Sabiibta: Nin samaystay baa faan leh!

Sabiibta: Nin samaystay baa faan leh!

Maalintii ugu horraysay aniga oo tixda ‘Sirta nolosha’ dhagaysanaya ayay igu soo duuleen labo bayd oo tixdaas ku jira. Waa baydadka odhanaya: Wax la cuno Sabiib baa ah, nin samaystay baa faan leh. Maalintaas baan is weydiiyay: Sabiibta miyaa la sameeyaa?.  Dabadeed si falaad ah baan uga wardoonay Sabiibta. Markii aan baadhay ayaan xaqiiqda  arrintaas u dhacay. Maalintaa ka horna sida qaar badan oo innaga mid Sabiibta geed iskii u baxa ayuu ii ahaa. Qoraalkan yari baadhistaan ayuu ka dhashay oo uu daaran yahay.

                             *******
Sabiibtu maaha geed iskii u baxa asalka ba, laakiin waa midhaha geedka Cinabka oo la qalajiyay. Cinabku waa mid kamid ah dhirta ugu beerista badan dunidan casriga ah ee maanta, sannad kasta waxaa caalamka daafihiisa ka soo go’a 75 milyan oo tan oo Cinab ah. Waxaas oo Cinab ee sannad kasta soo go’a saddex meelood hal meel baa si toos ah dadku u quutaa labada meelood ee soo hadhay waa la warshadeeyaa, waxaana laga dhaliyaa boqolaal waxsoosaar oo kala gedisan.

Waxaa beerta geedkan ugu yaraan boqol dal oo carro’edeg ku yaal, iyadoo lagu qiyaasay inuu lagu beero  dhul 7.5 milyan hektar ah dunida oo dhan. Sidoo kale, Cinabku wuxuu kamid yahay dhirta beeristooda dadka ugu hor bartay, ee tan iyo wakhti aad u fog hadda la beeranayay.

Waxaa sooyaalka geedkan ku jirta in 5,000 oo sanno ka hor laga beeranayay geedkan dalka Masar, iyadoo markii danbe ay aad u sii horumariyeen Giriigii iyo Roomaankii, ilaa maanta la beerto wax ku dhaw labo boqol oo jaad oo geedkaas ah. Iyadoo aan filayo inay sababtay la noolaanshaha wakhtiga dheer dadku geedkan la noolaa ee la macaamilayay waxaa jira waxsoosaaro aad u tiro badan oo geedkan laga soo dhiraandhiriyay sida: Sabiibta, Wine-ka (nooc khamriga kamid ah), Khalka (Vinager) iyo kuwa kale oo badan.

Waxsoosaarada laga sameeyo inta badan waxaan u waayay magacyo Soomaali oo sidaas baan ugu koobsaday intaan Soomaaliga u helay oo qudha. Haddaba, in geedkan la qalajiyo oo Sabiib laga dhigo waa xadaarad ka soo bilaabatay dhulka Masar iyo Beershiya, oo ah xudunta ay xadaarad walba oo dunida ka hirgashay ukumo dhigatay. Tusaale: beeraha, magaalooyinka, ganacsiga, farta, dawlanimada, cashuurta iyo diimaha samaawiga ahi ba waa dhulkay ka soo bilaabmeen.

Marka xigta, sida culimadu qabaan xabad Cinab oo si shil ah dhulka ugu soo dhacday, dabadeed qalashay, oo cadceedu ku dhacday ayaa markii ugu horraysay dadka dhulkaasi quuteen, oo dhadhamiyeen, kaddibna ka heleen dhadhankiisa,  wixii intaa ka gadaal ahaana  way qabatimeen. Sidaas yar ee shilka ah ayay ku bilaabatay taariikhda aan maanta ka warramayno ee Sabiibtu.

Sabiibta waxaa xusay kitaabka Baybalka oo ay ku soo aroortay. Giriigii iyo Roomaankii horrena waxay ku qurxin jireen goobaha cibaadada, sidoo kale waxay abaalmarin ahaan ugu isticmaali jireen dhacdooyinka ciyaaraha (Sports events), oo waxaa lagu abaalmarin jiray kooxda ama shakhsiga guulaysta hadba.

Dalka Turkiga ayaa maanta ah isna ah dalka ugu badan ee soosaara iyo sidoo kale dalka ugu badan ee dhoofiya Sabiibta. Wuxuu soosaara 22-23%  Sabiibta dunida ka soo baxda. Wuxuuna dhoofiyaa 31% Sabiibta loo xawilo dunida kale. Dhinaca waxsoosaarka Sabiibta dalka labaad waa Maraykan, halka ka saddexaadna Iiraan yahay. Dhinaca dhoofinta kaalinta labaad Maraykan baa ku jira, kaalinta saddexaadna dalka Uzbekistan.

Haddii aan in yar ku laabano geedka Cinabka, kala badh kamid waxsoosaarka Cinabka waxaa laga dhigaa nooc khamriga kamid ah oo Wayn “Wine” loo yaqaan. Waynku waa midhaha Cinabka oo la khamiiriyay, dabadeedna lagu daray maadada Yiista loo yaqaan si ay sonkarta midhaha ku jirta ugu rogto Iitanool iyo Alkahool “Ethanol and Alcahol”. Taas oo macnaheeda noqonaya in 37.5 milyan tan oo Cinab ah laga dhigo khamriga Wine-ka loo yaqaan sannad walba.


Turkiga oo dalka ugu badan ee soo saara Sabiibta dunida sida dadka siyaasadiisa beeraha faaleeya sheegeen ilaa sannadii 1990 wuxuu xooga saaray inuu horumariyo siyaasadiisa beeraha, wax badana arrintaas way uga hirgaleen. Innagoo iska taagayna dhanka Sabiibta, wasaaradda beeraha ee dalka Turkiga waxay kabtaa beeralayda beerta Cinabka, iyadoo ku kabta qarashaad ay ku gataan shiidaal iyo bacrimiyeyaal.

Sidoo kale, waxay kab intaa ba ka badan siisaa dawlada Turkigu beeralayda sida miyirqabka ah ama xadiga ugu yar ka isticmaasha sumaha lagu la dagaalamo cayayaanka. Arrintan oo looga gol leeyahay fayoqabka deegaanka in lagu ilaaliyo. Dalka Turkiga ma soo saaro Sabiibta oo qudha ee sidoo kale waxaa sannadkii 1925 laga dhisay dalkaas wershadii ugu horraysay ee midhaha Cinabka ka dhigta nooca khamriga kamid ka ah ee Wine-ka loo yaqaan.

Iyadoo sannadkii 2005  waxsoosaarka dalkaasi ee dhanka khamriga Wine-ku gaadhay 2,700,000 oo Litir. Halka uu afar sanko kaddib hoos u dhacay 4%. Wakhtiyada qaar, sida horraantii qarnigii 20- aad iyo dhamaadkii qarnigii 19- aad waxaa Turkiga u dhoofin jiray Yurub 340 milyan oo Litir oo Wine ah, taas oo  si walba ugu badan 75 milyan ee Litir ee dalku sannad walba soosaaro hadda.

Geedkan waxa laga qoray iyo xogaha laga kaydiyay oo aad u balaadhan iyo in wadan kasta oo geedkan beerta si ka madaxbanaan dunida kale wax looga odhan karayo awgeed aan intaa guudmarka aan maanta kaga nasano.

“Wax la cuno Sabiib baa ah
Nin samaystay baa faan leh…” —Hadraawi

Tixraac:
1. Cilmibaadhis ay saameeyeen labada haayadood ee kale ah FAO iyo IOV. Waakan linking deraasadu: https://www.fao.org/3/I7042e/I7042e.pdf
2. Warbixin kooban oo ay soo wada saareen GAIN iyo USDA . Halkan ka eeg warbixintaana: https://apps.fas.usda.gov/newgainapi/api/Report/DownloadReportByFileName?fileName=Raisin%20Annual_Santiago_Chile_CI2022-0015.pdf
WQ: Xamse Axmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *