W/Q: Saadaq Jannaaw
Dastuurka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed
Inta aynu guda galin dastuurka iyo xeerarka Soomaaliya gaar ahaan xeerka ciqaabta, waxaan si guud mar kooban ah u sharaxayaa waxa uu dastuur yahay, awoodda sarayntiisa, sida uu isu badalo, iyo inta uu uqaybsamo. Dastuurka waa qaanuunka ugu sareeyo ee nidaamiyo qaabka ay dowladda noqonayso, ma Jahhuuriyadbaa mise waa Boqortooyo, qaabka Xukuumadda ma Baarlamaani baa mise waa Ra’iisi. Sidoo kale, wuxuu nidaamiyaa xiriirka ka dhaxeeya Saddexda awoodeed ee dawladda iyo mid walbo awooddeeda sharci, wuxuu dammaanad qaadayaa xorriyadda afraadda iyo dhammaan bulshada.
Dastuurka marka la sharxayo laamahiisa dhawr xagal ayaa laga fiirin karaa, sidaas darteed si guud wuxuu noqdaa dhawrkaan qaybood:
Dastuur qoran: waa dasaatiirada ka soo baxa hay’adaha awoodda u leh soo saarista, Islamarkaasna maray nidaamka cod bixinta bulshada.
Dastuur aan qornayn: waa caadooyinka muddo dheer lagu soo Jabad maray ilaa ay noqotay sida dasaatiir sugan.
Dasaatiir si fudud wax looga badali karo: waa kuwa wax looga badali karo isla qaabka lagu soo saaro xeerarka caadiga ah ee Baarlamaanka ka soo baxa.
Dastuurka uu adag yahay wax ka badalkiisa: waa dasaatiirta aan si fudud wax looga badali Karin, islamarkaasna u baahan in bulshada ay codbixin aqlabiyad xoogan ku aqbasho wax ka badalkaasi.
Dastuur ku meel gaar ah: waa dasaatiirta loo dejiyay xaalad gaar ah oo dhawaan dhalad ah, taasoo lama huraan ay noqotay in loo helo sharci.
Dasaatiir abaddi ah: waxaa loo dejiyay inay abadi ahaadaan, sababtoo ah kuma koobna xaalad gaar ah, meel gaar ah iyo waqti gaar ah, sidaad darteed waxay ahaanayaan lama taabtaan ilaa ay ka soo baxaan arrimo u baahan wax kabadal lama huraan ah.
Sidaas darteed, dastuurka waxaan dhihi karnaa waa awoodda ugu sarayso ee uu dal leeyahay, waa darbiga kala leexiyo awoodaha ishardinaya hadday is arkaan, waa udub dhaxaadka dammaanad qaadayo xorriyada hadalka, fekerka iyo dhammaan danaha kale ee muwaadinka. Sidaas oo kale, wax Alle wixii xeer ah ee isaga khilaafo waa waxba kama jiraan, maadaama uu isaga Hooyo u ah. Waa halka ay Soomaalida dhahdo: ‘’ Uur Jiif Hooyadii ayuu ku gawracan yahay’’.
Soomaalidu nidaamkeeda dawladeed iyo xeerarkeedu waxay la sammaysmeen Labadii gummayste ee Ingiriiska oo Waqooyiga haystay iyo Dawlada Talyaaniga oo Koonfurta Soomaaliya si baaxad leh u maamulaysay inteeda badan, Sidaas darteed ayay xeerarka inta badan ayaga laga soo qaatay. Ingiriiska waxa uu ka dhaqan geliyay gobolada Waqooyi xeerkii ciqaabta ee Hindiya, maadaama dhulkaasi isaga uu mustacmarad u ahaa. Halka Talyaaniga oo Koonfurta ka arriminayay uu si toos ah u dhaqan geliyay xeerarka Ciqaabta ee Talyaaniga.
Labada Dawladood waxay ka sinaayeen ka joogsashada arrimaha qoyska ee dhaxalka iyo furiinka la xariira. Basle wixii intaa ka soo hara waxay ahaayeen awoodaha gaarka ah ee Garsoorayaasha dowladaha gummaystaha. Qawaaniinta waxay noqdaan marka horeba soo saaristooda kuwoo ay Baarlamaan soo saareen oo xeer lagu idlaaqo, iyo kuwoo xeer hoosaad ah oo Wasaaradaha soo saaraan, sidaasna ay baarlamaanka ku ansixiyaan oo sharci ku noqdo, kolka uu dhammaysto habraaca sharciga ah ee meel marintiisa.
Labadaas xeer iyo dhammaan xeerarka waddanka waxay hoostagaan Nuuca Dastuur ee waddankaasi leeyahay. Tusaale hadii uu xeer soo baxayo waa inuu noqdaa mid waafaqsan Dastuurka, hadii uu qodob ku khilaafo xeerkaasi wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan oo sidiisa ayuu ku bursan yahay oo cidna isku xukumi mayso. Dastuurka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah wuxuu si cad u qeexayaa inaanu suuragal ahayn soo saarista Sharci khilaafsan mabaadi’da Islaamiga ah ee Shareecada, hadii uu khilaafana uu yahay waxba kama jiraan, ayna waajib tahay in la waafajiyo Dastuurka, maadaama uu isaga saldhig u yahay dhammaan shuruucda dalka, siwaafaqsan, qodobka 4aad faqradihiisa koowaad iyo labaad ee DJFS.
Taasi waxay ahayd si guud is waafajinta dastuurka iyo xeerarka ay awoodaha dawladda ee sharciga u leh ay soo saarayaan, ayadoo udub dhaxaad iyo miqyaas cabbireed uu yahay dastuurka.
Sidaas darteed, Xeerarka waddanka hadda looga dhaqmo gaar ahaan xeerka Ciqaabtu wuxuu la jaal la yahay dastuurkii 1960–kii, sinna isula ma jaanqaadayaan isaga iyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah e, waxaa shardi ah in la iswaafajiyo labadooda, waqtiba haqaadatee.
Sidaas si loo helo, waxaa jirta dhawr qaab oo la isticmaali karo, waxaase ka horeeya gudiga ka shaqeeyo soo turxaan bixinta dastuurka iyo xeerarka dalka, islamarkaasna tilmaama qodabbada uu khilaafka ka taagan yahay, si taasi loo helo; waxaa kow ah in la helo Guddiga adeegga Garsoorka oo ah halka ugu xooggan ee ka imaanaysa gorfaynta iyo xullida baahiyaha gaarka ee garsoorka iyo sharuucdiisa ka jirta. Si loo xalliyo caqabadaha sharci ee waddanka uu wajahayo iyo iska horimaadka sharci, waxaa loo dhaqaaqi karaa in latuuro dhammaan xeerarkii hore ee Dastuurkii 1960–kii Jaalka la ahaa oo hadda kuwoo cusub la qoro ama in sidooda ayaga oo ah in la turxaan bixiyo, latafatiro oo wixii wax kabadal ah lagu sammayn karo lagu sameeyo, labadaas qaab waxay imaan karaan marka uu dastuurka maro qabyo tirkiisa iyo heerka ugu dambeeya ee sharciyayntiisa taasoo ah afti dadwayne.
Haddaba, waxaa wax ka badal mudan wixii khaldan ee ummadda Diinteeda dhaawacaya, Islamarkaasna qiil unoqonaya cid walbo oo ummadda dhibaatayn la damacsanaan lahayd in waayaan meel banaan oo ay farta geliyaan, islamarkaasna bulshadana ku beer laxawsadaan, waa waajibka mudan marka horeba isaga in xoogga la saaro, wax walbana laga hormariyo. Doodda Sheekh Cali Wajiis oo ah: ” In Dastuurka la saxo, Xeerarkana isaga la waafajiyo’’, waa mabda’a ee ummadda Soomaaliyeed ay ka midaysan tahay inteeda badan, waloow ay jiraan qayb kamid ah bulshada oo qabto inaan Shareecada iyo Dastuurka la isla garab ordin oo Diinta labarakaysto, haddane marka loo fiiro tirade arrinkaas diidan oo iswaafajinta rabtaa ayaa malaayiin jeer ku laba laabanta.
Is waafajintaasi si ay udhaqangasho ayay bahda garsoorka waxay ay ka tageen isku xukunka xeerarka sida tooska shareecada uga hor imaanaya, sidii kii Qoyska iyo xeerar kale. Si arrinkaasi loo saxo waxay ubaahan tahay waqti iyo fahamka ummadda oo koobca, iswaafajinta bulshada iyo xeerka, sidaas darteed, tani waa shaqo adag muddo dhawna aan lagu qaban karin.
FAHAMKA BULSHADA EE DASTUURKA
Sida caadiga ah, lana fahmi ogyahay, waxaa bulsho walbo asal u ah fahamkeeda nolosha casriga ah ee maalinba meel ku taagan waa deegaanka ay ku nooshahay iyo nooca thaqaafa ee bulshadaasi leedahay ama ay hesho, waa maanfurnaanteeda iyo kobaceeda aqooneed heerka uu la’eg yahay. Marka ay jiraan mid kamid ah asbaabta sare, waxaa maangal ah in dadkaasi si fudud wax ku fahmaan lana jaanqaadaan, ayaga oo ku darsaya waxa cusub cilmigii hore ay haysteen, fahamkii ballaarnaa ee deegaankoodu ka hellayn, taasoo ah mid ay dhalisay is dhexsocodka bulsho, ee xambaarsan nuucyada aqooneed ee badda ah.
Soomaalidu markaan u nimaado, annaga oo halbeeg ka dhiganayno inta aan aragnay ee lanool nahay, waxaan si shaki ku jirin u fahmaynaa in maalintii aynu xornimada qaadannay ilaa hadda aysan jirin faham ummadeed oo ku saabsan wixii ay ku dhaqmayeen ee xeerar ahaa. Waa soddinkii sano ee aan dowladda ahayn, sidoo kale 30–ka sano ee aan burburka dhex dabaalanayno ayaduna waa la mid oo wax wayn ma kordhin. Bal waxaa yimid is badal iyo wacyi diimeed, taasoo sabab unoqotay markale in fahamka bulshada iyo xeerarka ay kala sii durkaan masaafo aad u fog oo ah; in marka geela loo heesayo Goranyaddu ay dadka qaar u heesaan oo ugurbaan tumaan. Aayadaha xakimiyada ee Quraanka iyo qayb kamid ah axaadiista ayaa faham guud laga laqay, waxaa la iska IL laabay tiirarka iyo shuruudaha ay shareecada dejisay udejisay axkaamta ku saabsan Xukunka, waxaan lahelin cid faham ballaaran ka bixiso waxa xeerka dhigaya iyo shareecada, sidaas oo kale waxaa la waayay cid is waafajisa xeerka Soomaaliyeed iyo shareecada ayagoo ah waxaan is diidin.
Bulshada cararkaan xeereed waxaa geliyay Xeerkii Arrimaha Qoyska ee Culimada lagu laayay, ayadoo caami iyo culumaba ay si cad oo aan shaki ku jirin u fahsanaayeen mabaadi’da uu taabtay xeerkaas oo ah dhaxalka, guurka iyo arrimaha ku tacaluqa furiinka.
Basiinkaas ayaa hollac shiday, holiciina maalinba qoryo horleh ayaa lasii saaraa, wuxuu noqday qori dhiib la isu sii dardaarmo. Waxaa adag in Bulshada laga helo dad tiro iyo tayo leh oo fahamsan xeerarka waxan ay yihiin iyo sida loo soo saaro, bal mawdhuucaan wuxuu noqday mid aan aad loo darsin, islamarkaasna aanan helin wixii uu mudnaa ee dadaal ahaa. Tani ayaa u baahan xamlo wayn oo ah olale bulshada lagu wacyi gelinaya, looguna dhigayo arkaanta iyo waxa ay tahay inuu ka koobnaado dasruurka, sida ay tahay xeerarka inay isaga uwaafaqaan, hadii ay khilaafaanna ay unoqonayaan waxba kama jiraan, waa hawl dahan oo sugaysa waddan amni ah iyo aqoonyahanno aan Diinta caama ka ahayn oo juhdi geliya, islamarkaasna laf dhabar unoqda fahamka dastuureed ee Soomaaliyada.
Sidaas darteed, xeerarka waa hab nololeed cusub oo qof walbo uu ku ogaan karo waxa ay tahay inuu dhawro, hadii uu ku gafanaya ciqaabta ka dhalanayso. Hadii aan si kale udhigo, Xeerarka waxaan dhihi karnaa marka shareecada ay waafaqsan yihiin waa hab Sharciyeed kooban , maadaama aysan suuragal ahayn dadka dhan inay Shareecada bartaan waxaa loo sameeyay qorid / qaanuunayn ayada sal looga dhigayo Sharciga Samaawiga ah.
TIXRAAC:
1. دستور – ويكيبيديا (wikipedia.org)
2. Somalilandlaw.co/ penal code
3. Dastuurka Kumeel Gaarka 2012