Sooyaalka Dabshidka: Habeennada Kalaguurka, Toddobaadka iyo Kontonaadka

Sooyaalka Dabshidka: Habeennada Kalaguurka, Toddobaadka iyo Kontonaadka


Axmed Nuur Taarwale

Calixaad1@gmail.com


1. Habeenno mise maalmo?

Weli ma iswaydiisay, maxaa aysan afkeenna hooyo ugu jirin maalmo magacyo leh se afafka kale ee Carabiga, Cibriga Yahuudda iwm ay ugu jiraan? Ma aragtay Soomaali badan oo baadigoobaysa magacyadii afkeenna lagu oran jiray maalmaha si la mid ah sida afafka kale? Ka warran haddii lagu yiraahdo; afafka Carabiga iyo Cibriga maalmuhu magacyo ma leh?

Qur’aanka haddii aad dhugato, meel walba oo habeen iyo maalin lagu wada sheegay habeenka ayaa soo horreeya oo Qur’aanku habeenka ayaa uu hor sheegaa markaas ayaa uu maalinta daba dhigaa. Yahuuddu diin ahaan waa la mid oo habeenka ayaa ay horraysiiyaan, ciidahooduna habeenkii ayaa ay bilowdaan. Islaamka ka hor diimuhu Towraad iyo Injiil keli ah ma ahayn oo bulsho waliba nebi baa loo diri jiray se diin walba waxa la sheegaa in dadkeedu farageliyeen oo aysan tii hore ahayn si la mid ah sida kaltiriska iyo habeennada ba waa danbe loo farageliyay. Si kasta ba ha ahaatee, badi diimuhu sida labada diimood ee kore si lamid ah, habeenka iyo maalinta habeenka ayaa ay horraysiiyaan.

Soomaalidu sida dadyowga kale habeenka ayaa ay ka horraysiisaa maalinta. Lama yiraahdo “hebel intee maalmood baa uu jiraa?” ee waxa la yiraahdaa “intee habeen baa uu jiraa?” Qofka da’diisa iyo garaadkiisu aysan isu dhigmin waxa la yiraahdaa, “habeen ma uusan jirin” ee lama yiraahdo “maalin ma jirin.” Baaxadda meeli meel kale u jirto marka laga hadlayo, lama yiraahdo “intee loo dhalandhoolaa?” ee waxa la yiraahdaa “intee loo dhaxaa?” Halkaas waxa aan ka fahannay, habeenka iyo maalinta in habeenku yahay halbeeg.

Intaas haddii aynu isla garowsannay aan isla garanno in aysan jirin toddoba maalmood ee ay jiraan toddoba habeen oo la isku yiraahdo toddobaad. Toddobadaas habeen mid waliba maalintiisa ayaa uu wataa, waa na tan keentay in maalmo loogu yeero oo dadka qaar maalmaha tirsadaan. Toddobadaas habeen wax magacyo ah ma leh ee waa tiro, waxa ayna kala yihiin habeenka Koowaad, Labaad, Saddexaad, Afraad, Shanaad, Lixaad iyo Toddobaad. Waa toddoba waa na Toddobaad. Habeenka toddobaad ayaa la yiraahdaa Toddobaad, marka la isku wada darana waa Toddobaad. Carabigu si taas la mid ah magacyo ma leh ee waa tiro oo waa Axad, Isniin, Salaasa iwm oo tirooyin Carbeed ah. Afka Cibriga ee Yahuuddana waa tirooyin. Halkaasna waxa aan isla garowsannay in maalmo iyo magacyo aysan jirin ee habeenno iyo tirooyin jiraan. Ciddii maalmo iyo magacya Soomaaliyeed raadin jirtay halkaas ha uga harto.


2. Toddobaad mise bilo?

Waydiinta ugu badan ee habeenka Dabshidka dadku iswaydiiyaan waxa weeye, “Kaltirsiga dabshidku bilo ma leeyahay?” Waydiintaas waxa ka horraysa waydiin kale oo ah, waa maxay bil? Ama maxaa aad u taqaan bil?

Bil waxa la yiraahdaa habeenka koowaad ee dayaxa la arko. Dayuxu waa bishaa, waa buuxsamaa, kaddib waa baaba’aa. Mar kale ayaa uu haddana soo bishaa oo intii oo kale maraa.

Kaltirsiyadu waa labo. Kaltirsi la tirsado habeennada dayaxa oo 354 habeen ah iyo kaltiris la tirsado qorraxda oo 365 habeen ah. Kaltirsiga Dabshidku waxa uu ku salaysan yahay qorraxda. Qorraxdu ma bilato ee waa ay galbataa kaddib soo baridaa. Galbashada waxa la yiraahdaa gabbaldhac, barigana waabari. Waa halka ay ka yimaadeen labada dhinac ee kala ah “bari” iyo “galbeed” oo kala ah dhinaca ay qorraxdu ka soo barido iyo dhinaca ay u galbato.

Dabshidku ma lahan bilo ee waxa uu leeyahay toddobaadyo ku salaysan marka qorraxdu galbato oo habeen ah iyo marka ay soo barido oo maalin ah. Tusaale aan u soo qaadanno dabshidkan hadda aan ku jirno. Habeenkii Kalaguurku waxa uu ahaa habeenkii dabka la shiday oo habeen Talaada ahayd, kuna beegnayd tirsiga Miilaadiga 16kii bishii 7aad ee 2024. Qorraxdu markii ay galbatay ayaa dabka la shiday. Habeenkaas dadku waxa ay u qaataan habeenkii koowaad ee sanada se ma ahan habeenkii koowaad ee waa habeenkii Kalaguurka. Kalaguur waxa loo yiri, sanada tagaysa iyo sanada soo socota ayaa iswaydaaranaya oo kala guuraya. Waa habeenka ay Soomaalidu ku ducaysato ” Eebbow sanada sii socotaa aysan na harraatiyin oo midda soo socotaa aysan na herdiyin” oo ay ula jeedaan in kan sii baxayana uusan belo ka tegin, ka soo galayana belo la iman. Habeenkaasi tiro ma leh, Kalaguur ayaa na la yiraahdaa. Habeenka ku xiga ayaa ay ka bilaabataa tiradu oo habeenkii Koowaad ee toddobaadka ah. Taasi waxa ay keentay in marka habeennada la tirinayo tirada laga bilaabo habeenka kalaguurka oo lagu daray toddobaaddo. Habeenkii Kalaguurku waxa uu ahaa Talaada. Aan tirinno marka:

– Talaada talaada ku 8 (1+7: 8 oo “1” tahay habeenkii dabka la shiday ee Kalaguurka iyo “7” oo ah 7dii habeen ee ka dambaysay),
-Talaada kale ku 15(8+7:15),
-Talaada kale ku 22 (15+7:22),
-Talaada kale ku 29(22+7:29),
-Talaada kale ku 36(29+7:36)
-Talaada kale ku 43(36+7:43)
-Talaada kale ku 50(43+7)


Kontonkaasi waa kontonkii Talaadada. 50kaas habeen, habeenkii kalaguurka oo Talaada ah ayaa ay ka bilaabatay, habeen talaada ah ayaa uu 50kii na ku eg yahay. Odayaashu marka ay isu warramayaan waxa ay yiraahdaan, “Talaada Talaada ku 50”. Tirada dhexe ayaa ay meesha ka saaraan markaas ayaa qofkii aan aqoon garan waayaa sida laba Talaado isugu yihiin 50, se odayadu waxa ay ula jeedaan 7 habeen oo talaada ah oo midkiiba 7aad (toddobaad) ugu danbeeyo ama toddoba ku yahay waa 7×7:49 iyo habeenkii Kalaguurka 1+49: 50. 50kii koowaad waxa uu soo bilowday 16kii bishii 7aad ee 2024 oo Talaada ahayd, waxa uu na ku eg yahay oo 50ku buuxaa 3da bisha 9aad ee 2024 oo Talaada ah. Habeenka 51aad oo ku beegan 4ta bisha 9aad waa Arbaco waxaana bilowday 50 cusub. Habeen walba oo toddobaadka ka mid ahi 50kiisa habeen ayaa uu leeyahay oo isla habeenkaasi uu bilow iyo dhammaad ba u yahay si la mida sida Talaadadu 50kii koowaad bilow iyo dhammaad ba ugu ahayd.

Habeennadu waa 7. Habeen walba haddii uu 50 yeesho waxa ay noqonaysaa 7×50: 350. 50kii koowaad haddii ay Talaado bilow iyo dhammaad ba u ahayd, 50ka labaad waa Arbaco, 50ka 3aad waa Khamiis, 50ka 4aad waa Jimce, 50ka 5aad waa Sabti, 50ka 6aad waa Axad, 50ka 7aad waa Isniin, wadar ahaanna waa 350 se sanadu waa tii ay 365 ahayd oo 15 habeen ayaa haray se Toddobaadkii waa dhammaaday oo Talaado ayuu ka bilowday, Isniinna waa ku dhammaaday. Maaddaama habeenkii 350aad uu isniin ahaa, habeenka 351 waa talaado.

Talaado talaado ku 8,
Talaada kale ku 15.

15kii habeen ee harsanaana waa kuwaas. 350+15: 365. Habeenkii koowaad ee Kalaguurku waxa uu ahaa Talaado, habeenka u danbeeya sanada oo ah habeenka 365aadna waa talaado.366 habeen ahi ma jiro, haddii uu se jiri lahaa Arbaca ayuu ahaan lahaa. Maaddaama habeenka 365 yahay Talaada, habeen 366 ahina jirin, habeenka xiga waa Kalaguurkii waana arbaco waxaana dhalatay sano arbacaad.

Habeenka Kalaguurka ee dabka la shiday haddii uu jimce yahay, habeen walba oo 7aadka ugu danbeeya waa jimce, habeenka 50ka koowaad ugu danbeeyaana waa jimce, habeenka 365aad ee sanada ugu danbeeyaana waa jimce si sanada xigta Sabti u noqoto.

Habeennadu waa 7aadkaas 50ka isugu tagaya. Sanooyinkuna waa la mid oo sanadan 2024 ee Talaadada ah, sanada ku 50 ah oo ah 2073ka waxa dabshidku gelayaa 4ta bisha 7aad oo ah habeen Talaado ah waa na sano-talaado si la mid ah sida 2024ka. Sanada ku 365 ahna waa Talaado, sanadaas oo ah 2388 tirsiga Miilaadiga waxa uu dabshidku gelayaa 19ka bisha 4aad oo ah habeen Talaada ah. Isma bedeli karto waayo Eebe wax walba tiro ayaa uu ku jaangooyay tiraduna ma gefto.


Afar sano oo kasta dabshidku hal habeen oo tirsiga Miilaadiga ah ayaa uu ku jiraa. Afar sano ayaa uu 17kii bisha 7aad ku soo jiray. Afartaas sano waxa ay kala ahaayeen, 2020kii, 2021kii, 2022kii iyo 2023kii. Miilaadigu markii uu ahaa 2019kii, habeenka Kalaguurka ee dabka la shiday waxa uu ahaa 18kii bisha 7aad ee 2019ka. Kaddib habeennada tirsiga Miilaadiga oo ahaa 365 sida habeennada dabshidka ayaa waxa lagu daray hal habeen oo sanadii 2020 Miilaadigu waxa uu noqday 366 habeen oo bisha Febraayo oo 28 ahayd ayaa habeen 29aad lagu daray. Habeenkaasi kuma jiro Dabshidka marka Dabshidku hoos ayaa uu u dhacay oo 18kii bisha 7aad inta uu hoos uga dhacay ayaa uu 17ka bisha 7aad galay 2020kii. Miilaadiga saddex sano oo kala ah 21kii, 22kii iyo 23kii waxba habeen dheeri ah lagu ma darin, waa na wada socdeen Dabshidka iyo Miilaadigu oo Dabshidku mar walba waxa uu gelayay 17kii bisha 7aad. Sanadan 2024 ayaa Miilaadiga habeen kale lagu daray tiradii 365 ahayd oo laga dhigay miilaadiga 366, mar kale ayaa uuna hoos u dhacay Dabshidku oo sanadan 17kii ma gelin ee 16kii bisha 7aad ayaa uu galay. 2028 ayaa uu mar kale hoos u dhacayaa Dabshidku oo gali doonsa 15ka bisha 7aad ee 2028.

Sida uu afar dabshid oo kasta habeen cusub Dabshidku ugu guurayo, 1,512 dabshid ama sano kaddib Dabshidku waxa uu ku soo laaban doonaa 16ka bisha 7aad marka uu habeen walba oo 365ta habeen ka mid ah soo maro, waxa ayna ku beegmaysaa marka taariikhda Miilaadiga ee hadda ah 2024 ay gaarto 3535, waa na habeen Talaada ah si la mid ah sida sanadani Talaado u tahay.

Tirsiga Miilaadigu si la mid ah sida Dabshidka waxa uu ahaan jiray 365 habeen. Keligiitaliyihii la oran jir Qaysar ee asaasay Imbiraadooriyaddii Ruun kaddib markii uu dagaallo sokeeye oo lagu hoobtay uu ku burburiyay Jamhuuriyaddii Ruun ayaa si iskiis ah u go’aansaday in afar sano oo kasta hal habeen lagu daro Kaltirsiga, si afarta xilli ee gu’ga, xagaaga, dayrta iyo diraacda loogu jaangooyo haddii kale sida Soomaalida ayaa sanadu 380 sano oo kasta haddii ay xagaa joogtay, gu’ u galaysaa, haddii gu’ dabka la shidayna 380 sano kaddib diraac dabshidku u galayaa. Sana walba waxa ay ka kooban tahay 365 habeen iyo 6 saac. 6dii saac ayaa uu afar sano oo kasta marka ay 24 saac isku noqoto habeen dheeri ah ka dhigay se sida muuqata habeenkaasi waa ururis afar sano ka tirsan ee sanadaas u danbaysa kuma jiro oo waa ku gef tirsiga iyo tirade ba.

Neyruuska Iiraan iyo 15 dal oo ku hareeraysan laga xuso ayaa Miilaadiga kaga dayatay habeenkaas dheeriga ah ee 2000(laba kun) oo sano ka hor Qaysar ku daray. Kun sano ka hor ayaa xisaabyahankii muslinka ahaa ee Cumar Khayaam codsi ka helay boqor Iiraan ka talin jiray oo Muslin ahaa. Codsigaasi waxa uu ahaa in Nayruuska la fariisiyo oo gu’ga lagu jaangooyo halka Miilaadiga uu Qaysar diraacda ku fariisiyay. Taasi waxa ay keentay in Cumar Khayaam Neyruuska ku fariisiyo gu’ga oo qofkii u fiirsada wax badan baa uu arkay Neyruus dunida looga dabbaaldegayo bisha 3aad ee Miilaadiga. Dabshidku waa ka nabadgalay farafarayn aadane oo 365 habeen oo habeen ba habeen toddobaadka ka mid ah uu gelayo ayaa uu ku dhisan yahay.



Halkaan waxa aan ku garowsannay in ay jiraan habeen Kalaguur ah iyo 364 habeen oo 7aaddo iyo 50aaddo ah oo soo laalaabta, marnana aan gefin tubtooda sida in Eebbe jaangooyay. Hadda ba yaa jaangooyay? Warcelinta oo fudud, Eebbaa jaangooyay.



3. Sidee Eebbe u jaangooyay habeennada Kalaguurka, Toddobaadka iyo Kontonaadka?

B.Qur’aanka

Eebbe qur’aanka waxa uu ku xusay habeenka toddobaad ee Sabtida loo yaqaan 7 jeer. Habeenkaasi waa habeenka 7aad waxaana lagu xusay 7 jeer.  Marka koowaad suuradda Baqara, aayaadda 65aad, ayaa Eebbe ku sheegay in habeenka 7aad Yahuudi ku xadgudubtay halkii ay nasan lahaayeen oo daanyeerro laga dhigay. Marka labaad, Nisa aayadda 47aad ayaa mar kale habeenka 7aad lagu sheegay iyo sida loo lacnaday kuwa ku xadgudba. Marka 3aad, isla Nisa aayadda 154 ayaa Eebbe ku sheegay in aan habeenka 7aad lagu xadgudbin. Marka 4aad, Acraaf aayadda 163 ayaa habeenka 7aad Qur’aanku 3 jeer ku sheegay. 3dan jeer iyo 3dii hore waa isku 6. Marka 5aad, oo ah markii 7aad ee Qur’aanku habeenka 7aad ka hadlo waxa uu kaga hadlay suuradda Naxal aayadda 124.

Qur’aanku taariikh ahaan ayaa uu uga sheekeeyay habeenkaas 7aad se dadkii xilligii nebiga joogay lagu ma jirrabin. Diinta Islaamku ma samayn maalin la nasto mar ba haddii habeenkii 7aad ba la nasan waayay oo lagu ceeboobay. Dad badan oo muslimiin ah ayaa Jimcaha u maleeya maalin nasasho oo diini ah. Jimcaha waxa Eebbe dadka ku jirrabay in si wadar ah loo tukado kaddib hawlihii lagu kala laabto, ma na jirto maalin Islaamku leeyahay marba haddii tii 7aad meeshay martay la arkay. Marba haddii 7aadyo la tirinayo aysan jirin, nebigu NNKH waxa uu tirsan jiray isla bilihii Carabta mushrikiinta ah tirsan jireen magacyadoodiina kama bedelin, keli ah bilihii ay marna xurmayn jireen marna xurmada ka qaadi jireen ayaa la waajibiyay in la xurmeeyo. Waxaa xasuusin mudan, ma jirto taariikh Hijri la yiraahdo oo nebigu NNKH ogaa ama islaami ah oo la tirsado. Taas oo ka dhigan in wixii aan nebigu ogayn aysan diin ahayn oo qaadashadeedana aan Eebbe loogu dhowaanayn, diidmadeedana Eebbe looga tagayn. Kaltirsiga Hijriga waxa bilaabay Cumar Binu Khadaab. Waydiintu waxa weeye sidee ku bilaabay? Cumar waxa uu Hijriga u bilaabay kaddib marka saxaabi kale oo la oran jiray Abuu Muusa Alashcari uu ka codsaday in uu tirsi sameeyo. Nebigu NNKH waxa uu ka dhashay dad dhaqan iyo tirsiyo gaar ah leh. Markii loo waxyooday, dhaqamadii wanaagsanaa ee dadkiisa waa uu tixgeliyay. Carabtu habeennada dayaxa ayaa ay tirsan jirtay se malahayn taariikh socota oo sida tan Miilaadiga 2024 maraysa ama sida Hijriga 1446 maraysa. Sida Soomaalida ayaa waxa la oran jiray “dayrtii biya badan” ayaa hebel dhashay ama “dayax madoobaadkii”.

Lama oran jirin taariikhdu marka ay intaa ahayd ayaa hebel dhashay. Waa aad aragtay oo waxa la yiraahdaa nebigu “Caamul Fiil” ayaa uu dhashay ee lama yiraahdo Hijri intaas iyo inteer maraysa ayaa uu dhashay. Ma jirin taariikh tirsigeeda la yaqaan. Sannadku waa dhashaa waa na dhammaadaa se ma leh tiro. Waa tabta dab shidku hadda yahay. Nebiga waxa la amray in bilihii dadkiisa uu sidooda u tirsado ma na faragelin. Markii nebigu dhintay, waxa la sheegaa in Cumar oo talada muslimiinta hayay uu waraaqo u diri jiray Abuu Muusa Alashcari oo gobol kale jooga. Waraaqaha bilo ayaa ku qoran se sannad kuma qorna. Warqaddii sannadkii hore iyo tan maanta la kala garan maayo haddii ay isku bil iyo isku habeen yihiin. Markaas ayaa Alashcari ka codsaday sida Miilaadiga in tirsi socda loo sameeyo sannadaha. Cumar waxa uu ka soo bilaabay maalintii nebigu NNKH Maka ka hijrooday halkaas ayaana Hijriyo ka timi. Waa sida annaga oo dabshidka ka bilownay maalintii Soomaali midowday oo niri maanta sanada dabshidku waa 64 midowgii kaddib, nirina waxa nebigu NNKH dhintay 1328 midowgii ka hor. Dad badan ayaa Dabshidka ku dura in uusan lahayn meel uu ka soo bilowdo se dhammaan kaltirsiyadu ma lahaan jirin meel ay ka bilowdaan, diimaha oo idilna uma sameeyaan ee dadka ayaa gadaal kaga dara. Halkaan waxa aan ku aragnay in tirsigii nebiga iyo Dabshidku ka siman yihiin in aan sanadoodu lahayn tirsi asal ahaan se waxa ay ku kala duwan yihiin waa in kii nebigu ku dhisan yahay dayaxa halka Dabshidkuna yahay qorraxda. Kaltirsiga Soomaalidu waa 365 habeen halka dayuxu yahay 354 habeen.

Toddobaadyadii aan dib ugu noqonno. Qur’aanku waxa uu sheegay in Towraad ay toddobaadyo lahayd se waa danbe ay jebiyeen. Yahuuddu taas waa ay qirsan tahay oo waa ay qabaan in aan sanadoodu bilo lahaan jirin ee toddobaadyo iyo qorrax tirsi ahayd waa danbe se ay jebiyeen oo bilo iyo dayax tirsi u diga rogteen. Hadda ba waydiintu waxa ay tahay, 7da habeen xaggee habeenka koowaad laga bilaabayaa. Soomaalidu waxa ay qabtaa in habeenka koowaad ee Kalaguurku yahay habeenkii Nebi Nuux dabka shiday. Habeenkaas habeenka ku xigana yahay habeenkii 1aad ee 7aadka. Habeenkaasi afartii dabshid ba hoos ayaa uu u soo dhacaa se wakhtiga ayaa meerto ah oo in la fariisiyo Soomaalidu ma qabto. 126kii sano ba 30 habeen ayaa uu dabshidku hoos u soo dhacaa. Waa sida Hijriga oo kale se Hijriga 3dii sano oo kasta ayaa 30 habeen hoos u soo dhacdaa. Hoos u dhaca Hijrigu waa uu ka xawaare badan yahay Dabshidka oo sannad walba 10 habeen in ay luminayso dadku waa dareemaan se Dabshidka lama dareemo maaddaama 126 sano ay tahay muddo dhawr jiil ah oo aan hal qofi dareemi karin. Dareen la’aantaas ayaa aan filayaa in ay sababtay in dad badan oo soomaaliyeed qabaan in dabshidku bisha 7aad ee Miilaadiga galo. Bishan 7aad ee taariikhda Miilaadiga dabshidku 60 sano ayaa uu ku jiray. Markii u horraysay ee bishaan 7aad dabshidku galay waxa ay ahayd 31kii 7aad xagaagii 1964kii habeen jimce ah. 2090ka oo sana jimcaad ah ayuu ka baxayaa bishan 7aad oo u gudbayaa bisha 6aad. Mar kale ayaa uu 16ka bisha 7aad ee uu sannadkan galay ku soo laabanayaa dabshidku marka Miilaadigu marayso 3535 oo hadda ay ka dhiman tahay 1,512 oo sano. Maaddaama ay muddo qaadato in la dareemo habeenguurka Dabshidka ku dhaca, dadka caadiga ah oo keli ahi kuma sirmin in aan dabshidku hal meel taagnayn ee caalimkii soomaaliyeed ee Muuse Ismaaciil Galaal ayaa xataa mooddaa in uu ku sirmay. Bogga 19aad ee buuggiisa caanka ah ee xidkaha, xilliyada iyo cimilada uu kaga hadlayo waxa uu tilmaamayaa in Dabshidka uu habeenka Kalaguurka ahi mar waliba galo afarta habeen ee bisha 8aad ee Miilaadiga ugu horrayso, sababtana loo malaynayo in ay ka soo jeeddo qabsasho ay Faaris qabsatay kumanaan kun oo sano ka hor Seylac. Marka koowaad ma jiro habeen Kalaguur oo ku suntan afarta habeen ee bisha 8aad, taasoo ka dhigan in cid meel qabsatayna aysan jirin oo la xusayo haddii ba aysan jirin Kalaguur taagan afarta habeen ee bisha miilaadiga ee 8aad ugu horraysa gaar ahaan habeenkeeda afraad. 73 sano ka hor markii Miilaadigu ahayd 1951 oo ahayd sana-sabtiyaad ayaa 4ta bisha 8aad ugu danbaysay habeen Kalaguur galo ama dab la shido. Ma ay jirto bil ama habeen goonni ah oo Dabshidku galo, habeen walba oo 365ka habeen ah waa uu galayaa wuxuu se u baahan yahay wareeg ah 1512 dabshid ama sano si uu 365ka habeen ee afartii Dabshid ba mid uu ku neg yahay u dhammeeyo. Tiradaas oo aad u badan marka cimrigeenna loo fiiriyo darteed ayaa qofkii aan u fiirfiirsani u maleeyaa in Dabshidku neg yahay oo habeen la yaqaan galo.

Waxa jira bilo soomaaliyeed oo afarta xilli ee gu’ga, xagaaga, dayrta iyo diraacda midkii ba saddex bilood leeyahay. Bilahaasi ma ahan bilo Dabshidku leeyahay, dhammaantoodna waa uu ku soo wareegaa oo 126dii Dabshid ba bil ayaa uu galaa se Dabshidku bilo ma leh. Waxa aan arkay Kalandarro meelo kala duwan oo dalka ah laga sameeyay oo bilahaas lagu jaangooyay se in Dabshidka la qaldo ma ahane isma qaban karaan.

Sida Dabshidku todobaadyo ma ahane bilo u lahayn haddii aynu isla garannay, waydiintu waxa ay tahay habeenka Kalaguurka iyo habeenka 7aad ba isla aragnay, habeenka 50aad Soomaali ma ahane cid kale ma tirsataa?

Qur’aanku waxa uu caddeeyay in habeen 7aad oo habeennada kale ka sheeggani jiray, se habeen 50aad waa ka aamusay. Kitaabka xiga iyo diinta xigta aynu u gudubno.

T. Injiil iyo Maasiixiga.

Wixii la yaqaan baa dadka wax looga bilaabaaye Abii Axmedka Itoobiya ayaa dad badan ku barteen in ay jirto firqo waa dhowayd Itoobiya soo gashay oo Maraykanka ka soo farcantay oo la yiraahdo Beendee. Firqadaasi waxa ay fara ba’an ku haysaa Masiixigii kale ee dhulka Xabashida ku dhaqnaan jiray kumanaanka sano. Waxa ay qabaan aragti asal ahaan Yahuuddu lahayd, Yahuudduna qabtay in Nebi Nuux lagu jirrabay tirsigeeda. Nebi Nuux waa isla nebiga reer miyigu kuu sheegayaan in dabka ay shidayaan habeenka Kalaguurka uu isagu shiday kaddib markii daadadkii dunida Eebbe ku fatahay ay gureen oo uu doonta ka soo degay. Yahuudda oo aan gadaal ka arki doonno aragtida aan ka hadli rabno sidii ay ahayd si aan ahayn ayay u adeegsadeen kaddib Masiixiga ayaa isaguna si kale u dhigtay. Aragtidani waxa ay ku qotontaa tirada 50aad. Magaca Beendee ee aad maqasho ee dunida oo idil sida dab duur la geliyay ugu faafay waxa uu ka yimi erayga “pentecost” oo ah eray Giriig ah macnihiisuna yahay 50aad(Kontonaad).

50ka Soomaalida tiradeeda gundhigga u ah waa la yaqaan habeenka laga bilaabayo oo waa habeenka Kalaguurka habeenka ku xiga. 50ka Soomaalidu habeenka kalaguurka ayuu la habeen yahay oo habeenka Kalaguurku haddii uu yahay Talaada, habeenka 50kuna waa Talaada. Waa innagii soo aragnay odayaasha iyo sida ay “Talaada Talaada ku 50” wax isugu sheegaan. Masiixigu dab ma shidaan, nebi Nuuxna waxa kala wayn nebi Ciise, habeenkoodu waxa uu ka bilowdaa habeen ay qabaan in Nebi Ciise oo la dilay uu soo toosay. Meesha annaga uu Kalaguurku aad innoogu wayn yahay iyaga nebi Ciise oo ay wiilkii Eebbe u qabaan, rumaysan yihiinna in uu gef ay dadku horay u galeen ka gudayo ayaa ay tirada ka bilaabaan. Xagga tirada isaga mid weeye Masiixiga iyo reer miyiga Soomaalidu waayo tiradu marna ma gefto se waxa isdiiddan waa bar bilowga. Halka Kalaguurku innoogu jiro iyaga ciidda “Easter”-ka ayaa ugu jirta oo ah maalinta ay qabaan in nebi Ciise geeri laga soo toosiyay. Maalintaas waa Axad oo Axad bay ku beegaan, marka Axad Axad ku 50, habeenka 50aad waa u Axad. Habeenkaas ayaa ay aad u wayneeyaan masiixigu.

Halka aan u soconno waxa weeye, Masiixidu inta ay miyiga Soomaaliyeed tageen 50 guuro kama qaadan, Soomaalida oo kun sano culimadu Hijriga in ay tirsadaan kala caalwaayeenna 50 masiixi ee Ciise la xusayo ma aysan arag, marka waa in ay jirtaa meel labada ba ka horraysay ee Habeenadani ka yimaadeen. Mar haddii aan Masiixigii aragnay, bal kitaabka Tawraadna aan sii marno inkastoo Tawraadna asalka habeennadan aysan iyadu sheegaan ee ay Nebi Nuux u tiirisay.

J. Tawraad iyo Yahuudda.

Sheekada soomaaliyeed ee ah habeenka Kalaguurka ama Dabshidka iyo habeennada 7aadka iyo 50aadku waa dhaqan nebi Nuux inta aynaan u gudbin aynu diint Towraad aan sii marno.

Tawraad oo ah kitaabkii nebi Muuse NNKH lagu soo dejiyay, Yahuudda iyo Masiixigu ba waxa ay qabaan in ay afar kitaab ka kooban tahay. “Genesis” oo bilowgii uunka ka hadla iyo sida lix maalmood uunka Eebbe u uumay, sida dadku dawgii uga leexdeen oo uu dawdareen iyo sida Eebbe ugu danbayn dhulka guudkiisa biyo ugu hafiyay oo nebi Nuux iyo xoogaa raacsani doon dusheed ugu badbaadeen. Waxa jira kitaab lixaad oo intaas si faahfaahsan uga sheekaynaya oo la yiraahdo “Jubilii” se Yahuudda iyo Masiixigu ba aysan u aqoonsanaan jirin in uu kitaabta shanta ah ee Towraad ka kooban tahay uu lix ku yahay. Doodda ugu badan ee Masiixiga iyo Yahuuddu qabeen waxa ay ahayd in kitaabkaas la qoray 500 oo sano ka hor oo uusan meel fog ba sii jirin.

Qoraaladii caanka ahaa ee laga helay godadkii Qumraan ee dhulka Falastiin intii u dhaxaysay 1946kii Miilaadiga illaa 1956kii Miilaadiga ee da’dooda lagu qiyaasay illaa laba kun iyo shan boqol oo sano ka hor in ay qorraayeen waxa ay muujiyeen in kitaabkaasi kitaab jiray yahay ugu yaraan laba kun oo sano. Waxa kale ee qoraalladu muujiyeen in Yahuudda iyo dadkii ka horreeyay ba qorraxda tirsan jireen sanadana loo tirin jiray qaab 7aad iyo 50aad ah.

X. Kitaabka Jubiliiga

Kitaabkan dooddiisu waxa ay ku qotontaa in tirsiga sanada loo tiriyo qaab 7aadle iyo 50aadle ah. Tusaale, Arbaca arbaca ku 50 haddii aan ku iraahdo adiga oo og in ay sana-Talaadaad tahay, waxa aad garowsanaysaa in asbuuca habeenkiisi koowaad ee sanada oo Talaada ahayd ay soo idlaatay oo Talaada Talaada ku 50 aan soo dhaafnay, iyo labo in habeenkii xigay ee Arbacada 50keedi loo gudbay, iyadana Arbacadii 50aad aan ka joogno taas oo aad ka fahmaysid jn 100kii habeen ee u horreeyay ay soo idlaatay iyo in 50kii khamiista la gelayo. Habkan oo sanada oo dhan loo qaybinayo qaab 7aadle iyo 50aad ah ayaa uu boorrinayaa kitaabkan ugu yaraan labada kun oo dabshid jiray, waxaa se taa ka sii muhiimsan in uu kitaabkani sheegayo in dhammaan anbiyadii nebi Muuse ka horreeysay oo uu ugu muhiimsan yahay nebi Nuux, Eebbe ku soo dejiyay in ay sida Soomaalidu hadda wax u tiriso ay sanada u tiriyaan oo aan si kale habayaraatee la oggolayn. Waxa kale oo kitaabkaasi sheegayaa in ka hor nebi Nuux ay qaabkan malaa’igtu wax u tirin jirtay. Markii Nebi Muuse buurta Duur kitaabka Towraad ee qoran loogu waxyooday, waxa uu Kitaabkaasi sheegayaa in tirsigan oo aan la oggolayn in la qoro loo sheegay, taariikhda jiritaanka uunkana loogu sheegay qaab 7aadle iyo 50aadle ah. Halka Towraad loo soo dejiyay dhammaan reer Israa’iil caamo iyo culimo ba, tirsigan ciddii mudata bes baa loo sheegi jiray, ka horna waxa mutay in loo sheego Idriis, Nuux iyo Ibraahiim. Intaas keli ah kuma joogsane waxa ku qoran kitaabkaas in looxul Maxfuudka Eebbe sanooyinla loogu qoro qaab 7aadle iyo 50aadle ah. Sana Khamiisaad wixii dhacaya, Khamiis khamiis ku 50 waa 7 khamiisood oo min 7 sano ah iyo sanadii koowaad ee Kalaguurka, waa na 50 sano. 50 dabshid oo khamiisle ah oo min 50 sano ah waa 2500 oo sano. Qaabkaas ayaa tiradu ku socotaa.

Yahuuddu badi ma yaqaanaan tiradan 7da iyo 50ka ku dhisan, si la mida sida Masiixiga hal meel ayaa laga helayaa tirsi tirsiga kore u eg. Halka Soomaalidu habeenka dabshidka ee doontii nebi Nuux ka bilaabaan tirada 50aadka, Masiixiguna soo toosintii Ciise, Yahuuddu waxa ay tirsadaan tiro 50aad oo ka bilaabata habeenkii Fircoon u oggolaaday in ay Masar ka bixi karaan. Habeenkaas habeenka ku konton ah ayaa ay dabbaaldeg wayn dhigtaan se inta kale tirsigoodu waa dayax ee ma ahan qorrax.
Meesha u danbaysa aan uga soconno waxa weeye in kitaabkani tilmaamayo in nebi Nuux Eebbe siiyay 7 xeer halka nebi Muuse 10 la siiyay. 7 waa tirada ugu muhiimsan ee tirsigan waa na tirada xeerarka Nuux la siiyay. Waxa ku xusan kitaabkaas cutubkiisa 6aad, aayaddiisa 3aad in nebi Nuux markii uu soo degay oog ama dab shiday, oo ah dabka isla Soomaalidu shiddo ee ay sheegto in nebi Nuux markii koowaad shiday, fooxna ku riday, fooxaasina in yar oo Cumaan dhirtiisu ka baxdo ma ahane dunida dhulka Soomaalida bes baa uu ka baxaa.

Gunta iyo Gebagebada

1. Kitaabka Jubiliiga waxa ka buuxa waxyaabo badan oo taariikh ahaan iyo diin ahaan ba aan saxnayn se kama dhigna in wax walba oo ku jiraa qaldan yihiin. Injiil oo Qur’aanku sheegay in uu kutubta Eebbe ku jiro, waxa ku jirta in Ciise yahay Eebbe wiilkiisi. Taasi kama dhigna in Injiil uusan ahayn kitaab saxa oo asal ahaan Eebbe ka yimi.

Ujeedka ugu wayn ee aan kutubtaan kaladuwan u soo xigannay waa in aan muujinno waxa Soomaalidu sheegaan in aysan ahayn ban-ka-abuur Soomaalidu miyiga la joogto se waa wax sal iyo raad leh, muujinaysana sooyaal ka sal ballaaran inta la moodayo.

2. In aragtida Soomaalidu miyiga la joogto caddaymo looga helo kutub kala duwan waxa ay ka dhigan tahay in ay adag tahay in Soomaalidu waxeer oo kutub ah isu soo wada martay oo ka soo tuugaysatay, kutubtaas oo qaarkood dadkii lahaa aysan wada ogayn wixii qarnigii 21aad ka horreeyay se ay muujinayso in kutubtaas iyo sheekooyinka Soomaalidu hal meel si uun uga wada dabqaadanayaan, haddii la doono waayahu ha kala duwaan oo laamo ha u kala sameeyaan jirid markii hore isku taallay.

***

  1. • Argtida Monroe markii hore waxay Ku dhisnyd is difaac iyo in gobolka danihiisa laga taliyo . • Aragtida danbe…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *