Laaska Daawada ‘Sheeko-faneed’

Waxaa duubay: Xirsi Magan

W/Q : Maxamed Carab


Caawa waxaan idinku jalbeebinahayaa qiso aan u bixiyay “Laaska Daawada” qisadan waxaan hadyad ugu dirahayaa Ijaabo oo carruurtayda ugu yar oo toddobadii sano bilo uga hareen oo dhalatayoo aanan arag, oo aan u jeclahay sidii nebi Yacquub uu u jeclaa Yuusuf. Waxaa hadyadda la wadaagta curaddayda Carro oo iyana aanan arag toddobadaa sano. Dhalashadii nebi Ciise waxaynu ka joognaa 1979, fikashadii nebi Muxammedna 1399 nabad Eebbe ha wada yeelee. Bisha qorraxdu waa gu’soore (Abriil), waana toban iyo shan, tan dayaxuna waa Jamaadul-awal,  waana toban iyo siddeed.  Habeenbarkii saddex saac ayaa la soo dhaafay, dayaxuna waa naylaqaad, badhada cirkana in yar buu ka janjeersaday, cirka caad kuma rogna, xiddigihiina waxaa ka muuqda intii dayaxu caal u waayay. Bari-waqooyi ili-kuwareertay hillaac baa kasoo biligbilig leh. Galbeed koonfur ahna hillaac kalaa kaas u sii baaqahaya. Waa kaad aan qabow iyo kulayl midna la dareemayn.

Carradu waa cidla, naflayda intii mirata maahane intii kale waa huruddaa. Wax shanqara waxaa yeerahaya kobajaaga ci’diisa, waxaa ku qaadahaya udug isaga darsamay roobkii shalay galab da’ay sundhaaxdiisii iyo ubaxa geedaha. Meeshu waa carris banbannaan oo aan lahayn dhagax lagu turraanturroodo iyo qodax wax mudda. Raxan cawl ah oo ubad ayaamahakan dhashay wadata ayaa inta kackacday yara guullantay. Ditoor Yuusuf ayaa wuxuu yiri,”Mar haddii cawshii tan tahay, meeshi aynu ku soconnay waa dhowdahay..” wuxuu raaciyay, “Saacaddan oo kale waa marka Eebbaheen yiraahdo: yaa wax i wayddiisanahaya oo aan siiyaa ee nin walowba waxaad jeceshahay inoo wayddii.” Lixdii la socotayba isku mar bay waxay yiraahdeen “Adigu innoo wayddii, aynu wada niraahnee: aammiin.” Ditoor Yuusuf wuxuu ku duceeyay, “Eebboow dadkaagaa Soomaalida ah u danbi dhaaf. Eebboow fulaynimada geesinnimo ugu beddel. Eebboow quluubtooda isu gee oo heshiis sii, Eebboow askartaada aan laga adkaan karin na qor. Eebboow hiilkaaga maahine hiil kale ma jiree noo hiilli.” “Aammiin,” bay lixdii isku mar wada yiraahdeen. Amarkii Eebbihiis oo ahaa feejignaada asaga oo qaadanahaya oo buntukhiisii oo furan iyo bunbooyinkiisiiba sita, kabihiisiina illan, ayuu ditoor Yuusuf salaad habeennimo u dhigtay.

Aayadda toddobaatan iyo shanaad ee suuradda ‘An-Nisaa’ ayaa daqantay, kolkaasaa Soomaaliya oo dhan la horkeenay. Dhibca waaweyn oo darruur la moodo ayaa indhihiisa ka soo hooray, sankana biyo. Sagaal gu’ iyo shan bilood iyo labaatan iyo shan habeen ka hor, saacaddan oo kale, ayaa Soomaalida iyadoo aan dareemayn cadow aan naxariis lahayn la mahiibsiiyay oo gacanta loo gashay.  Si aanay cadawgaas addinna ugu taagin afna juuq uga oran uurka inay ka nebcaato maahine, ayaa ayadoo aan garan waxaa jirka laga cabsiiyay biyo sun fulaynimo lagu barxay. Soomaalidu sida suntaasi jirkeeda ugu kala badan tahay ayay u kala fulaysan tahay. Ditoorka waxaa ilmadu u soo dhaaftay xanuunka sunta fulaynimadu Soomaalida ku hayo iyo sida cadawga ay ciidda hoosteeda ugu jiraan uusan ugu oggolayn inay iska daweeyaan iyo sida suntaas daawadeedu u fududdahay. Wuxuu ogyahay laas haddii ay ka cabbaan ay dhiirran lahaayeen oo aan sina loo bajiyeen.

