Sookoobidda buugga ‘Rich Dad Poor Dad.’

W/Q: Maxamed-karaama A. Xasan

Sookoobidda buugga ‘Rich Dad Poor Dad.’

        Hordhac

Qoraaga buuggaan, Robert T. Kiyosaki, sida lagu yaqaano oo buuggiisaan iyo buugaagtiisa kale looga bartay, waxa uu si weyn u naqdiyaa nidaamyada waxbarasho ee dunida ka jira, oo uu ugu horreeyo kan dalkiisa Mareykanka ka jira ee lagu sheego inuu ka mid nidaamyada ugu fiican dunida ee dhanka manaahijta waxbarasho iyo carbinta ardayda.

Sidiisaas uu u naqdiyo nidaamyada waxbarasho, ayayna dad badan ugu qaateen inuu dagaal adag kula jiro gebi ahaanba waxbarashada iyo in wax la barto, balse taasi run ma aha. Waa run inuu nidaamyada waxbarasho naqdiyo, balse gebi ahaanba waxbarista iyo barashada kama uu soo horjeedo, bal e waxa uu ku booriyaa dadka, inaysan keliya ku filnayn dhigashada dugsiyo iyo jaamacado waxbarasho e, intaa kasii badan inay sameeyaan, oo qof walbaa samaysto wax-isbarid iskiis ah. 

Sanadaha badan ee dugsiyada iyo jaamacadaha lagu bartana, wuu kasoo horjeedaa, waxa uuna yiraabdaa, sanadahaa keliya haku koobnaan dugsiyada iyo jaamacadaha, oo waa waqti noolaashaada ka mid ahee, wax kale oo bannaanka ka ah inaad samayso iskudday, sida inaad barato siday lacagtu u shaqayso, suuqyada iyo wax kala iibsigooda, lasheekaysiga odayaasha iyo casharo ka qaadashadooda, iwm.

Sidaa oo kale, Kiyosaki, waxa uu inbadan kasoo horjeedaa shaqaalenimada, taa ayayna dad badan ugu qaateen inuu gebi ahaanba shaqaysiga iyo waxqabsiga kasoo horjeedo. Balse sidaa sax ma aha. Waa run inuu shaqaalenimada kasoo horjeedo, kama se uu soo horjeedo qofku inuu shaqaysto, xooggiisa maasho, oo uu lasoo baxo dhididkiisa. Waxa dhabta ah ee uu kasoo horjeedana ma aha qofku inuu shaqaalenimo ahaado e, waa inuu qofku noolashiisa oo dhan ku qaato shaqaalenimo, taa awadeed ayuuna kuu oranaya, ku billow noolashaada inaad shaqaale ahaato, balse yaysan kaaga dhignaan weligaa inaad shaqaalenimadaa kusii jirto e, muddadaa aad shaqaalaha tahay abuuro ganacsi iyo shaqo kuu gaar ah. Lacag inaad heshaa darteedna ha u noqon shaqaale e, wax kugu cusub inaad barataa u noqo shaqaale. 

Haddaba, arrimahaa la isku qaldo, ee lagu qalad fahmo Qoraaga, haddii aan intaa kaga baxno, waxa aan horay usii galaynaa buugga.

Waayo labada Aabbe, Kan Hodanka ah iyo Kan Faqiirka ah?

Aabbaha Faqiirka ah, waa aabbaha dhalay Qoraaga buugga, Robert T. Kiyosaki. Waa aabbe aqoonyahan ah, waxbarashada sarena ka gaaray heerka saddexaad ee PhD-da. Waa nin shaqaale ah, oo sargaal dawladeed ah. Waa nin aamminsan nidaamyada waxbarasho ee hadda jiraa, in qof walbaa oo wax ku bartaa baraare iyo barwaaqo ay u horseedayaan. Waa nin aamminsan inuu ardaygu ku dadaalo maaddooyinka fasalkiisa, dhibco sarreeyana ka keeno, horayna usii wado waxbarashada ilaa heerka ugu sarreeya. Tabtaa ayuuna kula taliyaa wiilkiisa Robert Kiyosaki.

Waxa kale oo uu aamminsan yahay, ardaygu kolka uu waxbarto inuu shaqaale noqdo, oo shaqo mushahaar badan ku shaqeeyo, dhaqaale badanna uu soo xareeyo.

Qof ahaantiisana waa nin shaqaale ah, mushahaar sarreeyo ku shaqeeyo, balse dhammaadka bil kastaa waxa uu ka qadan yahay lacagtii uu qaatay billowga bil walbaa. Canshuur dawladeed, iyo qarashyo kale oo guri leh, cunto leh, waxbarasho leh, caafimaad leh, oo wax kastaa leh, ayaa fuuqsada lacagta uu qaato.

Aabbaha Hodanka ah, waa aabbaha dhalay Mike, Saaxiibka Kiyosaki. Waxa uu qoraagu aabbe ugu noqday inuu ahaa macallinkii baray sidii uu ku noqon lahaa hodan. Waa nin aan waxbarashada heer sare ka gaarin, oo ganacsade ah. Waa nin ay u shaqeeyaan xirfadlayaal badan, kasoo billow dhulxaaqe ilaa sharciyaqaan iyo xisaabyahan. Shaqaale badan ayuuna xukumaa.

Waa nin aan aaminsanayn waxbarashada sanadaha badan lagu lumiyo, iyo inuu ardaygu maaddo walbaa dhibcaha ugu sarreeyo ka keeno. Taa beddelkeeda waa nin aaminsan ardaygu inuu barto fanka dhitaysiga iyo dhaqaalaha. Sababta uusan ku jeclayn waxbarashadana, waa inuu u arko, ardayga inay u carbiyaan siduu shaqaale u noqon lahaa, lacag darteedna ugu shaqayn lahaa. Taa beddelkeeda, waxa uu u qabaa, ardayga in la baro siduu shaqo ku abuuran lahaa, una samaysan lahaa lacag isaga u shaqayso.

Waana nin aaminsan wax dhitaysiga iyo yaraynta qarashaadka ka baxayo, taa ayaana geyaysiisay inuu bil walbaa dhammaadkeeda haysto lacag usoo harto, oo uusan la mid ahayn aabbaha faqiirka ah ee bil walbaa dhammaadkeeda sagxadda ka taaggan lacagtii uu qaatay billowga bisha. Waxa uuna aragtidiisaan ka gadaa, oo ku talo siiyaa wiilka yar, qoraaga buugga.

Sidaa haddii aynu u kala fahannay labada aabbe, aan kugu sii daro, waqtigaan uu mid kastaa wiilka yar talo siinaayay, waxa ay labada ninba ku jireen dhabbadii ay ku noqon lahaayeen waxa ay noqdeen. Ma uu jirin nin waqtigaa faqiir ahaa ama hodan ahaa, taa ayaana ku abuurijirtay qoraaga oo markaa wiil yar ahaa, fekrad walbaa oo uu nin kastaa u sheego inuu gooni uga fekero oo waqti badan geliyo, meelo badanna uu ka eego, aad buuna u da’ yaraa, oo 9 sano jir buu ahaa.

Sookoobidda Casharada ugu muhiimsan ee buugga:

(1) Hodantinnimadu waa intaad wax dhitaysataa, ee ma aha inta kaa baxdo ee kaa qarashgarawdo.

Tan macnaheedu waxaa weeyo, dhaqaale aad kaydsataa, ee kuu aruura, ayay hodantinnimadaadu ku cabbiran tahay, kumana ay cabbirno qarashaadka kaa baxo.

(2) Naftaada marka hore sii, kaddib waxyaalaha kale sii. Tan macnaheedu waxaa weeyo, naftaada marka hore u kaydi lacag, bil walbaana lacagta kusoo gasho qayb yar oo ka mid ah naftaada sii, oo u kaydi. Kaddib hakuu ahaadeen inaad iska bixiso qarashaadka lagugu leeyahay ee guri ah, waxbarasho ah, raashiin ah, koranto ah, canshuur dawladeed ah, oo wax walbaa oo kale ah.

Waxa ay se wadhi kuu dambayn maalintaan naftaada gadaal dhigto ee aad tiraahdo qarashaadyada la igu leeyahay baan iska hor bixini.

(3) Baro fanka Dhitaysiga iyo dhaqaalaha. Cilmigaan inaan lagu soo baran dugsiyada ayuu ku doodayaa Qoraaga, sidaa awadeed qof walbaa waxa uusan ka maarmayn ayuu leeyahay, inuu isbaro oo barto. Waxa uu sii raacinayaa, baro sida wax loo kaydsado, qarashaadka kaa baxayo loo yareeyo, wixii aad kaydsataana loo maalgashto sida ugu habboon, lacagtaaduna aad ugu maarayn lahayd sida ugu habboon, welibana uga dhigi lahayd tu kuu shaqayso oo wax kuu soosaarto.

(4) Shaqaalenimo ha u ahaan inaad lacag ku hesho, ee u ahow inaad wax ka barato. Taa macnaheedu waxaa weeyo, in ka badan inta aad ka fekeri lahayd lacagta aad qaadato sidii lagugu kordhin lahaa, ka feker shaqadaas inaad wax ka barato, kuwayow kale oo iyada ka baxsanna aad wax ka barato. Taa waxa ay keenaysaa inaad casharo ka barato suuqa sida uu u shaqeeyo, sida loo maareeyo faa’idada iyo qasaaraha shirkadda, iyo sida loo maamulo dadka.

Waxaana kaaga kordhaayo inaad intaa barataa, berrito ganacsi kuu gaar ah inaad furato, oo aad maamulato, si weynna aad khabiir ugu noqota ka kanshaysiga fursadaha.

(5) Taajiriintu uma shaqeeyaan lacagta, ee iyadaa u shaqayso. Tan macnaheedu waxaa weeyo, haddii aad doonaysid inaad taajir noqotaa, haku sii qanacsanaan sanado badan inaad shaqaale ha ahaato oo lacag darteed aad u shaqayso e, markaaga iskudday inaad samaysato shaqo kuu gaar ah oo kuu soosaarto lacag kuu shaqayso adiga.

(6) Samayso ganacsi kuu gaar ah. Qodobkaan macnihiisu waxaa weeyo, muddada aad ku jirto ardaynimada aad wax ku baranayso iyo shaqaalenimada aad ka kororsanayso shaqada, waxa aad samaysataa ganacsi kuu gaar, oo cid kale ay kuu maamusho, balse hoggaanka ugu sarreeya aad adigu leedahay.

Ganacsigaasna noociisu ha ahaado wax aad jeceshahay oo waqti badan aad gelin karto, kagana warqabi karto.

(7) Maalgashiga iyo sida ugu wanaagsan. Qoraagu waxa uu qodobkaan ku qaadaadhigayaa sida loogu bareero maalgashiga, noocyadiisa, iyo xog kastaa oo ku gadaaman. Ma aha qodob aan kuu sookoobi karo, balse akhriste ahaan buugga ayaad kaga bogan kartaa.

(8) Taariikhaha Canshuurka iyo Awoodda Shirkadnimada. Qodobkaan waxa uu qoraagu ku qaadaadhigayaa Canshuuraha taariikhdooda, kaddibna waxa uu sii sharraxayaa sababta ay u tahay qof walbaa oo samaysashada ganacsi ku jiro inuu wax ka barto canshuuraha.

Waxaa sii dheer oo intaa kaddib uu kusii fogaanayaa, xoogsatada iyo shaqaaluhu siday ula daalaadhacaan bixinta canshuuro buuran, iyo sidaysan Tujaartu wax dhib u ah ugu hayn canshuurta oo mid fudud looga qaado. Farqiga u dhexeeyaa ayuuna ku sheegayaa, inay tujaarto barteen habdhaqanka canshuuraha, iyo inaysan xoogsatadu baran sidaa.

Isla qodobkaan, waxa uu kaga hadlayaa Shirkadnimada, sida loo yagleelo, faa’idadeeda, caqabadaheeda, maaraynteeda iyo wixii la halmaamo oo dhan.

(9) Wax kasta ka baro waxyar. Qoraagu, waxa uu qabaa qof kastaa inuu cilmi kastaa waxyar ka barto, maalin kastaana u tooghaayo wax ku cusub inuu barto. Gebi ahaanna, waxa uu kasoo horjeeda qofku inuu yeesho takhasus u gooni ah.

Sababta uu uga soo horjeedaa takhasus yeelashada, waxa uu ku sheegayaa fursadaha uu qofka ganacsi ku samaysan karo, inay aad u yaryihiin, islamarkaana uu ku qasbanyahay inuu ahaado shaqaale xirfad sarreeya oo aan gaarin tallaabo horumar oo kale.

Sagaalkaa qodob, baana kusoo koobayaa casharada buugga ku jira, casharadaan oo dhammaantood uu qoraagu ka qaatay aabbihisa hodanka ah, kuwaan lidkoodana waxaa siiyay aabbihiisa faqiirka ah, waa uuse ku gacansayray.

waxaa sii dheer oo Qoraagu buuggiisa uga sii hadlayaa Shan wax oo uu ku sheegay inay noolasha qofka xayndaab ku yihiin, sidii uu uga xaroobi lahaa ayuuna sii raacinayaa.

Shantaa xayndaab ayaana kala ah:

  • Cabsida.
  • Waxqabsan waaga.
  • Sheekabaralayda sawirayso hummaagyada cabsida.
  • Aqoondarrada.
  • Caadooyinka xunxun.

Ugudambayn, waxa aan sookoobiddaydaan kusoo gunaanadayaa, inaan qof walbaa kula taliyo inuu akhriyo labo buug oo kale, oo Qoraa Kiyosaki-na xusay. Labadaa buug ayaana kala ah:

  • The Richest Man in Babylon oo af Soomaali loogu soo turjumay ‘Ninkii Baabila ugu hantida Badnaa.’
  • Think and Grow rich oo af Soomaali ahaan, lagu soo turjumay ‘Feker oo Hodan noqo.’

Labadaan buug iyo buuggaan aan sookoobayba, waxaa af Soomaali usoo turjumay Dr. Jaamac Sahal.

One thought on “Sookoobidda buugga ‘Rich Dad Poor Dad.’

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *