Waxaa qoray: Halgan Daahir
Dadku laba arrin ayuun buu nolosheeda ka ogaa; in ay goblan tahay iyo in ay Soomaali tahay. Ha yeeshee, mid baa been ahayd. Milgo Cali, waxaa ay ahayd hooyo labo hablood oo mataano ah dhashay. Iyada oo aad u yar ayaa godob-reeb loo bixiyay, odayga la siiyay oo ku dhawaad soddon sano ka waynaa, waxay kala kulantay dilmo iyo afxumo joogto ah. Arrin laga garaabo ayay noqon lahayd, haddii dadku ogaan lahaayeen in uu walaalihii ugu jeclaa Axmed-yare oo uu si kibir ah u dilay Faatax oo ah Milgo walaalkeed; iyo in magtii uu qaatay ay ahayd tu caalwaa ah oo markii uu eegay da’diisa waynaatay ee dhaaftay xilli uu qori deegta saarto iyo doqonnimada walaalkii Muuse oo uu seed-dhanaan ku ogayn qasab ku noqtay mooyaane, waqiiba wuxuu uurka ka jeclaa in uu Axmed u aaro.
Milgo, waxay ka dhignayd kiniin lagu suuxinayo Aw-Ciise si uu u aqbalo qaadashada magta Axmed oo uu in mudo ah aad u diidannaa. Wax baa se dhacay; sida ay Milgo qabto, guurkeedu wuxuu noqday jidhaan murugada Aw-Ciise ka burqato, mar kaste oo uu jalleeco sidii jinac cadhooday ayuu ciil la-kogi jiray, wajigiisa ayaa laga garanayey sida ay fallaadha ugu tahay aragtida Milgo. Sanad baas ayuu ahaa. Wuxuu ahaa sanad ay nolosheeda ka saari lahayd haddii aysan labo hablood dhali lahayn. Dhanka kale, sanad wanaagsan ayuu ahaa! Maxaa yeelay, haddii markii ubadkeeda mataanaha ah ay umushay aysan aad u dhiig baxdeen oo inta ceeb laga baqo aan dhakhtar loola soo carareen, waligeed kama timaaddeen dadkii bahaloobay.
Caleenteeda uun baan caddaan ee meyd ahaan ayaa looga qaaday tuulada oo Baladweyne waxaa la tagay iyada oo wadnaha “gow” leh uun lagu garanayo in ay nafi ku jirto. Muddo ayay Milgo dhakhtarka taalay oo lagu dabiibayay, runtii dabiib dawo la’aanta uun dhaama ayuu ahaa. Si walba cawo iyo nasiib bay ahayd, haddii aysan isku dhiman oo aan iyada oo uu madaxa ilmuhu ka soo jeedo lagu aasin. Miyiga, had iyo gooraale, haddii hooyadu foosha ku dhimato, cidna iskuma hawsho badbaadinta ilmaha oo qabriga ayaa lagu hubsadaa labadaba. Maxay ku badbaadin karaan oo ay haystaan? Dadkuba, waa meyd socda iyo meyd la aasay e, ma nolol baa jirta! Labadii bilood ee ay taallay isbitaalka Al-Nuur ayuu malaggii u yimi oo uu allaystay Aw-Ciise. In kastoo warkani billawgii hore naruuro uga dhignaa Milgo, farxad aan sii raagin ayuu noqday oo waxaa loo sheegay in uu Muuse dumaali doono. Waxay ahayd kud ka guur oo qanjo u guur, waxay ahayd ka dar oo dibi dhalay, waxay ahayd maalleenyo aan maanka Milgo aqbali karin, yaa se raba in ay wax aqbasho ama diiddo? Sidee bay u diidi kartaa badbaadinta walaalkeed oo sharafta aabbaheed dhulka ugu jiidi kartaa? Gabadhu, sow sharafta reerka maaha? Sow masuul lagama aha oo wixii u wanaagsan loo doori maayo? Aabbuhu, sow aboodi maaha oo hadduu habaaro ifka ku caarcaari mayso, miyay talidiisa diidi kartaa? Sideedaba, inantu waa in ay hog ku jirtaa ama hoy ku jirtaa, muhiimna ma aha hoyga ay ku jiraysaa caynka uu noqonayo iyo cidda kula hoyan doonta.
***
Habeenkaa way gabayday, sadaro tiiraanyo badan ayaa bogga Milgo ka soo go’ay. Dareennada suugaanta laga curiyo, waxaa ugu dhadhan macaan kan sida runta ah laabtaadu u soo tufto ee aan kaaga baahan ka fakarid iyo naashnaashid. Waxaa ugu mudan ka aad ka tiriso dhacdo ku soo martay oo aad qalbiga ku dajiso, naftana ku samirsiiso. Cidina kama filanayso halabuur macno leh qof aan looba qirsanayn qaayaha qofnimadiisa, iyaduba iskuma ay ogayn hibada curineed ee caawa horteed ayna arkin. Sidee baa qofka halabuurkiisa loo arki karaa, haddii aananba loo ogayn in uu leeyahay garasho halabuur keeni karta? Sidee buu qofka qudhiiso u ogaan karaa taas oo uu u rogrogi karaa maan loogu sheegay in aannu dhammays ahayn oo abuurtiisu dhantaalan tahay? Qofku miyuu bulshadiisa ka madax-banaannaan karaa oo u fakari karaa si ka duwan sida ay bulshadiisu u fakarto? Sidee buu qof lagu barbaariyay in uu shay ama walax yahay ugu fakari karaa in uu keeno wax looga bartay dadka (ragga) garashadoodu dhammayska tahay; oo curin iyo fakar ah? Dhabtii, sinnaba! Taasi se muhim maaha, waxa muhiimka ahi; waa in tabashadeedii ay waligeedba da’di jirtay iyo dareennadeedii ay ceebta laga xishooda u taqaannay sidii webi soo rogmaday ay u soo butaaceen, oo ay rabaan dadnimadii markii ay dhalatay la aasay in ay dib hoggeeda u fadho oo qalfoofta qofnimadeedii la soo baxdo. Kashii hugmaysay ee Milgo waxay tidhi;
Gayigayga walax baan ka ahay geel la kala siisto,
Gabadhnimada waxay moodayaan guunyo xoolaad
Garashada dadkaygaa i tidhi geed xun baad tahaye
Mar haddaan garawshiiyo jirin gacal i taageera
Mar haddaan gudmaha lay ogayn gooyay adhaxdayda
In aan gaar u baxo bay naftani guul uaragtaaye
Gurgurcoodka waxaan uga tashaday godobbihiiniiye
Gunnimada miyuu yeelayaa ruux garaadsaday?
Dabadeed, inta ay illin kulul oo ka soo daadatay garbasaarkeedii duugga ahaa isaga tirtirtay ayay eegmo fog ku daawatay hablaheedii. Waa gabdho yaryar oo sida aayahoodu u madow yahay u madmadow. Bishimaha yaryar ee cas ee ay wadaagaan wax aan ka ahayn caanaha hooyo afka looma saarin, hadda ka dib se, dhay xoolaad ayay calafsan doonaan. Aad bay u yaryar yihiin oo jidhkoodu qorqornaan la sheego ma leh, waxaa se la hubaa in nolol foolxumi sugayso. Hubanti la’aanta aayaha ee ay ubadkeeda la wadaagto kasokoow, waxay ku tashatay in ay habaryarteed oo Muqdisho joogto u tagto, iyada oo aan rabin dani se “dhaqaaq” tidhi ayay kadinka ka soo boodday, oo ka soo huleeshay curaddadeedii oo ay hooyadeed Aamina ag jiifto. Milgo, kumay raagin Muqdisho ee sanad ka diba Nayroobi ayay u shaqo doonatay, halkaas ayay muddo shan sano ah joogtay oo shaqaale qoys ka ahayd. Dabadeed, Yawanda ayay sal dhigatay oo ah caasimadda Kamaruun. Gabdhaheedii, dib uguma ay noqon oo waxay ka qanacday heliddooda markii iyaga oo saddexjirro ah adeerkood Muuse qaatay ee in ay aragto noqotay xujo guurkiisa ku xidhan.
****
Gurigan aan hadda ku jiro in gabadh Soomaaliyeed oo lix sano taalay ay si argagax leh ugu dhimatay oo meydkeedu saddex isbuuc yaalay iyada oo aan la ogayn, dabadeed jaarku ku war helay dukhsiga iyo urta qadhmuun ee ka soo baxaysa guriga, horay ayaan u ogaa oo Lilla oo aannu daris nahay baa ii sheegtay. Ha yeeshee, maanta ka hor maan eegin buugyaraha saqafka sare ee kabadhkan looxa ah ee darbiga qolka ku samaysan saaran. Waa buug yar oo aad u duugoobay, xaashadaha badankooduna cadcad yihiin, far-qalin beensal ku qoran oo aad u malmaluuqan baa ku dhigan, qof indho-fiiqfiiqan mooyeene qof kale in carruuri ku far-baratay ayuu moodi lahaa. Saddex warqadood ayuu dhanbaal xidhiidh ahi ku qornaa, in ta kale se hadalo goosgoos ah ayaa ku qoran. Tusaale ahaan, bogga ugu horreeya waxaa ku qornaa “waxay ii bixiyeen Milgo, way se ii diideen in aan si milgo leh u noolaado. Magacaygu, waa qolof xanuunkayga lagu dado, runtii ima matalo…ima matalo oo ima matali karo!” jaldiga buuggana waxaa ku qornaa “Gorgortanku wuxuu ka jiraa jiritaankayga, anigu waxaan isu aqaan qof xaq dadnimo leh, iyaguna waxay ii yaqaannaan duunyo la dhaqo oo la dheefsado. Maxaa run ah; ma waxa la innoo yaqaan mise wax aynnu nahay? Sidee buu qof ila mid ahi dadnimada iiga saari karaa oo duunyo uu leeyahay iigu sheegi karaa? Sidee baan u aqbali karaa oo sharfid ugu arki karaa in aan qof duunyadii noqdo aniga oo qof sharfan ahaan kara? Sidee bay garasho badni u noqon kartaa in bashar lagu sheego WALAX LA YEELAHAY?”
Sidoo kale warqad ku beegan kala badhka buugga oo dhinac ka jaran waxaa ku qornaa “Runtii, umaan ahayn shaqaale ee waxay iga mid dhigtay qoyskeeda, waxay ahayd gabadh aad u dadnimo badan oo kalgacal badan. Iyada ayaa gacanteeda igu bartay af Soomaaliga iyo Ingiriisidaba, gurigeeda ayaana ku bartay sida wax loo akhriyo iyo in aan bashar qaayo leh ahayba! Faadumo, haddii ayna shil gaadhi ku dhiman lahayn waligay Nayroobi kama aan imaadeen.” Warqad aan taa ka fogayn waxaa ku qoran “waxaan rabaa in aan guursado, laakiin miyuu jiraa nin raba wax aan jidh ahayn? Anigu qof ayaan ahay, candho ma ihi!”
Hadallo badan oo goosgoos ah ayaa ku qoran buuggan, ugu danbayn waxaan ku hakaday dhambaal dheer oo dhammaadka buugga ku yaallay, wuxuuna u qornaa:
Aad baan u daalay, noloshuna dhadhan qurxiya iima laha. Subax walba in aan sii gaboobayo ayaan dareemaa, inkasta oo aan afartan iyo shan sano jiro, haddana, waxaan u eekaaday habar duq ah oo sideetankii madaxa la gashay. Hooyo, waxaan ka baqanayaa in aan dhinto aniga oo aan idin arag. In badan ayaan is-diidsiiyey in aan farriintan qoro, maxaa yeelay, hablahaygu waxba ma akhriyaan sababtuna waa in ayna wax dhigan. Sidee ayay xarfaha ku qoran warqad yar oo dul saaran miis madow oo yaalla xaafadda Tashiinka ee dhacda bartamaha caasimadda Kamaruun u gaadhi kartaa hablo yaryar oo Soomaaliyeed oo adhiga ku raaca baadiyaha Baladweyne? Sidee ayaan wax ugu qori karaa ubad aan waxbarsho helin, fursad ay ku heli karaanna hadda muuqan? Umalayn maayo in ay gaadhi doonto warqaddani ubadkaygii. Waxaan se ogahay in aan dhiman doono dhawaan, xanuunka daran ee kalyaha iga haleelay ama werwerka wadnuhu ila xanuuno midkood ayaan sababsan doonaa! Waa in aan wax qoraa xitaa haddaan la akhrin doonin. Ubadku waa qayb naga mid ah. Waa qaybta ugu mudan noloshayada. Sida aanu ilmaha u dhalno ee culayskiisa u dhigno, noogama hadho kalgacalkiisu ee maalinta uu caloolgalo ayuu ruuxda la darsaa oo xidida iyo dhuuxa hoose ee lafahayga raacaa jacalka aanu u qabnaa, waligiina sidaas ayuu noogu dhex noolaadaa. Sida aannu nafta ugu horno korintiisa ayaannu hilawgiisana ugu dhimannaa haddii la innaga fogeeyo. Ma hilmaamno oo kama hadhno si walba oo ay waayuhu innooga reebaan. Waa wadnaha jidhka iyo ruuxda qofka. Eraygu ma qeexi karo kalgacalka hooyada, ma cabbiro kara mugga jacaylkaas mar kasta oo lagu dayana wuu ku dhex lumaa. Maan jeclayn in aan hooyo noqdo, haddaan noqdana maan jeclayn in aan hooyo Soomaaliyeed noqdo, maan jeclayn in aan jiro. Balse intuba waa dhaceen. Maxay ka dhigan tahay in uu qofku jiro isaga oo aan xitaa go’aamin karin jidhkiisa iyo halka uu mudanayo? Isaga oo aan cadkii ka soo go’ay maalin qudha in uu isha saaro xaq u lahayn? Hooyanimada gabadha Soomaaliyeed waxba ma dhaanta dhari hilib ceedhin lagu riday oo markii uu bislaaday laga guray, sida aabbaha loogu abtirsado ayuu u leeyahay talada ilmaha oo xitaa haddii uu dhinto taladaasi walaaladii ayay ku wareegtaa, in aad hooyo noqoto xaq kuuma siinayso in aad yeelato kaalin ka weyn cunta karinta iyo maryo u maydhida ubadka. Waxaad xaq u leedahay in aad ubadkaaga sida ugu xun ula silicdo korintooda oo aad aabbahooda kugu dayacay Ilaahiisa u dhaafto oo ku samirto dhibtaa, xaq se uma lihid in aad nolol habboon ubadkaaga ku korsato. Haddii aad aabbahood kala tagtaan oo uu rabo in uu isagu korsado ama xitaa haddii uu dhinto oo aad diiddo dumaalidda walaalkii, kuma qabsan kartid ubadka adeeradood! Waxaad xaq u leedahay in aad jidhkaaga sida ugu wanaagsan ugu qurxiso ninkaaga, xaq se uma lihid in aad sida aad rabto u labbisato. Waxaa xaq u leedahay, in aad shaqayso marka dani kugu kallifto oo aad qabato shaqooyinka hoose ee mushaarka yar, xaq se uma lihid in aad waxbarato oo shaqo sare qabato. Maxaa yeelay, looma baahna in aad xadka naagnimada soo dhaafto! Waa maxay xadka naagnimadu? Waa in aad mar waliba ninka ka hoosayso! Siyaasadda waad gali kari kartaa, waxaadse qabanaysaa xilalka hoose. Ganacsi waad samaysan kartaa, waase ganacsiyada yaryar ee nacfiga badan lahayn. Wax waad akhrin kartaa, waxaad se akhrinaysaa wixii aan waxba kaa baddalayn! Maxaa yeelay, looma baahna in aad fakarto oo dhibaatooyinkaaga hoos u eegto, waad fidnoobaysaa, taasina waa gef. Hablahaygiiyoow, hooyo, aad baan uga xumahay in aan idinku soo luggooyay duni aydaan xaq u lahayn in aad kasha hooyadiin ku gama’daan oo tafteeda ku barbaartaan. Runtii, aad baan uga xumahay in ay idin dhashay hooyo nasiibxun oo ummad ayaan-darran ka dhalatay.