Waxaa kaloo ilmada ka keenay in saacaddani tahay middii walwalka iyo naxdinta oo aan Soomaaliya laga hurdin lagana soo jeedin. Waa saacadda ciidamada bajintu, oo cadawga Soomaalidu u la baxay Nabadsugidda ay guryaha u soo dhacaan oo ragga kala baxaan, naagaha iyo dhallaankana ka oohiyaan. Waa saacadda mirtaasi uurrey badan ilmihii ka soo ridday, waayeel badanna wadnaha joojisay, dhallinyaradiina ku cirrowday. Waa saacadda mirtaas lahankeedu kiciyo cudurro daran oo aan dalka laga aqoon oo ay ka mid yihiin: wadnaqabadka, calool-gubaha, qabsin-cunaha, dhiigga-sare u tuujiyaha, kaadisonkorka iyo cudur maskaxeedyo kale oo keena camal-xumo iyo waalni. Waa saacadda dadkii jeelasha aabiga loogu dilay doogtu ku soo wada kacdo. Waa saacadda caradii Eebbe ay Soomaaliya cirka kaga soo dagtay.

Siciid ayaa inta saacaddiisii hummaagsaday yiri, “Aa sagaalkii iyo nus.” Cawil baa inta yara qoslay wuxuu raaciyay, “Waar dee waa saddexdii iyo badh.” Saciid kaftankii ma qoonsan oo Cawil waa saaxiibkii lillaahiya, waxay ka wada cabbeen Laaska Daawada oo wax iska jecel. Ditoorkii lixdii saaxiibbadiis ahaa intuu qaab xagaleed oo sagaal darajo ah u fariisiyay ayuu wuxuu isu jir-jirsiiyay boqol boqol tallaabo oo ku yiri, “Iska nasta inta ooggu dillaacahayo anaa inoo soojeedahaya e.” Qaabka xagasha oo raggu u jiifo geeskiisa dibadda, geed lugtool ah oo dhan walba ka bannaan jirriddiis ayuu ku tiirsaday oo bilaabay inuu ka fakaro sidii sunta fulaynimada Soomaalida looga dawayn lahaa, oo laaska dawada looga waraabin lahaa, oo dabadeed goortay biskooto loo bari lahaa afka buntukha, maxaa yeelay cadawgeedu afka buntukha maahine af kale ma garto. Ditoorku wuxuu xusuustay in waa’ aan dhawayn nebigiisii yiri (SCW), “Jannadu waxay ku jirtaa seefihiinna harkooda.” Meeshii seefta maanta waxaa yaal buntukha, jannadiina waxay ku jirtaa caaraddiisa. Wuxuu hiyiga ku hayaa, oo haaminahayaa in maalin uun Soomaalidu Eebbeheed idankii, isaga maahee ay addoomahiisa ka xorowdo.

Xiddigtii waaberi oo dhalaal weyn ayaa soo muuqata. Kaligeed maahee waxaa soo gurmahaya xiddigo aan la koobi karin oo la moodo in ay kuwa sii hoobanahaya tiigsanahayaan. Habeenkii oo hawshii lagu qaybiyay si yaab leh u gutay ayaa maalintii oo iyana si yaab le hawsheeda uga adag meesha u bannaynahaya. Waa gu’, sida roobabkiisu isaga daba imaanahayaan ayaa geeduhu isaga daba baxahayaan. Ubixii, curdinkii, gahayrkii, roob-guduuddii iyo dhugucii ayaa geed ku wada yaal. Shimbirihii, haaddii, ugaartii, dugaaggii iyo xoolihiiba waa raaxaysanahaan. Guga kan cidda kaliya ee aan raaxaysanahayni waa Soomaalida xorriyad ka quusatay, oo aan hadli karin in ay goonyaha dhugato ama geed dabada gashato maahine, oo dharkeeda iyo dhuunigeeduba gacan cadaawe ku jiraan, oo cadaawahaas carruurteedu u heesto, waayeelkeeduna hawraarsan yiraahdo, waa tijaabo Eebbee intee bay sidaas ku jirahayaan?

Qur’aanku wuxuu inoo sheegay in Fircoon qooqay, sidiisii oo kale ninkii qooqa oo rabbinnimo sheegta qisadani waxay tiraahdaa ‘Qooqaa’.           War Qooqaagu ka naxo kii ugu xumaa ayaa waxaa u keenay nin ay haybtana dad isugu xigaan hadalkana aan kala baqin.  Waxa uu ku yiri “Nin iga danbeeya ha waraysan, Soomaalidu waa kaa baqaysaaye ku nacday, waxa ku raba waa tolkaa oo keliya, waxaa soo raaca rag aan badnayn oo og inaad isku doon ku jirtaan oo kula eedoobay, iyaga laftoodu haddii ay heli karaan nin ay kugu doorsadaan waa ku ridi lahaayeen oo habeen kuuma kaadsheen. Annagoo aan nala dareemayn ayaan degmooyinka iyo goballadaba soo haansannay, horta qabiil ahaan ayaa la inoo necbaystay, waxa ina necebna waxaa ugu sii daran ciidamada qalabka sida, siiba askarta iyo shaqaalaha dawladda. Dadku waa wada dhuxul danbas huwan, oo hoos bay ka wada hurahayaan, waa mid dudahaya, mid qamuunyoonahaya iyo mid qosol beena dhoolasha kuu qaawinahaya. Necbaanta iyo colaadda la inoo qabaa waxay Soomaalida ku xanbaartay inay sir iyo caadba ula shaqeeyaan dabadhilifyada danaystayaasha ah, oo u adeegahaya Ruushka, Kuubba iyo Itoobiyada. Raadiyahooda halka saac ah oo aan war iyo hees toona lahayn ayaa dadku ka wada jecel yahay kan Xamar iyo kan dawladdaba.” Warkii oo ninkii siday halkaas marinahayo ayaa Qooqaagii oo koob bun ah ritay,  xabbad sigaarana shitay ka joojiyay. Inkasta oo khabarku xumaa hadalka runtiisa ayaa Qooqaagu u xoodanahayay sidii igar madi ah oo la salaaxahayo, wuxuuse hadalka uga joojiyay kalmadaha beenta ah ee ninku ku daray oo ahaa; Jabhadda Badbaadinta Soomaalidu inay u adeegayso Ruush, Kuubba iyo Itoobbiya. Qooqaagii inta sigaarkii tahanti jiiday, oo intii sanbabadiisu hayn kareen hayay, oo sidii kirli karay sanka labadiisa dul ka sii daayay qaaca intiisii badnayd, oo intii hartay fuuftiisa oo la maqli karo kor u afuufay inta bishimaha dhuubay ayuu yiri,” Nimanka innaga soo horjeedaa danaystayaal ma aha,  dabadhilifyana kaba daa, waa aynu dirirnay, colaaddana innagaa bilownay hadda legdanina walaal ma leh. Ruushka iyo Kuubba midna dalkeenna dan kama leh, dal aan u yeeranna umaba yimaadaan, Itoobbiyana waxaa u geeyay, meel kale oo ay inoo soo maraan bay waayeen.” Qooqaagii  sigaarkii buu inta danbaskii ka riday oo kabbaday hadalkiisii iska watay, “markii aan kaligeen nahay  waa inaan runta idiin sheegaa,  xagga dagaalka iyo xagga  dadnimadaba rag-lamoodka aan isku meershay ayagaa ka sarreeya, waana sidaad soo sahmisaye, maanta iyagaa Soomaalidu wada raacsan tahay, waxaana suurowda haddii ay waddanka qabsadaan sidaynu u galnay si ka xun inayan inoo galin…”

Habar Khadiijo oo si wacan u soo labbisatay, oo soo shidatay uunsiga qaaliga ah ee ooryaha boqorrada Carabtu shitaan, oo uunsiga caraftiisii qolka buuxisay oo hadalka intiisii danbe soo gaartay,  ayaa si kulul waxaa uga soo fakaday, “Weligaa balaad ammaantaa, ha ii ammaanin balaayada,  Ilaahow bir iyo buur nagaga gudub, ilaahow kuwaas gacanta ha noo galin,” intuu iyadii dhugtay ayuu sigaarkii uu danbasqaadka ku bakhtiin lahaa miiska ku bakhtiiyay, daymadiisii habar Khadiijo waxay u qaadatay “bax” waa ay baxday albaabkay se u xirtay si kulul oo ay u dareensiiso in ay ka xumaatay hadalkiisii iyo daymadiisiiba. Meeshii ay hadalka kaga goysay ayuu ka sii watay, “tobankii sano dadka been iyo buntukh baan ku waday, beentii salkeedii bay ogaadeen buntukhiina waa ay ila haystaan, anoo niyaysnaa inaan reer ahaan idiin dhiso oo qabiilkeenna kaliyihi Soomaaliya ka taliyo ayaan qabiilka qaynuun kulul ka dajay oo qofkii laga maqlaba xiray, waxay noqotay been la igu bartay. Sacuudiga, Kuwayd, dawladaha Kaliijka mid walba reer baa xukuma, iimaanka Allaha ka qaadee Soomaalidii diidday in reerkeenna kaliyihi xukumo. Laaluushka sharci adag baan ka dajay. Si aan la inoogu soo jeesan, wixii qaranku lahaa, laaluush baan u bixiyay. Xataa ciidamada qalabka sida, xiddigaha laaluush baan u siiyay intii aan kari karay, shaqaalaha qaranka, inta aan jago iyo gunno laaluush u siiyay lama xisaabi karo, waa been la igu bartay. Sidoo kale qaraabakiilka qaynuun baan ka dajay, waa aad ogtahay habeenkii aan xukunka la wareegay reer tolkeen wuxuu ahaa cayr reer miyi u badan,  caawana isagaa si walba Soomaali ugu sarreeya, waxay noqotay been iyo khayaano la igu bartay.”

Qooqaagii oo runtiisii deexanahaya ayaa wuxuu leeyahay, “inta aan reer tolkay taray waligeed Aadan-low ma tarin. Ayaga iyo Wagardhacba waxaa laga sheegahayay: eed aannan kasban ayuu na gashay, xukun kalitalis ah oo aan eed galin xaggee bay ku arkeen! Hitleerkii Jarmal eed buu galay. Musaliinigii Talyaanigu eed buu galay. Farankihii Isbaaniya eed buu galay. Salaazaarkii Burtugaalna eed buu galay. Iiddi Amiinkii Ugaandhana eed buu galay. Yaa kaligii taliyay oo aan eed galin? Eed waa galay, eed waa galay, eedda idinkaan idiin galay. Gedo iyo Garbahaarrayba gobollaan idiinka dhigay. Xoogga Dalka idinkaa ka jananno ah. Danjirayaasha inta ka dhaqaaqaysaa waa idinka. Qaynuunka kacaanku idinka idinma qabto. Wiilkiinnii inta dilay oo aan ku khatalmay maahine yaa la idinka toogtay? Raggaad wada layseen waxaan magtoodii ka bixiyay khasnadda dawladda. Hadalka waxaad iigu bilawday ‘Soomaalidu waa kaa baqaysaaye ku nacday,’ waa runtaa la i nac, la iga aammin bax run kasta haddii aan sheego la iga akhrisan mahayo. Waxaan noqday quwaax la shiiqsaday oo la iska tufay.” Intaasi goortii ay afkiisa ka soo baxday ayaa ilmo soo dhaaftay.

Ninkii warka baas u keenay inta naxay ayaa isagiina ilmo ku soo joogsatay, kolkaasuu jawaabtii uu u celin lahaa uga turay. Jawaabtu waxay ahayd, “Horta xukunka daraaddaya umaad qabsan ee adaa hawadaa iyo hammintaa kuu geeyeen. Caynaanshe, Dheel iyo Gabayre toogashadoodii nalaga maad tashan, Maxamed Abshirka tobanka sano jeelka kuu jiifa, oo aan waxba kuu dhimin oo aan xattaa ka mid ahayn raggii aad xukunka kala wareegtay ma dartayuu kuugu xiran yahay? Culimadii Ilaahay ma dartayaad u laysay? Cirro raggayagii buu qabqabtay waana dili karay waase bixiyay, ma dartayaad u dishay? Runta markii loo hadlo annaga waa aad noo habarwacatay, goortii aan kuu soo gurmannayna askar iyo adeeg baad naga dhigatay. Waxaad tiri: ciidamada idinka ayaa ka jananno ah, janan aan askar lahayni ma janan baa? Sida adiga laguu ilaasho ayaa iyagana loo wada ilaashaa, oo waa wada mayd soconahaya. Maalinta ay qarxato, nin walba askarigiisa ayaa dhafoorka xabbad ka saarahaya. Danjirayaasha reerkeenna jaajuusyo ayaa loo wada yaqaan, oo safaaradahooda lama tago, sharafna laguma arko.

Waa runtaa oo Gedo iyo Galgaduudba, gobollo waa aad nooga dhigtay, waxaadse illawday inaan labadaba nabad iyo godob la’aan ku daaqi jirnay, caawana midna kuma ladi karno. Inta aad xukunka haysatay niman iyo naago aad xoolaysay oo ciddeena ahi waa jiraan, laakiin xoolahooda iyagaa leh oo waliba badidood xoolahoodii dalal shisheeye ayay gaysteen. Maxamed, tolkeen xoolaha ma aad wadaajine, godobta iyo eedda ayaad wadaajisay. Boqorka samooyinka iyo dhulku waa dul miiran, nin kasta oo qooqa waa u kaadshaa jeer uu ba’ furo, oo loo maaro waayo, goortaasuu wuxuu si wacan u tusaa dhabbihii uu soo maray iyo gafafkii kibirka iyo aabigu u geeyeen, kolkaasuu cataabaa. Qooqaagii Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku cataabay, “Anigaa taloxumo isku jabshaye ninna ima jabiyeen. Musalliini dagaalkii Xabashaa loogu daw galay. Isagu Xabashada waa daandaansaday, aniguse waa garanahayay inaan ku jabahayo, oo wax badan, badan, badan baan diidaye,  waa la igu tidcayay. Ogaadeen baa igu tidcay, Ogaadeen baa i jabshay, Ogaadeen baa i jabshay, Ameerikana ballankii bay iiga baxday.”

Qooqaagu sidaas uma cataabeen haddii uu aqoon lahaa ama uu aamminsanaan lahaa, aayadda boqol iyo labaatan iyo saddexaad ee suuradda Huud ku dugto. Wuxuu ogaan lahaa in Ogaadeen iyo Ameerikaba arrinta looga sarreeyo. Wuxuu ogaan lahaa, in dawladda boqortooyada cirku, wax aanay idmin eeyan dhulka sina uga dhici karin. Sidiisa oo kale, ninkii aan aqoonsanayn dawladda samada, taladu waa ka wansiixdaa, sidii caano qorrax lagu lulay oo subaggii ka soo go’i waayay. Kolkaasuu baqaa oo walwalaa. Wuxuu la mid noqdaa nin gudcur roobabaabeed meel halaq lagu yaqaan ku guuraynahaya, isagoo cagacad oo meeshuu cagta dhigaba ka baqahaya in laga qaniino.

Isagoo aan wali ilmadii iska tirin, catawgiina wada, ina adeerkiisii khabarka xun u keenayna hor fadhiyo, ayaa waxaa u soo galay janankii, Maxamed Jibriil oo khabar kii hore ka xun u sida, isagoo midiidinimo ka muuqato cabsiyina ku dheehan tahay oo gariirahaya ayuu wuxuu hor dhigay galkii warka. Qooqaagii inta himbiriirsaday waraaqdii ayuu arki waayay. “Waxaad isku murjisay, oo aan kala soocnayn ma garan karnee bal akhri,” ayuu yiri inta akhriyi waayay laatiinkii uu afka Soomaaliga wacalka kaga dhigay toddobo sano kahor.

Maxamed Jibriil oo akhrinta farta laatiinka iyo naxwaha Soomaaligaba si wacan u yaqaan ayaa u akhriyay waxa uuna yiri “Ciidamadii waxay sugayaan amarkii ay wax ku qarxin lahaayeen, waxba lagama qaban karo maxaa yeelay dadka innaga inoo shaqeeya ayaa iyaga daacadnimo u la shaqeeya,” Qooqaagii sidii ilmo daawa kharaar la kabbiyay ayuu qamandhacooday oo isku rooray maxaa yeelay wuxuusan ka shakiyin warka Maxamed Jibriil inuu run yahay saa ayaamahakan warka sirta ah waxaa sida dhuumaha qabiilka e. Maxamed Siyaad intii uusan qooqin oo Soomaalida qabsan ayuu wuxuu qabay in durayga aasbaro lagu daweeyo arrimaha Soomaalidana qabiil, dabadeed goortii khasnadaha qaranka furahooda uu gacanta ku dhigay ayuu wuxuu bartay in lacagtana wax lagu daawayn karo haddii se qabiilka iyo lacagtu wax daawayn waayaan waa in xarig iyo xabbad lagaga quustaa. Qabiilkii, lacagtii, xariggii iyo xabbaddii afartiiba inta miiska soo dhigtay ayuu amray in loo soo toosiyo shan janan iyo hal kornayl oo uu is lahaa waa ay yaqaanniin afartaas midba meeshii wax lagaga qaban karo. Lixdiiba waa soo fariisteen ayagoo dheelallaabaysan kii qaadka ku soo jeeday maahee, Qooqaagu wuxuusan u yeeran xilihiisii koobaad Maxamed Cali Samatar oo aan shirku uga maarmayn xogta iyo xeerbeegnimada midna. Waayahay ee ma is waydiinnaa wuxuu ugu yeeri waayay? Jawaabtu waa afarta fure ee miiska u saaran wuxuu qabaa in qabiilku wax ugu furi ogyahay Maxamed Cali Samatarna uusan waxba ku furi karin.

Haddii gabbaldhicii laga soo xisaabo waa sagaalkii, haddiise habeenbarkii laga soo xisaabo waa saddexdii, waa saacaddii haddaynu garwaaqsannahay Qooqaagu inta miray Soomaalida qabsaday, isla saacadda ditoor Yuusuf iyo lixdiisii ay rabbigood wayddiisanahayaan inuu sunta fulaynimada ka bogsiiyo oo laaska daawada ka waraabsho! Bal daya, hadda waana saacadda Qooqaagu lixdiisa u soo toosistay siduu Soomaalida uu wadna-kuriyay uu u sii argagixin lahaa. Hadalkiisii wuxuu ku furay, “Hurdaad ka soo wada toosteen anna waa sidaan shalay galab u soo fariistay, danteenna ma kaligay baa u soo jeedaya! Nimanyahow xukunka waxaynu ku qabsannay xoog ee la inama dooran, colaadda iyo nebcaanta la inoo qabaa tobankaa sano waa soo biirahayeen haatanna qarxad bay taagan yihiin. Weligeen dadka ama waa sabaynay ama wax baynu ku sii jeedinaynay, haatan sasab iyo siijeedin midna ma oggola. Qacdii hore waxay nu ku sabnay gumaysiga Maraykanka waa inooga qaateen, waxaynu ku sasabnay inqilaabkii Qorsheel waa inooga qaateen, dabadeed ogaade inaynu been-beeninaynay, waxaynu ku sii jeedinnay ol’oleyaal is daba joog ah-bacaadcelin, cayaaro-goboleed, ciribtirkii aqoondarrida, hayaankii Sablaale iyo Kurtunwaarray iyo baliyo baas! Intii dagaalku socday ayagaa iska sii jeeday saaka waxaynu ku sabno ama ku sii jeedinno maxaad haysaan?” Waraaqdii janan Maxamed Jibriil la soo guday ayuu Xuseen-Cadde u dhiibay una baaqay inuu inta kale u gudbiyo, go’aankii intii ay hurdeen uu gaaray ayuu u soo jeediyay oo yiri. “runta ay nu u wada hadalno waxa aniga habeen walna raadiyow Kulmis gooni iiga dhaartaa oo gooni iiga caayaa waa ilma adeertiin, Jabhadda Badbaadinta Soomaalida ragga wataa waa ayo? Haweenka iyo dhallaanka waxaa lagu beenbeeniyaa in ay yihiin Ruush iyo Kuubba iyo Xabashi iyo calooshood u shaqaystayaal weheliya, hadda runtu waa midna ma aha ee waa qabiilladiinna oo miiran. Gudaha iyo dibadda ayaad isaga baaqdaan oo isku wada xiran tihiin!

Ma anaa mindiyo lay qarshaa Laygu qali doono.

Waxaan idinku amray in ninkiin waliba qabiilkiisa u digo oo la taliyo oo lahashada ka saaro haddaad lacag u baahataan Axmed Saleebaan ka qaata isagaa miisaaniyaddii hayee, war sii wixii ay ku waydiistaan. Haddaad qabiil iyo lacag wax kaga wanaajin waydaan xarig iyo xabbad baan kaga niib keenahayaa, hadda ha layska jiro amarkaygu wali waa soconahayaaye,” intaas markii uu yiri ayuu sarejoogsaday.

Annaga na amartaye adiga ma lagula talin karaa janan Maxamed Cali Shire ayaa waydiiyay intuusan dhaqaaq-jeensan, maxaad oran lahayd buu u celiyay inta indhaha ku gubay. Si aan cabsiyi ku jirin ayuu wuxuu u yiri “qabiilnimadii soddon iyo lixda sano la soo aasahayay oo kacaanku tobankii sano ee danbe qofkii laga maqlaba xirahayay anigu kolba nin baan ahayoo waa ka xiahoonahayaa inaan dib u soo nooleeyo oo wax ku qabto, teeda kale waxaan kugula talin lahaa tii Iidda Amiin kii Ugaandha ha sugin ee sidii Shaahii Iiraan dalka isaga dhoof.” Qooqaagii inta hadalkii qaadan waayay ayuu carooday oo karay oo sidii rati qooqan cartay oo goradda laalaadshay oo midig dayay oo bidix dayay oo sanbabbadiisa muggood yeeray oo yiri “waa ku ogahay inaad qabiil-qabiil ku shaqaysid yaad is maqashiinaysaa, qurunka iyo Hartinimada aad waayahakan dhisaysay waa aan la socday, gaariyaasha iyo guryaha aad iigu faqdaan waa ogahay.” Qayladii buu inta hoos u dhigay isaga oo murugsatada midig ruxahayana ku fiiqay yiri ” kabta iyo laxda waligay waa aan maqlahayay waxna la iigama qaadin, Ina Cali Shirow sidii Shaahii Iiraanna dalka isaga dhoofimahayo Iidda Amiinna wali waa dagaallamahayaa, waxaan ku leeyahay Harti baad shirisaaye Kablalax oo dhan isu gee oo bal hadda car,car wax iga qaada.”         Intaas goortii uu ritay ayuu si aan hadalka loogaga danbayn caradiisuna ragga ugu duxdo iska baxay.

Hadalkii Qooqaagu, Maxamed Cali Shire ugu jawaabay Xuseen Kulmiye iyo Ismaaciil Cali Obokor  waxay u garteen in Axmed Saleebaan, Maxamuud Geelle iyo Cabdirisaaq Maxamed Obokorba ay la wadaagaan oo si gaar ah afartooda loo eegahayo, inkastoo uu amarkii hore lixdoodaba wadaajiyay. Xuseen Kulmiye oo lixdooda da’da u weyn darajadana u mudan ayaa wuxuu u soo jeediyay, “Arrooy amaraa duqii ina siiye, xaa muran taraa, arrooy nin waloow qabiilkaa aad, afartiina reer hebel ahina sii hor mara,” wuxuu ku daray Axmed Saleebaanow sidii duqu ku amray waa inaad lacagtii sii diyaarisaa. Axmed Saleebaan sidii laf shansho oo intuu dhuuxii kaga dhagay ayuu inta Fayb kiisii dhawr jeer nuugay oo bidixda ku qabsaday yiri “lacagi waa diyaar waxba se ku hagaagi mahayaan, ninka Soomaaliga ahi waa garanahayaa lacagta inaan loo siinahayn yarad iyo kaalo midna, horta haddii uu xishoonahayo kaa qaadan mahayo haddii uusan xishoonahaynna inta kaa qaato ayuu hadhow kugu xamanahayaa suu waa ogyahay inay laaluush tahaye.”

“Jah, qad qad qad qad! Ar booweyaal duqu aa waashay oo daya ma illaaway in qabiilku danbi yahay oo qofkii inuu wado lagu ogaado la xirayo, aa naga Ilaah aa lana xirayaa,” Maxammuud Geelle oo weligii amar la siiyay aan diidin, ku uu bixiyayna la diidin oo yaabsan ayaa sidaas yiri. Cabdirisaaq Maxamed Obokor ayaa wuxuu ku xijiyay, “Agah, awoowow tanoo kale aniga qabiilkaygu imaba ictiraafsana haddaan u dagtana i bixinba mahayaan.” Ismaaciil Cali Obokor ayaa qoslay oo yiri “Waar yaarahee, waar dee anna waa i ogtihiinoo reer waqooyi waysada odayga bay ii yaqiinniin, haatanna waxa ka dhacahaya waa aad la socotaan, dee yaaba foodda galin kara.” Shirkii Qooqaagu ka duday Xuseen Kulmiyena ka guddoominahayay wuxuu ku xirmay hadal Maxamed Cali Shire isagoo taagan yiri “Amarkii Maxamed Siyaad ina siiyay socon mahayo saynu qaran buka qabiil kuma daawayn karnee, iska dhoof goortii aan irina caro iyo cay wixii ka daganahayay waa aad maqlayseen haddaba innagu aynu tashanno oo dalka isaga uga dhoofno,” Xuseen Kulmiye ayaa wuxuu ku sagootiyay “Yaaa yah, abkaa magan ooy aan dhoofnee ma dhoof buu inoo oggolyahay.”

Shantii janan iyo kornaylkii waxaa u muuqday inaan Soomaaliya maanta meeshay marayso qabiil wax lagaga qaban karin. Janankii lacagta haystay, waxay tartana yaqiin waa kii ka dayriyay inaan maanta qofna lagu sabi karayn, markaan Qooqaaga gacantiisa waxaa ku haray xariggii iyo dilkii, amarkiisuna weli waa soconahayaa. Xariggaas iyo dilkaas intuu Soomaalida kaga heli karo faa’iido iyo waxa aayuhu noqon doono aynu u dayno dadka qisadan dhagaysanahaya haka fakareene. Toddobadii Qooqaagu saaka waxay ku waaberiisteen qoomammo, walwal, quus, aayatiin abaar ah iyo hiif iyo haaraan dhexdooda ah. Raaxada, quruxda, waxaad jamato “hooda” Filla Soomaaliya iyo ciidamada loo tababaray inay wedka ceshaan midna lagu ladi waa oo nolosha jaahilnimada ayaa sidaa ah. Toddobadii ditoor Yuusufna waxay ku waaberiisteen badbaado, yididdiilo, aayatiin laacahaya, jacayl iyo isku-qalbinimo dhexdooda ah. Daalka iyo diifta sadaadada iyo gasiin la’aanta midna dareemimahayaan oo nolosha jahaadka ayaa sidaa ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *