W/Q: Axmed Cusmaan Al-Tuweyjiri
W/T: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi “Okiyaale”
Tan iyo markii uu bilowday khilaafka u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka ee koonfurta Yemen ee la ogaaday siyaasadaha Abu Dhabi ee ka dhanka ah danaha Sucuudiga, waxay si doqonnimo leh u bilawday warbaahinta Abu Dhabi inay suurad qurxiyaan walax aan quruxsameyn, iskuna dayaan daboolidda xaqiiqooyin cadcad oo muuqda, laakiin marna dhici mayso inay qoraxda ku qariyaan sacbahooda, si kasta oo ay u dadaalaan.
Qorraxda xaqiiqada ayaa ah tan kala saarta xumaanta iyo wanaagga, khiyaanada iyo ammaanada, beenta iyo runta; waxayna qoraxdaasi qaawisay oo ceebtood dibadda keentay shirqoolwadayaashii, waxayna daaha ka feeday baaxadda dambiyada ay ka galeen ummadda. Sidoo kale qoraxdaasi waxay si cad oo aan mugdi ku jirin u muujisay inay yihiin gudin lagu gooyo umadda iyo duul la bahoobay cadawga ummadda si ay u fuliyaan qorshayaasha lagu kala qaybinayo dalalka Carabta, gaar ahaan kuwooda waaweyn, looguna beddelayo dawlado-yaryar oo ku dhisnan qabiil, mad-hab, iyo diin.
Suxufiga reer Israa’iil ee Oded Yinon (oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil, ahaana la-taliyihii ra’iisul wasaarihii hore ee Ariel Sharon) wuxuu ku soo bandhigay qormo uu cinwaankeedu ahaa “Istaraatiijiyadda Israa’iil ee Siddeetamaadkii Qarnigii Labaatanaad/ A Strategy for Israel in the Nineteen Eighties” oo lagu daabacay joornaalka Israa’iil ee Kivunim bishii Febraayo 1982, qorshe istaraatiijiyadeed oo nuxurkiisu ahaa in dalalka Carabta ay u nugul yihiin qaybin isir, mid mad-hab iyo mid diin ku dhisan, sidaas awgeed ay waajib ku tahay Israa’iil inay ku dadaasho xaqiijinta arrintaas si ay u damaanad qaaddo ammaankeeda fog ama dhexe.
Sanaddii 2017 Brian Polkinghorne (oo ah borofisoor ku takhasusay falanqaynta khilaafaadka iyo xallinta khilaafaadka) iyo Ted Becker ayaa soo wada saaray buug uu cinwaankiisu ahaa “A New Pathway to World Peace: From American Empire to First Global Nation”, waxayna ku darseen qayb ahaan qorshaha Oded Yinon, waxayna xuseen in fikradihii ku jiray qormadii Yinon ee 1982 in la qaatay, lana horumariyay oo loo rogay warqad siyaasadeed sanaddii 1996, warqaddaas oo cinwaankeedu ahaa “A Clean Break: A New Strategy for Securing the Realm”. Waxaana diyaariyay warqaddaasi khubaro Israa’iiliyiin ah, iyada oo markii dambe saameyn ku yeelatay warqaddaasi siyaasadda dibadda ee Maraykanka. Waxay ku doodeen Polkinghorne iyo Becker in isbadallada iyo dhacdooyinka ka dhacay Bariga Dhexe (sida: qabsashada dhulal hor leh, dagaallo, iyo faragelinno) lagu fasiri karo qorshaha Oded Yinon.
Taariikhda 07/11/2015 Xarunta Daraasaadka Caalamka (Global Research) ayaa dib u daabacday warqaddaasi oo ku turjuman af Ingiriis. Michel Chossudovsky, oo ah borofisoor cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Ottawa, ahna aasaasaha xaruntaas, ayaa sheegay in warqaddaasi tahay seeska siyaasadaha casriga ah ee Israa’iil, ayna fasirayso dhaqanka hay’adaha milatariga iyo kuwa ammaanka ee Israa’iil.
Sidoo kale waxaa xoojiyay aragtidaasi taariikhyahanka iyo mufakirka reer Israa’iil ee Avi Shlaim, isagoo yiri: “waxaa iswaafaqay istaraatiijiyadda [qorshaha] Oded Yinon iyo habdhaqanka garabka midigta xagjirka ah ee Israa’iil”. Waxaa mar kale taageeray aragtidaan aqoonyahanka afafka iyo mufakirka caanka ah ee yuhuudiga ah Noam Chomsky, isagoo ku sifeeyey warqaddaasi: “inay tahay mid muujinaysa dareenka xagjirka qowmiyadnimo ee ka jira Israa’iil”.
Wuxuu Chomsky ku sheegay buuggiisii soo baxay 1983-dii ee cinwaankiisu ahaa “The Fateful Triangle” (Seddex-xagalka Masiiriga ah) inuu qorshahaan ku dhisan dhul ballaarsiga Israa’iil iyo qaybinta dalalka dariskeeda – haba ahaado xagjir – uu yahay mid maangal ah, marka la eego sooyaalka Israa’iil.
Haddaba, ruuxa u kuurgala falalka ay madaxda Abu Dhabi ka sameeyeen dalal badan oo carbeed sannadihii la soo dhaafay, walin ay ku howlanyihiin, waxaa u soo baxaya in hoggaankaan habaaran uu ku gudajiro fulinta qorshihii Oded Yinon oo ahaa in dalalka Carabta loo qaybiyo gobolo yaryar oo tabar daran. Haddii kale, waa maxay ujeedada iyo faa’iidada ugu jirta Abu Dhabi inay ku taageerto Khaliifa Xaftar oo ah ruux ku falaagoobay maamulka sharciga ah ee Liibiya balaayiin doollar iyo qalab ciidan? Maxayse tahay faa’iidada ugu jirto inay adduunka ka soo ururiso calooshood-u-shaqaystayaal si ay ugu gacansiiyaan Xaftar si uu uga hor yimaado dawladda sharciga ah? Waa maxay ujeedada iyo faa’iidada laga leeyahay taageeridda iyo xitaa maamulidda ciidamada gooni-u-goosadka ah ee RSF ee Suudaan, kuwaas oo ay cambaareeyeen Qaramada Midoobay iyo dhammaan ururada xuquuqda aadanaha, ahna ciidan bahallo ah oo ku kacay dilal, kufsi, iyo sifeyn isir, isla markaana galay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada?
Waa maxay ujeedada iyo faa’iidada laga leeyahay taageerada kooxda gooni-u-goosadka ah ee waqooyiga Soomaaliya, kooxdaas oo laabta gashatay maamulka gumaystaha (Israa’iil), una suuragelisey inuu mindi ka galiyo dhabarka waddamada Carabta? Maxayse tahay ujeeddada laga leeyahay faragelinta Tunisiya? Maxayse tahay faa’iidada laga leeyahay kicinta iyo hurinta fitnada u dhaxaysa Carabta iyo Berberka ee Aljeeriya? Maxay tahay faa’iidada laga leeyahay taageerada gooni-u-goosadka koonfurta Yemen iyo keenista calooshood-u-shaqaystayaal ka socda Ameerika, Faransiiska iyo Ruushka si loo khaarajiyo aqoonyahannada, mufakiiriinta, siyaasiyiinta iyo hoggaanka ciidanka ee Yaman? Maxay tahay faa’iidada laga leeyahay kicinta dadka maangaabka ee ku abtirsada qowmiyadaha laga tirada badan yahay iyo kooxaha diimaha ee Suuriya si ay uga hor yimaadaan dawladda sharciga ah? Ugu danbayntii, waa maxay ujeedada iyo faa’iidada laga leeyahay shirqoollada qarsoodiga ah ee lugu curyaaminayo dadaallada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ku doonayso inay ku midayso Yemen, kuna soo celiso nabadgelyada iyo xasiloonida shacabka Yaman?
Dabayaaqadii sannadkii 2020, gaar ahaan kowdii bishii Diseembar, Maraykanka ayaa ku eedeeyey Imaaraadka inay maalgelisay calooshood-u-shaqaystayaal Ruush ah oo ku sugan Liibiya, kuwaas oo lagu eedeeyey inay geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo inay jebiyeen cunaqabataynta hubka ee saran dalkaasi. Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in Imaaraadku ay taageero dhanka hawada iyo saadka ah siiyeen kooxda Wagner, oo ah shirkad milatari oo Ruush ah, iyo ciidamo kale oo daacad u ah hoggaamiyaha bariga Liibiya Khaliifa Xaftar. Sidoo kale, warbixin ku saabsan la-dagaalanka argagixisida oo ka soo baxday taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu xusay in Hay’adda Sirdoonka Difaaca Maraykanka (U.S. Defense Intelligence Agency) ay ogaatay in Imaaraadku uu maalgeliyo hawlgallada kooxdaas.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay sannaddii 2020 oo ay daabacday Middle East Monitor ayaa lagu sheegay: “in koox milatari oo gaar-loo-leeyahay oo xiriir la leh Imaaraadka ay u dirtay koox calooshood-u-shaqaystayaal oo reer galbeed ah Liibiya, si ay u taageeraan ciidamada Khaliifa Xaftar ee Liibiya, iyada oo hore uga garab dagaalamayeen ciidanka Xaftar dagaalyahanno ajnabi ah oo kale sida kooxda Wagner”. Warbixinno badan oo lagu kalsoon yahay oo ay ku jiraan baaritaannada Qaramada Midoobay iyo warbixinno ka soo baxay warbaahinno waaweyn ayaa xaqiijiyey in dawladda Imaaraadka Carabta ay faragelisay khilaafka Liibiya si ay u taageerto hoggaamiyaha fallaagada ah ee Khaliifa Xaftar.
Intaas waxaa dheer, koox khubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa si cad oo aan madmadow ku jirin u tilmaamay in Imaaraadku uu “taageero maaddi iyo mid ciidan oo toos ah siiyay ciidamada uu hoggaamiyo Xaftar, taas oo xadgudub ku ah cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay saartay dalkaasi, waxaana ka mid ah walxaha ay ku taageertay: hub, diyaarado, gaadiid, iyo taageero dhinaca cirka ah.”
Warbixinnadaas ayaa sheegay in “ciidamada Xaftar lagu qalabeeyay diyaarado, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), gaadiidka gaashaaman, iyo qalab kale oo ciidan, iyadoo garabsocoto horumarinta kaabayaasha ciidanka sida dhisidda saldhigyo ciidan”. Sida ku cad qoraalada ka soo baxay Qaramada Midoobay iyo khubarada, shirkado xiriir la leh Imaaraadka ayaa iibsaday helikobtaro iyo doonyo, ka dibna u diray ciidamada Xaftar iyaga oo dhex maraya dillaaliin, si ay u xoojiyaan howgallada ciidankaasi ka fuliyaan gudaha Liibiya.
Taariikhda 27/01/2020, bogga telefishanka iyo raadiyaha Turkiga ee TRT ayaa daabacay warbixin cinwaankeedu ahaa: “Khiyaano iyo Qasab.. Qaabkaan ayuu Imaaraadku shaqaale Suudaani ah ugu beddelay calooshood-u-shaqeystayaal ka howlgala Liibiya iyo Yemen”. Warbixintaan ayaa lagu sheegay in dawladda Imaaraadka u sheegtay shaqaalahaas Suudaaniyiinta ah ee la dagay inay ka shaqayn doonaan shirkado amni (waardiyeyaal), ka dibna ku khasabtay inay ku tababartaan xeryo gaar ah si ay ugu dirto dagaallada Yemen iyo Liibiya, waxayna fadeexaddaan ka xanaajisay Suudaaniyiinta iyaga oo ku dhigay dibaddbaxyo safaaradda Imaaraadka ee Khartuum horteeda.
Haddaan u nimaano Suudaan, waxay u muuqataa faragalinta Imaaraadka mid cad sida qorraxda oo kale ah. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Suudaan (SUNA), dawladda Suudaan iyada oo u mareysa ergadeeda joogtada ah ee Qaramada Midoobay ayaa cabasho wadata cadaymo u gudbisay Golaha Ammaanka oo ku saabsan faragelinta tooska ah ee Imaaraadku ku hayo dagaalka ka socda dalkaas, oo ay ku jirto ku luglahaanshaha qorista calooshood-u-shaqeystayaal Kolombiyaan ah iyo u soo dirista inay ka garab dagaallamaan maleeshiyaadka RSF.
Wakiilka joogtada ah ee Suudaan u fadhiya Qaramada Midoobay, danjire Al-Xaaris Idiris, ayaa farriin uu u diray Mr. Sangjin Kim, oo ahaa xilligaasi Guddoomiyaha Golaha Ammaanka, ku yiri: “Faragelintan qaawan ee Imaaraadka waxay dheeraysay muddada dagaalka, waxayna sababtay burburka kaabayaashii muhiimka u ahaa Suudaan, isla markaana waxay dhibaato aan la qiyaasi karin u geysatay dadka rayidka ah, sidaas darteed waxay ka dhigantahay faragalinta Imaaraadka xadgudub weyn oo ka dhan ah madaxbannaanida Suudaan, Sharciga Caalamiga ah ee Bini’aadantinimada, iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Sidoo kale, waxay faragalintaan jebisay go’aannadii waajibka ahaa ee Golaha Ammaanka, ee kala ah: Go’aanka 1591 ee soo baxay 2005 iyo Go’aanka 2736 ee soo baxay 2024. Waxayna sidoo kale faragalintaan khatar toos ah ku tahay nabadda iyo ammaanka gobolka”.
Wuxuu danjiruhu intaas ku daray in dawladda Suudaan ay ururisay caddaymo ballaaran oo muujinaya in boqollaal calooshood-u-shaqeystayaal Kolombiyaan ah, oo u badan askar iyo saraakiil hawlgab ah laga qoray shirkado amni oo gaar-loo-leeyahay oo fadhigoodu yahay Imaaraadka; waxaana ka mid ah: shirkadda Global Security Service Group (GSSG) oo uu madax u yahay Maxamed Xamdaan Al-Zacabi oo imaaraati ah, fadhigeeduna yahay Abu Dhabi, iyo shirkadda International Service Agency (A4SI) oo uu wax ka aasaasay Alvaro Quijano ahna korneel Kolombiyaan oo howlgab ah, iyaduna waxay ka hawlgashaa magaalada Al-Cayn ee Imaaraadka. Waxayna shirkadahaasi la galeen heshiisyo calooshood-u-shaqeystayaal ay u sheegeen inay ka shaqayn doonaan “howlo amni iyo waardiyeen”, laakiin dhab ahaantii waxay toos ugaliyeen dagaalka Suudaan si ay uga garab dagaalamaan maleeshiyada RSF, iyagoo ku hawlgalaya magaca “Guutada Yeyda Saxaraha”. Waxaa bilowgii laga soo daadgureeyay Imaaraadka, ka dibna waxaa loo gudbiyay Boosaaso, ka dibna waxaa loo gudbiyay Bangaasi (Liibiya) iyadoo ay kormeerayeen saraakiil daacad u ah Jeneraal Khaliifa Xaftar, halkaasna waxaa looga sii gudbiyay saxaraha iyadoo la sii mariyay dalka Chad ilaa laga geeyay Suudaan.
Warbixin kale ayaa sheegaysa in diblumaasiyiin Suudaani ah ay sheegeen: “in shirkad fadhigeedu yahay Dubay ay iskaashi la samaysay shirkad Kolombiyaan ah si ay u qoraan una geeyaan dagaalyahanno Suudaan; qaar ka mid ah dagaalyahannadaasi oo la qabtay ayaa qirtay inay u dagaallamayeen ciidanka RSF”. Sidoo kale, koox baarayaal oo lagu magacaabo “The Sentry” ayaa daabacay baaritaanno sheegaya in nin ganacsade ah oo xiriir la leh Imaaraadka Carabta iyo shirkado amni oo fadhigoodu yahay Imaaraadka ay ku luglahaayeen qorista, maalgelinta, iyo siinta ciidanka RSF calooshood-u-shaqeystayaal Kolombiyaan ah. Xitaa warbixinada The Sentry waxay muujiyeen in milkiyadda shirkadahaasi ay leeyihiin masuuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka. Warbixinnada laga qoray calooshood-u-shaqaystayaasha aad bay u badanyihiiin, xitaa waxaa jiro warbixinno qoray in calooshood-u-shaqaystayaashaasi tababaraan carruur loo diyaarinayo inay dagaalamaan.
Warbixin faahfaahsan oo ay soo saartay shabakadda Sky News ee laga leeyahay Ingiriiska ayaa lagu sheegay “in dunidu wada ogtahay dambiyada ay gaysteen ciidanka RSF, sababtuna tahay in isla iyagu iska duubaan muuqaallada dambiyadooda. Lagana helayo internet-ka muuqaallo muujinaya dagaalyahannada RSF oo daldalaya haween, weeraraya kooxaha gurmadka, ku dul dabaaldegaya meydad, tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidanka Suudaan bishii Abriil 2023”. Sidoo kale wareysi gaar ah oo ay Sky News ka qaaday sarkaal ka tirsan sirdoonka RSF ayaa xaqiijiyay in Imaaraadku taageero ciidanka RSF, ciidankaas oo sababay dagaalka abuuray dhibta bini’aadanimo ee ugu weyn adduunka xilligaan, dhibtaas oo sababtayna in 13 milyan oo qof ay ka barakacaan guryahooda.
Dhanka Yemen, dunidu si qotodheer bay uga warqabtaa in Abu Dhabi ay taageerto kooxda gooni-u-goosadka koonfurta Yaman. Hase yeeshee intaas waxaa dheer, waxaa jira warbixinno ka soo baxay hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha sida Euro-Med Monitor iyo SAM oo sheegaya in Imaaraadku uu adeegsaday calooshood-u-shaqeystayaal ka yimid Mareykanka iyo Faransiiska oo fuliyay dilal qorsheysan oo lala beegsaday dad rayid ah oo reer Yemen ah, kuwaas oo aan xiriir toos ah la lahayn argagixisada, arrintaan ayaa loo arkaa xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo xuquuqda aadanaha. Sidoo kale, warbixinno kale oo ka soo baxay hay’ado kale oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo saaray warbixinno ku eedaynaya kooxo hubeysan oo xiriir la leh Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) oo ay taageerto Imaaraadka inay fuliyeen dilal isdaba joog ah oo ka dhacay Cadan, kuwaas oo lala beegsaday dad ka soo horjeedada siyaasaddooda iyo hoggaamiyeyaal amni oo daacad u ah dawladda caalamku aqoonsantahay; waxaana jira baaqyo calami ah oo ku baaqaya in baaritaano caalami ah lagu sameeyo kiiskaan.
Taariikhda 16/10/2018, wargeyska Israa’iil ee Haaretz ayaa qoray “in Maxamed Daxlaan, oo ahaa madaxii hore ee amniga Maamulka Falastiiniyiinta oo ku nool Imaaraadka Carabta heshiis la galay shirkad uu aasaasay nin haysta dhalashada Hangari iyo Israa’iil isagoo wakiil ka ah Imaaraadka, kula heshiiyay shikaddaasi inay uga fuliyaan dilal qorsheysan gudaha Yemen”. Sidoo kale baaritaanno dhowr ah, oo uu ka mid yahay baaritaankii shabakadda BBC ee ay la kaashatay ururka xuquuqda aadanaha ee Reprieve, ayaa caddeeyay in ku dhowaad 160 dil oo qorsheysan laga fuliyay koonfurta Yemen, xaqiijiyayna in dhammaan dhibbanayaashaasi aysan wax xiriir ah la lahayn ururrada argagixisada ah ee qaarkood lagu sheegay inay yihiin; waxaana ka mid ah dadka la khaarijiyay: siyaasiyiin caan ah, wadaado, dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, iyo dad kale oo miisaan ku leh bulshada Yemen.
Haddaan isdultaagno qayb yar oo ka mid ah dadkii ay khaarijiyeem, tusaale ahaan: Samxaan Al-Raawi oo ahaa hoggaamiye ka tirsan Muqaawamada Koonfurta iyo khadiibkii masjidka Ibnu Qayim waxaa lagu dilay Cadan; Shiikh Cali Cusmaan Al-Jiilaani isagana waxaa lagu dilay Cadan isagoo ka soo baxaya masjidkiisa xilli Salaadda Subax. Sidoo kale waxay khaarijiyeen: Shiikh Cabdiraxmaan bin Marci Al-Cadani oo ka mid ahaa wadaada Salafiyada ee Yemen; Marwaan Abuu Shawqi oo ahaa kornayl ka tirsan ciidanka iyo ku-simaha maamulaha nabadgelyada waddooyinka ee Cadan; Mazhar Al-Cadani oo hoggaamiye ka ahaa Muqaawamada Shacabka; Cabdiraxmaan Al-Zuhri oo ahaa imaamkii iyo khadiibkii masjidka Al-Raxmaan; Fa’iz Al-Dubyaani oo ka tirsanaa hoggaanka Muqaawamada Shacabka; Caabid Mujamal oo ahaa khadiibka masjidka Faaruuq, Yaasiin Al-Cadani oo ahaa khadiibka masjidka Sheekh Zaayid, Fahad Al-Yuunisi oo ahaa khadiibka masjidka Jaamicu Saxaabah, Haadi Najiib oo ahaa maamulihii xabsiga Al-Mansuura, iyo Caadil Al-Shahri oo ahaa khadiibka masjidka Sacad Binu Abii-Waqaas.
Sida ay sheegeen warbixinnada Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha, waxaa ka mid ah calooshood-u-shaqeystayaasha ay Abu Dhabi u adeegsatay fulinta iyo tababarka dilalka qorsheysan Abraham Golan, aasaasaha shirkadda Spear Operations Group; waxayna warbixinnadu xuseen in Abraham iyo shirkaddiisu ay ka fuliyeen Yaman dilal qorsheysan, sidoo kalan ay u tababareen imaaraadka calooshood-u-shaqaystayaal kale.
Sidoo kale waxay warbixinnadu tilmaameen in Abraham Golan uu hoggaaminayay koox ay ku jireen xubno hore uga tirsanaan jiray ciidanka sida-gaarka-ah u tababaran ee Mareykanka iyo Faransiiska, sida Isaac Gilmore oo hore uga tirsanaan jiray ciidanka badda Mareykanka, wuxuuna ka noqday shikadda Spear madaxa hawlgallada; wuxuuna Isaac ku sheegay wareysiyo in Imaaraadku u soo diri jiray liisaska dadka bartilmaameedka ah ee la rabo in lagu khaarijiyo gudaha Yemen. Sidoo kale, Dale Comstock oo u shaqaynayay shirkadda Spear ayaa qiray in liisaska bartilmaameedyada ay uga imaan jireen dhinaca qandaraaska siiyay shirkadda Spear oo ahayd Imaaradda Abu Dhabi.
Waxaa la yaab leh, Abu Dhabi oo mar walba ku celcelida inay la dagaalanto ururka Al-Qaacida ee Yemen inay qoratay xubno hore uga tirsanaan jiray ururkaasi si ay uga mid noqdaan unugyo hoos taga Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC), ayna u tababartay inay ka qaybqaataan hawlgallada dilalka qorshaysan ee aynu kor ku soo xusnay.
Dhanka Tuunis; madaxweynihii hore ee Tuunis Maxamed Munsif Al-Marzuuqi oo wareysi siiyay mareegta Arabi21 baa carabaabay: “hoggaanka Imaaraadka wuxuu ka geystay dhammaan dalalka carabta dhibaatooyin waa weyn… Dhaxalsugaha Imaaraadka Maxamed bin Zaayid waa cidiyaha bisadda Israa’iil… waana gudin ay adeegsato Sahyuuniyadda… waagii aan madaxweynaha ahaa wuxuu Imaaraadku ku dhaqaaqay tilaabo kasta oo ay ku carqaladeyn karaan guulaha xukuumaddeyda, waxayna ii adeegsatay warbaahinteeda… Si fiican baan uga warhayay dhagarteeda, ka dibna waxaan ku faray Mareykanka inay iga qabsadaan macmiilkooda… Imaaraadku waa dawlad wakiil u ah Sahyuuniyadda, shaqadeeduna tahay inay wadnaha ka dalooliso umadda Carabta”.
Mar kale, Marzuuqi isaga oo wareysi siinaya tilfishinka Al-Sharq, wuxuu Maxamed bin Zaayid ku tilmaamay “Shaydaan”, sidoo kale ku eedeeyay Abu Dhabi inay xulufo la tahay nidaamka Sahyuuniga si ay u kala dhantaasho gobolka Carabta, u burburiso tiirarkiisa, u dulleysa bulshadiisa. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan talisyada gobolka inay si adag uga hortagaan dalkaasi.
Dhanka Aljeeriya; madaxweynaha Aljeeriya Cabdilmadjiid Tebbuun baa ka sheegay shir saxaafadeed uu baahiyay telefishanka rasmiga ee dalkaas in xiriirka Aljeeriya ay la leedahay waddamada Carabta uu wanaagsanyahay, marka laga reebo hal dowlad, wuxuuna ugu yeeray dowladdaasi ‘dowladda yar’, isagoo ula jeeday Imaaraadka, wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa in dowladdaasi rabtay inay soo faragaliso doorashooyinkii madaxtinimada dalkiisa.
Taariikhdu markay ahayd 05/05/2025 telefishanka Aljeeriya ayaa weerar kulul ku qaaday Imaaraadka, isagoo ku eedeeyay inay hurinayso khilaafaadka isirka ee bulshada Aljeeriya. Mar kale, warbaahinta Aljeeriya ayaa ku eedeysay Imaaraadka inay kaalin weyn ka qaadanayso kicinta dawladaha milatariga ah ee Maali, Nayjer, iyo Burkiina Faaso si ay uga hor yimaadaan Aljeeriya oo la go’doomiyo. Marar kale waxay saxaafadda Aljeeriya ku eedaysay imaaraadka inay waxyeellaynayaan xasilloonida dalkaas iyagoo ku soo fatahaya dalkaasi maandooriye ay soo mariyaan shabakado ay ku leeyihiin waddamada dariska la ah Aljeeriya.
Dhanka Suuriya; bishii Diiseembar 2024, xilli shacabka Suuriya ay u dabbaaldagayay guusha kacdoonkii sharafta lahaa ee talada dalkaasi looga tuuray kaligii-taliye Bashaar al-Asad, kaas oo laayay boqolaal kun oo Suuriyaan ah, wuxuu xilligaasi Maxamed bin Zaayid martigaliyay Muwafaq Dharif oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee bulshada Druuzta degta dhulka ay Israa’iil maamusho, kaas oo bilaabay Kacdoonka Suuriya ka dib olole uu ugu yeerayo bulshada Druuzta Suuriya inay ka go’aan Suuriya inteeda kale.
Intaas kuma ekaan Maxamed bin Zaayid, muddo ka yar saddex bilood ka dib, wuxuu mar kale martigeliyay hoggaamiyaha bulshada Duruuzta Suuriya Xikmat al-Hajari, oo ahaa ruux ka soo horjeeday kacdoonka Suuriya, xiriir dhowna la leh raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu!!! Maxay tahay xiriirka ka dhexeeya Maxamed bin Zayed iyo bulshada Duruuzta? Maxayse tahay sababta uu Imaaraadku u faragalinayo arrimaha Suuriya? Jawaabtu waa in Imaaraadku rabo burburinta Suuriyo, iyo gaaridda yoolka cadowga umadda ee ahaa qaybinta dunida Carabta.
Xaqii baa feeraha ka dilaacay; qolooyinka ku daadalaya inay asturaan dambiyada Abu Dhabi, sida Daaxi Khalfaan, Cabdulkhaliq Cabdullaahi, iyo Amjad Daha, ma awoodi doonaaan inay qariyaan dambiyada madaxda dalkaasi, si kasta oo ay u difaacaan. Eebe ayaa hore noogu sheegay: “sidaas ayuu Alle ugu tusaaleeyay xaqa iyo baadilka, wixii xumbo ah [baadilka] way bixi iyadoo engagan, wixii dadka wax u tarayana [xaqa] dhulka ayay ku nagaan, sidaas ayuu Alle tusaalooyinka u keenaa”. Suuratu Al-Racad, aayadda 17aad.
Gabagabadii, waxaa la wada ogyahay in shacabka sharafta leh ee Imaaraadka uusan ku lug lahayn dambiyada madaxdooda, waxayna ka yihiin bari sidii uu yeygu bari uga ahaa dhiigii nabi Yuusuf. Sidoo kale labeenta bulshadaas intooda garaadka leh hadday yihiin siyaasiin, indheergarad iyo mufakiriin kuma qanacsano ficillada Maxamed bin Zaayid iyo siyaasadihiisa musiibada ah. Sidoo kale, shacabka gobta ah ee Imaaraadka guud ahaan waxay diiddan yihiin caadiyeynta xiriirka Israa’iil, marnabana ma aqbalayaan in dalkoodu noqdo “Faraskii Trojan” oo loo adeegsado fulinta qorshayaasha Nidaamka dambiilaha ee Sahyuuniga.
Tixraac
Qormada asalka: https://arabi21.com/story/1739053/التويجري-عن-جنايات-أبو-ظبي-في-حق-الأمة-شموس-الحق-لا-يحجبها-غربال
Qormada oo loo tarjumay Ingiriis: https://english.noonpost.com/p/the-suns-of-truth-cannot-be-screened
