LAMA-HELAAN

Waxa ay la kulantay wiil aysan heli karin. Haa oo aysan Hanan karin. Waxa uu leeyahay jacayl gabadh uu ku indho Kuusho. Labadii ilbiriqsiba mar haddii uusan magaceeda sheegin wax baa ka dhiman maalintiisa. Isagu waa wax walba oo ay ayadu jeclaan lahayd.

Waxa uu kulansaday oo uu koobsaday dabci iyo dhaqan walba oo ay ninka dookheeda ah ku dooran lahayd. Aftahanimo iyo hibada hadal helista. Dhoollacaddayn qalbiga jiiraysa oo si kasta oo maalintaadu u madowdahay xoogaa rajo ah ku siinaysa. Kalsooni iyo in uu yahay nin rageed marka aad hiil uga baahato hortaada aadan daqiiqad ka waayayn.

Muuqaal qurxoon oo sabab u noqon kara in aad dartiis wax walba u samayso si’aad u hanato raalli ahaanshihiisa. Dabeecad wax akhris iyo aqoon badni. In uu wax ka yaqaanno badi dunida waxa cilmi ka jira. Mid walba waxbaa uga bilaaban oo marna jaahil ku uu noqon mayo madal lagu hadal hayo wax la xiriira aqoon kororsi. Falsafadda iyo fiisikiska. Cilmi nafsiga iyo suugaanta. 3da diimood ee samaawiga ah, waxa uu ka yaqaannaa wax uu ku doodi karo haddii su’aal kadis ahi qabsato.

Ayadu waa qalanjo Korka iyo gudahaba ka qurux badan. Haddiise aad u fiirsato waxa aad u maqsuudaysaa sida ay isugu miisaaman tahay hadalkeeda iyo ficiladeedu. Quruxdu qiimo wayn ma siiso Casrigaan dumarka jooga, waxa bila muuqooda waa hadba inta garaadkoodu le’eg yahay.

Gabadhu waxa ay soo jiidasho leedahay hadba inta ay ninka dareensiiso in dunida shukaansiga iyo dumar la haasaawidda cilmi ugu dhimman yahay. Aftahanimo iyo caqli badnaan isaga kama ay yaraysato oo halkaa waa meesha ay isku mari waayeen. Si kasta oo uu si kaftan dhable ah u waydiiyo su’aal caqli iyo xeel dheeri u baahan ayado oo aan libiqsan ayay uga jawaabaysay si u’eg in aysan juhdiba galin helista jawaabta.

Waxa ay leedahay xiriir jacayl oo muddo socday. Sida isagu uu u muujiyo gabadha uu la hasaawo uma ay soo bandhigto ninka ay xiriirka la leedahay. Kaliya waxa ay u sheegtaa ciddii ula timaadda rabitaan iyo haasaawe bilaw ah, ayadoo hadalka ugu soo koobta xiriir baan leeyahay. Xiriirkeedu ma qaato waqtigeeda inta ugu badan. Marka ay ka timaaddo dhakhtarka wayn oo ay kalkaaliso ka tahay. Waxa ay ayada oo aan maryaha baddalan fariisataa miiskeeda oo ay dhawr bog ka gaarsiisaa hadba buugga markaa u kala furan.

Isagu kuma faraxsana qalanjada uu jacaylkeeda gole kasta ka sheego. Agtiisa waxa ay ka tahay hub cabsi galin ah oo uu ku bajiyo gabdhaha uu dareenka u qaado si’uu ayaga u dareensiiyo in uu gacanta ku haysto jawharad quruxdeeda mid leh in la helo sheeko lagu maqlo ee aan shaahid lagu arag. Iyo sidoo kale in uu wiilasha saaxiibaddiis ah dareensiiyo in uu haysto gabadh aad u qurux badan, oo dhaqanka iyo nolol wanaagana aad mooddo in uu jannada xawral cayn ka amaahday.

Hal iyo labo maaha inta wiil ee saaxiibadiis ah oo gabdhihii ay la haasaawayeen ay u kala tageen marka ay dareemeen in aysan u wanaajin sida Kamaal gabadhiisu u wanaajiso. Ayadu way ogtahay in aysan ku jirin jacayl dareensiiya sida ay ku riyooto in maalin uun loo jeclaado. Marka kaliya ee ay jacayl dareento waa marka hooyadeed subixii hurdada ka toosiso ayada oo cod naxariis ah ku leh; “Hooyo Kaafiyo ka kac hurdada bukaankii baa ku sugayee.”

Kaafiya oo si qurux badan usoo labbisatay caawa, ayaa waxaa albaabka gurigooda soo istaagay gaarigii C/kariim oo caawa u sugayay sidii qof helay jaaniskii koowaad ee uu xajka ku tagi lahaa. Farxad faro badan ayaa indhihiisa laga dheehanayay. Inkasta oo uu xad dhaaf u jecel yahay Kaafiya ulana dhaqmo sida ugu quruxda badan ee wiil isaga oo kale ahi ula dhaqmi lahaa gabadha uu jecel yahay. Haddana mar walba waxa uu dareemaa in uusan ku filnayn. In ay xaq u leedahay ka badan waxa uu u qabto. Mashquulkeeda oo aad u tiro badan iyo ayada oo aan jeclayn in ay dibadda u baxdo goor walba ayaa kulankooda caawa ka dhigaysa mid ka qiimo duwan kan barbaarta haasaawaa habeen walba isku arkaan.

Gaarigii ayay soo gashay. Markii ay sidaa dhulka u dhigtay salka ayuu isaga oo aan dhaqaaqin shiday hees ay jeceshahay oo uu u daaro marwalba oo ay gaariga la saaran tahay. “Ubaxa ugu quruxda badan u qaalisan ugu udgoon” ayay isku mar wada yiraahdeen ayada iyo Qamar Suugaani. Gaarigii ayuu dhaqaajiyay. Isaga oo ayada daawanaya ayuu codkiisii xabeebta lahaa isna ku dhawaaqay;

“Haddaan qalbigayga iyo

Qasnado kaydoo dhex yaal

Waxaan ku qarsaday bandhigo

Adaan qormo kaaga dhigay”.

Inta ay cod dheer ku qososhay ayay tiri “Qaali igadaa khiyaaliga qalbigaaga wayn qasnadihiisa cidna ma koobi kartee.” Cod runnimo laga dheehanayo ayuu isaga oo dhankeeda jalleecaya ku tiraabay. ” “Wallay iga tahay. Hal qasnad baa ku jirta qalbigayga taasna adaa leh.”

Waxa ay soo istaageen afaafka hore ee kafeega Higlo. Markay gaarigii kasoo dagatay ayaa waxaa dhinacooda soo istaagay Landcruiser cad oo cusub. Hal mar bay si aan ku talo gal ahayn u jalleecday dhiniciisa mise waxaa kasoo daganaysa gabar cambuur cad oo Shafka kuulo dhalaalaya ku leh ku labbisan. Marka ay hannaan wanaagga labbiska gabadha jalleecday ayay Kaafiya ayada oo masayr yari galay dib isu fiirisay. Mise waxa ay ku labbisan tahay cambuur madow oo aan aad u dhalaalayn iyo sheelad u eg.

Markii ay gaariga soo raacaysay waxa ay la ahayd in ay u labbisan tahay sida ugu qurxoon ee loo labbisan karo haddase xoogaa shaki ah baa ka galay kalsoonideedii. Jir ahaan gabadha gaariga kasoo dagatay waa mid leh jir ishu qabanayso shaf buuxa iyo dhex si wacan u muuqata.

Mar kale ayay isbarbardhig isku samaysay. Dib bay isu eegtay oo hiiftay muuqaalkeeda caatada ah. C/Kariim baa inta dhinaca kale kasoo wareegay gacanta soo qabtay oo ay usoo dhaqaaqeen albaabkii kafeega. Qalanjadaan indhaha jiidanaysa, qalbigana gilgilaysa waa xuural cayntii uu Kamaal cid walba ugu faanayay. Isaga oo gacanta haya ayay isku soo gaareen albaabka.

Kaafiya indhaha maba ay siin ninka naagta wata ee waxa ay isku dayaysay in ay horay u galaan meesha oo ay ka ag dheeraato naagtaan dareensiisay in quruxdeeda qeybi ka maqan tahay. Kamaal baa hor arkay labadooda. Indhaha ayuu la raacay sidii in wax eegmada mudan ku daadsan yihiin korkeeda. Xishoodka, deg-degga iyo xasilooni la’aanta haysa waa laga dheehanayay korkeeda. Qalbiga ayuu iska yiri “Tolow maxaa dhibaya?”.

Markay gudihii galeen ayada oo sii fuulaysa jaranjaro yar oo qeybta sare loo raaco ayaa cod gadaasheeda ka yeeray. “Waryaa C/Kariim Boqorow ma adigii baa?”. C/Kariim baa inta dib u hakaday eegay mise waa Saaxiibkiis Kamaal. Gadaal buu u noqday oo ay laabta is galiyeen.

Kaafiya xanuun badan bay ku haysaa hakashadaani. Waxa ay eegtay hareeraheeda mise cidina ayada kuma mashquulsana oo dhawr wiil oo hoos fadhiyay waxa ay si’aan ka libiqsi lahayn u eegayaan Salma. Ma ay sugin inta saaxiibkeed ka faaruqayo salaanta saaxiibkiise waxa ay kor u fuushay jaranjaradii. Waxa ay timid dirin iyo fadhi yar oo nooca dhulka la dhigo ah oo meel gees ah yaalla. Daqiiqad ayada oo aan fadhin ayuu u yimid jacaylkeedii. Xoogaa in uusan wajigeedu faraxsanayn buu dareemay. Su’aal isaga oo aan waydiin buu yiri “Qaali waa saaxiibkay oo aan isku wanaagsannahay. indhawayd Nairobi buu hawlo shaqo u jiray, oo maanta ayuuba Garowe kusoo laabtay.”

Sheeko ayay iska bilawdeen. Ayaduna waxa ay daawanaysay dayaxa oo ka dhalaalaya meel korkeeda ku aaddan. Habeen aan farxad gooni ah wadan bay qaadatay. Casho iyo Shaah cabbid kadib ayay ka codsatay C/Kariim in uu xaafaddii geeyo. “Gacaliso, jawigu waa qurxoon yahaye aan cabbaar joogno” ayuu ku yiri. Inta ay kicid u Hollatay bay tiri “Qaali berri ayaan aroortii kacayaaye ina wad.” Sariirteedii ayay tagtay. Dhawr jeer oo xuuralcayntii soo hormartay kadib waxa ay seexatay hurdo dheer oo aan laga toosayn illaa wadaadku eedaamo.

Intii uu cashada cunayay oo dhan waxaa maskaxdiisa haysatay gabadhii barta yarayd, Kuna labbisnayd maryaha midabkeeda u eg. Salma sidii caadada ahayd waxa ay hadba isku dayaysay in ay la furto mawduuc uusan lasii wadayn. Hadba hadal dabacsan ku dheh, hadba jacayl u muuji, hadba gacantiisa qabo. Isaga waa isugu mid. Salma waa hubka uu ku faano oo kaliya ee qalbigiisa ma ay deggana boosna kuma ay laha.

Waxa uu aad ugu xeel dheer yahay in uu qiimeeyo qofka uu la kulmo isaga oo aan hadlin. Kaafiya waxa ay ula ekaatay ugaar uusan si fudud ku daban karin. Waa marka koowaade saaxiibkiis ayaa watay. Waa marka labaade badi gabdhaha muuqaalkeeda oo kale lihi kama helaan dhalanteedka, ma jecla in ay ninkay doonaan hadal la furaan. Waxa ay u badan yihiin fariiddo dantooda si wacan u garanaya.

Waxa uu geeyay Salmo gurigeeda. Gaariga markii uu lasoo kala wareegay ayuu wacay saaxiibkiis C/Kariim.

  • Saaxiib, I warran muddo ayaan is moogayne?
  • Boqorow wanaag. Adigaa maqnaaye maxaad keentay?
  • Shaqadii aan xagga u tagay ayaa iga dhammaatay. Saaka ayaan imid oo mid cusub ayaaba ii diyaar ah.
  • Saaxiib, Adna taajirnimada reerkiinnaa ku caawisa.
  • Qosol.
  • Mayee saaxiib waan ogahay kartidaada ayaad ku heshay.
  • Saaxiib Qoftii caawa ma dumaashibaa?
  • Allaylehe shaxaarinimadii ma anaad igula soo dhacday?
  • mayee waan iska kaa waydiiyay. Dhawr jeer oo hore baan arkay.
  • halkee ku aragtay?
  • aad uma xasuusto.

Kamaal hadafkiisii waa gaaray. Warbixin ku filan waa uu ka aruursaday. Waxa uu ogaaday in ay 2 sano xiriir leeyihiin. In waxa ka hortaagan in uu hadda guursado ay tahay dhaqaale xumo. In ay isbitaalka kalkaaliso ka tahay. Iyo in reer sabool ahi dhalay.

Kamaal quruxda waxaa u dheer kibir iyo isla wayni. Ugaartiisa isaga oo isagu ugaarsadaha ah ayuu haddana dareensiiyaa in ayagu yihiin kuwa wax jecel, kuwa wax raba in isagu yahay cidda lama- helaanka ah. Hadda isaga waxaa sugaya hadaf dheer. Dhammaadku ma guul baa mise waa guuldarro ma ceeb baa mise waa Sharaf isaga oo iswaydiinaya ayuu hoonka yeeriyay. Waxa uu gudaha usoo galay gurigoodii Awoowgiis oo bannaanka ku tasbiixsanaya ayuu sii salaamay kadibna qolkiisii usii gudbay. Wadnihiisu xoog ayuu u garaacmayaa. Waxa aad mooddaa gabar yar oo markeedii koowaad la kulantay jacaylkeedii koowaad. Qolkiisii markuu sidaa u galay, Shaarkiina katabaanka surtay ayaa hooyadiis Sureer albaabka soo garaacday.

“Hooyo, Walaashaa Shukri ayaa caawa guriga timid. Ninkeedii bay isa soo dagaaleen. Waxa ay tiri 2dii wiil waa uu iga reebtay gurigana si foolxun buu iiga soo saaray.” Ayay hooyadiis warka ku bilawday. Inta uu si xanaaq leh u eegay buu degdeg qolka uga soo baxay. Waxa uu isaga oo aan dheg la qabto lahayn qolka ugu galay walaashiis. “Sidee ayuu ku keenay aniga oo nool in uu sidaas kuula dhaqmo dayuusku?” “Abowe is daji wax wayn ma jiraane.”

Walaashiis waa qof caqli badan oo garan karta xanaaqa walaalkeed in uu sababi karo dhibaato ka wayn tan hadda taagan. Hadalkii ayay u dajisay, waxa ay wax ka tustay meelo badan. Markii ay dareentay in uu hadda xasilloon yahay ayay hadalkii ku bilowday. “Abowe, ninkaan is fahmi mayno. Waxa aan rabaa in la iga furo, labadayda wiilna aan anigu korsado ee intaas in aad ila dhammayso igula dadaal.” Cod xanaaq yari ku jiro ayuu yiri “Awalba adigaa wax aan kuu qalmin doortay, bal ma magaalada intaas le’eg baad ka wayday wax isaga dhaama. Dhibsa maleh anaa dhammaynaya howshaas.”

Walaashiis xumo uma uu quuro, xumaan iska daaye uma ogola in cidi si yar oo xanaf leh u eegto. Dadka kale gabdhahoodase in ay qashin yihiin ayaad ka shakinaysaa marka aad aragto habka uu ula tacaamulo.

Qolkiisii ayuu kusoo laabtay. Xoogaa buu ka fakaray arrinta walaashiis. Ilbiriqsiyo kadibse waxaa xasuustiisa markale soo salaantay Kaafiya. Ayadana waa in aan ka Sal gaaro ayuu nafta kula faqay. Sariirtiisii ayuu isku kala bixiyay. Hurdo dheer ayuuna galay.

Jacaylku waa janno looga nasto qaxarka iyo dhibaatada adduunka bay dhahaan. Waxa ay dhalinyaradu, isku maaweeliyaan in si kasta oo noloshu kuugu adag tahay, haddii aad haysato qof ku jecel, aysan nolosha waxba kaa dhinnayn. Dhalinyaradaas Kamaal kamid maaha. Waxa uu si adag u aamminsan yahay in Lacagta iyo Quruxdu tahay furaha dunida. In aysan waxba kaa dhinnayn haddaad labadaas Midkood hesho. Kaba wanaagsan haddii aad isku hesho.

Waxa uu caqligiisa ka dhaadhiciyay isaga oo aad u da’ yar in dunida uusan waayi Karin wax uu u baahday. Lacagtii faraha badnayd ee Aabbihiis uga dhintay ayaa sabab u ah in uu nolol noocaas ah ku barbaaro ayaa la oran karaa. Dadku waxa ay badanaa is xasuusiyaan in uusan jiri karin qof dhammays ah. Kamaal marka aad aragto se arrintaas waad beensanaysaa. Magicii hooyadiis ugu walqashay ayaa saadaal wacan u noqday ayaa la oran karaa.

Xilli ay casar liiq tahay, ayuu isaga oo galabta hurdada ku daahay gaarigiisii soo qaatay. Heeso qaraami ah ayaa u shidnaa, jawigiisuna waa uu qurux badnaa. Saaxiibtiis Salma oo caawa la ballansanayd ayuu farriin gaaban u qoray; “Gacaliso, Caawa waa annagii ballansanayn mase awoodo oo hawl baa igu soo baxday.” Taleefankiisii ayuu xiray. Maba uu sugin jawaabteeda waa uu ogyahay in aysan oranayn wax aan ahayn, “Waayahay Mcn”

Isagu ma yaqaan sababta uu u joojiyay kulankeeda caawa. Qorshe gooni ah ma uu laha. Waxa uu gaarigii xoogaa magaalada ku dhex wareegaba waxa uu tagay goob wax akhris oo uu galbaha qaar booqdo. Kursi bannaan ayuu fariistay inta uu gaarigiisa kala soo baxay buug shirka hore u saarnaa. Koob qaxwe ah oo madow ayuu dalbaday. Waxa uu galay jawi uusan waayahaan galin. Xasuuso ayaa qalbigiisa is jiiray. Waxa uu dib u daawaday gabdho badan oo uusan maanta meel ay dunida ka joogaan uusan aqoon markii uu jacaylkooda ku dhacayay.

Sidii uu waqti u galiyay in ay dhankiisa noqdaan iyo sidii uu cidlo ugaga dhaqaaqay. Wuu isku qoslay marna isla yaabay. Wax uu naftiisa ku tilmaamo ayuu garan waayay. Maxaa kaa khaldan ayuu dhawr jeer is waydiiyay. In uu isbeddel u baahan yahay buu is xasuusiyay. Maxaan baddalaa ayuu is waydiiyay. Waxa uu haysto wax uu ku qanacsan yahay in aysan jirin buu is xasuusiyay. In uu kaco ayuu u holladay. Buugii ayuu isku laabay. Hortiisa markuu eegay mise Kaafiya ayaa buug caafimaad ku saabsan hortiisa la fadhida. Wuu yaabay oo is yiri sidee ayaadan markii hore u arag.

Waxa uu damcay in uu u tago oo uu wada hadal la furo. Kibirkiisa ayaa u diiday. Markii uu kacayay ayuu si ku talo gal ah buugiisii dhulka ugu tuuray. Ujeedku waxa uu ahaa in ay soo eegto. Nasiib xumo ma ay soo eegin oo waxa ay u muuqatay in aysan dan ka lahayn. Isaga oo dareemaya in uu markii koowaad dareemay daciifnimo ah in uusan hadafkiisa gaari karin ayuu gaarigiisii soo galay.

Dhanka kale kaafiya oo daawanaysay illaa iyo markii uu soo galay, hoosta kala socotay buugga uu akhrinayo iyo qaxwaha uu dalbaday noociisa ayaa qalbigeeda kula faqday. “Kaafiya maxaa kaa khaldan? Maxaa indhahaaga u mooddaa maanta kuwo meel khaldan eegaya.” Markii uu sii kacayay ayay nafta u sheegtay ma eegtaa dhankiisa oo ma u qososhaa si hadal yari uga furmo meesha, haddana isla waynida ay nafteeda ku ababisay ayaa u diidday. Ayada oo maqlaysa shanqarta bixitaankiisa ayay is moogaysiisay.

Marka ay ka yaabtay sida maskaxdeedu ninkaan ugu maqan tahay ayay nafta ku cadaadisay in ay xasuusato in ay xiriir dhammays ah leedahay. In uu jiro wiil dunida kaligeed ka eegta. Nin ay boqorad u tahay oo agtiisa aysan maalinna ku dareemin in wax ka dhiman yihiin. Waxa ay si adag ugu doodday in ay dambi wayn tahay in ayada oo haysata jacayl barakaysan dhib iyo qaxar ka fog ay u hanqal taagto nin ay ogtahay in uu haysto naag ka qurux badan, ka labbis fiican kana haybad wanaagsan.

Labadoodiiba isaga oo mid walbaa dhankiisa nafta ula dagaalamayo ayay guryahoodii u hoydeen. Kaafiya hadafkeeda koowaad waa in ay nafteeda ku qancisaa jacaylka dhammayska ah ee ay haysato kana ilaaliso dhaawac soo gaara. Kamaal hadafkiisu waa in uu is baddalo, waa in uu helo gabadh uu jecel yahay oo ku dego. In uu iska daayo istustuska iyo faanka aan macnaha ugu fadhin. In uu Quruxda, Caqliga iyo maalka ilaahay siiyay uu uga faa’iidaysto sida ugu habboon. Waxa uu ku celcelinayay in la gaaray waqtigii uu heli lahaa nolol xasiloon oo uu ku nasto.

Salma ayadu waxa ay rajaynaysaa in uu dhawaan guur usoo bandhigi doono. Lacag la’aani ma hayso oo waa ay ogtahay. Shaqo fiican buu hayaa oo waa xilligii ugu habboonaa oo uu guursan lahaa ayay nafta kula sheekaysataa. Maalin walba waxa ay aaddaa Saloon waxa ay soo marsataa Cillaan qurux badan ayada oo is leh isnaashnaashkaagu bal farriin ha u noqdo. Go’aan bay meel dhigatay. Bil gudahood haddii uusan guur igu waydiisan aniga ayaa waydiisanaya ayay hoosta ka xarriiqday.

C/Kariim habeen iyo maalin waa uu shaqeeyaa. Hadafkiisa koowaad waa in uu helo lacag ku filan oo uu Kaafiya ku doonto meelna ku dajiyo. Weli guur ma uu waydiisan waxa uuse ku hanwayn yahay in aysan diidi doonin haddii uu isagu dhaqaale ahaan diyaar noqdo. Jacayl xadka dhaafay ayuu u hayaa ayada, oo waxa uu xilli walba ka walwalaa ammaa lagaaga hormaraa oo nin diyaar u ahi guur u bandhigaa adiguna aad sidaas ku hungowdaa.

Waa markii 3aad oo ay is arkayaan ayaga oo aan ballamin. Malaha qaddarka ayaaba isla doonanaya labadooda oo raalli ku ah burburka qalbiyo faro badan. Maya qaddartu shuqul kuma laha kulankaan ee Kamaal ayaa qorsheeyay. Waa uu ogaa in ay isbitaalka kalkaaliso ka tahay. Waxa uu u yimid in uu dhiig shubo. Nasiib wanaag ayada ayaa joogtay qeybta uu yimid. Baaritaan yar ayay ku samaysay kadib ayay dhiigii ka shubtay.

Intii ay dhiigga ka qaadaysay oo dhan ayada ayuu daawanayay waxa ay la ahayd sidii uu markii koowaad arkayo wax indhihiisa sidaas oo dhan usoo jiita. Xoogaa daal ah baa ka muuqda wajigeeda quruxdeedase ma uu qarin. Markii ay u dhammaatay shaqadii ayay ka dhaqaaq maagtay. Hadda waa uu dhiiradday si cad buu ula hadlay oo u yiri “Kaafiya, lambarkaagii muxuu ahaa?”

Ma tiraahdaa maxaa kaa galay lambarkayga ayay niyadda ka tiri. Haddana waxa ay isu sheegtay in sidaasi tahay sida ciyaalka iyo gabdhaha reer miyiga ahi uga falceliyaan marka qof lab ahi lambarkooda waydiiyo. Gacanta ayay usoo taagtay. Taleefanka ii dhiib in ay ka waddo waa uu gartay. Lambarkeedii ayay u qortay. Kaafiya ayay ugu save garaysay. Labo gabdhood oo ayaguna Kalkaaliyayaal ka ah isbitaalka ayaa meel halkeer ah ka daawanaya waxa meesha ka dhacaya. Hadal ayada oo aan u celin ayay ka dhaqaaqday.

Gaarigiisii ayuu soo galay. Lambarkeedii ayuu dhawr jeer eegay isaga oo aad moodid in uu soo xaqiijiyay hadaf aad u wayn.

Dhanka kale Salma waxa ay u diyaar garoobaysaa kulan ay caawa gacaliyaheeda la leedahay. Waxa ay wadnaha farta uga haysaa in uu caawana uga baxo oo uu yiraahdo ma kulmi karno. Go’aan bay meel dhigatay. “Caawa haddii uu ka baxo si cad ula hadal u qeex dareenkaaga waydiina sababta uu kaaga meermeerayo muddooyinkaan.” Salaaddii makhribka marka laga baxay ayaa taleefankeedii soo dhacay. Salma ayada oo ka walwalsan in uu baajiyo ballanta ayay qabatay. Wixii ay ka baqaysay ayaa dhacay.

Waxa uu hadal uga bilaabay. “Gacaliso, Waan ka xumahay saaxiibkay oo magaalada yimid ayaan galabta si kadis ah ku kulannay ilamana qurxoona in aan kasoo tago. Waqti qurxoon waan wada qaadan doonnaa.” Naagtii ku tashatay in ay si kulul ula hadasho hadalkeedii wuxuu ku soo aruuray ” Waayahay Qaali” Kursi daaradda yaallay ayay fariisatay. Cabbaar ayay is waydiisay waxa helay. Waxa uu isu baddalay oo uu uga meeraysanayo kulankeeda. Waxa ay dib u gocatay xasuuso hore. Waxa ay dhex tagtay sidii ay isku barteen. Sidii ay noqotay maalinkii koowaad ee ay ogaatay in uu gabar xiriir la leeyahay. Waxa ay xasuusatay sidii ay go’aan ugu gaartay in ay dhinaceeda soo mariso oo aysan uga harin xiriir buu leeyahay.

Niyadeeda ayaa dhawr jeer la hadashay. Afarta jiho baa looga dhawaaqay. Sidii aad ku heshay, ayaa adigana lagaaga qaadayaa. Maya ma dhici karto ayay ku doodday. Maxaa diidaya ayaa loogu warceliyay. Sababta oo ah aniga wuu i jecel yahay ayay ku celcelisay. In jacaylku isbaddalo ayaa dhawr jeer la xasuusiyay. Isku buuq dheer kadib inta ay shaydaanka iska naartay ayay nafta ballan kula gashay in marxaladda soo korortay ay ka salgaari doonto, Kamaalna ay ayada oo keli ahi lahaan doonto.

C/kariim farxadda qalbigiisa ka buuxda waxa aad mooddaa in nolosha loogu bishaareeyay in la siin doono furayaasha jannada. Waxa uu ku han wayn yahay in uu caawa seexan doono isaga oo guur la qorsheeyay tan uu qalbigiisa u xiray. Gaarigii ayay soo gashay Kaafiya. Waxa ay u socdaan meel lagu nasto, cunto macaanna laga cuno oo magaalada bannaankeeda ah. Heeso xasilooni muujinaya ayaa gaariga ka daaran. Isaga waxa ay la tahay maanta in uusan magaalada Garoowe joogin nin isaga ka farxad badan.

Kaafiya waxa ay isku canaanaysaa maxaan lambarkayga u siiyay? Tolow khalad miyaan galay? Soo lama rabin in aan u diido. Marka ay jawaab wayday ayay nafta ku xasilinaysaa muhiim maaha in aan lambarkayga siiyay ee waxaa muhiim ah in aanan la hadlin marka uu ila soo hadlo. Gaarigii ayaa soo istaagay afaafkii makhaayadda. Iftiin yaryar ayaa ka baxaya illinka laga galo. Gaarigii ayuu baakinka dhigay.

Intii aysan dagan ayuu inta gacanta soo qabtay ku yiri “Gacaliso Kaafiya, Waxa aad tahay noloshayda waxa ugu qaalisan. Waxa aan doonayaa cimrigayga inta ka dhiman in aan adiga kula qaato. Noloshayda maalinkaad soo gashay ayay wax walbaa rajo qurxoon yeesheen. Waxa aan rabaa in aan ku guursado.” Inta uu hadlayay waa ay maqnayd. Maskaxdeedu waxa ay jirtay maanta iyo dhiig shubistii. Waxaa horteeda yaallay gacantiisii xididada badnayd awoodda faraha badanina ka muuqatay. Waxa ay is waydiinaysay sababta uu Lambarkeeda u qaatay. Muxuu ii sheegi doonaa ayay jawaab in laga siiyo jeclaysatay.

C/kariim oo yaabban ayaa yiri “Gacaliso, ma aadan maqlin miyaa waxa aan ku iri?” Ayada oo aan jawaabin baa taleefankii soo gariiray.

“Ugaaso waxa aan rajaynayaa in aan wax ka barto xirfadahaaga ka baxsan bukaanka dhayidiisa.” Way iska qiyaastay in uu Kamaal yahay ayada oo aan jawaabin ayay taleefankii xirtay. Waxa ay isku dayday in ay usoo jeensato jacaylkeeda baladu sii jiidanayso. Waaba uu ka dagay gaariga oo bannaanka ayuu ku sugayaa. Ayada oo khajilaad dareemaysa ayay soo dagatay. Gudaha ayay galeen oo ay wada casheeyeen cashadii koowaad ee ay dareemayeen in dhexdooda balo soo gali doonto.

Dunida waxa ay dhahaan dadka is lihi isma helaan. Hadday is helaanna isma hantaan. Warkaasi run buu ku dhaw yahay marka la eego marxaladda afartaan qof ee qofba qafiska qof kale ku jiro. Si ay u xoroobaan waxaa khasab ah in qalbiyo badani jabaan. In jacaylo badani burburaan. In qaarkood khiyaamoole loo aqoonsado halka qaarkood ay Hanan doonaan kuwa aan qeyrkood ka qaadan karin.

Dunida waxa ay dhahaan dadka is lihi isma helaan. Hadday is helaanna isma hantaan. Warkaasi run buu ku dhaw yahay marka la eego marxaladda afartaan qof ee qofba qafiska qof kale ku jiro. Si ay u xoroobaan waxaa khasab ah in qalbiyo badani jabaan. In jacaylo badani burburaan. In qaarkood khiyaamoole loo aqoonsado halka qaarkood ay hanan doonaan kuwa aan qeyrkood ka qaadan karin.

Kamaal waxa uu ku fakaray waddo walba oo uu Kaafiya ku dareensiin karo in uu ka mudan yahay kan ay xiriirka la leedahay. Waa nin caqli badan, sidoo kale wuu ku baraarugsan yahay in qofta uu u dan leeyahay aysan ahayn gabar yar oo lagu siran karo lacag iyo wax lamid ah. Wuu ka qiyaas qaatay in ku filan qofka ay tahay in uusan ula imaan karin xiriirka saaxiibkay kasoo bax oo aniga ii imow. Sidee ayuu sidaa u samaynayaa? Sidee ayuu ugu muuqan karaa nin u qalma nolosheeda oo aan xiiso doon ahayn. Salma ayuu yiri. Haa Salma ayada waa in aan noloshayda ka saaro ayuu iskula faqay.

-War miyaad waalan tahay? Miro gunti ku jira kuwa geed saaran looma daadsho. Ma naag aadan haysan ayaad u eryi gabadha guurka kaa sugaysa. – Maya waa in aan nin nadiif ah noqdo. Waa in aanan cidna ku danaysan ee aan Salma runta u sheego una caddeeyo in wax iska baddaleen wixii aan awal u dareemayay. -Macquul maaha haddii aad ficilkaas ku dhaqaaqdo waa marka noloshaadu burburayso. Cid walba oo isku kiin taqaanna maxaad u sheegi doontaa? – Maxaa iga galay waxa ay dhihi doonaan haddii aanan anigu faraxsanayn?.

Wada hadal dheer oo isaga iyo naftiisa dhex maray, gunaanadku wuxuu noqday in uu nin iska dhigo rabitaankiisana caddeeyo. Salmana uusan waqti kale kasii dhumin. Geesinimo waa middaas ee ma yahay nin ku dhiirran kara?.

Kaafiya asbuuc dheer oo ay marna is waydiinaysay sababta uusan farriin kale ugu soo dirin, marna ay isku canaanaysay sababta ay marka horaba farriin uga sugayso. Waxa ay go’aansatay in ay jacaylkeeda u sheegto in aysan guur diyaar u ahayn ayada oo marmarsiinyo ka dhiganaysa xaaladda hooyadeed iyo in aysan guur ku dhiirran karin ayada oo aan wax muuqda qabsan, shaqadana heer ka gaarin. Kursi barandada isbitaalka yaallay ayay fariisatay. Niyadda ayay iska waydiisay Guurka C/kariim soo maahayn wax aad waligaaba sugaysay. Haddii uu hadda si kadis ah ku helay fursad uu kugu aroosi karo maxaa kaa hortaagan? Maya ma gali karo guur aniga oo xaalad isku qasnaan ah ku sugan. Maxaa ku qasay ma waxa aad rajo ka leedahay wiilkii watay gabadhii sidii la ogayd u ekayd. Haddii aad dhawr jeer si kadis ah ku kulanteen indho rabitaan saa’id ah ka muuqdana isku eegteen macnaheedu maaha in aad guurkaaga uga baxdo ayay nafta kula shawrtay.

Salma maanta gurigoodii ayay timid. Walaashiis iyo hooyadiis bay waqti wacan la qaadatay. Ayada ma waxa ay ka tahay dareensii reerkooda in aan naag ku habboon tahay. Dhawr jeer bay hooyadiis kusoo hadal qaadday halka wax u marayaan iyo in guurkii soo dhaw yahay. Qosol iyo dhoolacaddayn laga dheehanayo in wax walbaa soo dhaw yihiin ayay marwalba isku dhaafisaa.

Salma waxa ay ka dhalatay reer ladan hanti ahaan ayada wax macne ah uguma fadhido gurigooda quruxda badan iyo dahabka hooyadiis qabto. Hadafkeedu maaha in ay noloshiisa quruxda badan gasho. Hadafkeeda koowaad waa in ay nolol qurxoon la qaato ninkaan ay jeclaatay qiimo kasta ha ugu kacdee.

C/Kariim waxa ay la noqotay wax aan la aqbali karin in ay Kaafiya jawaabta aan Haa ahayn siisay. Dayntii uu bangiga ka qaatay, gurigii uu qorshaynayay in uu kiraysto xataa diyaar buu u ahaa oo mulkiilaha wuu la hadlay. Isaga qudhiisu ma yaqaan waxa sidaa u dadajiyay. Waxa ku kallifay in uu halmar gaaro go’aan guur. Loogama horrayn wada hadalkii Kamaal baqdin buu dareemay isaga oo aan garanayn halka laga soo weerarayo. Qaadan waaga ka sokoq isaga waxaa khasab la’ahayd in uu ogaado sababta dhabta ah ee ka dambaysa diiditaankeeda. Soo ma aha qoftii oran jirtay wax walba waynu wada qeybsan, xasiig hadday noqoto xataa waynu ku wada seexan. Jacayloow xaalkaa ba’ isbedbeddel badnidaa maxaa sugnaanshaha kuu diiday?.

Ugu dambayn kulankii ay waqtiga badan sugaysay Salmo waa rumoobay. Huteel wayn bay casho u tageen. Salon wayn bay kasoo marsatay makeup quruxdeedii qurux ku daray. Waxa ay la tahay sidii caawa in uu usoo ballanqaadi doono guur. Qosolka iyo raynraynta qofkii arka waxa uu ugu dhaaranayaa in ay gacanta ku haysato wax ka wayn waxa dunidu bixin karto. Farxadeeda waxaa laba jibbaaray in kulanka uu Kamaal dalbay halka badi awal ay ayadu ahayd qorsheeyaha ballan walba iyo halka ay tagayaan.

Niyadeedu waxa ay u sheegtay in wax wayni dhacayaan oo uusan si fudud isagu u ballamin. Guriga albaabkiisa ayuu kasoo qaaday. Goobtii ballantu ahayd ayay yimaadeen. Halmar ma uu dhoolla-caddayn intii ay soo socdeen. Waji macbuusnimadiisu wajigeedii sida ubaxa hadda dhashay u ifayay ayay shiiqisay oo ay ka dhigtay sida ubax qalalay oo abaaruhu qalajiyeen. Ayada oo aan rajo fiican qabin ayay miiska fariisteen. Isaga laftiisu wuu gariirayaa, quruxdeeda oo uu waligeed u khushuuci jiray caawa waxbaa saa’id ku ah. Dhawr jeer buu is yiri – Niyow qof waalan oo keli ah ayaa ka taga qof sidaan u qurux badan.

Cashadii ayay caafimaad ku dhammaysteen ayaga oo aan wada hadal dheer is dhaafsan. Marka weelkii la qaaday ayuu inta gacmaheeda gacmihiisa korsaaray ku yiri; “Gacaliso I dhagayso.” Isaga oo aan hadalba oran ayay indho waawayn oo jacayl faro badani ka muuqdo kusoo eegtay ku tiri “Aad baan kuu jeclahay”.

Xoogaa buu aamusay. Hadalkii baa ka kala lumay. Wax uu ku hadlo ayuu garan waayay. Ma qofkaagii oo sidaa u faraxsan ayaa loo quuri karaa niyad jab sidaas u wayn. Maya u dib dhig ayuu ku tashtay. Isaga oo arka in hadal laga sugayo ayuu hadalkii ku bilaabay;

“Salma, intii aad noloshayda ku jirtay waxa aan ahaa qofka ugu farxadda badan dadka koonka jooga adduunka ayaan kuu jeclahay.” Maskaxdiisii oo ka hoos duryamaysa ayaa kaga hoos qaylisay -Niyow been badnidaa hadda waan kaa tagayaa baad dhihi lahayde haddii aadan taas awoodin maxaa kugu wata beenta iyo koonka ayaan kuu jeclahay adiga oo Kaafiya oo aadan gacan ku hayn darteed uga tagaya.

Ubixij haddeer qallalay farxad buu lasoo baxay ilbiriqsiyo gudahood. Gurigeedii ayay ku laaabatay ayada oo is leh muxuu markii hore kaaga bajiyay oo wajiga macbuuska ka ah kuu tusay. Isagiina dhanka gurigiisa ayuu gaarigii usoo kaxeeyay isaga oo kumanaan jeer fulaynimadiisa nacladaya, naftana ku canaananaya haddii aad runta usoo sheegi lahayd caawa wax walbaa waa kuu kala fududaan lahaayeen.

Noloshu kuma siinayso jaanis badan oo aad ku kala xulato dhammaan fursadaha ku horyaal, Haddii ay ku siisana adigu u caqli badnaan maysid sidii la rabay oo waxa ay u badan tahay in aad dooratid waxa ugu liita waxa lagu hordhigay, ayuu niyadda iska yiri. Waxa uu is waydiiyay Kamaalow, -Haddii Kaafiya iyo Salma lagu kala doorransiiyo tee ayaad dooran lahayd? -Ma hadda mise barashadii Salma kahor. – Barashadii Salma kahor khasab Salma ayaan dooran lahaa waayo indhahaygu quruxda kaliya ayay wax ku qiimayn lahaayeen. Haddase Kaafiya ayaan dooran lahaa.

Wax aan dareemayaa indhaheeda in wax aad sixir moodid ku jiraan. Wax ii jiidaya dhankeeda, oo i leh Kamaalow, Qoftaadii waa qoftaan oo keliya. Habka ay u socoto, sida deganaanta leh ee ay wax u daawato. Waxa aan dareemayaa in shakhsiyad cajiib ahi ku duugan tahay jirkeedaas jabka yar.

Waqti looma siin in uu intaas ka badan isla faqo. Waxaa soo dhacay taleefankiisii, Waa Kaafiya. Waxa ay hadal uga bilawday. “Soo kamaal maaha. Waxa aan rabay in aan ku waydiiyo in aad jaanis hayso oo aad dhiig bixin karto. Bukaan ayaa si degdeg ah ugu baahan nooca dhiigaaga.” Kama uu fakarin ee si degdeg ah ayuu u yiri “Hadda ayaan imaanayaa.” Waxa aad mooddaa Askari taliyihiisu amar siinayo sida uu ugu hogaansamay warkeeda isaga oo aan waxba iska waydiin saxnaantiisa.

Kursi barandada yaallay ayay fariisatay ayada oo nafteeda ku canaanaysa hadda maxaa beenta kugu xaqsaday, maxaa kugu kallifay in aad dhiig aan loo baahnayn dartiis ugu wacdid. Wax aysan aqoon ayaa gudaheeda ka shaqaysanaya, wax aysan garanayn ayaa ficiladeeda maamulaya. Waxa ay dareemaysaa in ay doonayso kaliya in ay isaga aragto.

Haddii aad aragto sida ay halganka ugu jirto in ay ilaashato C/kariim oo ay nafteeda ugu celcelinayso. “Ma dhici karto isaga ayaad jeceshahay, isaga ayaa noloshaada ah, noloshaada nin kale boos ugama bannaana.” Waad u garaabi lahayd, waxa aad oran lahayd wax ka tan wayn ayaa maamulaya oo u riixaya dhanka nin aysan aqoon waxa ay kala kulmi doonto.

Gaarigiisii ayuu isbitaalka meel gudihiisa ah ku baakimay. Dhankii qolkii ay maalinkii hore dhiigga uga qaadday ayuu yimid. Waxa uu ka cudurdaartay in uu soo habsaamay. Muxuu u cudurdaaranayaa isaga ayaa mudan in loo cudurdaarto madama uu kasoo tagay shaqo muhiim ah. Kulan wax wayn u samaynaya shaqadiisa ayuu dhiig in laga qaado dartiis u baajiyay. Gacantiisii

xididada lahayd ayuu usoo taagay, ayada oo ay jaraynaysa ayay inta si dabacsan u qabatay surtay saliingihii.

Waxa uu nafta ku adkeeyay in uusan meesha ka bixin isaga oo aan waydiisan kulan ay gooni u kulmaan. Waxbaa qalbigiisa u sheegay in ay ogaan ugu yeertay oo aan dhiigiisa baahi loo qabin. Haddana gacaladiisa kama uu shakin karo isaga oo aan caddayn hayn, taasi waxa ay gaf ku tahay jacaylkiisa curdanka ah. Habka ay u eegaysay, habka gacanteedu u jaraynaysay marka ay tiisa taabatay ayaa ku lahaa waxbaa ku dheeri ah shaqadeeda.

Isaga oo farxad gudaha ah dareemaya, haddana aan ku kalsoonaan karin dareenkiisa gudaha ee beenta noqon kara ayuu agteeda soo istaagay markii shaqadii u dhammaatay. Waxa uu si is adkayni ku jirto u yiri, “Kaafiya, Waxa aan kaa codsan lahaa haddii ay macquul kuu tahay in aan caawa is aragno, in aan si wacan kuula sheekaysto annaga oo aan isbitaalka iyo urta daawada ku dhex jirin baan doorbidi lahaa.” Waxa aqbal iyo ajiibay ka yeersiiyay ayada oo aan la aqoon ayay dabacsanaan iyo qanacsanaan ku aqbashay la kulankiisa. Maskaxdeedu waxa ay ku qaylinaysaa C/kariim sidaan ha ku samayn waligiis kaa uu cafin mayo.

Salma iyo C/kariim qaddarta iyo koonka ayaa kasoo horjeeda. Dabayshii dhaqaaqdaba waxa ay waddaa war labadooda ka nixiya iyo ficil isu soo jiida Kaafiya iyo Kamaal oo uu ka dhex jiro jacayl aan sinaba macquul ugu muuqan.

Kulankii 3aad ayay caawa kulmayaan Kamaal iyo Kaafiya. Waxa aad mooddaa in labadooduba ku jiraan ismoodsiis. Midna kama hadlo xiriirkiisa, midna masoo hadal qaado in uu jacayl kale leeyahay, ayaga oo is og ayaa haddana la is moogaysiinayaa. Waxaa laga sheekaysanayaa Filimaanta ay ugu jecel yihiin, Heesaha, iyo buugaagta.

Mid walbaa waa uu ku raaxaysanayaa marka uu shakhsiyaddiisa qeexayo. Xaqiiqadu marbay soo baxaysaa, mar baan laga fursanayn in waaqaca la waajaho, in lagu dhiirrado wada joog, lagana tago qalbiyo noloshooda ku xiray. Ama in la joojiyo xiriirkaan xargaha goosanaya. Kaafiya ayadu warkeeda way caddaysatay.

Waa ay joojisay in ay C/kariim ula hadasho sidii hore, si toos ah ayaa dabcigeeda looga dareemayaa in wax cusubi jiraan. Taleefanka ma qabato, maseejka kama soo jawaabto shantii wicitaan mid kamid ah ayay farriin ahaan usoo qortaa aad baan u mashquulsanahay. Waa maxay mashquulka xilligaan soo baxay. C/kariim dadaal kuma yara. Naftiisa su’aal kama daayo. Maxaan hagraday? Maxaan ka gaabiyay? Maxaa sababay isbaddalkeeda ayuu naftiisa ku daaliyay. Wuu dareemayaa in jacaylkeedii wax jiidanayaan, haddana ma yaqaanno dhanka laga jiidanayo, dhanka

uu babaadada ka bilaabo. Aad bay u xanuun badan tahay, marka aad wax walba siiso qofka aad jeceshahay waqti iyo maskaxba galiso hanashadiisa, haddana ilbiriqsiyo gudahood wax aan la aqooni kusoo weeraraan oo kaala wareegaan jacaylkii aad muddada deyrka adag ku xeeraysay.

Salma waxa ay ku qanacsan tahay in uu dhawrkii habeen mar soo waco, in uu u sheego in uu jecel yahay, Kuna sasabo in uu xad dhaaf u mashquulsan yahay. Caqligeeda ayuu dhex galay, dabadeed dhex dhigay in ay tahay naagta kaliya ee uu dunida ka ilaashado, hadda oo uu shaqada mashquul ku yahayna aysan cagta ku badin. Maskiinimadeedu xadka ayay dhaaftay. Habeenkii saq dhexe ayay wacdaaa. Waa another call. Si jacayl leh bay ugu qortaaa “Mcn miyaad ku hadlaysaa.” “Haa qalbi, aniga ayaa kusoo wacaya” ayuu ugu jawaabayaa. Habeenku waxa uu dhammaadaa ayada oo sugaysa wicitaankiisa, taleefanka codka u furatay si aysan u seegin lacalla hadduu soo waco.

Habeenno badan ayay ku gama’day sugitaan subixiina wax farriina wayday. Qalbigeedu wuu u sheegayaa in ninkaani uusan dareenka ay u hayso oo kale uusan u hayn, haddana kuma dhiirran karto in ay xaqiiqada waajahdo ee cudurdaar ayay u samaynaysaa. Lafteedu waa ku baraarugsan tahay in cududaar u samayntu illaa meel tahay intaa ka badanna ay xaqiiqada in ay wajahdo ku khasbanaanayso.

Kaafiya sax iyo khalad kala garan mayso, jacayl iyo khiyaano uma kala soocna. Jacayl ugub oo u eg kii ay C/kariim u qaadday labo sano kahor ayay cirka la maraysaa. Taleefanka gacanta kama dhigto, shaqaalihii isbitaalka, hooyadeed iyo cid walboo u dhawayd si layaab leh ayay u daawanaysaa ayada oo la dhawrayo halka ay dhaanka ku furto.

Kamaal waxa uu dareensiiyay wax walba oo jacayl ah isaga oo aan ku oran Waan ku jecelahay. Hadiyado ubaxyo u badan. Shukulaatooyin iyo buugaag ayuu si kadis ah ugu keenaa. Farriimo qurux badan ayuu usoo diraa. Caqligeeda ayuu xadayaa isaga oo aan si sax ah ugu qiran waxa uu ka damacsan yahay. Ayadu ma garan iska hubi, ma garan haddii aad bohol ku dhacayso ha noqoto bohol aad filaysay. Ee waxa ay ku dhex noolaatay jannadii uu u yaboohay. Waxa ay dareemaysaa in haddii ay bilawga ka heshay aysan u baahnayn in ay isku murjiso dhammaadku waxa uu noqon doono. Waxa ay nafta been ugu sheegtay, “Wax walba oo gadaal ka yimaada waa qaddar, haddase waxa aan ku noolahay nasiibkii.”

Caawa saansaanta jawiga ayaaba madmadow ah. Roob ayaa daqiiqado kahor qaaday. Sida nolosha afartaan qofi mugdiga u tahay si u eg. C/kariim waxa uu soo qaatay gaarigiisii isaga iyo saaxiibkiis Maxamed ayaa usoo casho doontay makhaayad magaalada bannaankeeda ah. Waxa uu is leeyahay xoogaa isa soo xasili. Labo bilood noloshiisu waxa ay ahayd mid aan la aqoon halka ay ku socoto. Jacaylkiisii ayaa qiiq iyo uuro madow ka noqday isaga oo aan aqoon waxa gubay, sababta loo gubay iyo waxa isaga loo abbaaray. Maxamed oo sheeko yaqaan ah caawa shaqada kaliya oo uu

hayaa waa in uu saaxiibkiis qalbigiisa rajo nolosha u galiyo, kana dhaadhiciyo in wax walbaa qaddar yihiin, dumarkuna sida jawiga isu badbaddalaan, aysanna mudnayn wax loo walwalo.

Salma ayadana waxaa la socota saaxiibteed Samiira iyo wiil ay samiiri la sheekaysato, waxa ay ayaguna soo abbaareen makhaayaddii C/kariim iyo saaxiibkiis yimaadeen. Markii ay iridda kasoo galeen ayay dareemeen in goobtu buux u egtahay oo aan meel la fariistaa bannaanayn. Ayaga oo quus ku dhaw ayay arkeen miis dhinaca ku haya kii C/kariim iyo saaxiibkiis fadhiyeen. Way iskaga qanceen madama aysan doorasho kale haysan. Xoogaa markii la fadhiyay ayaa Salma indhaheedu waxa ay milicsadeen wiilkaan dhinaceeda fadhiya. Xoogaa markii ay wajigiisa eegaysay ayay xasuusatay maalinkii ay kafeega Higlo ku aragtay. Inkasta oo indhaheeda, caqligeeda iyo qalbigeedaba Kamaal deganaa haddana way xasuusatay in uu aragtidii koowaad ku guulaystay in indhaheedu qabtaan.

Cashadii markii la dhammaystay ayaa Samira iyo saaxiibkeed u dhaqaaqeen dhanka maqalka. Sidoo kale waxaa isna kacay Maxamed oo suuliga aaday. Waxaa soo haray Salma iyo C/kariim oo is dhinac fadhiya. Fursaddaan ka faa’iidayso ayaa wax gudaheeda hoose ka yiraahdeen oo la hadal. Cod deganaansho ka muuqdo ayay ku tiri “Walaal iska warran” “Miyaan ku garanayaa” ayuu si adag u yiri. Sidii saaxiibtiis isu baddashay cudurka hayana uu u garan waayay lama tuso naag iyo warkeed. Labadii sano oo uu ayada xiriirka la lahaana cid aan ayada ahayn indhihiisu ilbiriqsina ha ahaatee ma qaban. Intay is dajisay ayay tiri. Higlo ayaan habeenkii aad Kamaal la socotay kugu arkay. Markaas buu dib u xasuustay waa qoftii quruxda badnayd ee Kamaal watay. Waxbaa qalbigiisa hinjiyay oo dhankeeda usoo jiiday. Saaxiibkay miyuu kula socday ayuu waydiiyay. Maya waayahaan waan kala mashquulnay oo is maba aragno ayay tiri. Waxbaa qalbigiisa kusoo dhacay. Waxa uu xasuustay maalintuu uu kamaal waraysanayay. Waxa uu isku xiray xargaha ilbiriqsiyo gudahood buu kusoo saaray waxa Kaafiyana mashquuliyay. Alla marka wax laguu sheego ayaad wax garataa ayuu yiri. Maxaad ka waddaa ayay tiri. Maya anaa isla hadlayay. Lambarkaagii muxuu ahaa buu waydiiyay. Horay bay ka siisay ayada oo aan hakad galin. Sidii baa makhaayadii looga kala dareeray.

Waxaa is bartay labo qalbi oo la qalbi jabiyay. Miyay is dhayi doonaan mise way aarsan doonaan. Sidaa marka ay u dhaqaaqeen ayaa waxaa makhaayadda irridkeeda soo istaagay gaarigii Kamaal. Kaafiya oo qosolkeeda xaafad shanaad laga maqlayo ayaa kasoo dagatay. Miyay ku waari doontaa barwaaqada? Mise wadada qayrkeed ayay mari doontaa?. Farxad aan la suurayn karin baa labadoodaba ka muuqata. Waliba dhanka Kaafiya ayay u badan tahay. Ayada qalbigeeda waa ay ka baxday in ay cid kale jeclaan jirtay, in masuuliyadi saarnayd oo ay xiriir lahayd. Isagase xoogaa marka uu joogaba Salma ayaa soo hormarta in aysan u qalmin in uu sii daayo buu dareemaa, haddana juhdi ma galiyo xajinteeda ee la qosolka Kaafiya ayuu doorbidaa.

C/kariim sariirtiisii marka uu tagay waxaa wajigiisa soo hormarayay oo uu qaadan waa u arkayay, in cidda kaafiya kala wareegtay ay tahay Kamaal kii uu yaqaannay ee naagaha shan shanta u baddali jiray. In uu ka xumaaday in Xaaskiisii mustaqbalka laga dhacay waxaa uga darnayd in cidda dhacday aysan ahayn gacan aammin ah, gacan berri cidlo uga tagi doonta dabadeed ay soo noqon doonto ama ay meelahaa ku silci doonto naftii cuddoonayd ee gacalisadiisu. Waxa uu ka fakaray waddo walba oo uu ku dareensiin karo xumaanta kamaal iyo in uusan ahayn qof u qalma in ay jacayl aammin ah dartiis uga baxdo. Haddana waxa uu iswaydiiyay waxa ku wata in uu sidaa oo dhan ugu mashquulo arrimaheeda haddii ay ayaduba ilbiriqsiyo ku raacday nin kale ayadoon ka fakarin tacabkii ay galiyeen cishqigooda.

Maalmuhu way seeto dheerayn badan yihiin. Kumana sii jirto marka qalbi jab darani kugu soo wajahan yahay. Waxaa lagu siinayaa jaanis walba oo aad si xun ugu khaldami karto, heer aad gaarto meel aadan kasoo noqon karin, meel aadan ka oran karin waan khaldamaye hala ii cudurdaaro. Kaafiya doontu waxa ay ula sii durkaysay dhanka badwaynta, hallaabitaankeeda iyo in jihadu ka luntana ma foga. Shaqadeeda iyo ku sakhraansanaanta jacaylkaan khaladka ku bilawday ayay u dhaxaysaa. Ayadu go’aankeeda wayba gaartay. Waxa ay ku dhawdahay in ay tiraahdo waan kuu go’ay. Xalay ayay afcad C/kariim ugu tiro kuma rabo nin kale baan jeclaaday. Intuu qoslay buu yiri ma Kamaal baa? Way yaxyaxday oo isla yaabtay. Haddana Dan kama ay galine ciddii uu doono ha noqdo nin aan adiga ahayn baan jeclahay xiriirkaanna waa iga bas ayay ku tiri. Waayahay lakin marka uu cidlo kaaga dhaqaaqo lambarkayga iyo gurigayga labadaba waad taqaannaa ayuu si hubanti leh u yiri. Isaga waxa aad mooddaa in uu hubo in ay la kulmayso waxa uu u saraadinayo. Warkiisa in uu run noqon karo ayada oo aan aaminin ayay ka dhaqaaqday kobtii ay jacaylkeedii jirridda adag lahaa ku kala siibtay.

Salma iyo C/kariim waxaa u socda xiriir asxaabtinimo ah. Ujeedka C/kariim waa in uu Salma runta u sheego isaga oo aan ka bajin. Si deganaansho iyo akhlaaq leh ayuu uga dhaadhiciyay in ay laf cad toobin ku hayso isaga iyo ayaduna isku qaddar yihiin. Qaadan waa lama ay noqon oo waa ay ogayd in isbaddalkiisu uusan cidlo ka dhalan. Jacaylkii xad dhaafka ahaa ee ay u haysan aayar aayar ayuu u yaraanayay intii ay sugaysay soo noqoshadiisa. Habeen kasta oo ay gama’do ayada oo wicitaankiisa sugaysa waxa ay soo toosaysay ayada oo riyada uga soo dhex tagtay qeyb jacaylkiisa kamid ah. Maalinkii ay ogaatay in uu Kaafiya raacay, waxa ay la ahayd sidii naag loo sheegay in uu guursaday ninkii ay 10 sano kahor iska furtay.

Salma waxa ay wacday Kamaal. Kuma ay qaylin, ma ay oran maxaad ii khiyaantay, ma ay dareensiin jileec iyo in ay naag laga tagay tahay ee waxa ay tiri “Waxa aan rabaa in aan xiriirkaan ka baxo?” Waayo marka uu waydiiyay waxa ay u sababaysay in ay wiil kale oo waqti u haya jeclaatay. Wuu gaduutay oo dhididay. Wuu kacay marna fariistay. Kamaal waxa ay ku dhex noolaysiisay xanuunkii uu marsiiyay C/kariim. Waxa ay ku nuuxnuuxsatay dhawr jeer in ay guursan doonto mardhaw ugu dambaynna ay ku noolaan doonto noloshii riyadeeda ahayd. Markii ay sii baxaysay ayuu isaga oo baryootamaya inta faraqa qabsaday waydiiyay ninkaas nasiibka leh. “Waa C/kariim, kii aad Kaafiya ka xadday” ayay si jees jees ah u tiri.

Dibadda marka ay usoo baxday ayay ayada oo qoslaysa waxa ay wacday C/kariim waxa ay uga sheekaysay wixii dhex maray, sidii uu u yaraaday una dareemay bahdilka iyo xanuunka ay leedahay marka qof aad jeceshahay qof kale kaa raaco. Xoogaa markii ay ku qosleen ayuu waydiiyay “Maxaa kugu kallifay beenta?” “Been igama aha oo haddii aad caawa i tiraahdo aan ku guursado diyaar baan u ahay” ayay si farxadi ka muuqato u tiri. “Ma hubtaa ayuu ugu warceliyay” Haa ayay dhawr jeer ku celisay. Aabbahaa la hadal berri ayaan u imaanayaa aniga oo Guurtidayda wata ayuu ku yiri. Ayadoo farxad la duulaysa ayay gurigoodii tagtay. Aabbeheedna ugu bishaaraysay in berri loo imaanayo oo uu bixinteeda u diyaar garoobo.

Aroos ku dhacay degdeg ayaa ka dhacay guri kamid ah guryaha ku yaalla xaafadda 1da August. Way hubtaa in uu ilaalinayo oo uusan iska guursan ugu dambaynna ay heli doonto nolol is fahan ku dhisan in ka badan inta ay jacayl huu haa ah ku dhisan tahay. Isaga laftiisu iskama aroosin. Wuu u bogay, wuu dareemay in ay tahay naag ku habboon in uu guursado oo uu qoys la qorshaysto. Arooskii uu u diyaariyay Kaafiya ee uu jacaylka iyo sugi waaga ku diyaariyay ayuu Salma ku aroosay.

Kaafiya marka ay ogaatay in C/kariim aroosayo, walibana aroosayo Kamaal Saaxiibtiisii hore qoftii ay quruxdeeda la cajabtay, ee ay dareemaysay in aysan agteeda hawaysan karin ayay kun qeybood u kala jabtay. Kumanaan jeer ka badan ayay taleefankiisii wacday. Halmar ayuu ka qabtay waxa ay isku dayday in ay ku beer laxawsato in aysan ka maarmin, in ay wali jeceshahay iyo in uusan khaladka intaas le’eg galin. Wax walba oo ay u sheegtaba saamayn waa ku yeelan waayeen qalbigiisa. Waxa uu si degan u yiri “Waan ka xumahay, oo hadda haddii uu kusoo xumeeyo boos kuuma hayo, boqorad ayaa noloshayda ku jirta, ee waxa aan Eebbe kaaga tuugayaa in uusan ku qalbi jabin.” Taleefankii ayuu ku jaray. Xafladdii arooskaa bilaabatay. Buraanbur iyo cayaar ayaa is qabsaday. Farxad iyo mashxarad ayaa samada lala galay. Khayr bay ku gabagabawday. Dhabtii labo qof oo isku qanacsan waqtiguse kala raajiyay ayaa midoobay.

Kamaal iyo Kaafiya jacaylkoodii xiisihii iyo xaraaraddii baa ka tagtay. Noloshoodu waxa ay xiisaha lahayd intii jacaylkoodu lama helaanka ahaa, intii mid walbaa ku xirnaa qafiska qof kale oo uu jecel yahay.

Kaafiya hadafkeeda oo dhan waxa ay ka dhigtay in ay isaga guursato si’ay uga aargudato wasakhdii is aroostay. Ayada agteeda wasakh ayay ka noqdeen. Waxa ay waqti iyo lacag ba galisay sidii ay muuqaalkeeda u dhisi lahayd. Sidii ay dhar iyo kabo qaali ah u xiran lahayd, si’ay u dareensiiso in ay u qalanto guurkiisa. In ay jacaylkiisa wax walba u marayso. Runtii waxa ay noqotay Salma oo dharkii Kaafiya xiran. Qalbigii Salma oo ku dhex jira jirka Kaafiya.

Kamaal se waxa uu dareemayaa in aysan jirin wax gooni ah oo uu hadda ayada ku doorto. Jacaylkeedu waxa uu ololka ahaa inta qabowga iyo barafka Salma dhexdooda yaallay, hadda oo ay xor isu noqdeen isu dhadhami mayaan.

Hooyadiis baro, walaashiis la saaxiib, gurigooda tag saacad iyo layl. Waxa ay martay isla wadadii Salma. Ayadu waxa ay Salma kaga duwan tahay Salma in aan war xumo kasoo horrayn oo jacaylkeeda aqbal loo arkayay.

Waxa ay hooyadiis salaantaa ayada oo afka dadbaysa. Walaashiisna warkeeda maba xiisayso oo waji xirxiran ayay kusoo dhawaysaa. Si kasta oo ay saamayn ugu yeelo maagtay way awoodi wayday. Ninkii shalay jacaylka la jaraynayay maanta barafka waa ka qabow yahay. Ninkii shalay hadiyadaha meel walba dhigayay maanta salaanta ayaa laga la’yahay. Dhabtii waxa uu ku noqday LAMA-HELAAN.

Dhammaad.

W/Q: Fadumo Alimaad

Gmail: jburak567@gmail.com

Haddii aad u baahan tahay sheekada oo PDF ah, halkaan hoose kala deg:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *