada-noolaanshaha, kala-danbaynta, iyo isku-duubnida bulshada. U hoggaansamidda xeerarka, caadooyinka, iyo dhaqanka guud ee bulshadu waxay fududaysaa wada-noolaanshaha, waxayna yareysaa is-haysiga joogtada ah ee u dhexeeya xubnaha bulshada ama kooxda. Cilmi-baarisyo badan ayaa muujiyay in Isu-ekeysiintu xoojiso isku-duubnida bulshada (social cohesion). Iyadoo la raacayo xeerar wadajir ah, ayay bulshadu ka hortagtaa fowdada, qofkuna wuxuu helayaa dareen amni iyo ka-mid-noqosho bulsheed.
Dhanka kale, Isu-ekeysiinta xad-dhaafka ah waxay keeni kartaa cawaaqib taban oo saamaysa shakhsiyadda iyo horumarka bulshada. Cadaadiska lagu qasbayo la-qabsiga aragtida guud waxay hoos u dhigi kartaa fikirka naqdinta leh, hal-abuurka, iyo awoodda qofku u leeyahay inuu ka hor yimaado waxa aan sax ahayn, ama dhaqanka siloon ee bulshadu madhaxa u heshay. Daraasada Asch ayaa muujisay in dad badani ay iska raacaan bulshada inta badan, iyagoo og in aragtidaasi khaldan tahay, taasoo muujinaysa khatarta isu-ekaysiinta indho-la’aanta ah. Taariikh ahaan, u hoggaansamidda aan su’aashu ku jirin ee caadooyinka bulshada marar badan waxay horseedaan sii jiritaanka takoor, dulmi, iyo nidaamyo aan caddaalad ahayn.
Gunaanad
Gebagebadii, Isu-ekeysiinta bulshadu (Social Conformity) waa seef laba af leh oo aan looga maarmin jiritaanka nidaamka bulshada, balse u baahan feejignaan iyo garasho dheeri ah, iyo in la abuuro garaad bulsheed oo wax kala shaandhayn kara. Sida aan ku aragnay aragtiyaha cilmiyeed, laga soo bilaabo baahida nafsadeed ee badbaadada ilaa saameynta dhaqanka, bini’aadamku wuxuu u qaabaysan yahay inuu raaco dadka kale si uu u yareeyo walwalka nolosha. Inkastoo isu-ekaysiintu abuurayso nidaam iyo kala dambeyn, haddana waxay halis gelin kartaa runta, caddaaladda, iyo hal-abuurka shaqsiga ah. Dersiga ugu weyn ee mawduucani ina barayo; waa inaan yeelanno awood aan ku kala miirmo, marka ay habboon tahay inaan kooxda raacno, si loo ilaaliyo danta guud iyo marka ay waajibka tahay inaan keligeen istaagno, si aan u difaacno dhabta, isla markaana damiirkeena u ilaalino.
FG: Erey-bixinta qoraalkan waa dedaal qofeed; ma jiraan ilo cilmiyeed oo laga soo xigtay. Haddii aad aragto khalad ama meel u baahan sixid, waan soo dhoweynayaa taladaada. Mahadsanid.
Tixraac:
- Asch, S. E. (1951). Effects of group pressure upon the modification and distortion of judgments.
2. Baumeister, R. F., & Leary, M. R. (1995). The need to belong: Desire for interpersonal attachments.
3. Bond, R., & Smith, P. B. (1996). Culture and conformity: A meta-analysis of studies using Asch’s task.
4. Deutsch, M., & Gerard, H. B. (1955). A study of normative and informational social influences.
5. Festinger, L. (1957). A Theory of Cognitive Dissonance.
6. Hofstede, G. (1980). Culture’s Consequences: International Differences in Work-Related Values.
7. Janis, I. L. (1972). Victims of Groupthink: A psychological study of foreign-policy decisions.
8. Kelman, H. C. (1958). Compliance, identification, and internalization: Processes of attitude change.
9. Maslow, A. H. (1943). A theory of human motivation.
10. Milgram, S. (1963). Behavioral Study of Obedience.
11. Zimbardo, P. G. (2007). The Lucifer Effect: Understanding how good people turn evil.
Contact: Carafaattigaana1234@gmail.com