Bangiyada sidee ayay u shaqeeyaan? 

Bangiyada sidee ayay u shaqeeyaan?
 

W/Q: Xasan Maxamed
 
Maqaaalkan yar waxaan uga hadli doonnaa sida ay u shaqeeyaan bangiyada, sidoo kale waxaa iyana wax ka tilmaami doonnaa sida ay shaqadoodu u saamayso dhaqaalaha dalka.

In la fahmo hannaanka ay Bangiyadu u shaqeeyaan waxaa ay wax badan ka beddeli kartaa aragtidii aan ka heysannay bangiyada dalka ka jira, sidoo kale waxaa ay iyadana saameyn ku yeelaneysaa go’aannada la xirriira lacag dhigashada bangiyada ama qaadashada ammaahda ay bangiyada bixiyaan.

Hanaanka Shaqo ee aan halkan uga hadli doonno waxaa ay la xiriiraan Bangiyada aan Islaamiga aheyn ee loo yaqaan Bangiyada Soo-jireenka ah(Conventional Banks), sababtuna waa in ay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee dunida manta ka jira. Bangiyada Islaamiga ah iyaga waxaa ay u shaqeeyaan hannaan ay xadeyneyso xeerka shareecada Islaamka, inkasta oo nidaamka guud ee bangiyadu u shaqeeyaan uu isku mid yahay. Haddane, ayada oo ay sidaa tahay waxaan si gaar ah uga diyaarin doonnaa qoraal u gaar ah oo farqiga u dhexeeya Nidaamka Islaamiga ah iyo kan soojireenka ah ee bangiyada aan uga warramayno.

 

WAA MAXAY BANGI?

Inta aynaan gudaha u galin hannaanka ay bangiyadu u shaqeeyaan waxaa jirta su’aal muhiim ah oo mudan in la is weydiiyo oo ah, Waa maxay Bangi?

Bangi waa hey’ad ka mid ah hey’adaha ka shaqeeya wax la xiriira maaliyadda dal. Waa hey’ad Ruqsad shaqo u heysata in ay qabato, keydiso, kuna shaqeysato lacagaha ay u dhiibtaan macaamiishooda. Sidoo kalena bixisa noocyo kala duwan oo deyn ah iyada oo dulsaar (Interest) saaraneysa. Waxaa kale oo bangiyadu ruqsad u heystaan ka shaqeynta sarifka lacaga qalaad nooc walba oo uu yahayba.

TAARIIKH KOOBAN:

In kasta oo taariikh ahaan hannaanka bangiyada ay dunidu  waqti dheer soo adeegsan jirtay, hadana bangiyada casriga ah waxa ay curteen qarnigii 17aad, ilaa xilligaan aan nool nahay waxaa jiray is baddallo iyo horumarrinno lagu sameynayay nimdaamyada ay bangiyadu ku shaqeeyaan.

 Tumaallayda dahabka (Goldsmiths) waxaa lagu tiriyaa in ay ahaayeen dadkii salka u dhigay nidaamyada ay hadda bangiyaga ku shaqeeyaan. Waxa ay London ka sameeyeen 1630kii nidaam loo yaqaan Keydka hantida qiimaha leh ee aaminka ah (Safe Storage of Valuables). Intaa kadibna waxa ay bilaabeen in deymo qaataan iyagana ay deymo bixiyaan si ay faa’ido u sameeyaan. Nidaamkaa waxa uu wax yar uun kadib isku baddelay sida bangi oo kale wuxuuna qaatay magaca Fractional Reserve Bank, oo u shaqeynayay in ay dadku ku aamminaan hantida qaaliga ah sida Dahabka, ayagana waxa ay  siinayeen warqado caddeynaya(rasiid) in ay ka hayaan hanti dahab ah oo u dhiganta qiimaha waraaqda ku qoran.

Dhanka kale waxaa ay bilaabeen in ay dadka lacago deymiyaan iyaga oo saaranaya dulsaar(Interest), sidaas ayayna lacago fara badan ku sameeyeen. Tumaallayda dabahabka waxa ay gaareen in ay bixiyaan deymo ka badan inta dahab ama hanti kale ah oo ay uu dadka u hayeen. Halkan waa meesha ay aragtida bangi ee kaydinta jajabka(Fractional Reserve Banking) ka timid, oo ah in halkii Kiilo oo dahab ah ee la hayo laga dhigi karo boqolaal kiilo oo dahab ah oo warqad ku qoran; sidaas ayaana suuqii waxaa ku galay lacag ka badan intii hanti ah ee  kayd ahaan loo hayay.

Kaydinta jajabka waa in ay qayb yar oo ka mid ah dahabka ama hantida kale oo ay dadku kaydinta u rabaan kaydka la dhigo inta soo hartayna dadka kale la daymiyo ayada oo dulsaar, faa’ido ahaan, loo saarayo. Lacagta dayn ahaanta loo bixinayo waa intii badnayd ee dadku dhigteen.

Rasiidka ayay dadka hantida u taalo siinayaan ayaan noqday sidii lacag iyo agab la is oggol yahay in wax lagu kala beddesho, sidaa darteed ayaga oo dahab yar haya ayay bixinayaan daymo badan ayaga oo rasiidkaa adeegsanaya, qofka rasiidkaa loo geeyo waxa uu rumaysnaa in uu hanti haysto oo waa uu ku kalsoonaa.

Haddaba sidee ayay ku dhacday arrintan? Waxa ay arrintan ku dhacday in tumaallayda dahabka oo xaqiiqsaday in dadka dantida u dhiibtay ay saddex midkood uu noqon karaan;

1. In hantida ay u dhiibteen ay keyd ahaan ugu dhiibteen oo aysan degdeg ugu baahneen.
2. In ay suuqyada wax uga iibsadaan kadibna ay isaga dib ugu soo laabato.
3. In ay dahab kale ay ku beddeshaan oo isaga keydkiisa ku jira.

Haddii ay ay labo ama saddex qof u baahdaan in ay dahabkooda qaataan waa ay fududahay in la siiyo, maxaa yeelay kaydka waxaa ku jira dahab fara badan. Sidaan ayayna tumaallayda dahabka uga badbaadeen in ay musallafaan, aragtidaana waxa ay noqotay midda ay maanta ku dhisanyihiin bangiyada adduunka.

 

SIDEE AYEEY U SHAQEEYAAN BANGIYADA MAANTA JIRA?

Bangiyada waxaan dhigannaa lacago, iyaguna lacagaheenna ayay dayn ku bixiyaan waxaana ay annaga nasiiyaan dulsaar aad u yar marka loo fiiriyo dulsaarka ay iyaga ka qaataan dadka ay lacagaha deymiyaan. Waxa kaliya oo ay bangiyadu ku shaqeeyaan waa inaga oo ayaga aaminnay, isla aaminaaddeena ayeeyna lacagtaa faraha badan ka sameeyaan.

Waan ku qasabnnahay mararka qaar in aan bangiyada aaminno, sababtuna waa in aan rabno in lacagaheenna dhiganno oo aan ku keydsanno meelo ammaan ah, si aysan inooga lumin ama aysan tuugada nooga qaadanin.

Sababta kaliya ee bangiyada u aaminno ayada oo ay tahay in lacagteenna ay ka badbaaddo qataro fara badan, haddana bangiyadu waxa ay dadka deymiyaan waa lacagaheennii oo iyagu ma hayaan lacag u gaar ah oo meel u taal. Wax walba waxbaa ka sii daran ee lacagaha ay dadka deyminayaan iyo lacagaha ay hayaan waxaa aad u badan lacagaha ay dadka deymiyaan. Mararka qaar waxaa ay awood u leeyihiin in ay deyn bixiyaan iyaga oo lacag yar haya iyo in ay dayn ahaan u bixitaan lacag ka badan tan ay hayaan.

Iyada oo aan ognahay in ay sidaa u shaqeeyaan bangiyada haddana waan ku kalsoonnahay oo waxaan aaminsannahay in aan mar walba ka heli karno lacagihii aan u dhiibannay, iyagana waa ay nasiiyaan markasta oo aan u baahanno, weliba qof walba oo lacagtiisa u baahdaa waa uu helaa.

Hadaba Sidee ayay Taasi Ku Dhici Kartaa?

Bangiga Dhexe ee dalka ayaa masuul ka ah hey’adaha ka shaqeeya maaliyadda ee dal walba.  balse bangiga dhexe lama dhaqmo shaqsiyaadka ee hey’adaha dhaqaale ayuu la shaqeeyaa, gaar ahaan bangiyada, hannaanka ay ku shaqeeyaan isaga ayaa u jaangooya, waxaana jira xeerar adag oo aysan sinnaba uga tallaabi karin bangiyadu. Balse waxaa halis weyn ah haddii bangiga dhexe uu noqdo bangi aan tabar badan lahayn. Tani waxa ay horseedi kartaa halis dhaqaale oo aad u ballaaran.

Iyada oo la raacayo nidaamka shaqo ee bangiyada ayaa waxaa bangiyada deymaha bixiya waxaa waajib ku ah yahay in keydkooda(Reserve) ay ku hayaan ugu yaraan 10% ama 20% lacag walba oo loo dhiibto(Deposited), Boqolleydaasina waxaa ay ku xirantahay hadba siyaasadda bangiga dhexe ee hadba dalka markaa la joogo.

Tusaale: Haddii bangiga loo dhiibto lacag dhan €100,  waxaa laga rabaa in a Keydkiisa gaarka ah ama midka maalgashiba(Security Investment) ay ku jirto lacag aan ka yareyn €10, lacagta kale ee soo hartay ee ah €90 waxaa uu u adeegsan karaa in uu deymiyo macaamiishiisa isaga oo dulsaaranaya macaash.

Bal aan isla fiirinno Jaantuska kore. Jaantuska waxaa ku cad in:

Macmiil uu Bangiga A (Bank A) dhigtay lcag €100 ah, sida aah horay u sheegnay bangiga waxaa loo ogol yahay kaliya 10% in uu Keydkiisa (Bank Reserve) ku haayo.

•Bangiga waxaa uu Keydka dhigay lacag dhan €10, oo ah lacagtii qasabka aheyd in uu keydka ku haayo.

•Sidoo kale Bangiga waxaa uu Macmiilkii lacagta dhigtay uu siiyay lacagt €2 ah, oo ah Dulsaarka macmiilka marka uu lacag bangiga dhigto.

•Bangiga waxa uu €90 deymiyay macmiil kale isaga oo dulsaar ahaan u saartay €16.2 oo ah 18% oo ay ku heshiiyeen.

Sidaas waxaa bangiga koontadiida ku soo dhacday €90 + €16.2 = €106.2 , waxaa lacagtaan bixiyay macmiilkii dambe ee lacagta la deymiyay.

•  Bangiga wuxuu sidaan ku shaqeystay faa’iido dhan €16.2 – € 2 (Interest Paid ) = €14.2.

•   Markale ayuu Bangiga wuxuu lacag dhan €90 deyminayaa macmiil sadexaad sidaas ayuu lacag u uku sameynayaa isaga oo aan wax lacag ah heysan. Hanaankaan waxaa loo yaqaannaa ku shaqeynta lacagaha ay dadka kale leeyihiin (Other People Money ama OPM).

Waxaa halkaan inooga caddaatay in bangiyadu ay lacag aan daabcneyn ay ku dari karaan dhaqaalaha dalka. In kasta oo ay lacag walba oo ay abuuraan qasabtahay in uu bangiga dhexe la socdo, balse ka waran haddii bangiga dhexe uu yahay mid si sax ah u shaqeyneyn ama awood uu wax ku maamulo laheyn. Waxaa laga yaabaa in aad is weydiineyso, culeys intee le eg ayay dhaqaalaha ku yeelan karaan?

 

Saameynta Ay Bangiyada Ku Yeelan Karaan Dhaqaalaha Dalka:

Si aan u fahanno saameynta ay bangiyadu ku yeelan karaan waxaan adeegsan doonnaa Jaantus kale oo la mid ah kii hore balse ay markaan ku jiraan dhowr Bangiyo.




Sida ka muuqato Jaantuska kore:

Bangi A (Bank A) ayaa waxaa la soo dhigay lacag dhan €100 waxaana soo dhigay Macmiilka A.

Bangi A (Bank A) lacagtii waxa uu ka reebay lacagtii qasabka aheyd in bangiga lagu hayo (Bank Reserve) ee 10% ka aheyd oo noqotay €10. Inta soo hartay €90 waxaa uu deymiyay macmiil labaad (Person B). Bangi A kaliya waxaa uu hayaa € 10.

Macmiilka Labaad (Person B) lacagtii la deymiyay waxaa u uu ku gatay guri, waxaana u ku shubay Bangi B (Bank B) oo ah Bangiga qofka uu Guriga ka gatay la macaamilo.

  Bank B waxaa uu lacagti ka reebay intii loo oggolaa € 9 oo ah 10%. Intii soo hartay oo ah €81 waxaa uu deymiyay macmiil saddexaad (Person C).

  Macmiilkii Saddexaad (Person C) lacagtii waxaa uu ku gatay gaari, waxaa uuna ku shubay lacgtii Bank C.

Bank C lacagtii waxaa uu ka reebay intii keydka loo oggolaa €8.1 00 ah 10%, lacagtii kale oo dhan €72.9 waxaa uu deymiyay macmiil afaraad (Person D).

Macmiilka afraad (Person D) lacagtii waa  uu dukaameystay waxaa uuna ku shubay bangi D.

Bank D lacagtii waxaa ka raabay intii qasabka aheyd oo ah €7.29, inta soo hartay oo dhan €65.61 waxaa uu deymiyay macmiilkii shanaad (Person E).

Lacagtii €100 aheyd waxaa laga sameeyay intaas oo faa’ido oo uu bangi walba marka ay Koontadiisa ku soo dhacdaba faa’iido ayuu ka sameynayay ka fakar haddii ay malaayin yuuroo ahaan laheyd. Lacagahaas laga faa’iday oo dhan ma ahan lacago kaash ahaan loo haayo ee waa lacago ku dhex wareegaya Bulshada uun. Sidaas ayay lacagaha lambarrada ah u badanayaan oo waxaa ay ka badanayaan kuwa  la taaban karo ee gacanta lagu hayo. Mar walba oo ay aad uu sii badato lacagaha ay bangiyada sameeyaan waxaa ay saameyn dhaqaale ku yeeshaan guud ahaan Dalka oo dhan.

Haddaba sidee lagu soo saari karaa qaabka uu bangiga lacagaha u abuuro? Tusaale ahaan ka soo qaad in xeerka dalka uu qabo in 10% oo ka mid ah lacagta bangiga loo dhiibto uu kaydiyo inta kalana uu dayn ahaan u bixin karo.

100 dollar kasta ee bangiga la dhigaa, imisa ayuu bangiga ka sameyn karaa?

Maadaama Bangiga loo oggol yahay in 10% uu keydkiisa ku haayo, waxaa lagu soo saaraa habkan hoose.

100ka dollar ee macmiilka dhigtay  ayaa loo qeybinayaa  10%  oo ah inta bangiga uu kaydinayo.

100/10% = 1000 dollar.

Lacagta oo uu macmiilka bangiga dhigto oo 100 waxaa uu bangiga abuuri karaa 1000.

 haddii aan  lala socon oo  aan aad loo xakameynin  qaabka lacgata u abuurayo banigaga, waxaa dhici kara sicir barar iyo  musiibo dhaqaale oo xooggan. Waxaa tusaale inoogu filan musiibadii dhaqaale ee 2008kii ka dhacday Mareekanka, Ireland iyo Uk taas xataa intii ay Dalalkoodii ka soo gudubtay soo gaartay dunidii kale.

Si kasta oo ay ahaataba dhaqaleheenna waxaa u ku xiran yahay bangiyada oo la’aantood wax badan oo maanta suurta gal ah waa ay nagu adkaan lahaayeen, iyaguna waa ay adkaan laheyd in ay kaligiood shaqeeyaan oo waxa ay ku shaqeynayaan ayaa ah Kalsoonideenna. Waxaa la tilmaamaa in haddii dadka bangiyada lacagta u taal ay mar qura lacagtooda wada doontaan waxaa adkaaneysa in bangiyadu lacagtaasi bixiyaan. Musiibadaan aad bay bangiyada uga walwalaan waxaana loo yaqaanna (Run on the Bank panic).

Anaga dalkeenna halista ka jirta waa in hey’adihii maaliyadda ay weli yihiin curdan, taasina waxaa ay horseedi kartaa in ganacsatadu gaar ahaan kuwa maaliyadda ka shaqeeyaa ay ku takri falaan hantida Dadka ama ay abuurtaan lacago ka baxsan inta nidaammu u oggol yahay.


Bangiga dhexe ee dalkeenna ma ahan mid awood u leh la xisaabtanka  bangiyada ganacsiga maaddaama ay leeyiin awood aad u ballaaran. Lacagaha aan haysanno waa lamabarro kaliya, kaashka oo dhanna waxaa gacanta ku haya bangiyada, waxaa suuragal ah in ay abuuraan lacago aan jirin oo tirabeel maadaama aysan jirin cid awood leh oo la xisaabtanta, taasna waxa ay keeni kartaa sicir barar iyo lacgata oo qiimo beesha.
 
Ugu dambayn bangiyadu waxa ay muhiim u yihiin dhaqaalaha dal walba ayaga oo fududaynaya hawlaha ganacsiga iyo wax isdhaafsiga bulshada, qaybna ka noqonaya maalgashiga gudaha iyo isku xiradda ganacsiyada dalka iyo kuwa caalamiga ah.

 

 

Tixraac:

1. https://geographyfieldwork.com/

2.https://encyclopedia-of-money.blogspot.com/2010/03/goldsmith-bankers.html

3. Kim, Jongchul (2011). “How Modern Bank Originated: The London Goldsmith-Bankers’ Institutionalization of Trust Young Gee Fitinane”. Business History. Social Science Research Network. 53 (6, 15 October 2011): 939–959. doi:10.1080/00076791.2011.578132. S2CID 154789868. SSRN 2369445.

4.https://www.prarulebook.co.uk/rulebook/Glossary/Rulebook/0/B

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *