Duufsato dhaqaale: Addoonsiga cusub ee adduunka! |Economic Hit Man

W/Q: Saabir Boogle

Duufsato dhaqaale: Addoonsiga cusub ee adduunka!

_______

Dunida barigii hore waxaa ka jiray addoonsi toos ah kaas oo wadamada awoodda leh ay ku soo duulayeen kuwa ka tabarta yar, halkaasina lagu addoonsan jiray dadkii laga awood badiyo. Boqolkii sano ee ugu dambeeysay dunida waxaa ka dhacay isbadalo mug weyn oo saameynn weyn ku yeeshay habkii uu caalamka ahaa, isbaddaladaasi waxa ay sameeyeen in dadkii laga awood roona ee u badnaa Afrika iyo Eeshiya ay xorriyad dalbadaan, gumeysiga kuwa awoodda lehna ay iska diidaan, waxaa la dhahaa halkaasi waxaa ku soo gabagaboobay addoonsigii tooska ahaa, laakiin badalkeeda ay bilaababatay addoonsi dhaqaale iyo mid maskaxeed oo weli dadkii laga awood roonaa lagu haayo.

John Perkins oo u dhashay dalka Mareekan ayaa waxa uu qoray buug la dhaho The Economic Hit man, kaas oo aan af Soomaali ahaan ugu qaadanay ereyga kore ee Duufsato dhaqaale, kaas oo laga wado khubarro lagu shaqaaleysiiyay sidii ay u dhici lahaayeen hantida dalalka laga awood roon yahay ama waxa la dhaho dunida seddaxaad. John Perkins waxa uu sannado badan kamid ahaa dhaqaalayahannada adduunka ugu sarreeyay. Waxa uu si toos ah u la shaqeeyey hay’adaha Bangiga Adduunka, Haayadda lacagta adduunka, iyo hay’ado kale oo caalami ah. John Perkins, waxa uu horay u ahaa Duufsade dhaqaale oo u shaqeeya dowladda Mareekanka, taasi oo wakiil ka eheed shirkadda MAIN, balse John waxa uu shaqada ka tagay 1980-kii kadib marka uu arkay waxa uu ka shaqeynayo in aysan eheyn wax khalad anshax iyo dadnimo ahaan.

John Perkins sanadkii 2004 waxa uu daabacay buugga The Confessions of Economic Hit man, kadib markii uu muddo 20 sano ah daabacaddiisa ay hakad u gashay cabsi uu ka qabay sirdoonka Mareekanka oo u gaarsi ku hayay, in kastoo ilaa hadda uu ka cabanayo in ay dili doonaan. Buuggu waxa uu ku saabsan yahay isla jeerkaana daaha ka faydayaa shaqadii uu qoraaga buuggu u hayey shirkad la-talin oo caalami ah isaga oo dhaqaalayahan ahaan u la shaqayn jirey. Perkins waxa uu xusayaa in shaqadiisu ay ahayd sidii uu hoggaamiyayaasha waddamada saboolka ah ee soo koraya uga dhaadhicin lahaa aqbalaadda deymo badan oo badanka la xidhiidha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalalkooda. Waxa kale oo ay shaqadiisu ahayd hubinta in mashaariicdan waaweyni ay gacanta u galaan shirkado Maraykan ah oo ay iyagu fuliyaan, sidaasna ku macaashaan.

Qoraagu waxa uu howlo shaqadiisa ah u tagay wadamo badan oo u badan Eeshiya iyo Laatiin Ameerika, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Indanuusiya, Sacuudiga, Ikwadoor, Iiraan iyo Panama. Inkastoo siyaadaha howlgalada dalalka ku kala duwnaayeen hadane danta ugu weyn ee uu John gudanayo ayaa ah sidii ay u hergali laheyd danta Mareekanka oo rabta in ay noqoto imbiraadooriyaddii abid ugu hantida badneed ee dunida soo marta sida uu asiga ku sifeeynayaba.John perkins waxa uu tagayaa wadamo oo ay ku jiraan mkuwa aan horay u soo sheegnay badan si uu ugu dhaadhiciyo in ay qaataan deyman, kuwaas oo laga siinayo haayadaha lacagta adduunka sida, World Bank iyo IMF, kuwaas oo uu awooddooda ugu sareysa Mareekanka leeyahay, kadib mashaariicdaasi waxa fulnaya shirkado isla Mareekanka leeyahay ayada oo aysan jirin cid hubineysa tayada habka ay mashaariicda u fulinayaan.

Dalalka marka ay galaan deymahaasi badan oo aysan iska bixin karin ayaga Mareekanka waxa uu halkaasi ka fushanayaa danihisa ugu waaweyn oo ah, 1) In uu ay dalkooda ka siiyaan xero ciidan, taas oo aan maanta si dhaba ugu arki karno Soomaaliya. 2) Waxa uu ka dalbanayaan in dhammaan wax soo saarka iyo mashaaroocda dalkaasi ay qabtaan shirkado uu Mareekanka leeyahay, taas oo ayada maanta aad ka arki karto dunida oo idil in shirkadaha ugu badan ee mashaariic ka fuluiya dalalka hooseeya ay yihiin kuwa Mareekanka. 3) In codka ay ku leeyihiin golaha Qaramada Midoobay ay ugu deeqaan halka uu Mareekanka rabo, taas ay maanta tahay mid iska shaac in dalalka hooseeya ay gacanta isaga taagtaan danta Mareekanka.

Si guud buuggaan waxa uu Perkins ku sheegaya wajiga xun ee siyaasadda arrimaha dibadda Mareekanka iyo sida aan looga wada faa’idin kobaca dhaqaalaha ee ay qolo gooni ah uun ka macaashto. Sidoo kale John waxa uu si faahfaahsan ugu hadlaya wajiga qarsoon ee haayadaha Mareekanka si gaar USAID waxa ay ka shaqeyso. Si lamida waxa uu sharaxayaa dhibaatada baahsan ee uu hanti-goosadka bulsho weynta caalamka ku hayo iyo sida aanan marna la isagu haleyn karin shirkadaha iyo haayadaha shisheeye. Buuggaan oo ay ku jiraan dhowr dhacdooyin oo marka aad akhriso indhaha kuu furi doono waxa aad hadda ka haleysaa meel waliba si gaar Internetka sidoo kale hadalo uu madalo kala duwan perkins ku sharaxayo ayaad heli kartaa.

3 thoughts on “Duufsato dhaqaale: Addoonsiga cusub ee adduunka! |Economic Hit Man

  1. Bugga wax uu ka hadlayo waa dabinka ay ku jiraan dalalka afkikanka ah oo aan anaga soomaali ahaan kamid nahay lakiin waxan rajaynaya in dhalinta wax baratay ay ku baraargan dagarta reer galbeedka ay noo dhigayan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *