WQ: Cabdulqaadir Saahil
Tifatirka iyo faahfaafinta: Warfaa Bayl
Sidee u akhrinaa suugaanteenna?
Sida uu sheegay aqoonyahankii Polish-ka ahaa B. W. Andrzejewski oo suugaanteenna iyo afkeenna muddo badan wax ka qorayey; suugaanta Soomaalida tix iyo tiraaba, marka la joogo abla-abaleynteeda looma kala qaado kala duwnaanshaha duluceed (Thematic range) balse waxaa loo kala qaybiyaa kala geddisanaanta tirada (Quantitative range)[1]
Waxaa jira ‘Duluc suugaaneed/thematic literature’ oo ah jidka ay suugaantu ku aroorto haddii ay tiraab tahay iyo haddii ay tix tahayba. Erayga ‘Theme’ Soomaali waxaa ugu dhaw amase u dhigma, “Duluc” oo la macne ah nuxurka amase ujeedada hadalka. Marka duluc suugaaneedka waxaa lagu qeexi karaa mawaadiicda curiska lagu qotomiyo ee marka qofku in uu wax curiyo doono uu sawirka ku gudbiyo, si kooban waa xubinta uu hadalkiisu ku taagan yahay. Haddii uu hadalku ujeed ka maran yahay waxa ay ka dhigan tahay in uu bilaa nuxur iyo dhadhan yahay, waa tii heestu ahayd:
“Hadal waxaad jeclaataa
Markuu xubin ku joogaa.”
Dulucda suugaantu markasta waa arrin guud oo ay ku kulmaan suugaanyahanka iyo noloshu, markalena xiriirsiisa suugaanyahanka iyo dadka sidii uu Tolstoy ku qeexay fanka iyo suugaanta—waxqabadka dhabta ah ee fanka iyo suugaantu waa ka burburiya teedka wacyiga iyo fagaag kala duwanaasho ee u dhexeeya cidda fanka loo bandhigayo iyo fannaanka/abwaanka falkiyey, intaa kaliya kuma eka saamayntiisuye; waa is afgaradka ka dhexeeya xiskiisa iyo cidkasta oo dheehata fankaas xiskeeda.”[2]
Sidaas si ka habboon oo fan iyo suugaan ba loo qeexi karo ma garanayo, waayo fasirka guud; shaqada fanka iyo suugaantu waa shaqo bini-aadannimo baahiyo guud ayaa keenay ee kuma imanin lahwi iyo danseeg, sida Tolstoy ba qabo, runnimada suugaantana waxaynu qiri karnaa marka ay dareenka iyo caadifadda dadnimo ka turjumayso ayna gorfaynayso waahaya nolosha, welwelka dhimashada, eexda iyo caddaalada, jacaylka iyo quruxda, wanaag iyo xummanta iwm. Dhammaan mawaadiicdan waxay ku uruurayaan “Duluc suugaaneed”, cidkasta oo ku shuquleh suugaantuna waa mawaadiic ay ku gawracantahay oo aysan ka hadalkeeda dhanna ka dhaafayn.
Haddaba Andrzejewski waxa uu sheegay in suugaanta soomaalidu aysan lahayn wax la yiraahdo “Duluc suugaaneed” taasi kama dhigna in ay bilaa nuxur tahay, ee waxa uu ula jeedaa marka la kala qeybinayo duluc ahaan (inta isku u jeed ah) looma kala qeybiyo ee godad ahaan (inta isku meeris ah) ayaa loo kala qaybiyaa iyada oo laga duulayo farqiga u dhexeeya tirada shaqallada iyo xarafyada (Quantitative range) tusaale ahaan maansada abwaan hore laga qoray waxa loo taxaa god ahaan sida gabay, geeraar, jiifto iwm. Sidaas ay tahay waxa laga yaabaa gabay ama geeraar xaraf ahaan iyo maanso ahaan kala god ah ayaa dulucda ka midaysan oo mawduuc gaar ah ka hadlaya lagana yaabaa in duruuf isku mid ah uu ka tiriyey abwaanku, haddaba waa halkan meesha ay u dhimatay suugaanta soomaalidu ee bilaa tixraaxa ka dhigtay!
Laga soo bilaabo Cruttenden iyo Richard Burton ilaa I.M Lewis daraasadohoodii dhaqan way qeexeen doorka gabaygu ka joogo Soomaalida dhexdeeda, sida inaynu nahay umaddii gabayga “Nation of Poetry” gabayguna uu yahay wax nolosha ka tarjuma (reflection) oo inta uu fanyahay ay ka badantahay inta uu waxqabad muuqda yahay⁴, sidaas si lamid ah in gabaygu u kakanyahay sida waayaha reer guuraaga ayey dulucda ku koobeen! Ma runbaa? Haddii ay beentahay se, maxaa loo la’yahay daraasad suugaanteenna si qoto dheer oo aan waaqaca geeljirenimo oo qudha ku ekayn e, mucdeeda soo taabata? Dhanka kale Suugaanta Ingiriisiga iyo Carabiga qaabka loo falkiyey waa duluc ahaan oo mawduuc yar sida kala-tagga ayaa la helayaa gabayo door ah oo laga tiriyey, sidaas si lamid ah waxaa tif ka ah suugaanta ka hadalka dabiicadda ama cimilada laga tiriyey oo habeenka iyo xidigaha ayaad arkaysaa gabyaaga carbeed isagoo la garnaqsanaya
Mawaadiicda agteenna aan lala badheedhin sida xiisaha iyo boholyoowga, iyo kuwa aynu u naqaanno inaan laga gabyin ee cimilada, xiddigaha habeenka iwm, oo ku badan suugaanta Carbeed iyo midda Galbeedba waxaa la odhan karaa dareen fannaanimo ayaa lagu curiyey. Hagaag, haddaba, suugaanteenna inaysan lahayn dareenkan ama aan la dhaadin curinta noocan ah laba sababood ayaan u aanaynayaa midi waa bulshada Soomaaliyeed oo aan suugaanta fan u haysan—waayo gabayga intiisa dhacdo la isla garanayo taabanaysa ayaa duunkeenna u gudubta—ogoobeey hadba suugaanta cidda loo bandhigayo iyo siday u fahanto ayuu ereygu faafaa. Midda labaad waa suugaanyahanka oo hiddaha maansada iyo qaabka soomaalidu u maansooto gaar ahaan gabaygu wuxuu isugu jiraa qayb khayaal ah ama fan ah iyo qayb waaqici ah, aan dhahno arar iyo ujeeddo ayaa uu u qaybsanyahay, arartu waa fan abwaanku aftahamadiisa ku soo bandhigo; marka uu digasho maansoonayo waa hub cidda uu u gabyayo uu ku bahdilo marka uu urugo-maansoonayona waa cod nuxuus ah oo uu dareenkiisa ku muujiyo, isku soo wada duubo hordhaca gabayga ee khayaalka ah ama arartaas fanka ku dhisan inta badan iyadaa ka nuxur badan ujeeddada ama farriinta gabaygu sido ee sida mutuxan ee tooska ah u gudbinayo. Sababtuna waa in ararta iyo dhextaalladu yihiin meelaha halmuceedyada ugu quruxda badan ee maansada soomaalida lagala soo baxo, waayo waa humaagga-faneed ee uu abwaanku ku falkiyo maansadiisa, waa marka uu ugu insaaniyadda badanyahay oo jiraalkoo dhan waa isaga, isaguna waa waxkasta oo jira; haddii uu murugaysan yahay waayihiisa ayuu hoogga nolosha oo dhan ku salaynayaa si qof walba ula dareen noqdo, uguna garaabo. Quruxda faneed ee suugaantu guud ahaan iyo gar ahaan midda soomaalida iyo sidoo kale falsafadda abwaannada halka laga darsi karo waa isla halkan—balse maxay kuugu taallaa? Dhagaha bulshada inta xanafta leh ee waaqiciga ah ayaa deeqda, siiba sooyaalka dhiiggu ku daatay ee abwaanku maansada digashada/baanaha ah ka tiriyey ama midda uu dhiig qubanlahaa ku baajiyey oo maanso ladqabo ah ka tiriyey ayey weeleeyaan. Nafsaddooda ay dabeecadda kakan is yeesheen marka laga yimaado fahanka lagala soo bixi karo middan waa in Soomaalidu dhacdooyinka taariikheed ay gabayga ku suntaan iyo inuu waxtar yeesho oo arrimaha culculus (serious issues) uu san ku kaftamin. Taasaa keentay in abwaanku uu lumiyo kalitooyadiisii “his Individuality” jeer uu noqdo sooyaalkiisu mid reereed oo marka cidi ka galladsheegato cid kale ku godoboobaya.
Qodobkaas sare ee ah in dulucdii iyo fannimadii ay seegto suugaanteennu ma ku baraarugeen aqoonyahankii Soomaaliyeed kuwooda mawduucan u qalin qaatay? Mise meel kalay isku qaadeen?
Aqoonyahanka Soomaalida ah kuwooda wax ka qoray mawduucan suugaanta, gaar ahaan maansada waxay u darseen suugaanta suugaan ahaanteeda, sida mashruucii Miisaanka Maansada ee Gaarriye iyo Carraale ebyeen oo ilaa hadda dooddiisu furantahay—waxaan odhan karaa mashruucani “Miisaanka Maansadu” ma ahayn fahan cusub oo soo biiray balse taas cagsigeeda waa isku-day looga gollahaa in fikraddii soojireenka ahayd ee suugaan-dhaadhigu ku halbeegi jiray maansada la cilmiyeeyo ama laga dhigo shaacsane qofkastaa qoraal kaga bogankaro. Haddaan si kale u dhaho—waa daraasad abwaanno sameeyeen si dadku suugaandhaadhi u wada noqdaan—iyagoo alannada tirsanaya sida Carraale qabo; ama shaqallada tirsanaya sida Gaarriye qabo; ama labadaba (alannada iyo shaqallada) adeegsanaya sida Cali Ileeye yiri: “Miisaanka Maansadu ma aha cilmi lagu barto sida loo maansoodo, se waa cilmi lagu kala garto maansada toosan, ta maroorta iyo ta jaban. Sida oo kale waa cilmiga la gu kala barto godadka maansada ee faraha badan”[3]
Maxaynu ugu jirnaa weli xilligii suugaanteennu ku dhex go’doonsanayd miyigii iyo meelaha aqoon-kadheerta ah ee ay ilaa dura ku abaadsanayd, iyadoo badankeediina lala duugay dadkii qaybsanaa; intaan farta la qorin iyo iyadoo la qorayba? Marlabaad waqtigan xasaasiga ah ee uu socdo kacaanka dabaqashada dhaxalka suugaaneed (legacy) ee foolaadka abwaannadii galbaday iyo kuwa noolba laga falkiyey muxuu soo biiriyey?
Caqabada badan ayaa arrintan hortaagan—suugaanta fahankeeda in la bullaaliyo—waxaana kow ka ah fududaysiga gorfaynta iyo maqnaanshaha halbeeg aynu suugaanteena iyo midda dunida isku barbarhdigno, Ugu horrayn se bogaadin ayuu mudanyahay qofkii dedaalkiisa ugu qalabqaatay ururinta iyo kaydinta suugaan baylahsanayd, iyadoo wanaag ah haddana eelka middan ka dhashay iyo iimaha la iska hidda raacay waa waa haltebinta “Narrative” oo buuggu si toos ah ayuu ku haybsanayaa! Waayo dhadhanka uu kuu samaynayo diiwaanka gabay ee aad akhrido waxa jaangoynaya aragtida aad ka haysatid reerka abwaanku ka dhashay. Ma lihi gabyaaga ayaa reernimada ka hufan, oo taas waa la isla qirsanyahay—in abwaanku yahay ruuxda reernimada, ayna tayada gabaygiisu le’egtahay hadba inta uu reerkooda wax tar u yahay sidii Samatar Baxnaan qiray, [4]intaas oo dhan waan qirsanahay balse dhiillada aan ka hadlayo waa diiwaannada gabayada iyo qaabka loo qoro oo shaki kaa galinaysa in gabyaagu xambaari karo dareen korran oo reernimada ka sarreeya, aan dhaho; xogaha shaqsiyadeed, sooyaalka gabyaaga iyo faallooyinka gabaygiisa intaas ba waxa ka masuul ah qoraaga haddii uu seeraha reernimada kas ugu ekeeyo waa uu ku takrifalay—dabcan wayna ku takrifalaan oo dadka diiwaannadan qoraa xigtonnimada qoraaga iyo hawlkarnimo ayaa ku kellifta hawshan xilkaleh ee sida badan qoraayo ma aha.
Hagaag, haddaba labadaa qolo ee suugaanta wax ka qoray (qoraayada diiwaanlayda iyo abwaannada miisaanlayda) labaduba dulucdii gabayga waa ay ka ilduufeen, oo fikradihii soojireenka ahaa ayey sii tarmiyeen, sidaas awgeed waxa meesha ka baxay waa doorkii aqoonyahanka Naaqidka ah, haba yaraatee horrayso iyo dambaysaba kaalintaasi way bannaanayd—haa in suugaanta lala falgeliyo nolosha iyadoo aan ereyga erey ahaantiisa loo eegayn—si ka duwan miisaanlayda— haddii dulucdiisa lagu saleeyo, halkaasna falsafadda gabyaaga iyo abbaartiisa (POV) laga darso, waa doorka suugaanteennu tebayso. Inkastoo arrintan naqdiga ay ku baraarugeen dad dhif ah oo uu ugu horreeyo qoraagii/naaqidkii waynaa ee Maxammed Daahir Afrax iyo Siciid Shiikh Samatar oo suugaanta Kalaasigga ah daraaseeyey.
Kolkaa sida loo helay qoraa summada geelooda suugaanta ku dhiga si lamid ah ayeynu ugu baahannahay suugaanteenna go’doonsan aqoonyahan u jidbixiya oo aragtiyaha iyo laamaha aqoonta la falgeliya. Haddii qofkaas la waayo “Umaddii Gabayga” yeynaan sheegan waayo gabaygeennuba heer umadnimo ma gaadhsiisna! Sida uu suuq u yeeshay miisaanka maansadu si lamid ah ayeynu ugu baahannahay fahan cusub oo aan shaqal iyo alan midna ahayn ee ah nuxurka suugaanta iyo aragtiyaha ku jira, Haddii middaasi la waayo Gar baa la inoogu leeyahay in suugaanteenna loo arko maaweelo ay cawaan duurjoog ahi ku madadaalan jirtay?
[1] Development In the Study of Somali Poetry 1981-1986
B. W. Andrzejewski
Northeast African Studies
[2] What is art; (chapter five)
1897 Leo Tolstoy
[3] Xabag Barsheed: Cali Ileeye
Garanuug
[4] https://youtu.be/AS_3t4Hutv8

Gabyaaga carbeed kaliya miyaa xidiga la garnaqsaday
Xalay baan nuskii dhaxe xili goor danbe an kacay
Xidigaha cirkoo qaar xaajo isku haystaan
Xeer beegti baan galay gartii baan u xarig furay
Way xidid ad kaato way iga xeel gun dheertahay. Abwaan aadan tarabi