Waa kuma Maxamed Yuunis? Dhaqaaloyahanka Dhallinyaradu doorteen

Waa kuma Maxamed Yuunis?

  WQ: Abdirahman H. Dahir

Dhawaan ayay ahayd markii Shiikh Xasiina ay xukun dalka  Bangaaladheesh isaga carartay, ka dib bannaanbaxyo waawayn oo ay sameeyeen ardeyda dalkaas. Si loo buuxiyo booskaas bannaan oo looga baaqsado rabshado qalqal galin kara mustaqbalka reer Bangaaladheesh, ayay shacabka farta ku fiiq Maxamed Yuunis si uu u hoggaamiyo. Kalsooni shacab ayuu ku helay xilkaas maanta loo dhaariyay.

 Haddaba qormadan kooban waxa aan ku eegi doonnaa taariikhdiisa nololeed iyo safarkiisa siyaasadda.

Maxamed Yuunus Waxa uu dhashay  taariikhdu markii ay ahayd 28-dii June 1940-kii.  Waxa uu ku dhashay tuulada Bathua ee hoos tagta maamulka Chittagong ee dhaca koofur bari Bangaaladheesh. Waxaa dhalay qoys Bangaali Muslin ah.

Waa dhaqaalyahan   waxa uu aasaasay bangi lagu magacaabo Grameen, kaas oo deymaha siiya dadka saboolka ah ee beeraha qota.

2006-dii ayuu ku guuleystay abaalmarinta  Nobelka ee nabadda. Waxa uu na ku muteystay wax ka qabashada saboolnimada, maadaamaa uu dadka saboolka ah deymo siin jirey. Maalinkii ay taariikhdu ku asteysneed 6-da Agoosto ee 2024-ta ayaa loo magacaabay in uu hogaamiyo dawlad ku-meel-gaar ah, si looga baaqsado rabshado qalqal galiya horumarka Bangaaladheesh.

Safarkiisii waxbarashada.

Sanaddii 1944-tii, qoyskiisa waxa ay u guureen magaalalada Chittagong, waxaa laga soo wareejiyay iskuulkii tuulada, waxa uu halkaas kaga biirey iskuul lagu magacaabo Lamabasaar. Intaas ka dib, waxa uu guuleystay imtixaankii shahaadiga ahaa, waxaa uu na kaalinta 16aad ka galay markii loo eego ardeyd ay tiradooda gaareyso 39,000 kun. Intii lagu gudajirey waxbarashadii dugsiga hoose, dhexe iyo sare Yuunus waxaa uu ahaa mid ka mid ah ardeyda ugu firfircoon, oo waxa uu u safray galbeedka Bakistaan iyo Hindiya 1952-dii. Sanaddii 1955-tii waxa uu u safray Kanada si uu uga qaybgalo xaflad weyn oo daafaha dunida looga kala yimid. Intii lagu gudajirey waayihii iskuulka, waxaa uu Yuunus ka qaybgalay barnaamijyo badan oo lagu soo bandhigayay Hiddaha iyo dhaqanka, waxa uuna ku guuleystay abaalmarrino badan. Sanadkii 1957-dii, waxa uu iska diiwaan galiyay qaybta dhaqaalaha ee jaamacadda Dhaka. Shahaadada koowaa ee jaamacadda (Bachelor), waxa uu qaatay sanadkii 1960-kii, halka shahaadada labaad na (Master) uu qaatay isla sanad ka dib 1961-dii.

Laga soo billaabo 1961-dii illaa iyo 65-tii waxa uu bare ka ahaa jaamacadda Chittagong, oo waxa uu halkaas ka dhigayay dhaqaalaha. 1965-tii ayuu ku guuleystay minxo waxbarasho. Waxa uu waxna ka bartay barre na ka noqday jaamacadda Vunderbilt inta u dhaxeysay 1965-tii illaa 1972-dii.

 1969 waxaa uu qaatay shahaadada sare ee PhD. Safarkaas ka dib, waxa uu dib ugu soo noqday Jaamacaddii hore ee uu markii hore macallinka ka ahaa. Waxa uu noqday madaxa qaybta dhaqaalaha ee jaamacadda Chittagong iyo macallin sanadkii 1972-dii. Waxa uu na wax ka dhigayay saboolnimada iyo sida looga bixi karo, xilligaas na waxaa socday macluushii safka ka martay dadkii reer Bangaaladheesh sanadkii 1974-tii.

Aasaasitaanka bangiga Grameen

Yuunus, waxa uu ardeydiisa u direy in ay caawiyaan dadka beeraleyda ah, laakiin waxa uu gadaal dambe ka ogaaday in tababbaradaas kaliya aysan waxba ka tareyn markii loo eego tiro badnida dadka reer Bangaaladheesh oo gabigoodaba macluushu saameysay, oo aan heysan haba yaraatee wax dhaqaale ah. 

Waxa uu aaminsanaa, helista dhaqaale in ay ka caawin karto dib-u-dhiska ganacsiyadooda yaryar. 

Dadku waa ay ku adkeyd in ay helaan deymo ay ganacsiyacooda dib kaga dayactiraan, oo bangiyadii waagaas waxa ay dadka siin jireen deymo dulsaar badan saaran tahay oo iyaga laftirkooda ayaaba dhaqaale laga raadin jirey halkii laga caawin lahaa. 

1976-dii ayuu aasaasay mashruuc uu deymaha yaryar ku siinayo dadkii saboolka ahaa ee macluusha haleeshay. Barnaamijkan, waxa uu dadka u sahlayaa in ay qaataan deymo yaryar oo dulsaar ka maran, si ay dib ugu maalgashadaan ganacsigooda.

1983-tii mashruucii uu bangiga Grameen waday, waxa ay dawladdii xilligaa jirtay ka dhigtay mashruuc madaxbannaan, qayb yar oo saami ah ayay na ku yeelatay bangiga. 

Grameen, waxa uu kaalin lixaadleh ka qaatay wax-ka-qabashada saboolnimada, caawinta beeraleyda iyo si guud bulshoweynta Bangaaladheesh. 

waana halka uu ku noqday aabbaha aragtida Micro finance (Maalgalinada yar yar) taas lagu darso dhammaan jaamacadaha dunida, kolka laga hadlayo dhaqaalaha iyo maalgalinta bulshooyinka saboolka ah.

Safarkiisa siyaasadda iyo ka tagistii Bangiga Grameen 

Febraayo 2007-dii ayuu soo galay saaxadda siyaasadda Bangaaladheasig isaga oo markaas aasaasay xisbi lagu magacaabo Nagorik Shakti- oo ah xisbi awood siinaya muwaadinka, waxa uu na ku dhawaaqay sidoo kale in uu ka qaybgali doono doorashada. 

Halkaas waxa aad ka dhadhasan kartaa in uu ka soo horjeedo nidaamka kalitaliska oo awoodda shacabka ka faramaroojiya. Ku dhawaaqistiisan, waxa ay ku soo aadday xilli uu dalka ku jirey marxlad qas iyo khilaaf siyaasadeed oo uu dhaxeeyay labada xisbi ee lagu kala magacaabo Awami League iyo Bangladesh National Party. 

Yuunus, waxa uu dhaqdhaqaaqiisan ku ballan qaaday in uu doonayo dib-u-soo-nooleynta maamul wanaagga iyo ciribtirka musuqa. 

May 2007-dii ayuu Yuunus ka tanaasulay dadaaladii uu ku aasaasayay xisbigan sabab uu ku sheegay in uu u waayay taageero. 

 2010-kii Yuunus iyo bangiga Grameen ayaa baaris lagu sameeyay ka dib sii deyntii Dokumintari lagu magacaabo Caught in Micro Debt, kaas oo laga hadlayo deeqihii dawladda Norway ee ay lunsadeen bangiga Grameen. Inkastoo ay dawladdii Norway iyo bangiga Grameen ay arrinkaas caddeeyeen haddana dawladdii Bangaaladheesh baaris ayay billawday.

 2011-dii, waxa ay bangiga dhexe ee dalka Bangaaladheesh xilka ka qaadeen maamulihii bangiga Grameen mudane Yuunus, maadaamaa uu gaaray da’dii hawlgabka. Yuunus oo lixdan jirsday 2000, ayaa isku dayay in is hortaago go’aankaas ay gaartay maxkamadda. Si kastaba ha noqoto e, maxkamadda waxa ay ku sii adkeysatay go’aankeedii. Mudane Yuunus, waxa uu ku dooday in xil ka qaadistiisa ay tahay arrin siyaasadeysan oo ay ka dambeyso sheekh Xasiina, maadaamaa uu loollan dheer kala dhexeeyay.

Yuunus, waxa uu qoray buugaag dhawr ah oo ay ka mid yihiin: Building Social Business:The New Kind of Capitalism That Serves Humanity’s Most Pressing Needs oo uu qoray 2010-kii iyo A World of Three Zeroes: The New Economics of Zero Poverty, Zero Unemployment, and Zero Net Carbon Emissions oo uu qoray isna 2017-kii. 

Abaalmarinta sharafeedka oo ku guuleystay waxaa ka mid ah: Swadhinata Padak oo ah abaalmarinta ugu sarreysa Bangaaladheesh oo ay bixiso dawladda, waxaa la guddoonsiiyay sanadkii 1987-dii, Waxaa kale oo la siiyay abaalmarin ay bixiso Hay’adda cunnada adduunka oo 1994-tii la siiyey iyo abaalmarinta Presidential Medal Freedom oo 2009-kii uu guddoonsiiyay Madaxweynihii hore ee Brack Obama. Abaalmarintan, ayaa la siiyaa dadka dalkooda iyo danaha Mareykan wax ku darsada.

L Sidoo kale mudane Yuunus, waa qofkii ugu horreeyay ee la guddoonsiiyay abaalmarinta Boqor Xuseen ee bini’aadamnimada la xariirta. 2000 ayaa lagu guddoonsiiyay dalka Jordan.

Hogaaminta Dawladda Ku-meel-gaarka ah ee 2024

Bishii Luulyo ee 2024, ayay ahayd markii ay qarxeen bannaanbaxyadii ay ardeydu horjoogayaasha u ahaayeen, oo ay ku dalbanayeen in dib-u-habeyn lagu sameeyo nidaamka lagu xulanayo shaqaalaha rayidka ah. Bannaabaxyadan, ayaa si dardar ah ugu baahay Bangaaladheesh, kaas oo markii dambe sababay horraantii bisha Agoosto in ay dalka iskaga cararto marwo Xasiina oo ahayd hogaamiyihii talada dalkaas hayay sanado badan. 

5-tii bishaan Agoosto, ayuu taliyaha sare ee ciidamada Bangaaladheesh mudane Waqiir Cusmaan ku dhawaaqay in maXasiina ay is casishay, dhawaanna la soo magacaabi doono dawlad ku-meel-gaar ah. 

Marwo Xasina dalka Hindiya ayay lafaheeda ula baxsatay iyada oo ka cabsi qabta dil. Bixitaankii Xasiina, mid ka mid ah hogaamiyaha ardeyda oo lagu magacaabo Naaxid Islaam, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in la kala diro Baarlamaanka dawladdii Xasiina hoggaamineysay, mudane Yuunus na loo magacaabo hoggaamiyaha dawladda ku-meel-gaarka ah. 6-bishaan Agoosto ayuu madaxweyne Muxammad shahaabudiin aqbalay labadaas codsi. 

Isla maalintaas mudane Yuunus waxa uu aqbalay magacaabistaas. Mudane Yuunus, waxaa laga doonayaa in uu dib u soo celiyo xasilloonida dalka, maadaamaa uu dalku ku jiro xaalad qas iyo fawdo ah. 

Ardeydu, waxa ay Yuunus u arkeen in uu yahay qof booskaas ka soo bixi karo, maadaamaa uu mudane Yuunus sanado badan si isxilqaam ah kaga shaqeeyay arrimaha bulshada. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *