Nafsad Xorshosh[1] ah: Jiil Naf ahaan u dhibban
W/Q: Ismaaciil Carafa
W/T: Cabdijaliil Muhandis
Madhnaansho caadifadeed, faaruqnimo nafeed, weynaynta dareennada, debecsanaan badan, adkaysi la’aan, xal ka raadinta cilmunafsiga, ka cararka xukumidda iyo nacaybka xukminta dadka iyo in falalka lagaga cudurdaarto in xaalad nafsadeed lagu jiray waa tilmaamo ka mid ah astaamaha caanka ah ee ay daraasadaha lafagurku ku sheegeen jiilka Z (Generation Z). Jiilkan waxa loo yaqaannaa dadka dhashay 1997dii ilaa laga soo gaadho billowgii labada kun. Kooxdan dhallinyarada ah ee dhibban kuna soo dhex barbaaray jawi bulsheed oo duruufaysan, waxay la daalaadhacaan dhibaatooyin nafsadeed, bulsheed iyo mid dhaqaaleba. Waxa uu jiilkani ku koray jawi ay burbureen riyooyinkii waaweynaa, mashaariicdii ummadeed, aragtiyihii islaamka, kuwii bidixda iyo kuwii xuquuquhuba, dabeeto ma uusan garan bar uu ka soo dheegto ad’adkaan nafsadeed.
Tan iyo yaraantiisii, jiilkan waxa lagu soo barbaarinayay tarbiyaynta togan ee koolkoollinta ah. Habkan barbaarinta ahina waxa uu ku talaxtagaa dhawrista carruurta iyo u cabsida dhallaanka. Marka ay dugsiga hoose tagaanna waxa loola dhaqmaa si ka duwan tabtii loola dhaqmi jiray jiilashii ka horreeyay oo dugsiyada dabaqadda dhexe waxay noqdeen hoyga koolkoolinta ee ma aha goobo tarbiyo. Arrinkani waa midkii ay aragtay macallimada ree Maraykan ee Jane Morris oo buuggeeda “Teacher Misery: Helicopter Parents, Special Snowflakes & Other Bullshit” ayay ku qortay cadhada ay ka qabto koolkoollinta xad dhaafka ah ee ay helaan dhallaanka iyo sindheertu[2] iyo dareenkooda joogtada ah ee jaadgooninimada iyo sarraynta aysan mudannin.[3]
Haddaba si looga dabatago mushkiladdan dadsameega ah ee jiilkan warqadda ah, Morris waxay waalidiinta iyo maamulka dugsiyada ku dhiirrigalinaysaa in ardayda si ad’adag loola dhaqmo, maxaa yeelay koolkoollinta xad ka baxa ahi waxay soo saartay jiil jallaato ah oo kibir sankaa taagaya, filanayana in loola dhaqmo sida boqorrada misana aan masuuliyadda naftooda qaadi karin.
Ma moodaynin in xaddiga dhibku gaadhsiisan yahay halkan ilaa heer ay foomiistarkaygii hore iyada oo aad ugu cadhaysan waalidiinta carruurtooda koolkoolliya igu tidhi: “waagii hore waalidkiinna kaliya waxaan ka saacidi jiray inaan dugsiga idinku barbaariyo, laakiin hadda carruur iyo waalidiintood baan wada tarbiyeeyaa. Waalidku ma edbiyaan dhallaankooda, yaryarkuna waxay u haystaan inay mudan yihiin habdhaqanka dunida ugu wanaagsan si kasta oo ay khalad weyn u sameeyaan. Waalidku dhallaankooda waxay u koolkoolliyaan si aynaan horay u arag.”
Mushkiladda dugsiyada oo qudha ayaa lagu arki jiray, dad badanna maysan u fiirsan jirin tilmaamaha nafeed ee jiilkanu leeyahay. Markiise uu kacaamay ee uu jaamacadaha billaabay ayay dadkii u dhabbagalay arkeen tilmaamaha nafeed ee uu jiilkani goonida kala yahay midkii ka horreeyay oo dabeeto ay qoraallo ka sameeyeen. Dadkii wax ka qoray shaacsanaha “Nafta Xorshoshka ah” ee ay leeyihiin jiilkan cusubi waxaa ka mid ahayd qoraayaddii ree Britain Claire Fox oo daabacday buug ciwaankiisu ahaa “Weerar baan u arkaa” (I Find That Offensive). Fox waxay aragtay in mar ay jaamacadda ka muxaadaraynaysay ay dhallintu ula niqaashayeen sida dhibbane, dareenadoodu dhibta u debecsan yihiin, una arka in la ihaanaystay kalmad yar haddii la yidhaahdo. Mararka qaar waxayba muujinayaan nafsaddaa liidataa si loogu diirnaxo. Dareenkaa joogtada ah ee liidashada nafeed waxa uu burburinayaa ad’adkaantii nafeed ee qofka, waxa uu u bandhigayaa in qofku ka soo kaban waayo dhirbaaxada u horraysa ee ka soo gaadha nolosha dhabta ah.[4]
Halkaa kagama hadhayso Fox inay soo bandhigto tilmaamaha taban ee nafsaddan liidata waxay odhanaysaa iyada oo sii wadda: “Waxaa ina horjooga jiil sindheer iyo dhallinyaro ah oo naftooda u arko mid liidata oo xorshosh ah, u qaba in haddii loogu yeedho hadal xun uu xanuun nafeed ku ridayo, iyo inaysan noolaan karin haddii uusan daweyn dhakhtar cilmunafsi ah. Xanuunno nafeed ayay madaxa u galinayaan meel walba: dhibaatooyinka nolosha maalinlaha ah, imtixaannada jaamacadda iyo dhalliilaha loo soo jeediyaba.”[5]
Mushkiladdan nafeed waa waxa ku kallifay Jean Twenge, barafasooradda ree maraykan ee cilmunafsiga ku takhasustay inay qorto buuggeedii u dambeeyay, “Why Today’s Super-Connected Kids Are Growing Up Less Rebellious, More Tolerant, Less Happy—and Completely Unprepared for Adulthood—and W hat That Means for the Rest of Us”.[6] Ciwaanka ma wada akhriday? Isaga kaliya ayaaba werwer kuugu filan. Twenge waxay isku weydiinaysaa buuggeedan: “ma habboon tahay inaynu u werwerno jiilkan xorshoshka ah? Waynu iska sugi karnaa inta ay ka korayso da’dan jilicdasan innaga oo aan werwer badan ka qabin saamaynta ay ku yeelan doonaan bulshada. Laakiin baadhayaashu waxay arkayaan in dhallinayaradan debecsani ay maalin walba sii jilcayaan oo ay carruurnimo iyo koolkoollin dheeri ah uun ka sii qaadayaan iska hor imaad kasta oo iyaga iyo nolosha dhabta ah dhex mara.”[7]
Markii ardayda jaamacaduhu ay qalinjabiyeen ee ay suuqa xorta ah galeen laga soo billaabo ayaa waxaa iska soo daba dhacay daraasadaha sharxaya tilmaamaha nafeed ee jiilkanu leeyahay, arrintuna kuma koobnayn Ingiriis iyo Maraykan toona ee waa shaacsane caalami ah oo dabaqadda dhexe ee dunidan cusubi leedahay. Dunideennan Carbeedna dadkii ku saamoobay bay ka mid ahayd.
Ragga takhasuska u lehi waxay jiilka Z u doorteen magaca Snowflakes Generation[8]. Laba sababood ayay baadhayaashu ugu bixiyeen magacaas: waa ta koowaade snowflakesku waa xorshosh, wayna jabitaan dhowdahay, wax culaysana sinaba u ma qaadi karto. Haddii uu culays dusha kaga yimaaddo inta ay kala fakato ayay burburi.
Sababta labaadna waa in qof kasta oo ka mid ah jiilkani uu aaminsan yahay inuu jaadgooni yahay. Aragtida cilmiga ah ee shaaca baxdayna waxay sheegaysaa in snowflakesku ay leedahay samaysyo kala duwan oo la soo heli maayo laba hal oo isu eg. Jiilkanu waa sidaas oo kale, waxa buuxdhaafiyay dareen jaadgooninimo, waxa uuna markasta qaataa afkaar ku habaysa inuu yahay mid gooni ah oo horseed ah. Waxa had iyo jeer uu qabaa mudnaan, macnihii filashooyin sare ayuu ka leeyahay dhammaan xidhiidhadiisa bulshada. Waxa uu filayaa in si wanaagsan loola dhaqmo, marka uu joogo aad loo daryeelo, afkaartiisa daacad buuxda loo noqdo sida in uu kaligii mudan yahay xuquuqdan oo kale.
Filashadaa macaan, riyada ah ee aadka uga fog dunida dhabta ah ee khadhaadh ayaa dhallinta qaarkood ku kalliftay inay sindheernimada ka bixi waayaan. Ma doonayaan inay ka baxaan carruurnimada oo ay koraan ama dhallaanimada oo ay muddakar noqdaan. Waa xaalad dhallaanimo joogto ah oo loogu magacdaray “Peter Pan Syndrome” iyada oo ujeedku yahay in dhallintu aysan rabin inay koraan, ay qaadaan masuuliyadda noloshooda oo ay ka dhuuntaan culaysyada nolosha, arrinkaas oo ka dhigay carruur waaweyn bulshada dhexdeeda iyo suuqa shaqadaba.[9]
“Buugga ha ku xukumin jaldigiisa”, “Yaa xaq kuu siiyay inaad dadka xukunto”, . .. .”Dadka muuqa ha ku xukumin”, “Hawshaada wado, dadkana rabbigood u daa”. Halqabsiyadan waxaa saa’id u isticmaala dhallinta, mar kasta oo qof uu wax ka reebo ama wanaag faro, habdhaqan gaar ah uu ra’yigiisa ka sheego ama uu walaalkii talo siiyo. Markasta oo mawqif noocaas ah la joogo in qofkaasi uu maqlo halqabsiga: “Ha i xukumin. Naftaada ku mashquul, dadkana Allahood u daa anigu sidan ayaan ku faraxsanahaye” ayaad aad suuragal u ah.
Si kasta oo qofkaas nasteexadu daacad uga tahay, u asluub badan yahay, wanaaggana ula jecel yahay cidda uu la talinayo, xumaan iyo yasitaan uga dheer yahay, haddana sida badan taladiisaasi waxay gashaa uun xabsiga: “Anigu xor baan ahaye dan yeelo.”
Waxay u badan tahay in arrinkani yahay midkii uu ugaas Cabdullaahi binu Mascuud ku sii farfiiqayay kolkuu lahaa: “Ilaahay hadallada uu ugu neceb yahay waxaa ka mid ahay in nin uu mid kale ku yidhaahdo: Alle ka baq, dabeeto uu ugu jawaabo: dantaada raaco.”[10]
Nasiibdarrose xukun baabi’intu waa dhaqan aad uga shaacbaxay sindheerta iyo dhallinta dhexdooda. Qaarkood waxay rabaan inay waxay doonaan falaan goorta ay doonaan cidina aysan ka celinnin, balaayana waxay ku dhacaysaa cidda ku fikirta inuu u soo celiyo xaqa iyo halbeegga shareecada.
Dhaqankan xukun la’aanta ahi waxa uu dhallinyaro fara badan ku abuuray inay xasaasiyad ka qaadaan in go’aan laga qaato. Iyaga oo ka cararaya in la xukumo ayaa waxay doorbidaan inay ku milmaan bulshooyinka iyo goobaha aan cidina isku xukminin, la isla talinnin ee gabi ahaanba eraybixinta nasteexada, iskareesbiska xumaanta, burinta baadilka iyo muujinta xaqu aysan ka jirin.
Halkii laga rabay in erayga “aagga nabaddu” (safe space) ka lahaado macne xaddidan oo tixgalinaya horumarinta dadka aaggaas ku jira maskax ahaan, nafsad ahaan iyo xirfad ahaanba; waxay Clare fox inoo sheegaysaa in aagga nabaddu hadda uu la macne yahay iska ilaalinta fikrad kasta oo lid kugu ah ama taban[11]. Xataa dhalliishii wax hagaajinaysay iyo nasteexadii daacadda ahayd lagama oggola aaggaas.
Fahankaas khiyaaliga ah ee laga qaatay ammaanku waxa uu abuuray ururro shaqo, jaamacadeed, baro bulsho ama goobaha kale ee dhallintu ku kulanto sida naadiyada, maqaaxiyaha, xeebaha oo ka madhan go’aanqaadasho, aan lahayn jiheeye akhlaaqeed ama halbeeg lagu xukumo ashyaada. Sababta ay bay’ooyinkaasi xukun uga madhan yihiin waa inay aaminsan yihiin in haddii aad qof wax ku xukunto aad nafsad ahaan u dhibaataysay. Sidaas awgeed bay qoraa Ane fox oo danaysa tarbiyadda carruurtu u odhanaysaa: “marka ay dadku leeyihiin ‘ha i xukumin’, dhab ahaan waxay ula jeedaan: ha isku dayin inaad ra’yigayga beddesho. Sidan ayaan ahay. Waanan ka wiswisayaa maqalka wax kasta oo lid ku ah dhammaystirnaantayda, waxaanan aaminsanahay in dunidaydu sidan ay tahay heer sare ku tahay.”[12]
Brain Underwood oo ku takhasusay siyaasadda ayaa arrinka isaga oo dhayda ka caydanaya waxa uu leeyahay: “Kuwan ku qaylyaya ‘ha i xukumin’ waxa uu dhawaqoodu ka turjumayaa inaysan rabin in la tuso khaladaadkooda”.[13]
Waxay u egtahay inuu arrinkani yahay midkii uu Ibnu Qudaama Ahun innagu baraarujinayay goortii uu lahaa: “Salafku Ahun, way jeclaayeen cidda ceebahooda ku baraarujisa, balse innagu hadda waxaynu ugu neceb nahay cidda inna tusta ceebaheenna.”[14]
Qoraaga ree Maraykan ee jason cruise sidaas oo kale ayuu u la dhibbanaa jiilkan sindheerta, waxa uu arkay inay aad ugu soo celceliyaan weedho la mid ah “ha i xukumin”, dabeeto waxa uu gaadhay natiijo uu ku xaqiijinayo jiritaanka cudur si tartiib ah u dhex sabbaynaya jiilka sindheerta iyo dhallinta oo uu sababay dhaqanka guulaystay ee ku mamman wadanoolaanshaha iyo aqbalidda cidda kaa duwan. Cruise isaga oo sheekaynaya waxa uu leeyahay: “Kama warrami karo tobankii sano ee u dambaysay inta jeer ee aan maqlay weedha ‘ma rabo inaan xukumo’ ee dabeeto aan si dabiici ah ugu jawaabayay: ‘haddii waxa aad noloshiisa ka sheegaysaa sax yahay, maxaad ugu malaynaysaa inaad qof wax iska xukumaya tahay haddii aad danayn awgeed qofka ceebtiisa ku baraarujiso?’ Ilaahay waxaan ka baryayaa inaynaan hilmaamin xaqiiqadan fudud: Laguma xukumin marka laguu sheego inaad khaldan tahay, ama haddii aan si kale u dhigo: kuma xukumayo markaan wax dhab ah kuu sheegayo.”[15]
Sheekh Calaa Cabdilxamiid waxa uu innagu baraarujinayaa in dadka kale oo aan muraayad ka dhiganno ay si weyn uga qaybqaato hagaajinta iyo horamarinta nafteenna. Waxa uu odhanayaa: “Caado inooma aha inaan dhegaysanno sida ay inoo arkaan dadka kale ama habka ay inoo tilmaami lahaayeen, maxaa yeelay maynaan siinnin fursadda ama maynaan ku dhiirrigalinnin inay inoo sheegaan ceebaha ay innagu arkaan ee dhegayso oo haddii uu qof wax kaa sheego ha moodin uun in cadaawadi ka keentay. Xataa haddii cadaawadi ka keentay wax uu kugu arkay uun buu kaa sheegay.”[16]
Bal’e nabigu S.c.w waxa uu sheegay in dadka wanaagsan laftoodu aysan badbaadaynin haddii ay ka tagaan faralka farista wanaagga iyo reebidda xumaanta oo Nucmaan binu Bashiir waxa laga soo tebiyay in rasuulka Alle yidhi: [qofka xuduudda Eebbe ilaaliya iyo midka jiidha waxay la mid yihiin sida qolo u qori tuurtay doon, dabeeto qaybtood xagga sare helay intii kalena hoosta nasiib u yeelatay. Oo marka qolada hoose ay biyo u baahdaan ay noqonayso inay kuwa kore sii maraan, dabeeto (halwfudaysi) yidhi: war ka warrama haddaynu nimanka sare dhibka ka dayno oo aan meel ka dalooshanno dhinaceenna? Haddii ay (qolada sare) u fasaxaan damacooda (kuwa hoose) way wada halligmayaan, haddii se ay ka hor istaagaan way badbaadin wayna wada badbaadi.]
Qof caaqil ah shaki ka gali maayo in da’yarta carabtu ay tahay jiil dhibban, mashaakil badan oo nafeedna la nool, laakiin waxaan diiradda saaraynaa shaacsane gooni ah oo hal sadar lagu soo koobi karo:
Waa maxay dhibta ku haysataa?
Xalku wuu fudud yahay: booqo dhakhtar nafeed.
In dhib kasta oo nafeed ama dareen kasta taban laga dhigo mushkilad mudan in loo booqdo dhakhtar ku takhasusay cilmunafsiga waxay ka dhigan tahay cilmunafsigii oo ka dheereeyay doorkiisii aqooneed ee uu mudnaa. Waana arrinkii uu farta ku fiiqay 1979kii Christopher lash oo ahaa Barafasoor taariikhda ka dhiga jaamacadda Lash ee aameerika ku taalla, ka dib markuu arkay booqashadan saa’idka ah ee dhakhaatiirta nafta loogu qulqulayo. Waxa uu ku sheegay buuggiisa “dhaqanka ismahadinta”(The culture of Narcissism) in muwaadinka Ameerikaanka ahi uu lixdanaadkii isku dhex arkay casri ay safmar noqdeen cudurrada werwerka, murugada, cabsida mustaqbalka, madhnaansho gudeed oo ah jirrooyinka ay hadda da’yara carabtu si ama si kale ula daalaadhacayaan.
Ka dibna Lash waxa uu yidhi: “Muwaadinka Ameerikaanka ah ee qarniga labaatanaad ma raadsado culimada diinta iyo wadaaddada ee waxa uu goobaa culimada iyo dhakhaatiirta nafta. Wuu aasmay hadafkii diineed ee hore kuna astaysnaa ka fakashada danbiyada, himiladu se hadda waxay noqotay degganaanta nafeed iyo farxadda qofnimo.”[17]
Weydiintu haddaba waxa weeye: adkaanta nafeed ma wax nafta lala qabadsiin karo oo la abuuri karaa mise waa dabeecad abuur ah oo aan isla beddelaynin goobta iyo goorta?
Waxaan fiirinaynaa daraasad fudud oo su’aashan khusaysa. Badhtankii sagaashanaadka carruurta Ameerikaanka ah ee siddeed jir ka hoosaysa misana xasaasiyadda ka qabta fuul suudaaniga heerkoodu waxa uu ahaa 0.4%. Markii la shaaciyay natiijada ayay waalidiintu carruurtooda ka ilaaliyeen waxsoosaarrada uu ku jiro fuul suudaanigu iyaga oo uga baqayay inay xasaasiyad ka qaadaan. Laakiin ilaashimahaas waxba maysan ka tarin oo sannado dhowr ah ka dib gaar ahaan 2008dii way laba jibbaarantay tiradii xasaasiyadda qabtay waxayna gaadhay 1.4%. Cidna ma garanayn sababta ay sidan kediska ah sare ugu kacday boqollaydu iyada oo waliba aad loo dhawray carruurta? Sidaas ayay waalidiintuse kama joogsan inay ka ilaaliyaan carruurta yaryar fuul suudaaniga, maxaa yeelay ugu dambayn ilaashimaha ayaa ka roon daawaynta, in dhallaanka laga dhawro fuul suudaaniguna inay xasaasiyadda ka nabadqabaan bay ka dhignaanaysaa. Saw sidaas maaha?
Laakiin taas lidkeeda, sababta xasaasiyaddu ugu faaftay carruurta waxay noqotay ilaashamaha carruurta yaraantooda laga dhawray fuul suudaaniga. Daraasadda LEAP waxay tijaabo ku samaysay 640 carruur ah oo sannad ka yar, carruurta waxay u qaybisay labo: qayb waxxay waalidiintood kula talisay inay siiyaan waxyaabaha laga sameeyo fuul suudaaniga, qoladii kalena waxay kula talisay waalidiintood inay ka ilaalinayaan waxyaabaha fuul suudaanigu ku jiro. Shan sano oo xidhiidh ah ayayna dusha kala socotay. Waxa yaab noqotay in dhallaankii laga ilaaliyay fuul suudaniga ay 17% oo ka mid ah gadaal kaga dhacday xasaasiyaddu halka kuwii aan laga dhawri jirin kaliya 3% ay ku dhacday xasaasiyaddaasu. Mid ka mid ah baadhayaashii daraasadda ayaa waxa uu odhanayaa: “in yaraanta lagu qaato fuul suudaanigu waxa ay kobcinaysaa difaaca xasaasiyadda. Talada odhanaysa: carruurtiinu intay yar yihiin ka ilaaliya wax kasta oo xasaasiyad u keeni kara, waa talo khaldan.”[18]
Haddii aan ka nimaadno xasaasiyadda fuul suudaaniga oo aan u nimaadno debecsanaanta nafta, maxaa qofka u sababa jabka nafeed ama ka ama mid adag ka dhiga?
Jawaabta weydiintan waxaan ka dhex raadin karnaa noloshii adkayd ee aabbayaasheen iyo hooyooyinkeen soo mareen, oo xaddiga tiknoolajiyeed ee nolosheenna sahlayaa ma jirin xilligoodii, waxayna ka soo gudbeen mashaqooyin iyo caqabado laga yaabo inaan midkeenna waligii la kulmin, haddana sidaas oo ay tahay maynaan arag iyagoo ka cabanaya dhibta iyo qallafsanaanta nolosha, waayo sidaas ayaa iyaga dabiici u ahayd. In ilmaha yari uu nolosha barto oo uu yaraantiisa dhibaatooyinka nolosha la falgalo waxay u abuuraysaa iskacaabbin nafeed, waxayna siinaysaa ad’adayg uu nolosha ku wajaho. Macnuhu waxaa weeye inaan u baahannahay culaysyo maskaxeed iyo kuwo jidheed oo innaga saacida nolosha, haddii aynu wayno se waynu jabi.
Nasiim Daalibka barafasoorka ka ah jaamacadda Newyork ayaa buuggiisa “Lidka Jabka” (Antifragile) inoogu sharxaya in iinsaanku uu ilaa yaraantiisa leeyahay debecsanaan (resilience)[19] u suuragalinaya la qabsiga waxyaabaha saamaynaya. Dadka waxa uu u qaybinayaa saddex qaybood: mid tabar daran, mid xooggan iyo ku birlab ah oo aan jabin.[20] Sidaas awgeed, sindheerta iyo dhallintu sida ay ula jaanqaadayaan culaysyadu si guudba way uga duwanaanaysaa siday waalidkood ula jaanqaadayeen. Arrintaas waxa sababaya korriinka, barbaarinta, heerka debecsanaanta nafeed, awoodda iskacaabbinta iyo u dulqaadka dhibaatada ee qofku leeyahay.
Arrinkan iyadoo ka hadlaysa jane twenge waa tan leh: “Daraasado badan oo laga sameeyay kobaca maskaxdu waxay sheegeen in qaybta hore ee maskxadu (frontal cortex) oo ah qaybta masuulka ka ah xukunka iyo go’aangaadhista aysan si buuxda u korin ilaa da’da 25 jir. Arrinkani waxa uu muujinayaa in sindheertu aysan diyaar u ahayn inay weynaadaan sidaa awgeed waxay u baahan yihiin in muddo dheer la sii ilaaliyo. Waxa yaab leh in daraasaadkani ay iska indhatireen xaqiiqada asaasiga ee ay sheegaan cilmibaadhisyada maskaxdu ee ah: in maskaxdu ay isla beddesho waaya’aragnimada.
