W/Q: Khadar Cumar Diiriye
Soo koobidda buugga Atomic Habit
Magaca Buugga: Atomic Habits( Caadooyinka Yaryar)
Magaca Qoraaga: James Clear
_______________
November 2012-kii waxa uu James Clear bilaabay in uu maqaallo ku daabaco website-kiisa Jamesclear.com. Sannado kadib, waxa uu joogteeyay qoraaladaasi, kuwaasi oo khaas u ahaa naftiisa si uu u abuuro caadooyin wax-akhris iyo qoraallo. Muddo kadib, waxa uu la wadaagay bulshada, isaga oo ku soo gudbinaya Email-kiisa. Waxa uu bilaabay daabacaad joogto ah toddobaadkii, gaar ahaan maalmaha Isniinta iyo Khamiista. “Markii ay kordheen dadka ku xidhan Email-kayga waxaa kor u kacay fursadahayga ganacsi. Waxaa codsiyo kala duwan i soo gaadhsiiyay shirkado waaweyn, kuwaasi oo rabay in aan u jeediyo qudbado ku saabsan Samaynta Caadooyin Yaryar, Isbeddelada Nolosha iyo Isbeddelka Joogtada ah ee Nafta. Kadibna waxaan is arkay aniga oo qudbaddo u jeedinaya Shirkado waaweyn oo ku yaalla waddamada Ameerika iyo Yurub, ayuu yidhi Mudane James.”

Bilowgii 2017-kii waxa uu daahfuray Akadhamiyadda Habit (Habit Academy) oo u qaabilsanayd in ay qabato tababaro ay siinayso Hay’adaha iyo Shaqsiyaadka xiisaynaya in ay sameeyaan cadooyin wanaagsan oo waxtar u leh shaqadooda iyo noloshoodaba. Wadar ahaan, 10 kun oo hoggaamiyayaal, Maamulayaal, Tababarayaal iyo Macallimiin ayaa ka qalinjabiyay Akadhaamiyadiisa. Dadka ku xidhanna waxay ay gaadheen 500 Kun oo qof.
Haddii aad rabtid in aad nolosha horumar balaadhan ka samaysid, waxaad u baahanaysaa isbeddel iyo waxqabad balaadhan oo muddo dheer iyo mid gaaban ba qaadan doona. Haddii aad imtixaan isku diyaarinaysid, maalmo ka hor waxaa waajib kugu noqonaya in aad akhrisatid cashirada ku saabsan imtaxaanka si aad natiijo wanaagsan u keentid. Haddii aad rabtid in aad qoraa weyn noqotid, waa inaad boqolaal buug oo kala duwan soo akhridaa si aad khabiir weyn ugu noqotid mawduuca aad wax ka qoraysid iyo wixii kale ee la xidhiidhaba.
Haddii aad rabtid in aad luuqad cusub baratid, waa inaad dadaal iyo wakhti badan ku bixisaa, si aad muddo kooban luuqadaasi ugu baratid. Haddii aad rabtid in aad noqotid Ganacsade guulaystey, waa inaad la timaadaa fikir cusub oo ganacsi, si uu ganacsigaasi u noqdo mid xaamilaya soona xereeya Malaayiin Birr sannadkasta.
Haddaba, guulahaasi oo dhan waxaad ku xaqiijin kartaa isbeddelo yaryar oo maalinle ah oo ugu dambaynta kuu horseeda guulo waaweyn. Maxaa yeelay, talaabooyin is biirbiirsadey ayaa waxay kugu hoggaamin doonaan guulo waaweyn.
Buuggani waxa uu ka kooban yahay 20 cutub iyo 310 bog. Qoraagu waxa uu buugga ku soo bandhigayaa sababaha ay isbeddelo yaryari ay u horseedi karaan guulo waaweyn. Waxa uu xoogga saarayaa sida ugu fudud ee loo dhiso caadooyin wanaagsan iyo sida kuwo xun loo tirtiro, loona joojiyo. Marxaladaha kala duwan ee loo maro caado kasta oo la dhisayo, xeerasha loo maro in la dhiso caadooyin wanaagsan iyo in la joojiyo kuwa xunxun ayuu si balaadhan u sharraxayaa dhiganahani.
Labo mawduuc oo iyana muhiim ah ayuu xagga u dambaysa buugga uu kaga hadlayaa Mudane James, kuwaasi ah, sida xeeraarkaasi aynu kor ku sheegaynay ay uga shaqeeyaan mar ay tahay ganacsiga iyo barbaarinta. Qodobada muhiimka ee qoraagu xoogga saarayo ayaynu is dul taagi doonnaa gorfeynteena ku addaan buuggani Atomic Habits ( Caadooyinka Yaryar).
Qodobka Kowaad: 1% Better Every Day:
Qodobka kowaad waxa uu qoraagu wax inaga tusayaa, sababta caadooyin yaryari ay u keenaan isbeddelo waaweyn. Waxa uuna qoraagu tilmaamayaa awoodda isbeddel ee 1% maalintiiba oo ah talaabo dhanka wanaagsan aad u qaaday oo u dhigmaysa 37% oo guulo ah amma dib-u-dhac noqon karta, haddii dhanka xun aad u qaadid talaabooyinkaaga. Waxa uu inoo tilmaamayaa sida aynaan ugu baraarugsanayn isbeddelka yar ee maalinlaha ah oo sannooyin kadibna noqon doona guulo waaweyn.
Waxaynu qiraynaa in guusha weyni ay u baahan tahay ficil u dhigma oo weyn. Tusaale, haddii ay tahay cayilka oo la iska dhimo, bilowga ganacsi cusub, qorista buug, ku guulaysiga biladaha oroddada dhaadheer, iyo sidoo kale ahdaafta kale ee nolosha, waxaynu samaynaa oo nafaheena ka dhaadhicinaa sidii aynu horumarkaasi ugu guulaysan lahayn.
Haddii aad samayso dhaqdhaqaaq wanaagsan 1 percenta boqolkiiba maalin kasta, sannad kadib waxaad helaysaa 37 percent boqolkiiba, haddii kale oo dhanka xun aad talaabo u qaadidna sannadkaasi Eber (0) ayaad heli doontaa. Waayo? Caadooyinka wanaagsan iyo kuwa xun ba waxay ka dhashaan dhaqdhaqaaga maalintaada, waxayna noqon doonaan kuwo ku horumariya amma kuwo dib kuu dhiga. Caadooyinka wanaagsani waxay ka dhashaan wax-soosaarkaaga maalinlaha ah.
Qodobka Labaad: Ka gudbida ‘Togga Niyadjabka’. Qoraagu waxa uu ka warramayaa qodob aad muhiim u ah oo uu kaga hadlayo inta u dhaxaysa wakhtiga isbeddelka iyo natiijada. Togga niyadjabku waa inta u dhaxaysa bilowga iyo badhtanka shaqo kasta amma caado kasta oo la samaynayo, iyada oo aanan weli la gaadhin natiijadii la rabay in la gaadho. Tusaale ahaan ‘Gym’ ayaad ku biirtey. Waxa aanad joogtaysay muddo labo amma saddex bilood ah, adiga oo isla markaasi niyad ku haya in aad isbeddel ku aragtid dhanka murqahaaga. Laakiin markii aad arki wayday ayaad bilaabaysaa inaad niyadjabtid oo iska dhaadhicid in aad wakhti uun ku lumay. Taasina waa sababaha keena in ay adkaato in aynnu samayno caado wanaagsan oo waarta.
Marka aynu bilowno hawl cusub (Gym, ganacsi cusub, buug qoris.. ), isla markiiba waxaan rejaynaa isbeddel degdeg ah, waxaana suurtogal ah in natiijadu ay inaga daahdo. Laga yaabe inaan hawsha soo wadnay toddobaado amma bilo, taasina waxay sababtaa in qofku dareemo rejobeel, kadib shaqo adag oo u soo qabtey. Waxa uu qoraagu halkaasi u bixiyay ‘togga niyadjabka’. Waxa uuna inoo sheegayaa in ayna ka dhignayn in hawshii aad soo qabatey ay khasaartey e, waa mid kuu kaydsan.
Qodobka Saddexaad: Nidaamka iyo Natiijada. Qodobkani saddexaad oo ah mid muhiimka ah ayuu qoraagu kaga hadlayaa muhiimada ay leedahay in diirada la saaro nidaamyada oo aan la saarin hadafka amma natiijada. Waxa uu sheegayaa in aan iska ilowno natiijada oo aynu xoogga saarno nidaamyada. Maxay kula tahay farqiga u dhaxeeya nidaamka iyo hadafka? Ahdaaftu waa natiijada aad rabtid in aad ku guulaysatid. Nidaamkuna waa jidka loo marayo natiijooyinkaasi.
Qodobka Afraad: Isbeddelka Nolosha sidee ayaynu u wajahnaa? Dadku inta badan isbeddelka nolosha waxay wajahaan iyaga oo isha ku haya natiijada shaygaasi. Mr. Clear waxa uu tilmaamayaa saddex weji oo isbeddelka nolosha qofku ay marto.
- Waxaa tahay
- Waxaad samayso
- Waxa soo baxaya ( Natiijada)
Laakiin waxa uu ku talinayaa in loo kala horraysiiyo sidaasi ay iskugu xigaan oo inta badan dadku ayna isticmaalin. Waxa ay ka bilaabaan in ay isha ku hayaan natiijada soo baxaysa, iyaga gadaal marinaya waxa qofku aamminsan yahay iyo waxqabadkiisa.
Qodobka Shanaad: Sidee loo kasban karaa caadooyinka wanaagsan loona joojiyaa kuwa xunxun? Caado kasta oo wanaagsan oo aad rabto waxay martaa afar marxaladood oo isku xigxiga. Afartaasi marxaladood ee loo maro si loo sameeyo caado horumarineed ayuu qoraagu ku soo bandhigayaa qodobkani.
- Cue: (Dareenka kowaad ee kuu gala in aad samaysid isbeddel)
Waa dareenka u sheegaya maskaxdaada in aad u baahan tahay inaad horumariso amma aad beddeshid caado. Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa qof aad u jidh-dhisan kadibna waad u bogaysaa sida uu qofkaasi ugu soo baxayo garanka uu xidhan yahay iyo jidhkiisa dhisan. Kadib dareen baa markaasi ku galay oo aad is odhanaysaa, waad u baahan tahay inaad jidhkaaga dhistid. - Craving: (Hamuumyo): Waa xamaasada aad ka u weyn ee kugu riixaysa waxkasta oo aad rabtid in aad horumar ka samaysid.
- Response: (Falcelin): Waa falcelinta aad kaga falceliso si aad horumar uga samaysid caadadaasi oo aad rabitaankii ugu beddeli lahayd ficil.
- Reward: (Abaalmarin): Abaalmarintu waa natiijada amma hadafka ugu dambeeya ee hawlkasta oo aad bilowday. Waa felcelintii aad samaysay oo aad abaalmarin ku helaysid
Qodobka Lixaad: Afarta Xeer ee Isbeddelka Caadooyinka. Xeerarka loo maro si loo sameeyo caado wanaagsan iyo sida loo joojiyo kuwa xun waa afar xeer oo ku lammaan afartii marxaladood ee aan kor ku soo sheegnay.
Sida loo sameeyo caado wanaagsan:
Xeerka 1-aad: (Dareen): Ka dhig mid kuu muuqda
Xeerka 2-aad: (Hamuumyo): ka dhig mid soo jiidasho leh oo la xidhiidhi wixii aad qabashadooda jeceshahay.
Xeerka 3-aad: (Falcelin): Ka dhig mid fudud oo ka bilow talaabooyin yaryar.
Xeerka 4-aad: (Abaalmarin): Ka dhig mid ku raalligalisa.
Sida loo joojiyo caado xun:
Xeerka 1-aad: (Dareen): Ka dhig mid aan kuu muuqan oo ay naftu ka sasto.
Xeerka 2-aad: (Rabitaan): ka dhig mid aan soo jiidasho lahayn.
Xeerka 3-aad: (Falcelin): Ka dhig mid adag.
Xeerka 4-aad: (Abaalmarin): Ka dhig mid aan ku raalligalinayn.
I bⅼog quite often and I really thank you
for your content. Үour articⅼe has really peaked my interest.
I’m gоing to tаke a note of your site and keep checking for
new іnformation about once per week. I opted in for your Feeԁ too.
Aad iyo aad u mahadsan tahay