Xaggee ka codaynaysaa berri? Waydiin ku cusub carrabka reer Muqdish
Waxaa qoray: Amiir Cabdifitaax
Waxay ahayd cawayskii 11-kii fiidnimo oo Xamar looga garan og yahay 5 saac oo habeennimo. Waxaan daal ku ag dhacay habeenkaa maqaaxida caanka ah ee ‘Bar Italia’, aniga oo is leh koob shaah ah oo adag kaga dhufo. Markaas ayay ahayd goortii ay dhegahayga kusoo dhacday su’aasha fajicisada ah: Xaggee ayaad ka codaynaysaa berri subax? Waa weydiin ku cusub carrabka iyo dhegaha reer Muqdisho. Tanise waa u billaw cusub!
Doorashooyinka noocan ah waxa Muqdisho ugu dambaysay in ka badan nus qarni iyo xilligii askartu waddanka qabsatay. 25 Desembar 2025 waxaa muddo dheer ka dib safaf loo galay gobolka Benaadir doorashooyin toos ah oo golayaal degaan ah.
Fursadsiinta Haweenka iyo Dhallinta ka Qaybgalka Siyaasadda
Sida la wada ogsoon yahay siyaasadda odayaashu kootaysteen ee soojireenka ka ah dhulka Soomaalida waxaa ka caagganaa dhallinyarada iyo haweenka. Hase ahaatee mar walba oo sanaaduuq-u-dareerku hirgalo ama awoodsiinta shacabka ee qof iyo cod arrintii soojireenka ahayd meesha waa ay ka saartaa. Tijaabadaa Benaadir ayaa u marag ah.
Sida Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranku sheegeen haweenku waxa ay ku leeyihiin tartanka degmooyinka Benaadir 361 musharax, taas oo noqoneysa ku dhawaad 23% musharrixiinta guud ee baratamaya.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in sharciga doorashooyinka ee Soomaaliya uu dhigayo in ururradu marka ay soo gudbinayaan liisaska musharrixiintooda ay u hoggaansamaan qoondo haweenka ah ugu yaraan 30%, si loo dhiirrigeliyo kaqaybgalka dumarka ee siyaasadda iyo sinaanta bulshada.
Dhanka dhallinyarada, sida Guddiga Doorashooyinka Qaranku shaaciyeen (NIEBC), 69% xubnaha tartamaya waa dhallinyaro da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 35 sanno. (The National Independent Electoral and Boundaries Commission).
Taswiir muunadaynta Xamar iyo xaalka Soomaalida
Iskudayga Dimuqraadiyeynta gobolka Benaadir wuxuu sawir nabdoon, horusocod ah rejana huwan ka bixinayaa Xamar iyo guud ahaan xaalka Soomaalida oo ay suuqa u galeen; sawirro kharriban oo uur-ku-taallo iyo nidaam la’aan muujinaya. Arrinta hoos-ka-xarriiqa u baahan waa in doorashooyinkani yihiin dib-udhalasho cusub, in la mid ah inta ay xuquuq gudasho shacabweyne yihiin.
Tallaabo Horusocodnimo aan dayro mudnayn: Tijaabo Toosi Karta

Marka laga soo tago khilaafka iyo is-maandhaafka doorashooyinka cusub ee tijaabada ah, tallaabadan dhiirranaanta lihi waxa ay noqon kartaa tijaabo toosta, oo berri dhaxal iyo waayo-aragnimo waarta u noqota doorashooyinka dambe ee golayaasha degaanka oo ay qaban doonaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranku (NIEBC). Geesta kale arrinka biyokamadhibcaanka ahi waa in tijaabadani hore u sii dhaqaajinayso geeddisocodka dawladnimada iyo dimuqraaddiyaynta Gacanka Soomaalida. Dorraad Soomaalilaan ayey ahayd, shalay Puntland maantana waa Benaadir.