Fikradda buugga ‘‘Acres of Diamonds’’

Fikradda buugga ‘‘Acres of Diamonds’’

Waxaa qoray: Ismaaciil Dhuubow

 Hordhac

Russell H. Conwell wuxuu ku dhashay bishii Febraayo 15, 1843, magaalada South Worthington, ee gobolka Massachusetts. Intii uu noolaa, wuxuu ku shaqeeyay xirfado kala duwan, oo ay ka mid tahay inuu noqday weriye, iyo qareen, laakiin waxa uu caanka ku noqday waa inuu jeediyo qudbado dhiirrigelin ah iyo inuu aasaaso Jaamacadda Temple ee Philadelphia.

Acres of Diamonds waa khudbad caan ah oo uu jeediyey Russell H. Conwell, oo ah qoraa reer Mareykan iyo aasaasaha Jaamacadda Temple ee Philadelphia. Khudbaddan, oo markii ugu horreysay la jeediyay waxey aheed dhammaadkii qarnigii 19-aad, waxayna noqotay mid ka mid ah khudbadaha ugu caansan ee dhiirigelinta ah. Waxa uu ku soo bandhigay in ka badan 6,000 jeer oo kala duwan oo ka dhacday Mareykanka, khudbaddan, oo markii dambe loo rogay buug.

Guud ahaan, wuxuu ka tagay dhaxal qoto dheer oo ku saabsan muhiimada aqoonta, waxbarashada, iyo sida dadka loogu dhiirrigelin karo inay ka faa’iideystaan fursadaha jira si ay u gaaraan guul iyo horumar.

 Nuxurka “Acres of Diamonds”

“Fursad kasto waa dhaxal ka ag dhow, haddii aan si dhab ah u eegno.”

“Acres of Diamonds” waa fikrad tilmaamaysa fursadaha iyo kheyraadka hodantinimo ee ku dhow qofka, laakiin aan la dareemin ama la qaddarin. Conwell, wuxuu ku adkaysanayaa in fursadaha guusha, hodantinimada, iyo farxadda aysan had iyo jeer ku jirin meelaha fog-fog, balse ay kuugu dhow yihiin halka aad hadda joogto. Haddii aad si fiican u baarto, u qiimeyso, oo aad ka faa’iideysato fursadaha ku hareeraysan, waxaad heli kartaa guulo waaweyn. Waa xusuusin in qofku marar badan iska indhatiri karo ama sahlan karo fursadaha horyaallo, isagoo ka raadinaayo meel ka fog oo laga yaabo inay tahay mid aan dhab ahayn. Conwell wuxuu ku boorrinayaa in dadku bartaan inay ka fikiraan waxyaabaha ay haystaan oo aysan ka fikirin waxa ka maqan.

Sheekada “Acres of Diamonds” waxay ku saabsan nin beeraley ah oo la oran jiray Cali Xafiid oo ku noolaa gudaha Farisiya (Iran). Ali Xafed wuxuu ahaa nin hodan ah oo leh dhul barwaaqo ah, xoolo, iyo beero waaweyn. Wuxuu ku noolaa nolol deggan oo farxad leh, isagoo lagu qaddariyay waxa uu haysto.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wadaad socoto ah u yimid Cali Xafiid oo u sheegay sheeko ku saabsan dheeman (diamonds) iyo hodantinimada laga helo. Wuxuu u sharaxay sida dheemanka loogu heli karo meelaha qaarkood oo adduunka ah, isagoo sheegay in qofkii helo hal dheeman uu noqon karo mid aad u hodan ah.

Hadalkii wadaadka wuxuu ku beermay hami weyn oo ah inuu helo dheeman si uu u noqdo nin hodan ah. Wuxuu go’aansaday inuu iibiyo dhulkiisii iyo hantidiisii si uu ugu safro dunida dacaladeeda, isagoo raadinaayo dheemanka. Wuxuu safarkiisa ku soo maray meelo badan oo fog oo kala duwan, laakiin nasiib darro, ma helin wax dheeman. Wuxuu lumiyay lacagtiisii, hantidiisii, iyo wuxuu ku dambaystay xaalad saboolnimo ah, ugu dambeyntiina wuxuu ku dhintay meel ka fog isagoo aan waxba haysan.

Si kastaba ha ahaatee, qofkii iibsaday dhulkii Cali Xafiid ka tagay ayaa ugu dambeyntii ka helay beertii dheeman qani ah, taasoo noqotay mid ka mid ah meelaha ugu weyn ee laga helo macdanta dheemanka ah ee caalamka. Sheekadan waxay tilmaameysaa in fursadaha nolosha ay marar badan u dhow yihiin qofka, balse laga yaabo inuu iska indhatirayo.

Oraahyadii khudbada

Qaar ka mid ah Oraahyadaan;

1. ‘‘Dhibaato kasto oo aad wajahdo, waxaa laga yaabaa inaad ka hesho xal gudahaaga ah.” Fikraddan waxay tilmaamaysaa in xalalka iyo fursadaha dhibaatooyinka la xallin karo ay ku jiraan agagaarkaaga, balse aad u baahan tahay inaad u fiirsato si aad u ogaato.

2. “Ma jiro meel fog oo aanad ka heli karin fursado, maxaa yeelay waxaad leedahay dhul aan dhammaad lahayn.” Wuxuu xasuusinayaa in fursaduhu aysan ku xirnayn meelaha fog ama meelaha kale ee fog, balse ay ku jiraan agagaarkaaga.

3. “Dhibaatooyinkaas oo dhan waxaad ka heli kartaa agagaarkaaga haddii aad si dhab ah u eegto.” – Fikraddan waxay muujinaysaa in dhibaatooyinka iyo caqabadaha la xallin karo haddii aad si qoto dheer u eegto agagaarkaaga.

4. “Fursad kasto oo weyn waxaa laga heli karaa si fudud oo aan ka fogayn meelaha ugu dhow.”  Wuxuu ku boorinayaa dadka inay ka faa’iideystaan fursadaha horteeda yaallo halkii ay ka raadin lahaayeen meelaha fog.

5. “Fursadahaaga ugu waaweyn waxay noqon karaan kuwa ugu dhow ee aad ka maqashay”. Oraahdaan wuxuu xoojineyaa in fursadaha ugu wanaagsan ay ku jiraan meelaha ugu dhow ee aan si fiican u eegi lahayn.

6. “Waxaa jiro waxyaabo weyn oo hortaada ah, waxaadna awood u leedahay inaad ka faa’iideysato kheyraadka na horyaallo.” Fikraddan waxay muujinaysaa in kheyraadka iyo fursadaha muhiimka ah ay ku jiraan agagaarkaaga, balse waxaad u baahan tahay inaad si taxadar leh u eegto.

7. “Dhibaatooyinkaaga iyo caqabadahaaga waxaa laga yaabaa inay yihiin furaha guushaada, haddii aad si fiican u baaro.” Conwell wuxuu tilmaamayaa in dhibaatooyinka laga yaabo inay yihiin fursado aan la arkin, laakiin haddii la eego si qoto dheer, waxay noqon karaan furaha guusha.

8. “Waxaa jiri doono fursado ku filan oo hortaada ah; waxa kaliya ee loo baahan yahay waa inaad si fiican u aragto.” Oraahdaan wuxuu xasuusinayaa in fursadaha ugu weyn ay ka dhex jiraan waxyaabaha horteenna, balse aan u baahanahay inaan si dhab ah u baarno.

9. “Kheyraadka aad u baahan tahay si aad u gaarto guusha waxay ku sugan yihiin meesha aad ku sugan tahay, haddii aad ogaato sida loo isticmaalo.” Oraahdaan wuxuu muujinayaa in guushu ay ku xiran tahay sida aan u aqoonsano oo aan u isticmaalno kheyraadka aan haysano.

10. “Ma jiro meel fog oo aad ka heli karto waxyaabo cusub; waa inaad ka faa’iideysato waxa aad haysato.” Conwell, wuxuu ku tilmaamayaa in haddii aan si fiican u fiirino kheyraadka iyo fursadaha horteenna, aan ka heli karno waxyaabaha cusub ee aan u baahanahay.

11. “Guushu ma aha wax meel fog laga raadinayo; waa wax laga heli karo meesha aan ku sugan nahay, haddii aan si dhab ah u baarno kheyraadka horteenna yaallo.

Gaoagabadii, fikrada”Acres of Diamonds” ee Russell H. Conwell waxay na baraysaa xikmadda ah in fursadaha guusha iyo horumarka ay inta badan ku jiraan dhinacyadeenna oo ay marar badan ay na hortaallo. Waxaan si joogto ah ugu baahan nahay inaan si taxaddar leh u hubinno waxyaabaha inoo dhow ee agteenna ah, halkii aan raadin lahayn waxyaabo fog oo aan suurtagal u aragno.

Conwell wuxuu na xasuusinayaa in qof walba uu leeyahay kheyraad iyo awood uu ku gaari karo guusha, haddii uu si dhab ah u isticmaalo. Waxa uu dhiirrigelinayaa maskaxda furfuran, shaqada adag, iyo in aan ka faa’iideysanno wax kasto oo aan hayno si aan nolosheenna u horumarino.

Fikraddan ayaa weli ah mid muhiim ah oo dhiirrigelinaysa in aan ku kalsoonaano fursadaha na horyaallo iyo inaan u hurno juhdi si aan uga dhigno nolosheena mid miro dhal ah oo guul leh. Wax kasto oo aan raadineyno, waxaa laga yaabaa inay ku jiraan dhulkeena; hodantinnimada, farxadda, iyo guusha ayaa laga yaabaa inay yihiin kuwo ku dhow oo u baahan in aan dib u eegno si aan u ogaano. Dhulkaaga ama goobtaada oo ah waxa aad heli karto ayaa noqon karo kan aad ka heli karto waxyaabaha ugu qiimaha badan noloshaada, haddii aad si qoto dheer u baarto ku qanacdo oo aad ka faa’iideysato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *