Da’da werwerka: Taxanaha Cimaamadda Cas 01 –Maxamed D. Ciise

Werwer ayaa ragaadiyay laab walba. Da’ gooni ah uu werwerku ku beermo kasha dadka la ma oga. Goor laga bogsado iyo si looga bogsado iyana si qotodheer loo ma fahmin. Odaygu kursiga cuuryaamiinta ayuu intiisa ugu badan ku fadhiyaa oo bannaanka hore ee guriga loo soo dhigaa subax kasta, koob shaah rinji ahna waa loo raaciyaa, habeen oo dhanna indho iskuma geeyo oo waxa uu mugdiga qolka ka dhex daawadaa xaabaddii leeftay luguhiisa ee naafaysay qaybtiisa danbe. Waxa uu ka werweraa dagaalkii sokeeye sidii uu ku galay isaga oo ay caadifaadda reernimo laabtiisa buux dhaafisay iyo sida saaxiibbadii ciiddu u liqday, qosolkii iyo dhoollacaddayntoodii ayuu mugdiga ka dhex arkaa isla kol kalena waxa uu haddana arkaa sidii ay agtiisa ugu naf baxeen iyaga oo erayadoodii u danbeeyay ahaayeen: biyo…biyo….Waagu marka uu beryo ayuu cod dheer ugu yeedhaa wiilkiisa curadka ah si uu u geeyo suuliga misana kursiga ku hubsado salkaan xabaddu naafaysay. Inta uu kursiga ku fadhiyo subixii hore waxaa uu daawadaa guryaha burbursan ee Xamar, iyo derbiyada rasaastu burburisay. Guriga reerkiisu deggan yahay oo aad moodayso in farshaxan ahaan loogu xardhay rasaasta ayuu dhabarka xejiyaa. Da’diisa oo dhaaftay lixdameeyada waxaa u raaco laf iyo cayil. Wuu xiirtaa lafta gadhka, waagii uu sargaalka ciidan ahaa ee taliskii kacaanka ayuu ku xarragoon jiray shaarbaha. Derbi kasta oo ay xabbadu leeftay iyo isaga way wada xidhiidhaan oo ay kuwada xidhiidhaan indho quusi ka muuqato iyo laab wewerku dhex degay. Waxay astaan u yihiin inta nool ee aan noolayn, dalool kasta iyo isagu waxay subax kasta ku sheekaystaan aamusnaanta dhexdeeda. Wuxuu tiriyaa saacadadaha maalinta si uu ugu yaraan uga dhex helo wax macno leh. Wuu ku hungoobaa middaas oo saacadaha oo dhan waxaa ka qaato werwer iyo maqnaansho. Wuxuu dib u jalleecaa waayihiisii sargaalnimo ee tagay, galmooyinkiisii macaanaa, khamrigii darbiyada hoteel Curubo uu ku cabbi jiray iyo waliba foolxumadii uu berigii danbe ku noqday askari-beeleed rasaasta la dhaca cid kasta oo aan reerkii ahayn. Haddana wuxuu jalleecaa saaxiibbadii mid dhoofa iyo mid dhinta noqday. Goorta uu cabbaar iska dhex muquurto tagtadisii werwerka badan ayay gabadha uu dhalay u keentaa waxyar oo quraac ah iyo tarmuus shaah ah.

