Fiiro: Qoraalkaan hordhaca ah waxaa Janaayo 1962dii qoray Allaah Unaxriisto, madaxweynaha hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake. Warqadda waxa uu qoray inta uu ahaa Raysalwasaaha Jamhuuriyadda. Warqadda oo af Ingiriis ku qorneed waxaa tarjumay Cabdiraxmaan X. Daahir
Tan iyo markii, 1-dii Luulyo 1960, ay Jamhuuriyadda Soomaalida noqotay dal madaxbannaan, dawladdu waxay si isa soo taraysa u garawsatay baahida loo qabo in la daabaco warbixin hagitaan ah oo lagu kalsoonaan karo kuna saabsan dhibaatooyinka xuduudeed iyo halka ay ka soo unkameen, iyadoo la ilaalinaayo danaha saaxiibtinimo ee dalalka Afrikaanka ah halkaasoo ay markii hore ba dhibtu ka soo unkutay. Anagga Soomaalida ahi waxaannu degannahay ‘geeska’ bari ee Afrika, kaas oo ah dhulka ugu weyn ee ay ku noolyihiin hal qowmiyad oo isku mid ah markii loo barbardhigo qowmiyadaha kale ee qaaradda ku dhaqan. Dalka intiisa badan waxa uu ka kooban yahay daaq aan badnayn iyo labo wabi, waxa uuna sanado badan ahaa goob ay ku loollamaan siyaasadaha caalamiga ah iyo quwadaha waaweyn ee dunida hoggaanka u haya.
Dalkayaga waxaa kala qaybiyay oo sii kala jarjaray gumeystihii Yurub iyo Xabashida 20-kii sano ee ugu dambeeyay qarnigii 19aad. Qiimaha dhulkeenna may ahayn sababta loo qabsaday waayo noloshayada adag ee ku dhisan xoolo-raacatonimada wax dhiirigalin ah uma aysan noqon kuwa nagu soo duuley kuwaas oo naga nasiib badnaa maadaamaa ay haysteen dhul ballaaran oo hodan ah oo aad u bacrinsan, oo ku yaalla gobollo leh cimillo dhexdhexaad ah. Ujeeddooyinkii ku lammaaanaa qabsashada dhulka kuwaas oo lagu faaqidi doono bogagga xiga, waxaa hagayay oo kaxeynayay siyaasad danaysi ah oo quwadihii gumeystaha ahaa ay u arkeen arrin ay tahay inay cerysadaan iyagoo aan tixgalinayn danaha dadka Soomaalida.
Ayaandarradeenna ma ahan wax ka dhashay bacrin la’aanta ka jirta dhulkeenna, mana ahan wax salka ku haya macdan yarida dalka. Xaddidaadahaas ku yimid hantideenna maadiga ah ee nolosha waxaa aqbalay oo ka samatabixiyay aabayaasheennii hore, kuwaas oo aynu ka dhaxalnay markii laga reebo waxyaabaha kale ee maadiga ah; hoddantinimo ruuxi ah iyo dhaqan aad u qiimo badan oo ay ka mid yihiin: barashada diinta islaamka iyo maansooyinka sugaaneed. Intaas waxaa sii dheer, awoowayaasheen waxay horumariyeen farsamooyin lagu xanaaneenayo xoolaha oo aan ahayn arrin sahal ah, waxayna halabuurkooda u adeegsanayeen sidii ay si buuxda kaga faa’ideysan lahaayeen kheyraadkii dabiiciga ahaa ee yaraa kuwaas oo ay heysteen. Waa farsamadooda waxa aan ku noolnahay maanta, anaguna inaggoo kaashaneyna kaalmaha deeqsinimada leh ee ka timaadda dalalka dhaqaale ahaan hodanka ah, waxaanu salka dhulka u qotimin doonna mabaadi’ cusub oo waafaqsan dastuurkeenna xorriyadda iyo dimuqraadiyadda ku dhisan kuwaasoo horseedi doona kobac ruuxi iyo maaddi ah oo loogu talogalay jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka.

Maya, ayaandarradeenu maaha mid ka dhalatay xaaladaha qallafsan ee dalka gudihiisa inaggu heysta, balse ayaandaradeennu waa in dalalka Afrikaanka ah ee nagu hareeraysan ee aanu doonayno inaanu yeelanno xiriir nabadoon aysan dhab ahaan ahayn dariskeenna. Dhab ahaan dariskeennu waa walaalaheen Soomaaliyeed kuwaas oo dhalashadooda laga been-abuurtay iyada oo lagu dhisaayo xuduudo si aan kala soooc lahayn loo abuuray. Iyagu waa ku qasab inay ka soo kala gudbaan xuduudahaas macmalka ah si ay u gaaraan dhulkooda daaqa leh iyo walaalahood kale ee Soomaalida ah. Waxay deggan yihiin dhul la mid ah kaanu degganahay, waxayna ku noolyihiin nolol xoolo-dhaqato oo la mid ah teenna. Waxaan ku hadalnaa af isku mid ah. Waxaan wadaagnaa diin, dhaqan iyo sidoo kale caado-dhaqameed isku mid ah. Marka sidee ayaan ugu arki karnaa walaalaheen inay yihiin shisheeye naga duwan?
Waxay deggan yihiin dhul la mid ah kaanu degganahay, waxayna ku noolyihiin nolol xoolo-dhaqato oo la mid ah teenna. Waxaan ku hadalnaa af isku mid ah. Waxaan wadaagnaa diin, dhaqan iyo sidoo kale caado-dhaqameed isku mid ah. Marka sidee ayaan ugu arki karnaa walaalaheen inay yihiin shisheeye naga duwan?
Dabcan, dhammaanteennu waxaannu leennahay rabitaan dabiici ah oo xooggan taasoo ku aaddan inaan midawno. Tallaabadii ugu horreesay ee dhankaas loo qaadayna waxay ahayd sanadkii 1960-kii markii dhulkii Soomaalida Waqooyi (Somaliland Protectorate) lagu biiriyay Soomaaliya (Somalia). Ficilkaas ma ahayn ficil gumeysi, dhul ku fidis iyo qabsasho midna ee wuxuu ahaa tallaabo wax-ku-ool ah oo aanu wax ugu darsanaynay nabadda iyo midnimada Afrika iyo tan Soomaalidaba, waxaana suurogaliyay hirgelinta mabda’a xaqa ah ee aayo-ka-tashiga umadeed. Waxaan wali si adag ugu dhegganahay mabda’aas oo ku xiran ballanqaadkeenna ku qoran qodobka 6aad ee Dastuurkeenna kaas oo dhigaya inaan ku raadin doonno ‘Midnimada dhulka Soomaaliyeed; si sharci ah iyo siyaabo nabadeed’.
Mahadsanid Adeer waa SooyaalkaTaariikhda oo Somalia ka gaabisey Inay raacdo iyo Inay ku ilaaliyan Midnimada Somaliyed
Mahadsanid guuleyso Insha Allah
Tii AF English ka ku qorneydna ku daba xir mahadsanid Adeer