Waxaa laga yaabaa in sindheerta iyo dhallinta maantu aysan maskaxdooda qaybta hore si fiican u korranayn ilaa hadda, sababtuna ay tahay inaan masuuliyado culus la siinnin. Waxaan iswaydiinayaa haddii ay qalabka maskaxda sawira uu jiri lahaa 1980kii sida ay noqon lahayd natiijada jiilkii shaqada ku billaabi jiray 18 jir, ku guursan jiray 21 jir wax yar ka dibna yeelan jiray ubad.”[21]
Hadalka nuxurkiisu waxa weeye haddii qofku naftiisa baro culayska, masuuliyadda, iyo la hirdanka nolosha waxa naftiisa hagaajinaya culaysyadaa uu la legdamayo. Murqaha nafteennu waxa ay ku adkaadaan ka guulaysashada culaysyada nafta. Dhibaatooyinka noloshu waxay sare u qaadaan fahanka aad u yeelanayso nolosha oo waxay wanaajiyaan xirfaddaada bulshaawinimo. Waxay siyaadiyaan khibraddaada xallinta dhibaatooyinka, maaraynta wakhtiga, kalahormaynta hawlaha iyo hannaaninta noloshaada oo dhammaantood kaa dhigaya qof nafsad ahaan korran oo diyaar u ah muddakarnimo.[22]
Ka fogaanshaha halganka noloshu se waxa uu soo saarayaa uun jiil xorshosh ah oo ka baqaya nolosha sida uu cashirradiisa badhkood ku sheegay daacigii Maxamed Alqaliid: “Wiilka ama gabadha lagu barbaariyo nolol bilaa masuuliyad ah, waxa hoos u dhacaysa doonistooda maxaa yeelay nafsad ahaan ayay daciif u noqonayaan oo ma karayaan murugada iyo halganka nolosha toona. Guusha ugu weyn ee ay rejaynayaan waa inay ku noolaadaan nolol deggan oo aan dhib, harjad iyo legdan toona lahayn.”[23]
Iyada oo qodobkaa ka duulaysa waxay ku baaqday qoraayadda ree Australia Karen Ferris inaan nafteenna ku tarbiyayno debecsanaan (inaad awood u yeelato la qabsiga xaalad walba). Waxay sheegtay in haddii aan ka dhabayno arrintaasu ay leedahay faa’iidooyin badan. Faa’iidooyinka ay Ferris sheegtay waxaa ka mid ah:
- Xaaladdeenna nafeed iyo maskaxeed oo wanaagsanaata .
- Hagaagga ogaalkeenna.
- In la ilaashado degganaanta xaaladaha halista ah.
- In la fahmo in noloshu tahay taxane dhibaatooyin ah.
- In la deggenaado marka dhibaatooyinka la wajahayo.
- In xasilloonida la ilaashado xaaladaha cadaadiska.
- In dib loo noqon karo oo laga soo kaban karo dhibaatooyinka.
- In waaya’aragnimo laga qaato jabka oo loo arko fursad waxbarasho.[24]
Hadda ayaan fahmi karnaa xadiiska nabiga S.c.w :[Cilmiga waxaa lagu helaa barasho, dulqaadkana isku tababar][25] oo ay qaarkood raaciyaan [sabirkuna waa isbarid]. Ujeedku waa in aadmigu naftiisa ku tababaro u dulqaadashada dhibka, iskubiimaynta mashaqooyinka iyo ka gudbidda mashaakilka.
Imaamu Qasaali waxa uu kitaabkiisa Ixyaa Culuumudiin ku faalleeyay qodobkan faallo aan ku soo afjarayno maqaalkeenna isaga oo xusaya in qof waliba naftiisa wax ka beddeli karo. Waxa uu yidhi: “Haddii aan akhlaaqda la beddeli karaynin dardaarannada, waanooyinka iyo aadaabtuba waxba kama jiraan ayay noqon lahaayeen, rasuulka Allena ma dhaheen: ‘wanaajiya akhlaaqdiinna’. Oo sidee loo diidi karaa in aadamiga la beddeli karo iyada oo xataa xayawaanka dabeecaddiisa la doorin karo, illeen Baazku isaga oo duurjoog ah ayaa la carbiyaa, eyga hunguriga xun waa la edbiyaa, faraska jeegataagga ahna waa la laylyaa; waxaas oo dhanina waa akhlaaq la beddelayo.”[26]
W/Q: Ismaaciil Carafa.
Halkan kala deg: https://atharah.net/psychological-fragility/
W/T: Cabdijaliil Muhandis.
[1]. Xorshosh: Qori ama wax kale oo korka sare ka fayow, gudahase ka mootan oo bolol ka ah, oo kolkii la taabto burburaya, tilmaan-tood.
[2]. Sindheer: ilmo ku jira da’da 15-18 sano oo aan weli hilibeysan.
[3]. Jane Morris, Teacher Misery Helicopter Parents, Special [ 1 ] Snowflakes & Other Bullshit.
[4]. Claire Fox, I Find That Offensive
[5]. Claire Fox, I Find That Offensive
[6]. Jean Twenge, iGen W hy Today’s Super-Connected Kids [4] Are Growing Up Less Rebellious, More Tolerant, Less Happy—and Completely Unprepared for Adulthood—and W hat That Means for the Rest of Us.
[7]. Claire Fox, I Find That Offensive.
[8]. Baraha Bulshada marka la joogo ayay dadka waaweyni erayga “snowflakes” ku tilmaamaan dhallinta iyaga oo ku jeesjeesaya xorshoshnimada iyo macnadarradooda, dabeeto dhallintu waxay ugu jawaabaan erayga boomers oo ah magaca jiilka weyn laakiin ay cay uga dhigayaan da’dooda iyo fikirkooda cidhiidhiga ah. Markii safmarka Karona uu dhacayna, sindheertu cudurka waxay u bixiyeen boomer sweeper macnaha kii dadka da’da ah xaaqayay jeesjees ahaan.
[9]. Dan Kiley, The Peter Pan Syndrome Men Who Have Never Grown Up.
[10] .السلسلة الصحيحة للألباني.
[11] Claire Fox, I Find That Offensive.
[12] http //www phdinparen ting com/blog/2009/9/26/dontjudge-me html.
[13]. Brian Underwood, “Don’t judge” Men tality is Toxic to Society.
[14] أبوالفرج ابن قدامة، مختصر منهاج القاصدين.
[15]. Jason Cruise, Accountability In A Culture Of “Don’t Judge Me”.
[16]. علاء عبدالحميد، حديث نفس: خواطر في معرفة النفس.
[17]. Christopher Lasch, The Culture of Narcissism.
[18]. Greg Lukianoff, Jonathan Haidt, The Coddli ng of the [ 16] American Mind How Good Intentions and Bad Ideas Are Setting Up a Generation For Failure, (New York Penguin Press, 2018).
[19]. Xeeldheerayaasha iyo akadamiyiintu way isku maan dhaafeen sida loo turjumi lahaa erayga ‘resilence’ oo macnihiisu yahay in aadmigu bogsan karo, wax la qabsan karo oo inta uu saamaynta taban ee culaysyada nafta ka gudbo ku noqon karo xaaladdiisii dabiiciga ahayd. Mar waxay ku turjumeen ‘debecsanaan’ marna ‘adkaan’, anigu se halkan waxaan isticmaali doonaa ‘debecsanaan’.
[20]. Nassim Taleb, Antifragile Things That Gain from Disorder.
[21]. J e a n T w i n g e , i G e.
[22]. J e a n T w i n g e , i G e.
[23]. h t t p s / / w w w y o u t u b e c o m / w a t c h ? v = 8 Q D T r d v C D t A.
[24]. K a r e n F e r r i s , H o w t o B e R e s i l i e n t i n a C u l t u r e o f [ 2 2 ] C o n s t a n t C h a n g.
[25]. رواه الطبراني.
[26]. أبوحامد الغزالي، إحياء علوم الدين.

Maqaalkan waxaan ku diidanahay labo qodob:ugu horeeyn in naftaada aad dadka kale ka dhexraadiso,sidee? Dadku ma kula oga naftaada oo waxaa laga yaabaa in ay
kugu canaantaan sababtoo ah waxaad sameyneysaa wax ku cusub iyaga oo aan blusheda well loogu arag waayo dadka badankood waxay Kuugu dhaleyceynayaan in aad iyaga ka duwantahay Oo aad qilaaftay aduun-aragooda anma aysan ku fahmayn.marka waxa aan qabaa in qofku uusan Murraayad ka dhigane Laakiin uu u arko meel uu ka ogaan karo qaladaadkiisa Qaar.
Tan labaad:qoraagu wuxuu ku baaqayaa in Jaadgoonimada la wiiqo,Taasoo ka dhigan in dhaanraac loo noqdo Dhaqan,bolsho,qabiil,Diin iyo wax la aaminsanaan jiray.