
Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.
Xulka sheekafaneedda Soomaalida: 10-buug oo ay tahay in aad akhriso
Sheekofaneeddu waa mid kamid ah qaybaha waaweyn ee suugaanta adduunka loo kala sooco, gaar ahaanna waa tan ugu caansan tiraab–
suugaaneedda. Waa agab si la mid qaybaha kale ee suugaanta–sida maansada, lagu gudbiyo farriimo iyo fekrado dhaxalgal ah oo meelo fog gaara–weliba iyadoo si farshaxamaysan oo xallad iyo xiiso leh loo xardhayo.
Sheekadu, waxay xambaartaa oo lagu soo bandhigaa hadba bulshada ay ka hadlayso; dhaqankeeda, suugaanteeda, aqoonteeda iyo anshaxa iyo qaayosooradeeda. Waa muraayad ay umuddi ka dhex daalacato meelaha ay ka bugto iyo daldaloodeeda, iyo sidii ay dhaliilaheeda u sixi lahayd!
Haddaba, gedda ummadaha dunida oo kale Soomaalidu waxay leedahay sheekooyin faro badan oo ay qalinlaydeennu waqtiyo kala duwan ka qoreen waayaha dadka iyo dadkeenna. Qoraalkaan waxaan ku soo qaadan doonnaa xulka sheekofaneeda Soomaalida,gaar ahaan 10-sheeko oo aan u arkay in ay ugu magac dheer yiihiin xagga caannimada, loogu akhris badan yahay xagga xiisaha,uguna miisaan culus xagga dulucda ay xambaarsan yihiin iyo mawduucyada ay lafagurayaan.
Hormada 10-kaan sheeko ma muujinayso kala sarreyn xagga qiimaha iyo tayada ah. Dhammaan waa sheekooyin qaayo badan oo mid kasta iskeed u xambaarsan tahay fekrado taabbagal ah iyo murti tisqaadday.
1.Aqoondarro waa u nacab jaceyl– Faarax Cawl
Tani waa curadda sheekofaneedda Soomaalida–maadaama ay tahay sheekadii u horreysay ee soo baxda–1974–qoriddii farsoomaaliga kaddib. Waa sheeko ku saleysan qiso jaceyl ah oo la weriyay in ay ka dhacday gobolka Sanaag billaawgii qarnigii 20-aad.
Cawrala gabar la yiraa ayaa jeclaanaysa Calimaax oo ah afartan jir xaasle ah oo ay dooni Cadan ka soo shiraacatay ku wada safrayaan. Dhibaato weyn baa soo wajahaysa oo iyagoo badda bartamaheeda maraya ayay doonidii degeysaa, yaa badbaadi doona yaa se dhiman doona?
Sheekadani Faarax Cawl wuxuu kaga warramayaa arrimo badan oo ay kamid tahay dhibaatada uu mudan karaan qofka aan wax akhrin karin waxna qori karin, waxaana tusaale u ah, Calimaax wuxuu ahaa nin garaad iyo karti badan laakin aan waxba ma akhriyi karin, sidaa darteed.
2. Qab iyo Quursi–Cabdi Faarax Juxa
Aw Koombe, waa halyeeygeenna sheekada—wiil yar oo reer miyi ah, oo jaceylka uu macmacaanka u qabo darteed magaalada u soo dhuumanaya, se socdaalkiisii Macaan-raadisku isku beddelayo dhadhaminta qaraarka nolosha iyo raacdeynta mustaqbal nololeed oo mugdi ka sokeeyo—oo Qardho ilaa Prague taxan.
Waa sheeko nolosha runta ah ee qoraaga u tebinaysa qaab sheekofaneed— (autobiographical fiction), ahna nooca sheekada ka soo billaabanta carruurnimada baxaalliga qisada ilaa qaangaarnimadiisa (coming of age).
Juxo, wuxuu qalinkiisa aqoonaysan ku sawirayaa maalmihii uu wajahayay qofka dhallinyarada ah ee Soomaaliga ah—ee uu dalkiisii colaadda cagaha la galay. Waxaa ku dhan jaadadka dareennada; quusta, rejada, jaceylka, haasaawaha, naceybka, hubanti la’aanta, aqoon la’aanta, waxbarashada, cidlada,safarka, la falgalidda dadyoow kala duwan, boholyowga iyo daltabyada, qurbajoognimida, lababoglaynta soomaalida iyo boqol xaaladood oo kale.
3. Adeegto–M.X. Cismaan
Adeegto waa sheeko kale oo aan laga xiiso dhicin, jiil kastana la kowsata. Waa sheeko ay daadihinayso Maryan oo ah gabar rajo ah xoolahana u ilaalisa aayadeed oo ay miyiga kula nooshahay.
Balse markii ay u adkaysan waydo dilka iyo arxandarrada joogtada ah ee aayadeed kala kulanto ayay subaxa dambe isaga cararaysaa! Carar aan jaho lahayn, oo ay magaalada ku soo geli doonto–halkaanna dulmi iyo dhibaato xooggana ayaa markale uga bilaaban doonta.
Sheekadani waxaa ay bannaanka soo dhigaysaa dulmiga iyo hagardaamooyinka ay la nool yihiin gabdhaha ay dantu badda in ay noqdaan adeegto ama booyaaso, iyo tacaddiyada naftooda halista geliya ee ay kala kulmaan goobaha iyo guryaha ay ka shaqeeyaan.
4. Dhibbanaha Aan Dhalan–Faarax Maxamed Cawl
Sheekadani waa qarracan (tragedy) ku salaysan dhacdooyin dhab ah, waxaa uu na qoraagu xus iyo baroordiiq uga dhigay 37 arday iyo 40 macallin oo ay diyaaradaha xabashidu ku xasuuqeen Boorama sanadkii 1984.
Bilan, ayaan baranaynaa oo ku guda jirta maalmihii nolosheeda ugu wacnaa, ee ay ugu farxadda iyo quruxda badneed, iyada oo ari la joogta oo iska faraxsan ayaan la kulmaynaa—oo inta dharkeedii ka dhex baxday, garbasaar yar oo qafiif ahna inta duubsatay ku dhex dabbaalanaysa haro xareedi buuxisay, kaddibna sidii rahii hadba dhinac u quusaysa xareedda qaboow.
Laakin Faarax Cawl, reynreynta iyo raaxadaas nagu sii deyn maayo ee cabbaar kaddib inta jannadii naga soo saaro ayaa wuxuu nagu dhex tuurayaa duni qarracan ah iyo cadaab ah. Faarax, ma ahan mid sheekadiisa soomaalida uun ku koobaya se wuxuu si dhiirran qalinkiisa ugu hiilinayaa bulsho weynta afrika iyo hadimada uu gumeystuhu had iyo jeer la daba joogo. Sidaa darteed sheekadani waa mid kamid ah suugaanta afrika ee sida weyn loo qaddariyo.
5. Aanadii Nageeye – Ibraahin-Hawd
Aanadii Nageeye, waa mid kamid ah sheekooyinka baarka sare ka jooga tiraab-suugaaneedda soomaalida. Nageeye oo ciil gaammuray la soo hanaqaaday ayaa yoolkiisu yahay sidii uu uga aargudan lahaa ninkii habeenkii uu ifka yimid, dilay aabbihii Geeddi. Laakin intani waa waxa ugu yar ee dhacaya marka loo eego waxa dhacdooyin iyo dhakafaar sugaya Nageeye.
Waa tii uu Yuusuf Waayeel ku sifeeyay [..ma jirayaan wax ku soobaxaya sida qacda hore loo maleynayo; waayo dhacdooyin hore iyo dhacdooyin dambe ayaa isula falgalaya siyaabo, aayahooda dambe, aan la sii odorosi kareyn.
Sheekadaan, wuxuu Ibraahin, hal sawir isugu keenayaa dhammaan dadkii soomaaliyeed iyo dalkoodii oo sii dhimanaya—iyo sababihii uu dalkaasi u burburay.Buuggani waa masrax ay ku loolamayaan wanaagga iyo xumaantu, cadaawadda iyo jaceylka, aqoonta iyo jahliga. Waa dil iyo kufsi, waa boob iyo dhac iyo ugu dambeyn–cawaaqibtii ka dhalatay intaas oo dhan.
Qoraagu, mawduucyo faro badan oo ay ugu horreeyaan; taariikhda, falsafadda, saykoolajiga, dhaqanka iyo diinta ayuu si toos ah ama dadban u wada falgelinayaa isaga oo kaashanaya awoodda qalinkiisa iyo baxaalliga jilayaasha sheekada!
6. Ayaandaran–Cabdullaahi Shiikh Xuseen (Hantiwadaag)
Ayaandaran waa sheeko xiiso iyo xanuun badan oo ka ogaal warramaysa qiso dhab ah. Waa Asli oo ah gabar jaceyl dhalanteed ah lagu dibindaabyaynayo kadibna wajahaysa nolol xanuun badan oo rejobeel ah. Hase ahaatee, Asli isma dhiibi doonto, waa shaqsiyad dhiifoon oo halgan adag geli doonta.
Qoraagu,sheekadaan, wuxuu ku dareeseynayaa aragtida ay bulshadeennu ka haysato iyo sida qallafsan ay u la dhaqanto gabdhaha dhala ilmo aan aabbahood la aqoon ama aan meher ku dhalan! Waa uurkuraallo taagan ah.
7. Maanafaay– Maxamed D. Afrax
Maanafaay waxay daahfur u ahayd hir cusub iyo digarogasho ay sameysay sheekadafaneedda Soomaalidu. Maanafaay oo ah gabar da’ yar oo iskuulka weli dhigata ayaa waxaa si aan doorashadeeda ahayn noloshu ugu tuuraysaa dhibaatooyin aysan xammili karin; waa jaceyl qalbigeeda dhalaalinaya, waa dhaqanhoosaadka banaadiriga oo xoriyadda iyo farxadda ka xayuubin raba, waa dhagarta xumaanfalayaasha oo dabin u qoolaya.
Maanafaay waa gabar aad daqiiqad kasta u damqanaysid waayo deb ayay dhex socotaa, waana sababta kugu kallifi doonta in uu buuggu baalba baal kuu dhiibo!
Sheeko duluc ballaaran oo uu Maxamed Daahir toosh ku ifinayo ceebaha bulshadeenna iyo caadooyinka gaboobay ee dhaqankeenna ee milaygaas iyo ilaa maanta jira sida; guurka jajuubka ah ee gabdhaha lagu qasbo, musuqmaasuqa masuuliyiinta dowladda,islaamaha iyo dadka dhaqaalaha ka sameeya goobaha tumashada ee jeebweyntu gabdhaha ku aayoseejiyaan iwm. Waa hubaal markaad dhammeyso ogaalkaada wacyi iyo aqoontaada bulsheed wax weyn bay ku biirin doontaa!
8. Nasiibka nolosha 1975– Axmed Macoow Xaayow
Waa sheeko u kuurgalaysa marxaladda qaangaarnimada dhallinyarada ee xilliga iskuulka; oo ah marxalad ay dhallinyaradu sameeyaan xiriiro isugu jiro jaceyl iyo saaxiibtinimo, sidoo kalena ah billaawga hiyikaca nafeed iyo raadinta aqoonsi iyo daneyn bulsheed.
Inta la hubo waa sheekada ugu dheer sheekofaneeddeenna, waa sheeko aad gudo ballaaran oo kulansanaysa arrimo xiiso badan, waa caalam fidsan iyo nolol ay metelayaan in kabadan boqol shaqsiyadood oo door weyn ka qaadanaya qulqulka sheekada.Waxaa qoray Axmed Macoow Xaayow oo ahaa nin ku xeeldheer dhaqanka, suugaanta iyo fanka sheekoqoridda.
9. Waasuge iyo Warsame: Socdaalkii 30ka maalmood–Xuseen Shiikh Axmed Kaddare
Sheekadaan waxaa qoray Xuseen Sh. Kaddare–oo kamid ahaa aqoonyahanka Soomaaliyeed kana tirsanaa guddigii qorista farsoomaaliga. Waasuge iyo Warsame oo laba gobol oo kala fog ka yimid ayaa si isladoonasho Ilaah ah ugu kulmaya baabuur ay ku wada safrayaan oo Xamar ku wajahan.
Waa laba oday aftahanno ah mid kastana aqoon durugsan u leeyahay dhaqan hoosaadka deegankiisa.Halkaa ayayna ka guda gelayaan socdaal 30–maalmood qaadan doona oo aad u xiiso iyo xaraabo badan.
Qoraagu wuxuu sheekadaan si aftahanimo iyo aqoon leh ugu soo bandhigayaa kala duwanaanta dhaqanhoosaadka bulshaddeenna, iyo iska hor imaadka mararka qaar ka dhasha dhaqamada reer magaalka iyo reer miyiga,sidoo kale loollanka ka dhexeeye dhallinyarada dhaqamada galbeedku raadeeyeen iyo waayeelka ka gadoodsan doorsoonkaas.Waa sheeko lagu qoray afsoomaali hodan laguna dhiteeyay suugaan ciidda muggeed ah.
10. Dabinka Jiraalka:Diiriye-Maarkoos– Dr. Maxamed Xirsi
Dabinka jiraalka, waa sheekada ugu da’da yar tobanka sheekafaneed ee aan maqaalkaan kaga hadlayno. Waa sheeko falsafadeed ku gaaf wareegaysa isweydiinta macnaha jiraalka ama nolosha iyada oo uu Maxamed Xirsi ku saleynayo waaqica qofka ama bulshada Soomaaliyeed. Diiriye oo sheekada hoggaanka u hayo ayaa ah nin la kulmaya isbeddello gudeed oo dhanka fekerka iyo afkaarta ah ilaa uu qaato magaca Diiriye-Markoos.
Qoraagu wuxuu si farshaxamaysan u sawirayaa u na falanqeynayaa isdiiddooyinka iyo dhaliilaha dhex ceegaaga habdhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee dhanka siyaasadda, dowladnimada, diinta, dhaqanka, iwm.
