Soomaalida ma gumeystaa qaybiyey mise waa ay qaybsanayd?
Soomaalidu waa bulsho raacato ah, waxa ay in muddo ah dhaqanaysay xoolaha ay caanka ku yihiin bulshooyinka raacatada ah. Dhaqanka raacatada ah ee ay Soomaaalidu leedahay waxa uu qaadhaan weyn ku darsaday hannaanka xukun ismaamul ee Soomaalida. Aabaha cilmiga bulshada ee Ibn Khalduun waxa uu buuggiisa Muqaddimada ku tilmamaay dhaqanka ay leeyihiin ummadaha raacatada ah, waxa uu si waafi ah u sharraxay nafsadda bulshada raacatada ah Ibn Khalduun waxa uu xusay; in bulshada raacatada ah waxa isku xidha uu yahay tolnimo ku dhisan dhiig, in ilbaxnimada soo marta halka ay ku dambayso ay tahay burbur. Waxa uu xusay in bulshada raacatada ah waxa u gu weyn ee isku xidha uu yahay; DHAQAALE, waxa uu sida oo kale tilmaamay in bulshada raacatada ah ama badawda ahi ay yihiin bulsho aan hoggaan qudha ku kulmi karin, waxa uu tibaaxay in qof waliba hoggaan naftiisa u yahay.
Sida uu tibaaxay Ibn Khalduun bulshada raacatada ah waxa naadir ku ah inta ay ku kulmaan hal hoggaamiye oo qudha midkaas oo ka halceliya duruufahooda dhaqan-dhaqaale iyo midkooda siyaasadeed. Haddaba Soomaalidu waa bulsho raacato ah oo u qaybsan qabiillo kala duwan qabiil walba waxa uu leeyahay madaxbannaani u gaar ah oo ka duwan midka kale. Cabdiqaadir Aroma waxa uu buuggiisa; “Taangiga Tigreega” ku doodday in Soomaalidu tahay bulsho qaybsan oo kala fidhidhsan waxa uu ku tagay in Soomaalidu hore u qaybsnayd, se gumeystuhu qaybsankaas ka faa’iideystay. Halka salka u ah tafaraaruqa Soomaalida waxa uu ku tilmaamay; QABYAALAD, waxa uuna leeyahay: “gumeysigii shalay Soomaalida u kala qoqobay shanta waaxood waxa uu ka faa’iideystay tafaraaruqa qabyaaladda cuskan.” Eeg (Taangiga Tireega, bogga 2).
Soomaalidu waa bulsho aan ismaamuli karin, waxa ku adag in ay hal ruux talada iyo hoggaanka u dhiibtaan, waxa dhaqan, summada iyo sawracba u ah kala qaybsanaan iyo in qof walba uu isagu hoggaan isu yahay. Sidaa awgeed ayuu Cabdiqaadir Aroma Soomaalida u gu tilmaamay mushkiladdeedu halka ay taallo in ay tahay; “reerguuraa aan is rabin iyo maamul xumo la ga dhaxlay madax musuq ah.” Taariikhda Soomaalida marka dib loo raad-raaco waxa mar walba soo baxaysa in Soomaalidu ahayd bulsho qaybsan oo hoggaan xumo ku habsatay, waxa sooyaal u ah khilaaf iyo kala qoqobnaan baahansan oo marka la taariikhaynayo ku suntan xilli fog. Richard Francis Burton oo 1854-kii safar ku yimid Woqooyiga Soomaaliya ayaa buuggiisa; “First Foot Steps in East Africa” ku qorey in magaalada Berbera ay wada xukumaan afar qabiil oo wada dhashay oo walaalo ah, hase yeeshee aan lahayn hal qof oo wada xukuma. Wuxuu kaloo tilmaamay in; “mustaqbalka Berbera uu sidaas ahaan doono.” Soomaalidu waxa ay ahaayeen qabiillo u dhisan hannaan dawladeed oo kala madaxbannaan ma jirin qabiil qabiil xukuma, waana waxa uu u bixiyey Cabdiqaadir Aroma: “dawlad yar oo madaxbannaan/ Independent mini state.”
Aroma waxa uu ku doodday in qabiil walba oo Soomaaliyeed uu yahay dawlad yar, isaga oo arrikaas ka faalloonaya waxa uu buuggiisa “Taangiga Tigreyga” ku xardhay hadal sidan u dhigan: “qabiilka Soomaaliyeed waa dawlad yar, ugaasku waa madaxweyne, nabaddoonnadu waa wasiirro, culimadu waa garsoorrayaal, gaashaanqaadku waa ciidan millateri, haweenku waa hay’ad waxsoosaar.” Qabiil walba waxa uu lahaa dastuur iyo xeer hoosaad ka duwan midka qabiillada kale. Dastuurka qabiilku lahaa waxa la ga soo minguurin jirey Shareecada Islaamka iyo Xeer-Soomaaliga. Aroma xidhiidhka ka dhexeeya qabiillada Soomaaliyeed waxa uu ku tilmaamay hadal odhanaya: “guud ahaan beelaha waxa ka dhexeeya xidhiidh diblomaasi ah oo ka curta guurka dhexmara laba beelood, iyadoo haweenka la kala guursaday ay yihiin denjireyaal adkeeya xidhiidhka labada beelood.” Hadalkan Aroma mid u dhigan ayuu Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi buuuggiisa “Hawaale Warran” ku xardhay marka uu ka faalloonayo kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed u gu jireen beelaha Soomaaliyeed. Hadraawi waxa uu kaalintaas ku tilmaamay; “KAALIN SAFIIRNIMO” taas oo sal u ah wadajir iyo wada-noolaasho.
Hoggaamiyaasha beelaha Soomaaliyeed waxa ay xukunka ku yimaaddaan hab dhaxaltooyo ah oo ku salaysan; wiil-raac ama walaal-raac. Waxa ayna leeyihiin awood ay beesha u gu baaqi karaan colaad ama nabad. Ka hor inta uusan gumeystuhu iman dhulka Soomaalida. Soomaalidu waxa ay ahayd bulsho kala qoqoban, oo kala madaxbannaan mana jirin dawlad dhexe oo qabiillada oo dhammi ku hoos jireen taasna waxa tilmaamay dalmareenno caan ah oo dhulka Soomaalida xilliyo kala duwan safar ku marey, tusaale ahaan: ganacsade Shiineys ah oo la odhan jirey Cheng Ho Tuan oo qarnigii 14aad socdaalkii Ibn Batuuta kaddib safar baayacmushtar ku yimid xeebaha Soomaaliya ayaa yidhi: “xeebaha Soomaaliya waxaa ku teedsan magaalooyin qurux badan, se magaalo kasta waxa ay leedahay Suldaan gaar ah oo ka madaxbannaan kuwa kale, ifafaale nidaam xukun dhexena kama muuqdo Soomaaliya.” Cheng Ho Tuan waa runtii Soomaalidu ma lahayn dawlad dhexe mana jirin ifafaale ay ku samaysan karayeen dawlad dhexe wixii ka horreeyey gumeystihii reer Galbeed.
Qoraaga buugga “The British Somaliland” ee R. E. D. Brockman ayaa isaga oo sannadii 1912-kii safar ku maraya goboollada NFD waxa uu arkay koox Soomaali ah oo wadata awr safar ah, oo nin kasta awrkiisa hoggaanka u hayo, wax iskaashi ahna aysan ka muuqan. Brockman ayaa dhacdadan markii uu arkay waxa uu kaaliyihisii oo ahaa nin Kenyaati ah weyddiiyey su’aal ah: dadkani maxay yihiin? Ninkii Kenyaatiga ahaa waxa uu yiri: “waa Soomaali nin kastana gaarkiis ayuu Suldaan u yahay.” Brockman oo Soomaalida dhaqankeeda si waafi ah u baarey waxa uu Soomaalida ku qeexay hadal odhanaya: “Soomaalidu dabeeciyan qof kasta waa Suldaan madaxbannaan/ Somalis are independent in nature, and each man is his own Sultan.” Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu qorey maqaal uu bixiyey; “Somali Elite Political Culture: Conceptions, Structures, and Historical Evolution” maqaalkan waxa uu Dr. Baadiyow kaga faallooday dhaqan siyaadadeedka nukhbada Soomaaliyeed iyo halka uu taariikh ahaan la xidhiidho. Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu maqaalkiisa ku tibaaxay wax uu u bixiyey: “Collective Leadership” isaga oo markaas tilmaamay in Soomaalidu dhaqan ahaan ay yihiin dad madaxbannaan oo siman. Si kale I. M. Lewis waxa uu Soomaalida ku qeexay hadal odhanaya: “all men are councilors, all men are politicians.” Dhaqanka ah in Soomaaligu yahay qof madaxbannaan waa dhaqan weligiis jirey, haddana jira. Waa dhaqan ay leedahay xoola-raacatadu, sidaa awgeed dhaqankaasi waxa uu saamayn weyn ku yeeshay dawladnimadii casriga ahayd, waxana Soomaalida ku dhabowday murtida odhanaysa: “qof walba qummanihiisa ayaa qoorta u suran.” Murtidan markii ay Soomaalidu halabuureysay malaha iyaga ayaa saykoolajiyaddooda ka halcelnayey.
Maxamed Xaaji Ingiriis waxa uu qabaa in Soomaalidu ahayd bulsho qaybsan ka hor inta uusan gumeystuhu u iman, waxa uu ku doodday in qabiil walba uu lahaa wax uu u bixiyey; “awood gaar ah/ special authority.’ Taasna waxa aynu ka akhrisan karnaa markii uu gumeystuhu qabiil walba si gaar kiis ah u la galay heshiis. Maxamed X. Ingiriis waxa uu ku tagay in Soomaalidu aanay lahayn dawlad dhexe oo danahooda ka halcelisa. Bulshooyinkii madowga ahaa ee lahaa maamul dhexe oo awood leh, waxa ay ka badbaadeen in gumeystuhu qaybsado, waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa Xabashida. Si kale u dhig Xabashidu waxa ay qayb ka noqdeen dhul boobkii iyo gumeysigii reer Yurub, sidaa darteed Xabashidu waa ummadda keli ah ee aan la gumeysan sababta waxa la la xidhiidhiyaa in ay lahaayeen nidaam maamul oo dhexe oo awood leh. Sidaa si la mid ah Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow waxa uu qabaa in Soomaalida markii uu gumeystuhu u yimi ay ahayd bulsho kala qaybsan oo kala madaxbannaan. Dhanka kale Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu tilmaamay; in qabiil walba oo Soomaaliyeed uu leeyahay madaxbannaani, dhul iyo xeer u gaar ah. Sida oo kale waxa uu tilmaamay in qabiilladu xidhiidh diblumaasi ay leeyihiin. I. M. Lewis oo qorey buugga “A Pastoral Democracy” sidaa si la mid ah waxa uu tibaxaay in qabiil walba oo Soomaaliyeed uu leeyahay madaxbannaani iyo ismaamul u gaar ah. Lewis waxa uu ku doodday in madaxbannaanidaas ay keentay in qabiil walba uu si gaar kiis ah heshiis u la galo gumeystihii Ingiriis iyo Talyaaniga. I. M. Lewis waxa uu Soomaalida wax ka qoreyey in ka badan nus qarni. Waxa lagu tilmaamaa ragga aqoonta fiican u leh qaab-samayska qabiilka Soomaaliyeed.
Robert L. Hess iyo Sylvia Pankhurst oo ka mid ah dadyowga Soomaalida wax ka qorey waxa ay isku raacsan yihiin in kala qoqobnaanta iyo tafaraaruqa Soomaalida uu gacan ka siiyey gumeystayaashii in ay si fudud u qaybsadaan dhulka Soomaalida. Sidaa awgeed gumeystihii reer Yurub waxa u hirgalay nidaamka ay ku caana maaleen ee odhanayey: “qaybi oo xukun/ divide and rule.” Inta badan ummadaha dhulkooda la qaybsaday waxa ay u badan yihiin ummado markii hore kala qoqobnaa, oo aan lahayn nidaam maamul oo dhexe. Labada qoraa waxa ay hoosta ka xarriiqeen in markii gumeystuhu uu yimi dhulka Soomaalida in; qabiil walba uu ku mashquulsanaa sidii uu qabiilka kale u ga difaacan lahaa; daaqa, biyaha, iyo xuduudda ay wadaagaan qabiilka kale. Sidaa awgeed ma jirn hadaf midaysan oo ku aaddan in si wadajir ah looga hortago qorshaha fog ee gumeystaha. Sidaa awgeed waxa aynu ku dooddi karnaa in gumeystihii reer Yurub uu ka faa’iideystay kala qaybsanaantii Soomaalida. Sida aynu tibaaxnay qabiil walba waxa uu difaac iyo dirir kula jirey qabiilka kale. Taasi waxa ay kansho weyn u noqotay ujeeddadii uu gumeystuhu ka damacsanaa geyiga Soomaalida. Waxa aynu odhan karnaa damacaasi waa u hirgalay, oo waa uu ka libkeenay.
Soomaalida cadow ayey isku ahaayeen beel walbana waxa ay dirir iyo colaad kula jirtay beesha kale. Taasi waxa ay keentay in kala qoqobnaantaas baahsan uu ka faa’iideysto gumeystuhu. Waxa jirey beello ka soo horjeestay halgannadii kala duwanaa ee ay Soomaalidu kala hortagtay gumeystihii reer Yurub, waxa ayna si toos ah garab iyo gaashaan u siiyeen gumeysiga, Talyaaniga iyo hoggaamiyihii beesha Geledi Suldaan Cismaan waxa ay kala saxiixdeen heshiis nuxurkiisu ahaa iskaashi sokeeye oo saaxiibtinnimo ku dhisan, waxa ayna ku heshiiyeen in si wadajir ah looga hortago isballaarinta Daraawiishta iyo kacdoonkii beelaha gumeysi-diidka ah ay wadeen. Eeg buugga (Taangiga Tigreyga, bogga 19). Sidaa si la mid ah qabiilladii Woqooyi Bari waxa ay si dhammaystiran u ga soo horjeesteen halgankii Daraawiishta ee uu Sayid Maxamed Cabdalle Xasan garwadeenka ka ahaa, taa baddelkeed waxa ay garab iyo gaashaan siiyeen gumeystihii Ingiriiska. Si kale u dhig Prof Maxamed Siciid Gees waxa uu qabaa in Soomaalidu waligeed iyo waaqeed kala qaybsanayd waxa uu leeyahay: “shanta gobol ee Soomaalidu degto cid ma ay kala qaybin iyaga oo isku dal keli ah, ee waligeed way kala qaybsanaayeen oo meel keli ah lagama xukumi kareyn, haddana lagama wada xukumi karo.” (Dharaaro xusuustood, bogga 29).
Virginia Luling oo qortay buugga: “Somali Sultanate” waxa ay tidhi: “isballaarintii Talyaanigu hirgeliyey, Soomlidu kalama hortagin iska caabbin mideysan/ Somalis failled to make any united resistance against Italian expansion.” Waa la mid Soomaalidii gobollada Waqooyi iyaguna wax iska caabbin ah oo mideysan kalama aysan hortagin gumeystihii Ingiriis. Taa beddelkeed qabiilo badan waxa ay garab u noqdeen Ingiriiska. Gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriisku waxa ay kansho ka heleen kala qoqobnaantii Soomaalida, taasi waxa ay u fududaysay in ay beelaha isu adeegsadaan, halkaan waxa ka hirgashay maahmaahda caanka ee tidhaahda: “lafo maroodi iyagaa la isku jebiyaa.” Waxa aynu leennahay Soomaalida iyaga ayaa la isku jebiyey, gumeystuhuna waxa uu hubka isugu dhiibey beelihii dirirtu dhextaalay, halkaasna waxa u ga hirgalay odhaahdii aynu tibaaxnay ee ahayd: “qaybi oo xukun/ divide and rule.”
Soomaalidu waa bulsho u nugul khilaafka, kala qoqobnaanta iyo dhiillada. Richard Francis Burton waxa uu Soomaalida ku tilmaamay in ay yihiin dad dirir u joog ah, oo dhiillada u nugul. Waxa uu tibaaxay in ay adag tahay sida loo qanciyo. Bulshada Soomaaliyeed waxa hoggaan u ah ragga, sidaa awgeed Richard Burton ragga Soomaaliyeed waxa uu ku tilmaamay dad caro badan, waana sababta uu u yiri; wax ku badan furniinka. Furniinka waxa uu la xidhiidhiyey caro dhawaansaha ragga Soomaaliyeed. Si kale u dhig waxa uu tibaaxay in khilaafka qabiilladu uu aad u xoog yahay. Si kastaba ha ahaatee Soomaalida waxa saamayn weyn ku yeeshay deegaan ay ku nool yihiin oo ah; dhul qorfe ah, oommane ah, biyaha iyo baadkuna ku yar yihiin. Kala qoqobnaanta Soomaalida waxa la la xidhiidhin karaa nolosha Soomaalida ee suququlka ah. Nolosha Soomaalidu waxa ay mar walba ahayd haddana tahay; nolol biyaha iyo cuntadu ku yar yihiin. Nolol wax walba cidhiidhi yihiin, nolol fursaduhu yar yihiin. Sidaa awgeed waxa batay khilaafka, qoqobnaanta iyo isku dhaca Soomaalida. Doodda odhanaysan Soomalida gumeystaha ayaa qaybiyey waxa aan leeyahay waa dood; JABAN. Dadka dooddaas qaba waxa ay iska indha tireen in Soomaalidu hore u qaybsanayd, waxa qaaday caaddifad iyo gaal nacayb.
Waxa ay ahayd in ay si miyir qabta u dersaan sooyaalka Soomaalida. Si fudud mar haddii aysan jirin dawlad dhexe oo qabiillada oo idil xukunta, qabiil walba waxa uu lahaa awood gaar ah, dastuur iyo xukun hoosaad. Midkaas oo ku qotomay nidaamkooda dhaqan-dhaqaale, waxa qabiillada ka dhexeeyey xidhiidh diblomaasi, oo sida uu Aroma tibaaxay haweenku danjireyaal ka ahaayeen. Sidaa awgeed qabiil walba waxa uu laahaa haddana leeyahay, taariikh ka duwan qabiillada kale, waana halka ay ka imanayso faanka odhanaya; “haddii aannu reer hebel nahay, sidaas baannu ahaan jirnay.” Waa faan taariikh xidhiidh la leh. Waana halka sababta u ah dawlad xumada Soomaalida. Qabiil qabiil ogol ma jiro, ayuu Sh. Mustafe ku soo koobay dhibta Soomaalida ku habsatay. Khilaafka iyo kala qoqobnaanta Soomaalidu waa mid xilliga ay askuntay aan si waafi ah loo sheegi karin, haddana illaa maanta waxa muuqda khilaaf baahansan oo u dhexeeya Soomaalida meel walba oo ay joogto, waxa jira midnimo la’aan.
Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haaruun waxa uu qabaa in dadyowga muslimka ahi uusan gaalku jebin, se iyagu is jebiyeen; sidaa awgeed ayuu u yiri; “INNAGAA IS JEBINAY GAALKUNA DABKUU INNALA HURIYEY.” Si kale u dhig Sh. Mustafe waxa uu ku doodday; in dhaqanka Soomaalidu uu yahay: INNA KALA GOOYA. Waa dhaqan ku salaysan kala qoqobnaan, waxa uu Sh. Mustafe tilmaamay in tani xidhiidh la leedahay dhaqankii baadiyaha ee uu qofku haystay xorriyadda. Ummaddu marka ay midaysan tahay, way adag tahay in la jebiyo ama la kala qaybiyo, sidaa darteed Niccolò Machiavelli waxa uu buugiisa; “The Prince/ الأمير” soo jeediyey in haddii la rabo in bulsho la qabsado in marka hore la kala qaybiyo oo khilaaf dhexdooda la geliyo. Machiavelli waxa uu ku tagay in marka bulshada la qaybiyo in ay fududdahay in la xukumo, isla markaana la maamulo. Ka warran bulshada aan markii hore lahayn nidaam dhexe oo mid ah? Ka warran bulshada markii hore kala qoqobnayd? Ka warran bulshada kala qoqobnaantu dishootay? Waxa aynu leennahay waa bulsho fudud oo afarta bayna jiho laga tuuri karo, sida Soomaalida oo kale.
Tixraac
1: (2008). Cabdiqaadir Aroma. Taangiga Tigreyga, Aroma Publications.
2: (2020). Cabdiraxmaan Baadiyow. Somali Elite Political Culture: Conceptions, Structures, and Historical Evolution, Journal for Somali Studies
3: (2017). Richard F. Burton. The First Footsteps in East Africa (Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika). Turjume iyo tafatire, Boodhari Warsame, Looh Press.
4: (2021). Niccolò Machiavelli. The Prince (Wabar). Turjume Jacfar Suldaan, Qalinmaal Publishing.
5: عبدالرحمن باديو: تاريخ الصومال رؤية تحليلية جديدة (مجلد الاول). ــ 2021م.
6: عبدالرحمن باديو: تاريخ الصومال رؤية تحليلية جديدة (مجلد الثاني). ــ 2021م
7: 2016). Maxamed. X. Ingiriis. Public lecture New Generation, Guiled Jama.
(Part one: https://youtu.be/rmqVMoZPsgU)
(Part two: https://youtu.be/6BuGYY0EI74).
8: (2018). Sh. Mustafe X. Ismaaciil. Ahmiyadda midnimada, Sh. Mustafe Official Channel.
(https://youtu.be/8i1osusJvfs).
W/Q: Axmed Xisaam Miido
Halkaan hoose pdf ahaan ugu degso;
- Diego Garcia: Jasiiradda uu Maraykanka uga duullo Bariga Dhexe
- Xidhiidhka Sharciga Caalamiga ah iyo Kan Maxalliga ah: Falanqayn Ku Saabsan Hannaanka Labanimada (Dualism) ee Soomaaliya
- Taariikhda Dastuur sameynta Soomaaliya: bidhaamin iyo falanqeyn
- Nuxurka aragti-siyaasadeedka Monreo
- Soomaaliya ma da’ ayay u baahan tahay mise hoggaan?
