Waxaa qoray: Suhayb Caydiid
Hordhac
Doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland waa mid ka baxsan su’aal sharci oo keliya. Waa arrin si qoto dheer ugu xiran siyaasadda caalamiga ah, danaha quwadaha waaweyn, amniga gobolka, iyo xisaabaha juqraafi-siyaasadeed. Tixraacidda sooyaalka nidaamka caalamiga ah wuxuu muujinaysaa in aqoonsiga dawladnimo uusan ahayn geeddi-socod toos ah oo ku dhisan buuxinta shuruudo sharci oo keliya, balse uu inta badan ku xiran yahay dano.
Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya 1991, muddo ka badan soddon sano waxay lahayd maamul shaqeeynaayo iyo hay’ado dowladeed. Si kastaba ha ahaatee, wali kama aysan bixin xaaladda aqoonsi la’aanta caalamiga ah.
Aqoonsiga Caalamiga ah iyo Kaalinta Danta
Taariikhda caalamka waxaa jiray dalal badan oo helay aqoonsi xaddidan, balse aan weli noqon xubno si buuxda uga mid ah nidaamka caalamiga ah. Tani waxay caddeyneysaa in tirada dalalka aqoonsan aysan mar walba ka dhignayn aqoonsi buuxa. Tan iyo 1990-meeyadii, gaar ahaan dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa, aqoonsiga dawladaha cusub waxaa isa soo taraysay inuu shidaalinaayay dano siyaasadeed halkii uu ka ahaan lahaa kaliya sharci.
Kiisaska Kosovo, Northern Cyprus, Abkhazia iyo South Ossetia, waxay muujinayaan hal xaqiiqo oo ku biya-shubanaysa in: quwadaha waaweyn ama kuwa gobolka ay aqoonsan karaan dal danahooda darteed.
Marka laga hadlayo Somaliland, aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil, waa mid si cad ugu saleysan dano. Arrimaha la xiriira Abraham Accords (Caadiyeynta xiriirka Israa’iil-Tadbiic), qaabilaada reer Gaza, iyo xisaabaha amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika ayaa dhammaantood ku gadaaman doodda aqoonsi ee Somaliland.
Haddii dal gaar ahi aqoonsado Somaliland, arrintaasi waxay noqon kartaa mid ku kooban dano gaar ah oo laba geesood ah. Waxaa dhici karta in dalal kale oo yar yar ay raacaan jidkaas, ama inaysanba dhicin. Si kastaba ha ahaatee, aqoonsiyo noocaas ah ma beddeli doonaan qaabka guud ee nidaamka caalamiga ah, maadaama awoodaha waaweyn iyo inta badan dalalka gobolka aysan diyaar u ahayn inay ka hor yimaadaan mabda’a midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tusaale, Dagaalkii u dhexeeyay Ruushka iyo Georgia sanadkii 2008, kaddib dagaalkaas, Ruushku wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday laba gobol oo ka tirsan Georgia-Abkhazia iyo South Ossetia isagoo ku dooday inuu ilaalinayo xaqooda aaya-ka-tashi (self-determination). Si kastaba ha ahaatee, aqoonsigan waxaa si weyn u diiday Beesha Caalamka, maadaama inta badan dalalka dunidu ay weli u aqoonsan yihiin labadaas gobol inay qayb ka yihiin Georgia (Cornell & Starr, 2009; Toal, 2017).
Arrintan waxay si dhow ula mid tahay tusaalaha Kosovo, oo ku dhawaaqday madax-bannaani sanadkii 2008 kadib dagaallo iyo faragelin caalami ah oo ka dhacay Balkans-ka. Kosovo waxaa aqoonsaday in ka badan 100 dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay, balse ilaa hadda ma helin aqoonsi caalami ah oo buuxa, maadaama dalal awood leh sida Serbia, Russia, iyo qaar kale ay si cad u diidan yihiin madax-bannaanideeda. Sidaa darteed, Kosovo weli ma aha xubin rasmi ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay, taas oo muujinaysa in aqoonsiga caalamiga ahi uusan ku imaan kaliya ku dhawaaqid madax-bannaani, balse uu ku xiran yahay is-afgarad siyaasadeed oo caalami ah (Weller, 2009; Vidmar, 2012).
Xiriirka Israa’iil, Maraykanka iyo Somaliland: Aqoonsi lagu Beddeshanayo Barakicinta reer Gaza
Bishii Maarso 14, 2025, wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa soo xigatay saraakiil Maraykan iyo Israa’iili ah oo xaqiijiyay in Maraykanka iyo Israa’iil ay wadahadallo la yeesheen labbo dowladood oo Bariga Afrika ah, kuwaas oo kala ah Suudaan, Soomaaliya, iyo maamulka Somaliland, si looga wada hadlo barakicinta khasabka ah ee Falastiiniyiinta Gaza. Sida warbixintu sheegtay, ujeeddadu waxay ahayd in Falastiiniyiinta laga raro Gaza lana dejiyo dhulalkaan.
Warbixintu waxay tilmaantay in beddelka aqbalidda Falastiiniyiinta la dejinayo, dowladaha Bariga Afrika loo ballanqaadi karo dhiirrigelinno kala duwan oo ay ka mid yihiin taageero dhaqaale, mid diblomaasiyadeed, iyo mid amni. Arrintan ayaa Somaliland u siisay muhiimad gaar ah, maadaama aqoonsiga caalami ahi yahay mudnaanta ugu weyn ee madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Sarkaal Maraykan ah oo ku lug lahaa wadahadalladan ayaa AP u xaqiijiyay in Maraykanku uu waday “wadahadallo hoose” oo uu la leeyahay Somaliland, kuwaas oo ku saabsan sida ay Somaliland uga caawin karto Maraykanka arrimo kala duwan, beddelkeedana loogu abaal-gudo aqoonsi. Tani waxay muujinaysaa in aqoonsiga Somaliland lagu xiray dano siyaasadeed oo ka baxsan arrimaha gudaha ee Somaliland lafteeda.
Bishii Sebtembar 2025, warbaahinta caalamiga ah ayaa soo werisay in Israa’iil ay la xiriirtay Somaliland, iyadoo u aragta meel suurtagal ah oo la dejin karo Falastiiniyiinta ay qorsheyneyso inay ka saarto Gaza. Isla xilligaas, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa la sheegay in xukuumaddiisu la xiriirtay ugu yaraan afar dal si ay u sahmiso arrinta rarista khasabka ah ee Falastiiniyiinta.
Horraantii bishii Agoosto, Madaxweyne Donald Trump ayaa shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad, halkaas oo su’aal laga weydiiyay in Maraykanku aqoonsan doono Somaliland haddii ay aqbasho Falastiiniyiinta. Trump wuxuu ku jawaabay in arrintaas la baarayo, isaga oo ku tilmaamay “su’aal adag, wuxuuna sii raaciyey inay ka shaqeyn doonaan” balse muu bixin jawaab cad.
Wax ka yar toddobaad kaddib, Senator Ted Cruz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa warqad u diray Trump, isaga oo ku baaqay aqoonsiga Somaliland. Mid ka mid ah sababaha uu xusay Cruz waxay ahayd in Somaliland ay dooneyso inay xoojiso xiriirka ay la leedahay Israa’iil, isla markaana ay taageero u muujisay Abraham Accords, heshiisyo caadiyeynaya xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carbeed. Waxaa sidoo kale la ogaaday in Cruz uu helay maalgelin dhan ku dhowaad laba milyan oo dollar oo ka timid ururro taageera Israa’iil, oo ay ku jirto AIPAC.
Wasiir dowlaha arrimaha dibadda DFS Ali Balcad ayaa Al Jazeera u sheegay in Israa’iil ay si ula kac ah u raadinayso aqoonsiga Somaliland si ay u sii fududeyso barakicinta Falastiiniyiinta Gaza. Wuxuu sheegay in “mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee ka dambeeya arrintan ay tahay rarista Falastiiniyiinta Gaza,” taas oo uu ku tilmaamay yool si ballaaran looga yaqaan siyaasadda Israa’iil.
Al Jazeera ayaa la xiriirtay wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland si ay uga helaan faallo ku saabsan qorshaha rarista Falastiiniyiinta iyo haddii ay jirto wada hadal ay la leeyihiin Israa’iil, balse wax jawaab ah lagama helin. Dhanka kale, Channel 12 ayaa soo warisay in “horumar laga sameeyay” wadahadallada u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland ee la xiriira arrintan.
Qodobadan oo dhan waxay muujinayaan in xiriirka u dhexeeya Israa’iil, Maraykanka, iyo maaulka Somaliland uu si toos ah ugu xiran yahay dano siyaasadeed iyo istaraatiiji ah, halka aqoonsiga Somaliland loo adeegsanayo aalad lagu hirgelinayo ajandayaal muran badan dhaliyay, gaar ahaan kuwa la xiriira mustaqbalka Falastiiniyiinta Gaza.
Caqabadaha aqoonsi ee Somaliland
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Somaliland hortaagan waa mowqifka dalalka iyo ururrada waaweyn. Ururrada gobolka iyo kuwa Islaamka sida Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), IGAD, iyo Midowga Afrika iyo dalal ku dhaw 10 oo ugu madaxweynyihiin Turkiga, Sacuudiga, iyo Qatar ay camaareeyey ficilkii sharcidaradda ahaa uu ku kacay maamulka Yahuuda. Warbaahinta Somali Stream oo soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Falastiin oo si cad u taageeray midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale Dowladda Falastiin waxay si adag u cambaareysay tallaabo kasta oo Israa’iil ay ku aqoonsanayso Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo dhaawaceysa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Tani waxay keenaysaa dalal wadadaa mari lahaa inay dib u joogsadaan. Dalka labaad ee la hadal-haaye inuu aqoonsan doono SL ee Suudaanta Koonfureed ay taageeray midnimada dhuleed ee Qaranka Soomaaliya.
Warbaahinta caalamiga ah, New York Times, ayaa soo xigatay in Donald Trump uu cadeeyay inuusan diyaar u ahayn aqoonsiga Somaliland. Aqoonsiga xaddidan ama halka dhinac ah wuxuu Somaliland u keeni karaa caqabado dhaqaale iyo kuwo istaraatiiji oo halis ah. Waxaa suuragal ah in dalalka qaarkood ay xaddidaan iskaashiga dhaqaale, gargaarka, ama maalgelinta, iyagoo ka cabsi qaba inay ku lug yeeshaan khilaaf siyaasadeed. Sidoo kale, aqoonsi muran dhalinaya wuxuu kordhin karaa culeyska amni iyo mid diblomaasiyadeed, gaar ahaan marka la eego xaaladda Geeska Afrika oo horey u ahayd mid xasaasi ah. Sidaas darteed, inta badan dalalka adduunka diyaar uma aha inay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka doortaan ama ka aqoonsadaan qeyb ka mid ah dhulkeeda.
Jethro Norman, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Denmark (DIIS), ayaa qaba in faragelinta Maraykanka iyo Israa’iil ee Somaliland, gaar ahaan rarista Falastiiniyiinta, ay abuuri karto fursado waaweyn oo ay ka faa’iideystaan kooxaha hubeysan. Sida uu sheegay, Al-Shabaab iyo IS-Somalia (Daacish) muddo dheer ayay halgankooda sal u ahaa dagaal ka dhan ah faragelinta shisheeye iyo difaaca madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo sidoo kale si joogto ah u adeegsada hadaladaan “dhul-boob ay taageerayaan reer galbeedka” iyo shirqool ay ku tilmaamaan “Isbahaysiga Saliibiyiinta iyo Sahyuuniyadda.”
Markii dagaalka Israa’iil iyo Gaza uu billowday bishii Oktoobar 2023, Al-Shabaab waxay abaabushay mudaaharaadyo waaweyn oo ay ku muujinayeen taageerada Falastiin, kuwaas oo ka dhacay deegaannada ay maamulaan. Sidoo kale, kumannaan qof ayaa isugu soo baxay bannaanbaxyo ay ku taageerayeen qadiyadda Falastiin dhulalka ay gacanta ku hayaan kooxaha hubeysan ee Soomaaliya. Tani waxay muujinaysaa sida arrinta Falastiin ay u tahay mid awood leh oo kicin karta dareenka diimeed iyo midka siyaasadeed, isla markaana ay kooxaha xagjirka ahi si xeeladeysan u adeegsadaan. Khibradaha taariqeed waxay noo sheegayaan ina suurtagal tahay. Alshabaab oo koonfurta Soomaaliya qeybo kamid ah joogo caqabadna ku ah dowladnimmada Soomaaliya waxyaabaha xoojiyey bilowgeeed waxay kow ka ahaa duulaankii Itoobiya.
Xaaladahaan awgeed, Somaliland waxay si buuxda ugu jirtaa waxa cilmi-baarayaashu ugu yeeraan ”de facto state”. Sida uu qeexay Adrian Florea (2017), de facto state waa meel u dhaqanta sida dal madax-bannaan, balse aan helin aqoonsi caalami ah oo buuxa. Sharci ahaan, weli waxaa loo arkaa inay ka tirsan tahay dal kale.
Waxaa lagu gartaa astaamo dhowr ah: Inay ku dhex jirto dal si caalami ah loo aqoonsan yahay; Inay si cad u muujiso rabitaanka gooni-u-goosad ama madax-bannaani; Inay gacanta ku hayso dhulkeeda iyo dadkeeda, iyadoo adeegsanaysa ciidan u gaar ah; Inaysan haysan oggolaanshaha dawladda sheegata dhulkaas; Inay bixiso adeegyo aasaasi ah oo ay sugto amniga; Inaysan helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran, iyo Inay jirto muddo ka badan laba sano.
Somaliland waxay buuxisay dhammaan shuruudahan, taasoo ka dhigaysa maamul shaqeeya, balse sharci ahaan ka baxsan nidaamka aqoonsiga caalamiga ah. Xeyndaabkaana in dalalka kabaxaan waa wax dhif iyo nadir ah, marka waxay u badantahay in kusii jirayso SL.
Gunaanad
Gebogabadii, aqoonsiga Somaliland ma aha arrin ku xallanta sharci ama ku dhawaaqid madax-bannaani oo keliya, balse waa geeddi-socod si qoto dheer ugu xiran danaha quwadaha waaweyn, amniga gobolka, iyo isku dheelitirka siyaasadda caalamiga ah. Sida ay muujinayaan tusaalooyinka Kosovo, Abkhazia, iyo South Ossetia, aqoonsiga hal dhinac ah ama xaddidan badanaa ma keeno aqoonsi caalami ah oo buuxa.
Xaaladda Somaliland waxay sii adkaatay kaddib markii rajada aqoonsiga lagu xiray xiriir muran dhalinaya oo lala yeeshay Israa’iil iyo qorshayaal la xiriira barakicinta Falastiiniyiinta Gaza. Arrimahan waxay dhaliyeen cambaareyn ballaaran oo ka timid dalal muhiim ah, ururro goboleed iyo kuwo Islaami ah, kuwaas oo si cad u taageeray midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Taageeradan caalamiga ah waxay si weyn u xaddidaysaa fursadaha aqoonsi ee Somaliland, waxayna ka dhigaysaa mid ku ekaata xiriirro gaar ah oo ku dhisan dano laba geesood ah.
Intaa waxaa dheer, xiriirkaas diblomaasi wuxuu xambaarsan yahay halis amni oo muuqata, maadaama uu siin karo kooxaha hubeysan fursad ay ku kiciyaan dareen diimeed iyo mid siyaasadeed, isla markaana ay ku wiiqaan xasilloonida gudaha iyo tan gobolka. Sidaas darteed, inkasta oo Somaliland ay u shaqeyso sidii de facto state haddana ka bixitaanka aqoonsi-la’aanta caalamiga ah waa arrin aad u adag oo dhif ah, waxayna u badan tahay inay sii ahaato maamul shaqeeya balse aan helin aqoonsi caalami ah oo dhameystiran.
Tixraacyada
Cornell, S. E., & Starr, S. F. (2009). The guns of August 2008: Russia’s war in Georgia. M.E. Sharpe.
Florea, A. (2017). De facto states: Survival and disappearance (1945–2011). International Studies Quarterly, 61(2), 337–351
New York Post. (2025, December 26). Trump not ready to embrace Somaliland independence, unlike Netanyahu. New York Post.
Somali Stream – Bayaanka Dowladda Falastiin oo taageeraysa Soomaaliya
https://somalistream.com/palestine-expresses-support-for-somalia-and-accuses-israel-of-plans-to-deport-palestinian-people-to-somaliland/
Toal, G. (2017). Near abroad: Putin, the West, and the contest over Ukraine and the Caucasus. Oxford University Press.
Vidmar, J. (2012). Explaining the legal effects of recognition. International & Comparative Law Quarterly, 61(2), 361–387.
Warbixin Al Jazeera – Jawaab celinta caalamiga ah ee xiriirka Somaliland
https://www.aljazeera.com/news/2025/9/8/somaliland-recognition-for-forced-transfer-of-palestinians-not-worth-it
Warbixin Al Jazeera – Maraykanka, Israa’iil iyo qorshaha barakicinta Gaza
https://www.aljazeera.com/news/2025/3/14/us-and-israel-look-to-africa-for-resettling-palestinians-uprooted-from-gaza
Weller, M. (2009). Contested statehood: Kosovo’s struggle for independence. Oxford University Press.