Gabadhu waa yaraanta guriga haddana waxay reerka u tahay il dhaqaale oo aad u muhiimsan. Lafta odayga dhalay ayay ka raacday, indho qurux badan iyo midab madow ayaa u sii dheer. Bushimo kuusan oo dhiiggu buuxiyay iyo san wayn ayay lee dahay. Halka ay joogto udugga ayaa ka baxa oo carafta ayay si ruuxi ah u jeceshahay. Kalkaaliso caafimaad waaye oo waxay ka howlgashaa isbitaal Madiino. Inta aanay subixii u dhaqaajin shaqadeeda waxay ka werwertaa: waxay dadku ka odhan doonaan maantay lebiskeeda iyo midabbada dharka ay xidhanayso sida ay indhaha dadka u soo jiidan doonaan. Werwer ayay la bukootaa oo laabta ayay cidhiidhi ka dareentaa iyada oo ka murgaysa maryaheedu sida ay u cajabin doonaan dhakhaatiirta, kalkaaliyaasha kale iyo waliba dadka soo booqanaayo bukaannada. Haddii ay xitaa xidhato dookha ugu sarreeyo, una dhaashato sida ugu iftiinsan waxaa caqabad ku sii ah xaafadaha cidlada ah ee laammiga ka sokeeyo iyo guryaha burbursan ee dadkii ka qaxay aysan wali ku soo noqon iyo ragga macawista iyo tuutaha xidhan ee qoryaha la taagan luuqyada misana dadka ka diiranaya wax kastoo nacfi leh. Kolkaas ayay haddana werwer kale la sii bukootaa oo ay xitaa dhibsataa jiritaankeeda iyo ku noolaanshiyaheeda Xamar. Waxay ka werwertaa wax kasta oo ay ku odhanayaan dadka, eegmada iyo xitaa habfekerka dadka. Qofkii ay is garab dhaafaan xitaa waxay sii eegtaa mar iyo labo, si ay ugu yaraan u ogaato in uu soo eegayo iyo in kale. Waxay is dhex taagtaa qolka iyada oo mutaxan. Dharka ayay daymootaa oo u daysaa indhaha midabbada dansan. Sida kalluumayste ku sugan xeebta ayay boorsada dharkeeda isu dul taagtaa iyada oo u fiirsanaysa wax walba, maankana ku haysa midabbadii shalay ay xidhatay. Sida ay maraba mar u dhigayso ayuu waqtigu dheereeyaa oo ay dareentaa werwer kale. Kolkaas ayay duqdu u yeedhtaa oo ay kor ugu qaylisaa taas oo ka dhigan: waad daahday e soo bax. Werwer dheer ka dib ayay go’aansataa inay xidhato dookheeda subaxdaas ay ku bixi lahayd, markaas ayay isa soo taagtaa daaradda oo ay ku tidhaahdaa hooyadeed iyada oo ka werwersan erayada duqda bushimaheeda ka soo bixi doono: bal sidaanna ka warran? Duqduna eray kasta iyo mar kasta oo ay nolosha dhinac ka eegayso waxay ka eegtaa xagasha dhaqanka iyo soojireen-ku-dhegnaanta. Waxay ku gaabsataa: waa qurux. Iyaduna ku ma sii niyadsamaato ee waxay isku eegtaa muraayad ay jooggeeda oo dhan ka dhex arki karto oo qolkeeda sudhan. Markii ay iridda guriga ka sii baxayso ayuu wiilka curadki ahi ku qayliyaa oo ku canaantaa lebiskeeda aanan waafaqsanayn shareecada Islaamka. Iyaduna dheg jalaq uma siiso ee way ka dhaqaaqdaa. Odayga oo bannaanka kursigiisii ku fadhiyo oo xabbad sigaar ah qiiqinaayo ka dib quraacda ayay sii sagootisaa oo dhex jeexdaa luuqyada cidlada ah iyo guryaha ay rasaastu daloollada u yeeshay.

Wiilku waa curadka iyo da’da ka weyn gabadha, oo odayga iyo islaantiisu, labadooda keliya ayay carruur ka dhaleen. Lafta iyo dhirirka odayga ayuu ka raacay bal se loofaarnimada uu aabbihii lahaa dhallinyaranimadiisii isagu way seegtay. Reerka wax sidaas u macno badan ugu ma takoorna oo nacfi lagu ma qabo. Waxaa saamayn xooggan ku yeeshay hirkii urur-diimeedyada oo wax kasta wuxuu ku eegaa indho ilaahnimo, fal kastana wuxuu jecel yahay in uu ugu dhowaado Ilaahay. Waxaa uu isku arkaa in uu yahay askari shaqadiisu tahay toosinta nafaha. Xamar, oo ay xaafadaha qaar ka socdaan dagaallo u dhaxeeyo dhallinyaro fikir diineed u dagaallamaya iyo talis dowlad-doonnimo iyo hirgalinteeda ku shuqlan ayay qoysku kaga nool yihiin dhinaca ay ka arrimiso dowladdu. Isagu waxaa uu ka xun yahay dhinaca uu kaga nool yahay Xamar, waxa uu si hoose u la shaqeeyaa dhallinyaradaas.Wuxuu xumaan ku dareemaa in gabadha isaga la dhalatay ay u lebisato si foolxun oo shareecada islaamka baalmarsan inta uu ku dhex jiro kulamada hoose ee kooxda wuu aamusaa oo wuxuu naftiisa si ugu sheegaa: in aamusnaantiisu sabab u tahay walaashiisa. Wuxuu sidaas oo kale ka xumaadaa inay walaashii la sheekaysto sargaal boolis ah, maxaa yeelay dowladda iyo cidda u shaqeysaba wuxuu aaminsan yahay in ay yihiin murtadiin diinta ka baxay.Wuxuu ka dareemaa laabtiisa werwer daran isaga oo isku canaanta in uu Ilaahay ka fogaanayo inta uu guri kula nool yahay gabadh sida walaashiis oo kale ah. Inta uu isku soo taagay khamiis cad ayuu odayga oo bannaanka ku barqaystay oo dhowr xabbo oo sigaar ah iska daba shidaya ku soo riixay kursigii cuuryaamiinta, geed hindi caleemo wayne ahna hooskiisa sariir taallay ku hubsaday oo uu ka dhaqaajiyay guriga. Isaga oo caraysan ayuu guriga ka dhaqaajiyay oo jid cidlo ah iyo guryo burbursan dhexdooda ka dhex dusay isaga oo u tallaabo dheeraynaya si uu ugu tago dhinaca kale ee ay ka joogaan Xamar dhallinyarada sidiisa oo kale u daggaallama aragtiyo diimeed. Qorraxda kuleelkeeda ayuu dhibsadaa oo naftiisa ayuu si hoose ugu yidhaahdaa: “bal arag qorraxda kuleelkeeda waa caradii Ilaahay ee ka dhalatay fasahaadka magaaladan ka jira iyo kula noolaanshiyaha hal guri gabadh sida walaashay oo kale ah oo aan xijaaban, nin murtad ahna shukaansata!

***

Goor duhurradii ku beegan oo ay duqdu cunto macaan qado ahaan u siisay odayga ayna dhinaca sariirta kursi ku fadhiso oo ay kaga warramayso odayga sida ay werwer kaga qabto dhaqandoorsoonka ku dhacay bulshada ayuu wiilku ku beegmay bartii uu u tallaabo dheeraynayay. Wuxuu dhallainyaradii u bandhigay werwerka daran ee uu dareemaayo iyo sida Eebbe-weyne uga caraysan yahay isaga iyo cid kasta oo imaan leh taa oo ay sabab u tahay diindarrada walaashiis. Iyaga oo jidbaysan naftiisana ka la dul dhacay ammaan ay ku sheegeen: iimaan badnaan iyo ruux daahiran, ayay go’aaminayaan in la dilo walaashiis. Isaguna inta uu iska doondoono khushuuc ayuu ku raacayaa si laabtiisa werwerka looga saaro Ilaaha sarreeyana loo raalligaliyo. Wuxuu jidkii ku soo noqonayaa isaga oo faraxsan. Guriga ayuu u soo saan boobsiinayaa isaga oo casirkii ka dib qaban doono shaqo hagitaan ah oo jidka ay walaashii soo qaaddo marka ay shaqada ka soo baxdo sii fadhiisan doono misana ku hubsan doono gacmaha ragga dilkeeda loo xil saaray.

Guriga ayuu ku soo noqonayaa isaga oo aan u werwersanayn sidii hore, qorraxduna ay godkeedii ku sii socoto oo ay ka sii qaboobayso sidii hore se isagu waxa uu naftii ku la faqayaa si hoose: “qorraxda qabowgeeda ka garo raalli’ahaanshaha Ilaaha sare.” Inta uu qado qabowday cuno, oo uu odayga kursigiisii ku soo riixo misana fadhiisiyo hooska galbeed ayuu ka dhaqaajinayaa guriga isaga oo ku sii socdo jidka uu basaasnimada u taagnaan doono. Odaygu hooska galbeed ayuu iska fadhiistaa, isaga oo tarmuus shaahna koob ba mar fuuqsado, farta dhexana ku qabsado xabbad Beensal ah. Galbihii uu ku raaxaysan jiray isaga oo sargaal ah ee uu casirayaha u tagi jiray ‘kofee nazionale’ way tageen oo waxaa xigay galbo kale oo uu u dagaallamayay reerkiisa. Balse galabtii ay xabaddu naafaysay ayaa ugu war danbaysay dhallinyaradii iyo odayaal dhaqameeddii reerkiisa oo waxa uu noqday mid aan waxba lagu falin.

Gabadhu shaqadeeda dheer ayay ka soo baxday, inta ay iska siibto maryaha cad ayay sagootinaysaa bukaannada iyada oo u rajaynayso kalgacal iyo bogsiimo. Galabta aanay gacalliyaheeda la ballansanayn shaqada marka ay ka soo baxdo guriga ayay si toos ah u soo abbaartaa si ay cabbaar u la sheekaysato aabbaheeda la nool werwerka tagtada. Markii ay isa soo taagto albaabka isbitaalka ayay laabta ka dareentaa culays iyo werwer. Waxay ka werweraysaa waxay ka la kulmi doonto jidadka ay sii mari doonto ee ay ciidanka mucawisaha iyo tuurtaha xidhani luuq kasta kediso kaga soo baxayaan. Iyada oo werwerku laabteeda cusleeyay ayay ka soo dhex dusaysaa xaafadaha goor ay qorraxdu sii hoyaadayso oo ay dhulka iyo guryaha burbursan ee Xamar ku sii sagootinaysa casaan yar oo aad qurux badan. Siday luuqba mar uga soo dhex dusaysay, ayay mar kaliya iska hor imaanayaan oday xoogaa da’ ah oo aad u tallaabo dheeraynaya isaga oo neef tuuraya. Waxa uu si boobsii ah ugu sheegayaa inta uu san garab dhaafin erayo aanay fahmin oo af maay ah. Iyaduna waxay nafteeda ku la faqaysaa: “waa oday wayn oo damac galay. Rag iyo damac.!” Isaguna wuxuu u sheegayay in ay jidka tuugo ku jiraan bal se iyadu waxay u qaadatay si kale. Daqiiqaddii xigtay ayay la kulantay rag horteeda taagan oo xidhan mucawis iyo tuute cagaar ah. Intay naxday oo ay is xakamayn wayday ayay gudaha iska dhahday: “waa kan wixii aan ka werweri jiray waligay.” Wixii ay haysatay oo u badnaay wax aan nacfi badan u lahayn iyo lacag yar ayay ka qaadeen inta ay meel joojiyeen. Mid ragga ka mid ah ayaa ku fikiray inay kufsadaan, ninkii kale isaguna waa la qaatay oo bilcaantan inay ku baashaalaan oo xoolaheeda dhacaan ayay go’aansadeen. Wiilka iyo labo kale oo bastoolado ku hubaysan jidka dheer ayay ku hungoobeen, iyaga oo ka war sugaayo luuqyada jidka inay mar uun ka soo baxdo walaashiisa si ay dilkeeda ugu dhowaadaan Ilaahay balse iyaga oo aan filanaynin ayay mar kaliya luuq jidka ku beegan ka soo baxday gabadhii oo ordayso misana ay bursanayaan mid aan hubaysnayn iyo mid kale oo xoogaa tallaabo ah ka danbeeyo kuna hubaysan qori iyo boosh oo ay mucawistu u joogto jilbaha. Labadii wiil ee bastooladaha ku hubaysnaa ayaa mar kaliya iska soo jaray bastooladdii oo ku furay raggii iyo gabadhii, xabbaddii koowaad waxay dhakada qabsatay ninkii bursanayay gabadha, iyaduna intay naxday ayay isku nabtay luuq kale oo cagaha wax ka dayday. Midkii qoriga sitay luuqii ayuu dib ugu noqday isaga oo rasaas baas ah dabada u qabtay qorigii. Intii ugu badnayd rasaastuna waxay dhabarka danbe ka haleeshay wiilkii curadka ahaa. Xabbadda aanan qabsan jidhka qof waxay qabsanaysaa guri darbigiisa. Daloolka darbigaasi waxa uu astaan u yahay: halkan in uu dhib ka dhacay iyo in ay jireen gooro aanay nabadi joogin aaggaan oo dhawaqa rasaastu ahayd dhisko muusigga bartaan ka shidnaa. Labadii bastooladaha sitay midkood ayaa inta uu gabbaad ka dhigtay darbi u dhowaa dhowr xabbo ku sii furay ninka luuqa difaaca kaga jiray. Halka midkii kale inta uu orod dheereeyay dhabarka danbe kala soo wareegay luuqii uu salka ku la jiray ninku ka dibna ka toogtay madaxa oo ka soo dhufsaday qorigii.

Mar kaliya ayay rasaastii joogsatay, oo labadii bastooladaha sitay oo hadda qori gacanta u soo galay dul yimaadeen wiilkii oo bogga dhulka ku haya. Midkood ayaa laba farood ka saaray dhuunta, oo kan kale u sheegay in uu nool yahay oo ay tahay meesha inay ka dhaqaajiyaan inta aanay ciidanku imaanin. Gabadhii iyada oo kabo la’aan ah oo afka qaylo kala haysa, oohinna raacinayso ayay ka dul dhacday odaygii oo sigaar qiiqinaya iyo habartii oo guriga cashadiisii diyaarinaysa. Odaygu waxaa uu naxdin iyo iskudhexyaacid ka qaaday gabadhiisii oo kabo la’, oo aan hagoognayn oo qaylo ku dhufanayso markuu indhaha saaray. Duqdiinna inta ay gabadha laabta ku qabsatay ayay waydiimo aanan ka la joogsi lahayn isku raacisay: maxaa ku helay? Yaa ku dhibaateeyay? ……Gabadhii iyanaa afkaa juuqda gabay. Iyada oo sidaas yahay xaalku oo qayladii gabadha iskugu soo baxeen dhowr reerood oo aad u ka la fog ayaa mar kaliya yimid war kale oo aad xun kaas oo ah: wiilkii curadka reerka u ahaa waa uu dhintay. Dhibtii taagnayd oo dhanna waxaa ka miisaan waynaaday warkan, oo intii gabadha ku dul hareeraysnayd iyo gabadhiiba waxay u carareen luuqii dhibku ka dhacay. Odaygu fadhigiisii ayuu ku kaliyaystay oo intii cago leh agtiisii way ka dhaqaaqeen. Isaguna naxdin iyo iskudhexyaacid ayuu la gaar ahaaday. Duqdii iyaduna af labadii ayay qaylo iyo oohin isku dartay: tol beelayeeey… Maantay hoog in uu nagu soo socdo waxaan ka gartay sida dabayshu ahayd… Kaliishii jirtay….. Wax kasta waxay ku eegtay indho khuraafaad iyo abkasoogaadh ah. Wiilkii waxaa loo la orday isbitaalkii ay ka shaqanaysay walaashiisa ee uu isagu doonayay in uu dilkeeda ugu dhowaado Ilaahay. Waxay dhakaatiirtu u sheegeen dadkii iyo qoyskii in: wiilku nool yahay se uu soo gaaray dhaawac xooggan, kaas oo naafeeyay qaybtiisa danbe. Waxa uu inta noloshiisa ka dhimmanna ku fadhinayaa kursiga cuuryaamiinta.Intii uu isbitaalka jiifay waxay gabadhu u noqotay walaalkeeda kalkaaliso iyo abbaayo aad u naxariis badan. Waxay ka qaadaysay saxarada, dharka ayay ka baddalaysay oo ay naftiisa iska saartay xil aad u wayn. Wuu eegaa, waxa uu indhaha ka la furaa walaashii oo agta ka fadhiso. Babbis yar ayay kaga babbinaysaa duqsiga dul heehaabaayo. Mararka qaar ayay adeegsanaysaa go’eeda iyada oo ku ka la jabinayso duqsiga tirabeelka ah. Inkastuu isku dayay in uu dareenkiisa qarsado oo is adkeeyo haddana ilmo ayaa labadiisa indhood ku soo joogsato, ka dibna wejiga ayuu ka dad baa gabadha si aysan u arkin. Erayo oo dhan ayuu iska waayay. Kol kasta oo ay soo dul joogsato walaashii oo ay daryeel iyo sheekooyin illowsiinaya sariirta uu jiifo iyo xanuunka haya uga sheekeyso gudaha ayuu ka gubtaa, wuu isciilkaambiyaa wuxuu ka cabsadaa in ay walaashiis, indhihiisa ka dhex aragto naceybkii uu qabay. Lexaadka inta aannu beelin ka hor ayuu dadnimada beelay, hadda oo ay dadnimada bartay walaashiina lexaadka ayuu beelay.Waxaa isbitaalka ku soo booqday sargaalkii booliska ahaa ee walaashii is dhaarsadeen. Isagoo si kalgacal iyo xushmad leh ugu sheekeeya wiilka. Wuxuuna sargaalku masuuliyad iska saaray bixinta qarashaadka isbitaalka.

***

Maalmo ayaa gudbay oo toddobaadyo iyo bilooyin ayaa ka soo wareegay galabtii dhibtu ku dhacday wiilka isaga oo doonayay in uu dilka walaashiis ugu dhowaado Ilaahay. Odayga iyo wiilku hadda inta ugu badan waxay noqdeen isku jadwal oo gabadhu waxay inta ugu badan waqti ku bixisaa inta aanay subixii bixin inay labadooda shaah iyo quraac u diyaariso, walaalkeedna waxay ku dhahdaa: abboowe waxaan waa dabiici oo waad nooshahay intaas ayaa macno innoo leh. Waxay u dhaqaajisaa shaqadeeda iyada oo sidii kaga werwersan waxay dadku ka odhan doonaan lebsikeeda iyo siday u arki doonaan. Wiilkuna wuxuu kurisiga cuuryaaminta ku fadhistaa isaga oo ka werwersan wixii tagay iyo falkii uu damacsanaa. Odayguna wuxuu sigaarka jiidaa isaga oo ka werwersan waayihii tagay iyo saaxiibbadii. Duqduna waxay werwertaa mar kasta oo ay qorrax kuleel badan dareento dabayl xooggana soo dhacdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *