Maxaad samayn doontaan kolkaad soo gaartaan meesha aanu gaadhnay?
W/Q: Ascad Daha
W/T: Usuuludiin Mohamed
1
Waxaad naxdin dareemi doontaa kolka aad madaxa la gasho da’da konton jir, raadka ay kugu yeelanayso way ka kulushahahy tan ay lixdan jirku kugu yeelanayso, ugu yaraan waa tan anigaygan kula hadlaya i qabsatay, hal mar baad la ammakaagi inaad noolayd nus qarni, aadna weynaatay. Intaas kaddib waxaad billaabi inaad u kuurgasho is-beddellada kugu dhacay, waxaadna naftaada weydiinaysaa: “Maxay cidina inoogu sheegi wayday inaanu la kulmayno waxa aanu maanta u joogno?” Waana midda ay qormadani daaran tahay.
2
Inaad weynaatay waxaa kuu marag furi doona kolka ay gabadh yari kugu tidhaahdo “Adeer”, deetana aad daymooto hareerahaaga, mise cidda ay geenyadu la hadlayso waa adiga. Inaad weynaatay waxaa kuu caddaynaysa markaad gaadhi soo raacdo oo kurisga lagaaga kaco, aadna hal mar isku darto mahadcelin iyo naxdin isku ladhan. Inaad waynaatay waxaa ku tusi doonta marka aad u tagto dhakhtar kaa yar soddon sano, kaddibna markaad xanuunkaaga u sheegto uu hadalka kuugu soo koobo xanuunka ku haya waa da’da. Inaad weynaatay waxaa kuu sheegaysa amminta aad la kulanto saaxiib ay muddo isugu kiin danbaysay oo aad ka anfariirto is-beddelka gaboow ee suureeyey jidhkiisa, isla jeerkaasna ay maskaxdaadu kuu soo tuurto inaadba isku ayni ahaydeen. Inaad weynaatay waxaa kuu caddayn doona jeerka aad la kulanto qof dhibsanaya kaftankaaga iyo fudaydkaaga, oo si qayaxan kuu oranaya da’da aynigaaga oo kale ah inay is jiraan oo caga dhigtaan baa u quman.
3
Sidee cimrigaygu sidan degdegga ah ugu dhaqaaqay? Maxaan nolasha ka qabsaday? Iyo nolashaydu sidee bay qaabkan ku noqotay? Su’aalahan dahabiga ah ayaad had iyo jeeraale ku cataabi doontaa, xitaa haddii aad dunida libin la taaban karo ka gaadhay, maayada xusuuseed ee maskaxdaada ku duuban ayaa indhahaaga hortooda maraysa mar walba oo aad dhex muquurato dareen hiirtaayo ama gocasho cuskan.
Waxaa ku xanuujin doonta qoomammo, sababta ay qoomamadu kuu silcin doonto maaha guuldarrooyin aad gashay darteed, mana ahan go’aanno khaldan oo aad qaadatay gadaalna aad ka ogaatay inay khalad ahaayeen, mana ahaan xulashooyin ama togoshooyin ay ahayd inaad kala doodarto, xitaa maaha doqonimo aad ku kacday, oo waxaasoo dhan waxaad u samaysay siday kuula muuqdeen iyo dabciga aadane ee lagugu abuuray, waana kugu caddaalad-darro inaad naftaada dusha uga tuurto waxaas oo dhan, illeyn adigu kama war hayn qaybka, mana ogayn wuxuu qadarku kuu qariyey.
Laakiin qoomammada dhabta ah ee aad farta dhexda ka qaniini doontid waxa weeye: Wakhtiyadii aad beerdarraysay. Maalmihii iyo bilihii ku seegay adigoo waxba ku qabsan. Wakhtiyadii aad raadcayn jirtay waxaad ku dili lahayd. Wakhtigii aad u oommaneed in waqtigu si mirirq ah kugu dhaafo. Wakhtiyadii aad ku luminaysay dagaallo iyo xifaaltan aan macno lahayn. Wakhtiyadii aad ka murugsanayd arrin kugu taagnayd gadaalna aad ka ogaatay inaysan ba u qalmin wax loo murugoodo. Wakhtiyadii aad ka cabsanaysay arrin aad is lahayd way dhacaysaa laakiin aanan ba dhicin. Wakhtiyadii aad naftaada ka hormanrinaysay dadyoow kale si aad u raalli galiso isla jeerkaasna aynanba kaa raali noqon, adiggana ku seejiyeen inaad qabsato wixii kula qummanaa ama habboonaa.
4
Dhanka kale, marka laga yimaaddo silica iyo qoomammada, waxaad dareemi doontaa hufnaan maskaxeed, hummaagyadii caadku ka saarnaa waxaad u arki doontaa si cad, wax walibana wuxuu kuu la’ekaan doonaa cabbirkiisii saxda ahaa, waxaana kaa faydmi doona daahii kaa qarinayey inaad wax walba si dhab ah u aragto. Waxaad dunida ku eegi doontaa muuqaal cusub oo la mid ah sidii adigoo ciyaar daawanaya oo leh “laacibkaasi inuu sidaa iyo sidaa sameeyo ayey ahayd”, kadibna aad iska sii dhaafto.
Sidoo kale waxay dunidu kula muuqan doontaa goob ay caruur doqommo ah ay isku haystaan waxyaalaha lagu ciyaaro ama xabbad nacnac ah, adiguna aad is kala han weyn tahay inaad la falaaddo, waxaadna aaminaysaa inaadan u dhalan dunidan ay caruurtu isku haysataan, balse aad ka soo jeeddo caalam kale. Waxa keliya ee aad u sii joogtana uu yahay inaad sugayso Malaggii nafta kaa qaadi lahaa.
Jahwareerku wuxuu kaaga billaaban doonaa waxaad ku qaban lahayd wakhtigan gabaabsiga ah ee kuu haray. Waxaa xasuusta maskaxdaada ku soo maaxanaya su’aalo la mid ah kuwa la waydiiyo qof ku xukuman dil toogasho oo ay ka mid tahay: Maxay tahay doonista ugu danbaysa ee aad leedahay? Su’aashaa qalafsan ee la waydiiyo ruuxa xukuman ayaad adigguna si degdeg ah isku waydiin: “Horta maxay tahay yadadiillada ugu danbeysa ee aan nolashan kooban ka leeyahay?”.
Waxaa adiga oo dhan isku kaa gadaamaya caloolyow iyo jahawareer, mararka qaar waxaad moodaysaa inaad dib ugu laabatay da’dii qaangaadhnimad. Waxaad u babac dhigaysaa inaad raadiso wax walba, waxaad rabtaa inaad naftaada la faraxadid, waxaad doonaysaa inaad mar labaad is hesho (dib isku barato), waxaad rabtaa inaad nasato. laakiin kaba soo qaad hadduu Alle cimriga kuu daayo ilaa Siddeetan jir, ma labaatan sanno oo danbe ayaad sidan u sugi lahayd geerida? Maya. Waxaad doonaysaa inaad ilaa ilbiriqsiyada kuugu danbeeya nolashaada aad si dhab ah wax u qabsato. Ma waxaad doonaysaa inaad dagto oo xasisho? Maya. Waxaad doonaysaa inaad boorsadaada yar dhabarka saarato oo iska hayaantid, illeyn dadka socotadi ahi weligood ma istaagaane. Xanshaashaqan iyo su’aalahani waa muran joogto ah oo laabta gubaya.
Ani ahaan, Ascad Daaha, waxaan go’aan ku gaaray inaan naftayda la saaxiibo, lana heshiiyo da’dayda, marxaladda aan ku jirana aan si dhadhan leh ugu noolaado. Waxaan go’aansaday inaan timahayga waxba marin, labiskayga aanan baddelin, isla jeerkaasna aan sii wato qosolkayga iyo kaftankayga inta karaankayga ah. Tan waxaas oo dhan iiga muhiimsan waa inaan ilaaliyo kana warqabo dhiblowga igu dhex nool oo lagu ibtileeyey: dhaqaaqa joogtada ah; foodsaarida meel walba oo anfariir iyo is-miidaamin leh; balwaddana u leh inuu tijaabiyo wax walba oo cusub.
Markaan weynaaday waxaan hoosta ka xariiqay inaan u dhaqmin siday u dhaqmaan dadka hawlgabka ah, balse taas baddelkeeda waxaan raacdeeyaa hawl ama shaqo cusub oo aan qabto, shaqoba shaqo kale ayay ii dhiibtaa, mid markaan ka faraxashto ama ka nasto waxaan gudagalaa inaan mid kale hore ka sii billaabo.
5
Waxaan goor hore ogaaday in farqi weyn u dhaxeeyo in aynu “Weynaano” iyo in aynu “Gabowno”. Waxaynu gabownaa oo jiritaankeenna nololeed wiiqmaa kolka aynu rejo beel noqono ama marka aynan wax la taaban karo dunida ka rabin. Sidoo kale waxaynu gabownaa mar walba oo aynu dareenno inaynu nolasha joogitaankeeda dheeri ku nahay, wax kaalin iyo boos ahna aynan ku lahayn. Kolkaas waxaynu ku doodi karnaa in macnaha erayga “Gabow” uu yahay xaalad, ee uusan ahayn marxalad ka mid ah heerarka nolasha, waana xaalad ay qayb ka mid ah tan dhallinteennu maanta ku noolyihiin.
Dhab ahaantii, inkasta oo aysan i khusayn, haddana waxaan aad ula dhacay markaan akhriyey in taariikhda ay ka buuxaan dad nolashoodu sanadihii ugu danbeeyeysay fariid noqday, kana sameeyey dunida horumar la taaban karo, waxaana dadkaas ka mid ah Michel Angelo; Bach; iyo Edison-kii isagoo 80 jir ah dunida ku oo kordhiyey intaas oo hal-abuur iyo farsamo kala duwan. Sidoo kale dadka aynan da’du ka hor istaagin horumarkooda waxaa ka mid ahaa Satchel Paige, laacibkii kulamadda waaweyn ee kubadda Baseball-ka u safan jiray kooxdiisa ilaa uu ka gaadhay da’dii 59.
Simone De Beauvoir ayaa qormo ay qortay waxaa ku jiray:
“Si aynan marxaladda gabowgu ugu ekaan nolasheenii hore ee qaabka darnayd, waxaa inoo furan xal keli ah, waana in aynu raacdayno yoolal iyo himmilooyin sarsare oo nolasheenna qiimo u yeelaya sida: In aynu daacad u noqono dadyowga innagu hareeraysan, kooxaha aynu ka tirsananhay, aragtiyooyinka aynu aaminsananahy haddii ay ahaan lahaayeen kuwo bulsho; siyaasad, fikir, iyo kuwo hal-abuurba”.
6
Marka aad gaadho da’da aan gaadhay waxaad dareemi doontaa inaad casharro badan ka baratay nolashii qallafsanayd ee aad sida xawliga ah ku soo jartay, laakiin su’aasha anfariirka iyo naxdinteeda wadata oo aad is waydinayso waxa weeye: Maxay casharadan tirada badani faa’do iyo qiimo ii samaynayaan, maxaanse ku qabtaa ximkadahan aan nolasha ka bartay?
Xilli ku siman 30 gu’ ka hor, ayaan mid ka akhristay oraahda: “Waa in aynu noolaana labo nolalood: Mid aynu wax ka baranno iyo mid aynu ku fulinno wixii aan soo baranay”, haddaba casharro aan la hirgalinayn maxay abdo iyo faa’ido leeyihin? Ma u malaynaysaa inaan xusuusnahay hadalkaas iyadoo ay intaas oo sano ka soo wareegtay? Waxaa laga yaabaa sidaa aan maalinkaa ula yaabanaa inaad adna ula yaaban tahay.
Waxaa laga yaabaa inaad ku fakarayso hadaad dhalinyarta u gudbin lahayd khibradaada, iyo casharada aad nolasha ka baratay, taasna waxaa u daliil ah hadalkii uu lahaa José Saramago “Dhalintuna ma yaqaaniin waxay awoodaan, waayeelkuna ma awoodaan waxay garanayaan”.
Balse dhalinyartu, xaq bay u leeyihiin inay u noolaadaan qaabka; waaya-aragnimadooda, iyo sida gaarka ah ee ay ula muuqato nolashu, illeyn nolashuba waa farsamo gacmeed, qofkastana wuxuu gacantiisa ku sunto ama ku qaabeeyo ayaa la yeelata raandhays iyo dhadhan gooni ah.
Dhalinyartu, xaq bay u leeyihiin, ma jeclaa inay xidhaan dhar tolan oo hore loo sii diyaariyey, sidaas darteed ayey u diidaan oo ku gacan-sayraan talada waayeelka, waxayna nolasha u waajahayaan siday ula muuqato iyo fakarka ay ka haystaan. Waa ay kacaankufaan oo marna guulaystaan marna guuldarraystaan, ilaa ay ka gaaraan da’da waayeelnimada, markaas ayuu midkood dhahaa casharada iyo xikmadaha aan nolasha ka bartay maxaan ku qabtaa; waa inaan baraa dhalinyarta! Mawqifka ay talada odaygaas dhalintu ka taagan yihiin waa kii aan soo sheegay, waana silsilada meerto ah oo isku maageersan.
Noqo halgamaa ilaa ilbiriqsiga ugu danbeeya nolashaada, xitaa hadii aad waxyaalaha qaybtood ku weynaysid
7
Haddaba, adiguna marka aad weynaato maxaad samayn doontaa?
Taladayda gunto oo xusuunoow: Noqo halgamaa ilaa ilbiriqsiga ugu danbeeya nolashaada, xitaa hadii aad waxyaalaha qaybtood ku weynaysid, ku dadaal inuunan qalbigaagu ka mid noqon waxyaalaha aad waynaysid, kuna dadaal in weligaa uusan daciifin awooda qalbigaagu.