Soo koobidda Buugga Habeennadii Caddada

W/Q Aamiin Timacade

Soo koobidda Buugga Habeennadii Caddada

Buugga: Habeennadii Caddada
Qoraaga: Fyodor Dostoevsky
Turjumid: Mooge Umal

Habeennadii caddada “White nights”, waa sheeko gaaban oo uu qoray, mu’allifkii Sheeko faneedka iyo sheekooyinka gaagaaban ee reer raashiya Fyodor Dostoevsky(1821-1881). Guud ahaan su’aasha ay ka duulayso sheekadu ayaa ah, jacaylku macquul ma yahay,se ku meel gaadh ma noqon karaa ?.

Jilaaga sheekadu waa wiil dhalin yaro ah, oo murugsan, kali ah, isla markaana ku nool tuulada Petersberg. Waa nin dhalin yaroo af gaaban, xishood badan, waligiina xidhiidh aan la samayn qof dumara. Ilaa uu ugu danbayn si kedisa ula kulmayo gabadh sida hilaaca qalbigiisa u martay.
Waxa dhex maraya jacayal muddo gaaban oo maalmo yar ah soconaya, ka dib hadana si lama filaana ku dhamaanaya.

Marka dusha laga fiiriyo, sheekadu guud ahaan waxay, ka kooban tahay afar qaybood, waa afar habeen. Marka laga soo bilaabo kulankooda koobaad illaa ka u danbeeya. Waa afar habeen, oo mid waliba xiisihiisa iyo xamaasadiisa wato, mawjado aan dhamaad lahayn oo khiyaal iyo caruurnimo ahna ay galayaan labadan lamaane.

Waxay ku bilaabmaysaa, iyadoo magaalada Petersberg dadkii ku noolaa miiga ama baadiyaha uga baxayaan si ay wakhtigaas barwaaqada ugu soo qaataan, guryohooda halkaas ku yaallay. Balse isagu uu dhex muquuranayo mawjado, dhibaato iyo xusuuso qadhaadh u badan. Waa kan isagoo aan ogayn meeshu u socdo dadka alaabtooda xidh xidhanaya, kolba meel ku dhaafaya, waxa uu sakad walba ku arkayaa kareetooyinkii oo dadka alaabta culus u sida.
Siduu u socdo ayuu is arkayaa isagoo magaalada dibada uga baxay, oo koone ka taagan. In dib ugu noqdo gurigiisii ayuu goa’aansanayaa, wakhti danbe oo habeenimo ah ayuu soo laabanayaa, wuxuu soo marayaa marshobiyoodka, si uu u daawado qulqulka webiga.
Waxa uu ku soo baxayaa gababdh qurux badan, oo taagan jiinka webiga, teedka birta ah ee wabiga ka sokeeya ayey ku foorartaa, iyadoo daawanaysa biyaha kacsan ee webiga. Shalmad yar oo madaw ayey qoorta ku duuban tahay, koofiyad huruud ahna madaxa ayey ku qarsatay, dabadeedna inta uu hoos isula hadlay, ayuu yidhi waan hubaa inay tahay gashaanti qurux badan. Hiifid iyo is adkayn dumarnimo ka dib, waxay isla qabsanayaan sheeko muddo gaaban soconaysa, sidaa awgeed habeenkaas waxay ku kala dhaqaaqayaan ballan ah inay habeen danbe, isla meeshan ku kulmi doonaan waliba isagu qisada naftiisa ku saabsan ka sheekayn doono.

habeenka labaad ayey isla meeshii isugu imanayaan, cabaar markay haddalo guud isku tuuraan, ayuu bilaabayaa inuu naftiisa ka sheekeeyo, wuxuu uga waramayaa dhawr sheeko oo dabeecadiisa kalinimada ah iyo dhaqankiisa muujinaya.
Iyaduna sidoo kale sheekadeeda ayey bilaabaysaa isla habeenkaa. Waxay ku sheegaysa in ay ayeydeed la nooshahay oo ay iyadu soo korisay, isla markaana ay deganayeen, guri xoogaa makhsino ah ka kooban. Ka dib uu wiil dhalin yaro ahi imanayo, si uu qol uga kirayso, wiilkaasna ay jeclaanayso ilaa uu ugu danbayn u dhaqaaqo safar uu ugu baxayo magaalada Moosko. Waxay ka dalbaynaysaa inay u raacdo safarka, balse wuxuu ku qancinayaa inuu u soo laaban doono, mudddo sanad ka dib ah.
Ugu danbayn way aaminaysaa, gu’ ka dib ayuu soo noqonayaa, waxay u sheegaysaa inuu magaalada saddex habeen joogo, walina aanay wax war ah ka helin, ka dib ayuu ku qancinayaa inay warqad u qoraan si ay bal warkiisa wuxuun uga helaan. Warqadii ayey isaga u dhiibaysaa si uu ugu geeyo, wiilkaas ay sugaysay ee magaalada yimid, Balse waxa isaga qalbigiisa ka holcaya dareen aan wali dibnihiisa soo dhaafin. Guud ahaan habeenkaasina sidaasuu ku dhamaaday.

Habeenkii saddexaad ayey isugu yimaadeen goobtii, si ay u hesho jawaabtii ay ka sugaysay, balse nasiib darro wax jawaab ah, umuu keenin. Niyad jab wayn iyo murug badan ayaa iyadii soo wajahaysa, isna wuxuu isku dayayaa inuu qalbiga u dejiyo, wuxuu u muujinayaa inuu si gaara iyada u danaynayo, balse way iska dhago marinaysaa, oo way is dhaafinaysaa, ilaa uu dib ula aamusayo dareenkiisii, habeenkaasi wuxuu ku soo dhamaaday, rajo ah inuu wiilka ay sugaysay sida ugu dhakhsaha badan war uga keeni doono, iyadoo aan weli rajo dhigin.

Habeenkii afraad ayaa la gaadhay, ee ugu danbeeyay waxa isu imanayaan iyadoo weli ka sugaysay, jawaabtii dhamaalka ay u dirtay wiilkii, wuxuu u sheegay inaanu weli wax wara ka helin. Markale ayey derbiga quusta dhabarka saartay, isna wuu is hayn kari waayay markaas ayuu afkiisa soo dhaafiyay, dareenkii muddaba qalbigiisa ka holcayey.
Wuxuu u sheegay inuu jecel yahay oo aanu ka maarmayn, iyadoo wajigeeda rajo dhig ka muuqdo, ayey ugu warcelinaysaa inuu isagu imika hortaagani xaq u leeyahay, jacaylkeeda iyo qalbigeeda maadaama uu isagu la qaatay wakhtigii murugta iyo kalinimada.
Ugu danbayn way is ogolanayaan, markaasay galayaan mawjado khiyaala oo kuwii abid ugu macaanaa ah, sida caruurta ayey marba jidka wabiga agtiisa kolba dhinac u lugaynayaan, ilaa ay arkaan saacadda oo habeen badh ku dhaw.
iyagoo midba midka kale hor taagan ayaa wiil dhalin yar ahi hortooda ka soo muuqday, ka dib ayey intay carartay wiikii dhalinyarta ahaa isku duubtay “waa isagii”!. Halkiisii ayuu ka daawanayay iyagoo sii wada socda oo gacmaha is haysta, garbahana isku dhejiyay. In yar ka dibna way ka qarsoomeen, nuurigoodiina wuu waayay.

Aroortii ay soo dhamaadeen, habeennadii taxnaa ayey Nastiinku(gabadhii) warqad u soo dirtay, waa dhambaal dheer oo ay kaga dalbanayso inuu cafiyo isla markaana ay ugu mahadnaqayso, laabtana ugu qaboojinayso, ugu danbayna wuu samrayaa, isagoo niyada iskula hadlaya, una rajaynaya inay ku noolaato farxad waarta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *