Sooyaalka Kasmanafeedda
W/Q: Cabdifitaax Ashraf
Sooyaalka Kasmanafeedda
Waligiiba aadanaha intii uu aqoonta darsayay waa uu yaqaannay saaykoolajiga, balse ma uusan ahayn cilmi si gaar ah loo barto oo waxa uu ku dhex milnaa falsafadda iyo fisiyoolojiga( Barashada shaqooyin-ka dhismayaasha iyo dariiqooyinka bayo-kiimikeed ee ka dhaca dhismayaasha iyo noolaha guud ahaanba). Fisiyoolojiga ayaa waagii hore la tacaali jiray dhibaatooyinka soo gaara jirka iyo miyirkaba, laakiin hadda shaqada dambe Kaso-nafeedda ayaa si toos ah ula wareegtay.
Falsafadda oo muran li’i ah hooyada aqoonta oo idil ayaa lahayd qayb loo yaqaan Falsafadda dhimirka (mental philosophy) oo si gaar ah uga warrami jirtay waxyaabaha la xiriira maanka iyo garashada ee uu hadda saaykoolajigu darso, qaybaha kale ee falsafadda waxa ay kala ahaayeen; falsafadda dabeecadda (Natural philosophy) oo diiradda saari jirtay waxyaabaha uu hadda saynisku ka hadlo ee dabeecadda la xiriira sida: Baayoolajiga, Fiiskiska, Kismistiraga iwm. Iyo falsafadda akhlaaqda (Moral Philosophy) oo iyadana darsi jirtay dhaqanka bulshada, anshaxa, maamulka, siyaasadda iwm.
Masaaridii hore ayaa la sheegaa in ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee xuso xaalado saaykoolaji la xiriira, “Xaanshooyinka Ebers (Ebers Papyrus) oo hilaaddii la qoray 1500 oo sano ka hor dhalashadii Ciise loo na aqoonsan yahay in ay yihiin mid ka mid qoraalada ugu qaddiimsan ee caafimaadka ka hadla ayaa kolkii ugu horraysay lagu xusay xaalado saaykoolaji ah sida: xasuus li’ida (Dementia) iyo qulubka(Depression). (David Juliao, 2018).
David ayaa intaa sii raaciyay in 700 oo sano ka hor miilaadiga uu fircoonkii la oran jiray Psamtik I uu sameeyay tijaabadii cilmi nafsi ee ugu horraysay abid. Fricoon Psamtik I ayaa doonayay in uu ogaado luuqaddii ugu horraysay ee uu aadane ku hadlo, sidaa darteed ayuu labo dhallaan ah u dhiibay qowsaar aan ilmahan dhawaan dhashay juuq u dhahayn, shaqadiisuna waxa ay ahayd in uu koriyo erayga ugu horreeya ee afkooda ka soo baxana uu diiwaangaliyo, sida Fircoon qabayna eraygooda koowaad luuqqdda uu nqodo ayaa ah tan asalka ah ee afafka oo dhan ugu horraysay.
George G.M. James (1954) oo ah qoraaga buugga “Stolen Legacy” iyo Dr. Henry Olela (1981) oo isagana qoray buugga:”From Ancient Africa to Ancient Greece: An Introduction to the History of Philosophy” ayaa sheegay in caddaymo loo hayo in Masaaridu yihiin kuwii ugu horreeyay ee dhidibbada u aasay aqoonta sayniska. Waxa ay intaas ku dareen in Giriiggu aqoonta ka soo qaatay masaaridii hore, si gaar ah waxii ka dambeeyay weerarkii Alexander uu ku qabsaday Masar.
Qoraaga buugga “Black Athena: The Afroasiatic Roots of Classical Civilization (The Fabrication of Ancient Greece-1785-1985, Volume 1)” Bernal (1987) ayaa isagana soo gudbiyay dood u dhiganta tan labada aqoonyahan ee hore, Bernel waxa uu si cad u tibaaxayaa in Girirgii hore ay wax badan ka barteen kana soo qaateen Masaarida.
Waxa uu leeyahay Giriiggu dhaqammo isku dhafan ayay lahaayeen, Masaari dad ku abtirsadana dhulka Giriigga waa ay ku noolaayeen, intaa waxa uu sii raacinayaa in faylasuusfyadii hore ee Giriigga qaar badan oo ka mid ah ay Masar wax ku soo barteen aqoon turjumanna ay kala soo laaban jireen, qofkii ugu horreeyay ee halkaa wax ku soo barta waxa uu ahaa sida la sheegoThales.
Thales waxa uu ahaa faylasuusfkii ugu horreeyay ee Giriig ah [sida uu Aristotle ba sheegay], Pythagoras ayaa isagana ka mid ahaa faylasuusfyadii Masar wax ku soo bartay ee cilmi cusub kala yimid. Falsafadda Hermentiga (Hermetic Philosophy) oo la rumaysan yahay in ay sal u ahayd aqoonta Masaaridii hore iyo tan Giriigaba, asal ahaanna ay Masaaridu lahayd, ayaa tiirka koowaad ay ku taagan tahay waxa uu ahaa “The All is mind; The Universe is Mental.” Kaas oo micnihiisu yahay in wax walbaa ay miyirka la xiriiraan, miyirka uun lagu garan karo ama yihiin wax miyirka lagu sawiran karo.
Marka la isku soo xooriyo dhammaan qodobbadaas kore waxa ay muujinayaan in Masaaridii hore yihiin kuwii ugu horreeyay ee aqoon nidaamsan keena, siiba Falsafadda iyo caafimaadka oo marka labadooda la isu geeyo uu saaykoolajigu ka dhashay. Sooyaalka saaykoolajiga waxa uu ahaa mid soo taxan laga soo bilaabo Masaarida, Giriigga, Roomaanka, Muslimiinta ilaa xilligan casriga ah laga yimaado oo uu si gaar ah u noqday cilmi gooni loo darso oo aan Falsafad iyo Fisiyooloji midna ku tiirsanayn.
Si uusan qoraalka inoo la dheeraan ma sii guda galayno Giiriigga, Roomaanka, Beershiyaanka iyo Muslimiinta waxa ay Saaykoolajiga ku soo kordhiyeen iyo qaabab kala duwan ee ay usii hormarinayeen, sidaas darteed waxa u soo boodaynaa xilligii maanfurka(Enlightenment age) oo ah waqtiga ay aqoonta Galbeedka koboco ugu badan samaynaysay, waxbadanna ay daah-qaadeen.
Argatidayaha casrigaa jiray ee la dhihi kaeo waxa ay saamayn ku lahaayeen soo ifbaxa Saaykoolajiga waxaa ka mid ahaa aragtida labaalayda (Dualism) ee René Descartes. Aaragtidan ayaa la sheegaa in ay saamayn wayn ku lahayd dhidibno u aasidda Saaykoolajiga casiraga ah. Labaalayda waa aragti tibaaxaysa in qofku kooban yahay maaddo-oo ah jirka- iyo wax aan maaddo ahayn- oo ah miyirka.
Inkasta oo ay aragtidan Descartes ka horraysay haddana isaga ayaa sii horumariyay waxa uuna sharxay qaabka ay labadan u falgalayaan maaddaama ay yhiin labo shay oo kala madaxbannaan, Descartes waxa uu qabay in miyrika uu jirka saameeyo, jirkana uu miyirka saameeyo, tusaale ahaan hadduu miyrka damco in gacanta sare loo qaado gacanta sare ayaa loo qaadayaa taasna waxa caddayn u tahay in miyirku saameeyo jirka, taas cagsigeeda haddii gacanta lagu dhufto ul, burus/dubbe iwm xanuunka miyirka ayaa laga dareemayaa, tanina waxa ay caddaynaysaa in jirku saameeyo miyirka.
Waxaa jiray aragtiyo kale oo dhawr oo middan la hardamayay dabcanna saamayn ku lahaa Saaykoolajiga, sida maaddoolayda (materialism) taas oo qabta in wax walba ay maaddo yihiin, oo aysan jirin kala soocnaan, miyirkana uu yahay waxa ay sababaan shaqooyinka maskaxda. Haddii aan aragtyahan sii dhex jibaaxno waxaa hubaal in aan ku dhex dhacayno badweyn falsafad ah taas oo aanan gunteeda waqeen gaarayn, kana weecaynayno dhabbaha aan rabno in aan runta saayloojiga ku gaarno sidaa darteed waan soo gaabinaynaa waxa aana ku soo koobaynaa aragtada tijaaboolayda (empiricism) oo ah tan ugu muhiimsan ee hooyada u h Saaykoolajiga.
Aragtidan aadka muhiimka ugu ahayd soo shaaxbaxa kasmanafeedda casriga, waxa ay ku dhisnayd u fiirsashada dhacdooyin iyo waayo-aragnimada dunida la xiriirta. Aragtidan tijaabada ku qotanta waxaa qarnigii 17aad soo saaray John Locke, waxa ayna tibaaxaysaa in waayo-aragnimada dunida laga helo ay ka mid tahay ilaha aqoonta lagu hirto ee aqoonta.
Wilhel Wundt oo loo aqoosan yahay in uu yahay aabbaha kasmanafeedda ayaa sanadkii 1879kii jaamacadda Leipzig ee Jarmalka ka sameeyay shaybaarkii ugu horreeyay ee Saaykoolajiyeed, waxa uuna meel isugu keenay aragtida Tijaaboolayda oo falsafad ahayd iyo tan Fisiyoolojiga oo saynis ahayd.
Maadaama dadku dunida kula xiririiraan kuddareemayaashooda, waxa uu Wundt xiisaynayay in uu wax ka ogaada xiriirka ka dhexeeya shaqad xubnahan( indhaha, dhahagaha, iwm), dhacdooyinka maaddiga ah, iyo waayo-aragnimada Saaykoolajiyeed. Sidaas oo kale waxa uu qayb ka ahaa cilmbaaryaal badan isla waqtigaa baaritaan ku samaysnayay maksaxda iyo dareenwadayaasha qaabka ay u shaqeeyaan, waxa uu adeegsaday hannaan loo yaqaano isku-kuurgalid (Introspection).
Inkasto oo hadda laga tagay balse waxa uu ahaa mid nidaamsan, isaga iyo saaxiibbadiisa waxa ay isku dayeen in tijaabiyaan dhammaan waayo-aragnimada baraadeed ee dhacday inta dadka la indha-indhaynayay ay fiirinayeen sawirada ama dhagaysaneyeen muusigga.(Catina Feresin, 2008).

Cashiro aad iyo u qiimo badan weeye Allah ha ku barakeeyo wll