Taariikhdu ma Dhimrido

Taariikhdu ma Dhimrido

W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Okiyaale)

Qormadaan koobani waxaan ku soo bandhigeynaa sooyaalka ruux burburiyey sumcaddiisii wanaagsaneyd, tacabkiisiina ka dhigey hal bacaad lagu lisey, kalgacalkii loo hayayna u rogey naceyb iyo sumcadbeel, ruuxa aan ka hadleyno waa Ulysses Grant oo noqdey madaxweynihii 18aad ee Mareykanka, xilkana soo hayay muddo siddeed sano eh, sanaddadii 1869 – 1877.

Grant wuxuu door mug leh ka qaatay soo afjaridda dagaalkii sokeeye ee Mareykanka oo ahaa dagaal ba’an oo aad loogu halligmay, ku dhinteen dad kor u dhaafaya 600,000 qof; wuxuuna guulo waa weyn u soo hoyey dowladda dhexe ee Mareykanka oo u dagaalmeysay qaddiyadd akhlaaqi eh (adddonsiga in la joojiyo), taas oo dhaxalsiisey howlwadeenadii iyo saraakiishii dagaalka sida Grant inay helaan taageero baaxad leh.

Haddaan dib u jaleecno sooyaalka dagaalkii Sokeeye ee Mareykanka (1861 – 1865) halka uu Ulysses Grant ka soo dhexbexay, magaca iyo taageeradana ka kasbadey. Dagaalka sokeeye ee Mareykanku wuxuu bilowdey ka dib markey soo ifbaxeen olole ku baaqaya in la laalo addoonsiga, sidoo kalna talada dal weynaha Mareykanka la wareegey madaxweyne rumeysan aragtidaas Abraham Lincoln; halka gobollada koonfureed oo ku tiirsanaa waxsoosaarka cudbiga ka horyimaadeen ololahaas iyagoo u arkey inuu lid ku yahay dhaqaalahooda oo ku tiirsanaa addoomada cudbiga beera.

Kadibna, waxaa gooni-ugoosad ku dhawaaqey gobolladii koonfureed, sidaas buuna dagaalkii ku qarxey; waxaana iska horyimi waqooyiga oo eh dowladda federaalka Mareykanka (the Union) iyo koonfurta oo eh gobooladdii go’ay oo ku midoobey dallad ay u la baxeen Koonfedraal (the Confederacy).

Abraham Lincoln bilowge hore dagaalka, wuxuu u magacaabey Report Edward Lee hogaamiyaha guud ee ciidanka federaalka, hase ahaatee Report Lee wuxuu iska casiley xilkii ka dib markuu ogaadey in gobolkiisa uu ka mid yahay gobolladii go’ay, wuxuuna dhinac kale uga soojeestey dagaalkii wuxuuna hogaamiye u noqdey ciidankii Koonfederaalka. Dabadeedna, wuxuu Lincoln u magacaabey janaraal George McClellan Taliyiha guud ee ciidanka; mudd laba sano uu ahaa taliyaha guud ee ciidanka wuxuu McClellan lagu dhaleeceyn jirey fuleynimo iyo u dhimrid badan, taasoo ugu danbeyntii galaafatay xilkiisa.

Docda kale, intuu xilka hayey McClellan uu la rafaadayey jabhadda bari, waxaa galbeedka Mareykanka wacdarro ka dhigey taliye unug oo soo hoyey guulo waa weyn, baaba’shayna difaacyo, qalcado iyo magaalooyin ay ka talinayeen ciidankii Koonfedraalka; halyeeygaasi waa Ulysses Grant oo sumcaddii uu kasbadey ku dallacay oo ugu danbeyntii booska ka tuurey MacClellan.

Ulysses Grant wuxuu gabi-ahaanba baddeley markii loo magacaabey taliyaha guud ee ciidanka istraatiijiyaddii dagaalka ee taliyihii ka horreeyey ku hawlgalijirey ee ku dhisneyd ka baaraandagid iyo dhimrid, wuxuu la soo baxey qorshe qallafsan oo qar-iskatuurnimo eh, ugu danbeyna waxaa qorshihii ku jabay oo isdhiibey ciidankii Koonfedraalka ka dib markey la kulmeen khasaaro aysan ka soo kaban karin.

Guushii dagaalkii sokeeye waxaa sumcad ku heley Madaxweyne Abraham Lincoln iyo Taliyihiisii Ulysses Grant; hase ahaatee Lincoln waxaa la diley laba maalin ka dib markey saxeexeen Koonfedraalku hishiiskii isdhiibidda, isagoo u dabaaldagaya guusha taariikhiga ee ciidankiisu gaareen. Halka, Ulysses Grant noolaadey, heley fursad uu isku soo sharrexo xilka madaxweynaha, kuna guuleystay xilkaas laba jeer oo isxiga.

Ayaandarradu waxey tahey in Abraham Lincoln yahay halyeey qaran oo shacabka Mareykanku wada maamuusaan; aalaaba wax laga qoro, sida sheekooyink, filimo, farshaxanno, halka Ulysses Grant oo ahaa halyeey dagaal iyo madaxweyne siddeed sano soo taliyey yahay qof la hilmaamey. Iskaddaa Ulysses Grant in lala barbardhigo Abraham Lincoln ee waxaa maanta ka taageero iyo qaddirin badan horjoogayaashii Koonfedraalka, oo u dagaalamayey qaddiyad lid ku eh akhlaaqda, haddana waxey heystaan taageero iyo caadifad gobollada koonfureed ee Mareykanka, uusan ka heysan Ulysses Grant gobollada waqooyi, ogsoonow Grant wuxuu u dagaalmay qadiyad sharafta iyo karaamada bini-aadamka kor u qaadeysa.

Haddaba xaggee cuqubadu ka heysataa Ulysses Grant? Grant wuxuu sumcad beeley intuu ahaa madaxweynaha, wuxuuna maamulkiisii ku caanbaxey musuqmaasuqa iyo fadeexadooyin isxigxiga. Wuxuuna gaarey heer taariikhyahannada qaar ku tilmaamaan madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badanaa ee soomara sooyaalka Mareykanka.

Waxaa ka mid eh fadeexadihii dhacey xilligiisii, tiro wasiiradiisa ka mid eh in lagu eedeey iney laaluush qaateen sida wasiirkii dagaalka, wasiirkii badda iyo wasiirkii arrimaha gudaha, sidoo kale Ulysses Grant laftirkiisa waxaa lugu eedeeyey inuu qaraabadiisa qaar sida walaalkii Orvil ku daray liiska shaqaalaha mushaarka qaata iyagoo shaqaale aheyn. Waxa kale uu sakrateerkiisa ku lug lahaadey fadeexad saraakiisha qaar ku dhimayeen dakhaliga dawladda ka soo gala canshuurta badeecadaha qaar.

Dadka u qiilraadiya Ulysses Grant waxey ku tilmaamaan inuu ahaa nin daacad eh, se ku meegeeranyihiin tuugo iyo munaafiqiin, foolxumana u soo jiidey taliskiisii. Waa isla qiilkii loo raadiyey Richard Nixon ka dib markuu ku lug lahaadey fadeexaddii caanka aheyd ee Watergate. Waxaa kale oo qiilkaas aad u adeegsado Soomaalida, oo kolba hoggaamiyaasha ay taageeraan ku difaaca.

Carabta waxey ku maahmaahdaa markey arkaan laba xaaladood oo isu eg [u ekaa habeenka kan xaley; ما اشبه الليل بالبارحة]; sooyaalka siyaasiin badan oo dalkeena soomarey iyo kuwa hadda jooga baa si igula eg sooyaalkaa Grant; waxaa dalkeena soomerey siyaasiin bilowgii waxqabad lahaa sumcad ku lahaa bulshada se gadaal ka burburiyey wax kasto oo ay soo dhiseen, maantana loogu abtiriyo burburkii dowladnimada Soomaaliya.  

Walina, waxaa saaxadda siyaasadda joogo siyaasiin sumcad lahaan jirey, ka mid ahaa aasaasayaashii waxbarashada iyo horjoogayaashii hay’adaha samafalka iyo ururuda diiniga, laakin ku sumcadbeelay inay faraha lagaleen howlo sharci darro eh, sida dhul-boobid, hanti-boobid, darooggo iyo qaad ka macaashid.. iqk.

Taariikhdu ma dhimridu, ma daboosho foolxumada, daah ma saarto ceebaha, sidaa si la mid eh samaha ma dafirto, waxqabadka ma inkirto; ninba wuxuu hormarsado bey soo bandhigtaa; “ninkii timir abuuriyo, ninkii tiin tallaalaba, taariikhdu waa warin!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *