Barashada
Waxaa qoray: Francis Bacon (1625)
Waxaa tarjumay: Cabdikaafi Cismaan
Barashada waa in lagaa helaa farxad, bilic, iyo itaal. Farxaddeeda (barashada) waxa ay waxtar ku leedahay gaar-ahaanta iyo howlgabidda; bilicdeeduna hadalka, itaalkeeduna go’aaminta iyo meelmarinta howlaha.
Dadka waaya-aragga ahi wax bay fulin karaan, amaba mid mid, ayay arrimo gaargaar ah wax ka dhihi karaan; laakiin sida fiican; talooyinka guud, iyo qidadaha iyo agaasimidda arrimaha, waxa ay ka yimaadaan kuwa waxbartay.
In barashada waqti badan lagu bixiyo, waa cagajiidid; in bilic uun laga eegana, waa daacaddarro; in barashada xeerinteeda kaliya lagu go’aan qaatana, waa shactarada aqoonyahanka.
Barashadu waxay hagaajisaa dabeecadda, iyadana waxaa hagaajiya qibradda: maxaa yeelay itaallada dabiiciga ahi waa sida dhir dabiici ah, waxa ay u baahan yihiin in la simo – barasho lagu simo; barashaduna waxa ay bixisaa jihooyin aad u badan, haddii aysan qibraddu koobin.
Xirfadlaydu waa ay dhaliilaan barashada, kuwa iska caadiga ahina way iska jecel yihiin, kuwa waxgaradka ahina waa ay adeegsadaan (barashada)…
Wax ha u akhrin in aad wax beeniso iyo in aad diiddo, ama in aad rumeysato iyo in aad iska qaadato, ama in aad dood iyo hadal ridato; laakiin u akhri in aad wax qiimayso oo aad si mudnaan leh u eegto.
Buugaagta qaar waa in la dhadhamiyaa, qaar kalana la dhunjiyaa, qaar yarna in la ruugaa oo la shiidaa; waxaa laga wadaa, buugaagta qaar waa in qeybo kaliya laga akhriyo; qaar kalana in la akhriyo, qaar yarna in la wada akhriyo – si leh dedaal iyo dareen feejigan.
