Soo koobidda buugga “Eat, Pray, Love”

Soo koobidda buugga “Eat, Pray, Love”

Waxaa si qurux badan ugu faroyaraysatay buuggan ina hor-yaalla qoraa “Elizabeth Gilbert” daaha waxa ay ka qaadday tagtadu markii ay ahayd “13-ka august, 2010” kaas oo gudaha dalka maraykanka aad ugu baahay, shaqsi kasta oo dunida caan ka ahina falcelinno la yaab leh ka bixiyay qalinka “Elizabeth” aniga ahaan waa Memoir-kii ugu fiicnaa ee aan akhriyo.

“Memoir” waxaa la yiraa marka qof noloshiisa qeyb ka mid ah uu wax ka qoro, taas oo ah qeyb uu isagu doortay oo uu kala soo dhex baxay. Tusaale. ( Sannadkii 2003 Waxa uu daabacay Xasuus-tebin kooban oo ku saabsan xaaskiisa. ) “In 2003 he puplished a short memoir of his beloved wife”

Nuxurka buugga

Guud ahaan buugga waxa ay kaga hadlaysaa “Elizabeth” in ay ku guul darraysatay mid ka mid ah masuuliyadaha ugu tunka weyn ee qof dumar ahi qaaddo. waxa ay kala tageen seygeeda, intaa ka dibna waxa ay u tafo-xeydatay sidii ay nolosheeda ugu ambo-bixi lahayd ka soo kabashada arrintaas qadhaadh ee baalka weyn ka gashay nolosheeda. Intii ay ku guda jirtay safarkaas ayaa waxa ay qortay buuggan. “Eat, pray, love. waa saddex eray oo kala macne duwan.

Ka dib markii ay kala tageen saygeeda ayaa waxa ay tagtay saddex waddan oo kala ah India, Indonesia iyi Italy.

Haddii aan ku billaabo, “Eat” waxay macne ahaan uga dhigtay wakhtigii ay ku sugnayd dalka “Italy” kaas oo ay ku qaadatay farxad aad u ballaadhan iyo degganaansho maskaxeed. ayna ku tilmaamtay wakhtiyadii ugu qiimaha badnaa ee nolosheeda soo mara. halka “Pray” ay ku macneysay xilligii ay ku sugnayd dalka “India” kaas oo ay sheegtay in ay waxyaabo badan ka baratay ruuxdeeda iyo weliba qeybo ka mid ah diimaha caalamka. “Love” isagana waxa ay ku macneysay markii ay tagtay “Indonesia” ee ay sida lama filaanka ah jacayl ugu qaadday wiil ay halkaas isku barteen iyadoo muddo laga joogo furriinkeedii.

Tusmo iyo gebo-gebo.

Waxaan leennahay taariikho iyo go’aanno degdeg ah oo ku saabsan guur. Mar kastana si dhakhsi leh ayaynu wax u jeclaannaa innaga oo aan cabbirayn saamayntiisa nololeed, anigu waxaan u muuqdaa in aan qof walba ku arko tan ugu fiican shakhsiyaddiisa, intaas oo keliya ma aha ee waxaan u malaynayaa in qof kastaa uu dareen ahaan awood u leeyahay inuu gaaro go’aan aan ka soo laabasho lahayn, “Elizabeth” waxa ay si muuqata inoo tusinaysaa in masuuliyadda guurku aanay ahayn mid fudud oo aan lagu deg’degin, iyadoo ay ka sokeeyaan hummaagyo kuu sawiraya in noloshaadu is baddali doonto, had iyo jeerna ay u baahantahay ka fiirsasho qoto-dheer, go’aan kasta oo aad ku gaadhayso guur iyo wax la xidhiidha.

W/Q: Maxammed Gonza

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *