Soomaalidu Ma Dummad Baa? -Faaqidaad
W.Q: Barkhadle Wardoon
Waxa aan rabaa in aan halkan ku faaqido, hadal jeedin ku saabsan: waano, wax sheeg iyo wacdi ka sal ballaadhan koobnaanteeda. Waanadaan iyo wax sheeggan waxa aan ka soo dhex dhambalay khudbaddii uu ka jeediyay, abwaan Xasan Sheekh Muumin, shir weynihii dib u heshiisiinta beelaha Soomaalilaan, ee Boorama ka qabsoomay 1993-kii.
Tani waa hadal jeedin ku saabsan isu ekaanshaha dhaqameed iyo nololeed ee bisadda iyo Soomaalida taasoo uu abwaanku innoogu wax sheegayo. Waa hadal qiima sare leh; oo uu abwaanku ku guubaabinayo Soomaalida iyo hogatus xeeldheer oo daarran dareen gelin iyo baraarujin. Waxaa kale oo la oran karaa waa falsafad xeeldheer oo uu abwaanku innooga soo dhambalay fiiro dheeridiisa iyo u-kuurggal uu muddo ku waday hab dhaqannada aan la dhaaddanayn ee ay wadaagaan Soomaalida iyo xayawaanka bisadda loo yaqaanno.
Allaha ha u naxasiirto abwaankii weynaa iyo feylasuufkii Soomaaliyeed ee Xasan Sheekh Muumin, waxa uu dumadda(bisadda) ku tilmaamay in ay tahay: “Xawayaan yar oo aan aad isugu dhownahay oo ma sawirkeeda iga muuqdo (Sifo iyo tilmaan u eg Soomaalida)” Isaga oo ka hadalaya shirweynihii dib u hishiisiinta beelaha Soomaalilaan, ee Boorama ka qabsoomay 1993kii.
Ereyga Dummad: waa Yaanyuur, Bisad, Dinnad, Mukulaal, iyo Basho. Magacyada oo dhammi waxaa iska leh, noole ka mid ah noolaha uu Eebbe abuuray. Balse hal qaab, hanaaan, abuur iyo jinsiba isku mid ah. Dummad waa Bisad. Bisadduna waa nafley yar; oo dhogor jilicsan; oo hebed ah; oo dadka la dhaqanta: waxa ay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho. (Mansuur, 2012).
Abwaanku waxa uu ku iba furayaa hadalkiisa: “Soomaalida ilaa 1950-kii, waxa aan filayaa in aan gaar u ahaa hawlaheeda. Hase ahaatee, marba marxalad baa laga hadlaayay. Sawirradii ugu danbeeyay ee aan Soomaalida ka sawiray ayaa shirku in badani halmidaad ii weyddiistay. Waxa weeye, xayawaanka mid aan isugu dhownahay oo sawirkeedii ii muuqdo.”
Waxa uu abwaanku gudagelayaa hadaljeedinta, isaga oo ka warramaya sida uu ugu fiirsaday habnololeedka noolahan uu ku tilmaamay in ay Soomaalida isugu dhow yihiin: “Marka aad la kulanto geeddaasi (Dummadda/Bisadda) ee aad tiraahdo maxaa lagu yidhaahdaa? Waxa ay ku oraneysaa Basho. Waad dhaafaysaa oo mid kale ayaad u tagaysaa, maxaa lagu yidhaahdaa? Waxa ay ku oraneysaa Bisad. Tii saddexaad baad u tagaysaa, maxaad tahay? Mukulaal baa la yidhaahdaa! Waad dhaafaysaa, maxaa lagu yidhaahdaa? Yaanyuur baa la yidhaahdaa! Waad dhaafaysaa, maxaa lagu yidhaahdaa? Dinnad baa la yidhaahdaa! Ma dhammayn karo magacyadeeda’e, sida aad u socoto bey marka ugu dambeyso ku oraneysaa miyaaw baa la yidhaahdaa! Waa afka Ulta Jubba (Jubbada sare). Magacyadii kaleba waa iska daayeen oo Miyow baa ay yidhaahdeen oo waxa ay ku maahmaahaanba “Nuuneey ma lahaaso, miyaaw bay soor ku ahaantay.”
Abwaanku isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabka ku dhufanaya in ay bisaddu sida ay u kala duwan tahay u magacyo badan tahay tabta Soomaalidu u qabiil iyo qoqob badan tahay. “Bahashani waa isku jinsi. Waan tan oo wey isku eg tahay. Hase ahaatee magacyo badanaa! Waxaan oo magac ah, maxaa ku kellifay? Mey mid la baxado? Oo ay ka doorato? Basar xumaa ma Soomaali baa? Maxaa ku kellifay magacyadan badan?”
Intaas kaddib, feylasuufku waxa uu is weydiinayaa, maxaa ka dhaxeysiiyey sifaha ah, magac badnaata Soomaalida iyo dummadda/bisadda. Maxaa waaye xiriirka ka dhaxeeya dummada iyo Soomaalida? Soomaalida miyaa dummad ah?! Mise dummadda ayaa Soomaali ah?! Maxaa baa dhaliye isku ekaanta xayawaankan iyo Soomaalida?
“Dummad waxa la cuno waxa ay ugu jaceshahay kalluunka! Waxaa la dhahaa: ‘Waa meherkii hooyadeede!’ Yaa ku meheriyay kalluunka hooyadeed? Macne ayuun bay ku fadhidaa oo wax cidla iskaga baxay ma aha. Haba ahaato meherkii hooyadeede, kalluunkii bad buu ku jiraa oo kama soo baxo oo dibadda ma yaqaanno dummaduna biyaha waa ay ka xanaaqdaa oo ma-maydhato ayaa la yiraahdaa. Kalluunka badda ku jira oo aan ka soo baxeynin, adigana aadan ugu tageynin oo aan la soo baxeynin maxaa duummoy ku jaceyleysiiyay? Sidee baad dooneysaa in aad ugu dheregto? Boob, baryo iyo tuuggo! Waa seddex daran. Baryo waa ceeb. Boobna waa dhagar. Tuuganimana waa ay ka sii daran tahay oo waa ceeb!” Soomaaliduna waa sida duummada oo kale, wax ay rabtaa in ay wax ugu dheregto: boob, baryo iyo tuugganimo. Sidaas ma maan gal baa? Sidee boob, baryo iyo tuugganimo looggu gaari kartaa hormar? Ummaad dhan oo sifahan leh, sidee bey ummadda kale wax ula qebysan kartaan?”Tilmaamahan dummadda, waxaa la wadaago ummad dhan oo dunidaan gees ka digan; oo la yiraahdo: “Soomaali!”Soomaaliduna wax la cuno, wax ay u gu jacel yihiin, cad iyo caano. Sidoo kale, ”Duummadunna waxa ay quudataa cad iyo caano.” Soomaalidu shaqo iyo wax soo saar ma jecla. Sidoo kalena “Duummadu ma qaraab tagto, marka uu waagu baryo.” “Duummada meel la jiifsado wax ay ugu jacel yihiin meel nadiif ah; oo raaxo leh.” Sidoo kalena Soomaalidu waxa ay ugu jacel yihiin soor iyo gogol raaxo badan.
Waxaa kale oo uu abwaanku leeyahay: “Duummad wax ay caan ku tahay kibir iyo waxaan ma cuno ama ma doonaayo. Ma qof baahan ayaa dooq leh?” Soomaaliduna waa sidaas oo kale, oo uu abwaanku sheegey: iyaga oo aan dooq iyo doorasho midna lahayn bay kibir iyo waxaan ma rabo ku dhahaan. Wax soo saar iyo wax tabcasho ma rabaan, haddana in ay noolaadaan ayay rabaan! Sidee bay u doonayaan nolol, haddii aan waxba la tabcaneynin? Iska fadhiga meelaha lagu shaaho iyo ku tashiga deeqaha shisheeye maku baahi bixi karaan (Soomaalidu)? Soomaalidu basar xumaa ma Dummad baa?
Xawayaanada oo dhan waxa ay caan ku yihiin, wax keydsiga iyo oollimaadka. Balse abwaanku waxa uu dummadda ku sifeynayaa wax dhigasho la’aan: ”Duummad wax ma keydsato oo wixii la siiyo, oo cunto ah, hal mar ayay ka dhigtaa.” Soomaalidun dumamadda tilmaantaas waa y la wadaagaan oo waxa ay gacanta ku dhigaan way wada liqaan, wax keydsigana kuma fiicna. Adiga oo aan wax laheyn (hanti ah), oo aan waxba aan dhigaaaleysan/kedysan, cidda aad isku haleyneysaa yey tahay, Soomaaliyeey?! Soomaalidu dafirka iyo abaaldhaca ayay caan ku tahay, oo dadkii wax u soo taray ama u soo qabtay abaalkooda ma gudaan. Abwaankuna waxa uu garasho xumidan Soomaalida la wadaajinayaa, xayawaankan yar, waxa uuna khudbadiisa ku leeyahay: “Duummadda dadkii wax siiyey bay ku abaal dhacdaa, weyna dafirtaa!” Si guud adduunku waxa uu caan ku yahay, iskaashiga iyo midnimadda, balse waxa uu abwaanku carrabaabayaa in dummaddu sifadaas suubbaan ee la ammaanay ka dooratay: “Uskaashi la’aan iyo dagaal joogto ah!” Sidaas si la mid ah Soomaaliduna skaashigga iyo midnimadda waxa ay ka doorbidaan: kala tagga, reernimadda iyo qaabiilka! Basar xumaa Soomaalidu ma dummad baa?
Waxaa kale uu abwaanku khudbadiisa ku leeyahay: “Adduunka oo dhan, waxaa lagu dagaalamaa, xeelad iyo hab gaar ah, xeeladahaana waxaa ka mid ah, in aan indhaha la iska soo ridin/saarin. Xoolahana waa la mid, marka laga reebo Duummadda!” Dummaddaiyadu indhaha ayay iska soo ridaa/saartaa! Mana aha foolxumo iyada u gooni ah e, Soomaalida ayaa saami ku leh, oo indhaha iska soo ridda/saarta! Sidee?! Soomaalidu dagaalka indha-iska-ridka ayay caan ku yihiin, oo waxa ay iska laayaan: indheergaradkoodda, aqoonyahankoodda culimadoodda, macallimiintooda iyo dhammaan qof kasta oo indho u ahaa bulshada iyo dadka! Haddaba, Soomaalidu maxey indhaheedda iska rideysaa? Haddii ay iska dhisho mutucalamkeedda, indheergarkeedda iyo hoggaankeedda yaa samata-bixinaayo? Yaa u hoggaamin doono ummad dhan; oo dagaal u joog ah? Soomaalidu basar xumaa ma dummad baa?
Abwaanku oo usii daadegaya mucda khudbadda ayaa waxa uu leeyahay : “Waxa la ammaanay asturaada iyo akhlaaqda, balse Duummadu, waxa ay caan ku yihiin marka ay wax iska raadinayaan [Oo isku galmoonayaan] in ay is-ceersadaan oo dad iyo dugaagba wada arko. Maxaa asturaada u diiday Duummada?” Haddaba ka warran, haddii summaddan ay Soomaaliduna ay la wadaagto, dummadda? Haddana isagoo hadalkiisa sii wata,“Soomaaliduna, waxa ay halkii nolosha ay ka bilaabaneysay, ee ah: unuggii hoose iyo dadnimaddii ee qoys ka bilaabaneysa; oo qolo u gudbeysa oo qaran u sii gudbeysey ay sal iyo saldhig ugu dhigtay maahmaahda dhahda: ‘Nin iyo naagtii colna maaha nabadna maaha!” Maxaa Soomaalidu u diidday asturka? Maxaa maahmaahdaan loogu sal iyo sees dhigay unug hoosaadkii nolosha? Asturka iyo akhlaaqda suubban maxaa u diiday? Aragtidaan liidata, maxaa guri dhan loogu dhisayaa? Sidee bey noqonayaan ilmo lagu dhaley; “… Colna lama aheen nabadna lama aheen!” Soomaalidu, basar xumaa ma dummad baa?
Ugu danbeyntii, abwaanku/feylasuusku waxa uu hadal-jeedintiisa ku soo afmeerayaa su’aashan: “Maxaa beerkiinna idinku diray? Duummadu, marka ay dhasho, waxa ay cuntaa carruurteeda! Weyna ka qarisaa cuniga/ninka dhalay, waayo waa uu cunayaa! Duummaduna waa wax ma dhigato oo dhawr ilmood ayay dhashaa oo xabbad bay dhigtaa, mandheerta iyo xabbadda shexdan waa ay cuntaa. Waayo, inta dambe dhali mayso, iyaduna noolaan mayso.” Duummooy, basar xumidaa maxaa beerkaaga kugu diray?
Waxaa kale uu abwaanku sifahaas dummaddu leedahay, ku tilmaamey Soomaalida, waxa uuna yiri: “Soomaalida ayaa laga hayaa wax beerkiisa cuna Soomaaliyaa ka jira oo inanka inantiisu dhasho shisheeye ayuu u yaqaannaa oo wuu dilaa. Ka walaashii dhashayna cadow ayuu u yaqaannaa oo wuu dilaa. Waa beerkiisa cune. Soomaaliyee, basar xumidiinnaa maxaa beerkaaga kugu diray, ma Duummad baad tahay?”
Waxa uu abwaanku ku soo gunaanaday hadal-jeedintiisa: “Gebagebadu waxa waaye, bashooy seddex la iskuma darsan karo: dad, dugaag iyo dunqaar seddexdaasi ma wada noqo karaan qof ama dugaag noqo la iska ilaaliyo, ama dad noqo lagu soo hirto ama dunqaar la dhaqdo oo daba socota wixii dhaqday, midkii aad doonayso dooro oo u baydh, laakiin bashooy seddexdaas la iskuma heli karo.” Soomaaliduna sidaas uu abwaanka ku soo gebagebeeyay baa laga rabaa in ay kala doortaan in ay noqdaan: dad, dugaag iyo dunqaar. Haddaba, Soomaaliyeey abwaanku waxa uu hadaljeedintan falsafadeed innoogu tebinayaa in aan is dabaqabanno oo sifaadka tirabeelka ah ee aan dumadda uga egnahay aan iska tirtirnno; oo aan insaanimadeyna ka run sheegno ama sida dummadda xayawaanada nagula tiriyo!
Tixraac
Mansuur, A. P. (2012). QAAMUUSKA AF‒SOOMAALIGA. Roma: RomaTrE-PRES.
Abwaan Xasan Sheekh Muumin (AHUN) oo ka sheekaynaya waxyaabaha bisadda iyo Soomaalidu isaga eeg yihiin. Muuqaal Facebook-ga.