Caqli Macmal

CAQLI MACMAL (ARTIFICIAL INTELLIGENCE)

W/Q:Axmed Dhuubow

Nolosha aadanaha waxa ay maalinba samaynaysaa horumar ballaaran, dhan walba leh, kuwaas oo saamayn ku yeesho nolosha aadanaha, mid taban iyo mid togan. Bartanka qarnigii tagay ayay ahayd markii binu’aadanka uu is waydiiyay mashiinadu awood ma u leeyihiin in ay u fikiraan sida aadanaha? Waydiintaas waxa ay ahayd bar-billowgii farasamaynta caqli samays ah, waxaana si buuxda u guulaystay hayaankii uu aadanaha ugu jiray in uu hirgaliyo caqli macmal ah.

Caqli Macmal(Artificial Intelligence-AI) inta aan la guda galin waxaa marka hore fahan u baahan caqliga aadanaha, kadib waxa la is-barbar-dhigi karaa caqliga aadanaha iyo caqliga aaladaha, ayada oo halbeeg laga qaadanaayo garaadka aadanaha. Haddaba ka hor qeexitanada guud ee caqli iyo caqliga macmalka, aan dib u fiirinno qeexitaanka Caqli ee afkeenna. Caqli “Waa awood binu’aadanka u gaar ah oo ay wax ku kala gartaan”(Qaamuuska C.Mansuur).

Caqliga macmalka si aan u fahanno kama helayno qaamuusyada aqooneed ee afkeenna, waxaase lama-huraan ah in aan soo rogno qeexitaanno guud si aan fahanka u soo dhawayno. “Waa adeegsiga barnaamijyada kumbuyuutarada kuwaas oo leh qayb ka mid ah tayada maskaxeed ee aadanaha, sida; awoodda fahanka luqadaha, aqoonsiga sawirada, iyo in ay wax ka bartaan khibradooda”(Qaamuuska Cambridge).  Professor John McCarthy oo ah hindisaha iyo bud-dhigaha Caqliga Macmalka(AI), sidoo kalena ah ninkii majaalkani magaca bixiyay, waxa uu ku soo koobay “Waa Sayniska iyo Handasada ee samaynta aalad garaad leh” (Crevier 1993, p. 50).

Halbeegga caqliga aadanaha waxa ka mid ah, in uu fikiri karo, dhib xalin karo, qorsho samayn karo, wax adag fahmi karo, go’aan gaari karo, iyo qaar kale. Haddaba hal tilmaam oo ka mid ahtilmaamaha caqliga aadanaha, haddii laga helo mashiinka, waxa ay ka dhigan tahay in mashiinkaasi uu yahay mashiin caqli macmal ah leh, waayo, ayagu in dhammaan tilmaamaha laga helo muhiim ma ahan.

Caqliga macmalka ah, waxa ay mashiinadu awood u siinayaan; in ay u fikiraan sida aadanaha, fahmi karaan luqadaha, dhibaatooyin xalliyaan, ogaan karaan xaaladda caafimaad ee qof xanuunsanaayo, sidoo kalena gaari wadi karaan, ciyaari karaan ciyaar, iyo kuwa kale oo badan. Waxa ay u sameysan yihiin in ay jilaan dabeecadaha ama hab-dhaqanka aadmiga. Waxa ay aaladaha awood u yeelanayaan, in ay qabtaan howlo loo tabo-baray iyo kuwa ay barteen, sidoo kalena waxa ay jawaab ka bixin karaan haddii ay la kulmaan wax aysan aqoon ama dhici jiray, ayaga oo adeegsanaayo qaab loo xaliyo cilladda jirto(Heuristics) waxa ay na ugu danbeyn sameynayaan soo-saarista natiijada. Mashiinada ku shaqeeya caqliga macmalka ah, waxa ay awood u yeelanayaan xalinta dhibta, samaynta wax maangal ah, iyo u dhaqmidda sida aadanaha.

Taariikhda caqliga macmalka waxa ay dunidani casriga ah ku soo biireen bartamihii qarniga 20-aad, ayada soo martay heerar kala duwan oo aadanaha marba qayb uu ka fahmaayay. Injineerada, xisaabyahannada iyo culimada kumbuyuutarka ayaa ahaa sahmiyaasha aqoontaan casriga ah. Ragii laf-dhabarka u ahaa waxaa ka mid ah Alan Turing. Asiga, waxa uu ka mid ahaa bud-dhigiyaashii caqliga macmalka ah, waxa uuna dadaal badani ku bixiyay fahanka mashiinka. Turing, waxa uu 1950kii faafiyay maqaal uu ugu magac daray“Computing Machinery and Intelligence” asiga oo baadigoobayo sidoo kalena diiraddana saarayo weydiinta ah“Can machines think?” waxa uuna Alan sameeyay taxanayaal tijaabooyin (Turing Test ), kuwaasi uu ku raadinaay jawaabta in mashiinadu fikiraan, is la markaana u fikiraan sida aadanaha.

 Ugu danbayna tijaabooyinkaasi waxa ugu soo baxay in mashiinadu ay awood u leeyihiin in ay u fikiraan sida aadanaha, waxa ayna jawaabtaasi noqotay bar-billowgii dhalashada Caqliga Macmalka. Waxa uu sidoo kale tijaabadiisa ku sahmiyay in mashiinada u falcelin karaan sida aadanaha.

Caqliga Macmalka(AI) waxa uu leeyahay saddex qayb. Midka koowaad waa Artificial Narrow Intelligence (ANI), oo ah caqli samays ah is la markaana ay awoodiisa xaddidan tahay, kaliyana diiradda saaraayo qabashada howl gaar ah, taas oo lagu keydiyay xog ahaan. Qaybtaani awood uma lahan in ay jilaan caqliga aadanaha balse waxa ay awoodaan in ay bartaan hab-dhaqanka aadanaha, kadibna ay u fududeeyaan helitaanka rabitaankiisa maadaama ay barteen dabciga qofka. Waxa ay u muuqdaan in ay go’aan gaari karaan balse waa xisaabaadka ku kaysan oo shaqaynaayo. Waxa ay u samaysan yihiin in ay qabtaan howlo yar-yar,  sida, aqoonsiga wajiga, xog ka raadinta Internetka, gaari is-wado, iwm.

Labaad, waxa lagu magacaabaa Artificial General Intelligence (AGI), waxa uuna ku awood iyo tabar yahay aadanaha, asiga oo qaban karo shaqooyinka uu aadanaha qabto oo idil. Waxaa qaybtani weli ku socda horumarin iyo ballaarin, taas oo aan weli laga sal gaarin natiijadiisa. Caqligani samayska ah waxa uu ku heer noqonayaa garaadka aadanaha(Human-Level Artificial Intelligence).

Qaybta saddexaad waa Artificial Superintelligence (ASI), waxa uu awood u leeyahay wax uusan aadanaha karin. Waa caqli samays ah haddana ka dheereeya aadanaha. Qaybtani weli lama gaarin, kaliya waxaa ay dunida ku jirtaa is ku dayga hirgalintiisa ayada oo weli aan lagu guulaysan tijaabooyinkiisa. ASI, ayaa sida la rajaynaayo noqon doono mid si buuxda aadanaha kaga madax bannaan, oo waxa uu awood u yeelanayaa, in uu go’aan gaaro, qorsha dajiya, u fikiro si maangal ah, wax barto, curin uu sameeyo, dhibna uu xaliyo.

Dheefta caqliga macmalka waxaa ka mid ah, in mashiinada aysan u baahan nasiino, waxa ayna awood u yeelanayaan in aysan shaqada joojin, noloshana ay ka dhigaan mid fudud ayada oo mashiinadu ku dadaalayaan in ay bartaan hab-dhaqanka qofka adeegsanaayo si ay u saadaaliyaan una keenaan rabitaanka qofka. Waxa ay karaan in ay qabtaan howl soo noqnoqanayso oo joogta ah, taas oo binu’aadanka ku adag. Sidoo kale waxa ay karaan in ay suurtogaliyaan gaarista saxnaanta. Dheef-darridana, in ay horseedaan shaqo la’aanta, masuuliyad darro, hal’abuur la’aan iyo dhibaatooyin akhlaaqeed.

Mustaqbalka caqliga macmalka ama samayska ah, waxaa ay aqoonyahannadu, cilmibaarayaasha iyo daneeyaasha, qaarkood, ay saadaalinayaan in uu si buuxdo u qaban doona dhammaan shaqooyinka uu aadanaha qabto. Waxa ay ifafaalo wanaagsan ka muujinayaan waxtarka uu aadanaha u yeelan doona, ayaga oo dadaal dheeri ah ku bixinaayo hirgalinta iyo horumarintiisa. Hebert Simon oo ka mid aha culimada ku suntan Caqliga Macmalka, waxa uu saadaal ahaan u sheegay in mashiinadu ay qaban doonaan wax walba uu aadanaha qabto. “Mashiinadu ama Aaladuhu waxa ay awoodi doonaan, labaatan sano gudahood, in ay qabtaan ama sameeyaan wax walba uu aadanaha qaban karo” ayuu Hebert Simon qoray 1956dii.

Shaki ma lahan in uu dar-dar ku socda kororka mashiinada ku shaqaynaayo caqli macmal ah oo uu binu’aadanka farsameeyay, ayada oo tallaabadaasi saamayn dhinac walba ah ku leh hab-nololeedka aadanaha ee dhaqan-dhaqaale. Waxa ay dunida hardan ugu jirtaa, daraasaynta iyo hirgalinta qaybaha harsan ee caqliga macmalka ah, si is-baddel la taaban karo ay ku soo kordhiyaan nolosha casriga ay, ayada oo aadanaha wax walba loo fududaynaayo sidoo kalena lagu raad jiro waxa qarsoon ee lagu tuhmaayo tallaabo horumareed. Kobaca uu samaynaayo waxaa si gaar ah laga dareemayaa teknoolajiyadda iyo ganacsiyada.

Waxaa dhanka kale jira walaac xooggan kaas oo ay dad badani qabaan, kuna aaddan mashiinada ku shaqeeya caqliga macmalka ah. Waxa ay rejo xuma ka muujinayaan kororka caqliga macmalka iyo saamaynta uu ku yeelan karo nolosha aadanaha, sida in uu dhaawac u gaysrto dhaqanka iyo dhaqaalaha bulshada.

Shirwayne ku saabsanaaa caqliga macmalka oo lagu qabtay magaalada Buenos Aires ee Argentina, sanadkii 2015, waxaana shirkaasi looga hadlay saamaynta taban ee uu caqliga samayska ah ku yeelan karo nolosha aadanaha. Waxaa shirkaasi ka qaby galay Elon Musk, Stephen Hawking iyo kun Cilmibaarayaal Robotics ah, ayaga oo soo saaray warqad-furan “Autonomous Weapons” oo ay ku dirayaan digniin ku aaddan musiibada ka iman karto caqliga macmalka ah, ayaga oo si gaar ah walaaca kaga muujiyay in la gaaro heer dagaaladu la isu adeegsado hub caqliga macmalka ku shaqaynaayo, taas oo horseed u noqom karto halis uu aadanaha wajihi karo.

Waxa ay qiraal ka muujiyaan dheefta uu caqliga macmalka ah uu aadanaha u leeyahay, balse waxa ay si wayn kaga soo horjeedaan in caqliga macmalka loo adeegsado hub ahaan, oo sidaasi dagaalo ku qarxaan. Waxa ay ka digayaan in aan la billaabo farasamaynta hubkaas ku shaqaynaayo caqliga macmalka “Waan rumaysannahay in caqliga macmalka uu aadanaha u leeyhay waxtar badan, habab kala geddisan, waana in ujeedka majaalkani uu sidaasi noqdo. Billaabidda tartanka hub caqli macmal ah waa aragti xun, waana in laga hortago ayada oo la xanibaayo hubka madaxa-bannaan ee is-maamulaayo kana baxsan xakamaynta aadanaha” ayaa lagu soo gunaanaday warqadda-furan ee shirkaasi ka soo baxday, taas oo ilaa hadda ay saxiixeen kumanaan, si ay codkooda ugu biiriyaan in aan la billaabin fara-samaynta hub is-maamulaayo.

Elon Musk, waxa uu asiga si gaar ah kaga digay halista ay horseedi karaan caqliga macmalka ah, asiga oo sheegay in ay awoodaha dunida oo maamulo caqliga aaladaha in ay keeni karto dagaal cusub oo ay dunida gasho, waxa uuna qabaa in ay kaga sii dari doonta dagaalka nukliyeerka ee dunida is ku baacsato. Elon Musk, milkiilaha shirkadda Tesla Motors iyo Space X, waxa uu bartiisa Twitter ka ku baahiyay:“Waxa aan u baahannay in aan ka feejignaano caqliga macmalka, sababtoo ah waa ay ka halis badan yihiin banbooyinka nukliyeerka”.

Tixraac:

[1]       “Why are we afraid of Artificial Intelligence (AI)?,” European Review of Applied Sociology 8 Volume 11, Number 17, 2018.

[2]       S. R. a. P. Norvig, “Artificial Intelligence A Modern Approach,” Third Edition, 2010.

[3]       “Artificial Intelligence-intelligent systems,” Tutorials Point, 2015.

[4]       M. K. AlSedrah, “Artificial Intelligence,” 2017.

2 thoughts on “Caqli Macmal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *