W/Q: Aw Dacar.
Xalay Maxaa Dhacay?!

Waa saqdhexe oo ay saacadu ku began tahay 1-dii iyo 45-daqiiqo oo habeennimo. Waxaan ku jiray hurdo dheer oo aad u culus. Kolqura ayaan hurdadii ka soo haaday, sidii dhimbil kulul oo dhakada layga saaray. Ilbiriqsiyo ku dhow daqiiqad ayay igu qaadatay inaan caadi noqdo oo aan kusoo laabto goobta adeega iyo caalamka aan ku noolaa.
Waxaan isweydiiyay dhab ahaan waxa hurdada sidaa daran iiga salaliyay. Se inta aan ka fekerin warcelinta weydiintaas ayaan kediso ku maqlay cabaad iyo oohin wada socda. Waxa ay ahayd cod gabdheed oo aad u sarreeya. “Waqaaaaaaq!” ayay af labadii ku dhawaaqaysay! Yaab awgii indhihii baa dibada i yimid. Aniga oo aan far dhaqaajinin, ficilna ku darin ayaan maskaxda, qaybta male’awaalka iyo qiyaasta ka shaqaysiiyay, weliba awooddii iigu sarraysay xilligaa. Waan maleeyay, weliba malo badan.
“Doob caawa aqalgalay oo inta islaba-rogay xabadka uga fadhiistay caruusad kol hore ay islaan raabuqday si foolxun xubinkeeda u jarjartay, deedna kaga wiqiiq siiyay!” Maya! Malaha waa; “Xaaraami caalamka insaanka kol hore isaga baxay oo jidhkii dhaylaha ahaa ee afadiisa ul dhabiya diirka ooga qaadaya” War armaysan sidaa ahayn oo ay tahay; “Tii dariska ahayd ee miskaha weyneyd oo laga tumayo duulalkii ay qabtay!” Shaalle waa; “Waalid habsan ah oo caalamka carruuurta ku wareeray oo gabdhiisa si maxalli ah u garaacaya!”
Waxaan joojiyay malaha iyo qiyaastii, kana fekeray u banbixidda cabaadkaas iyo ka joogistiisaba. Waxay labadaa feker maankayga ku hardamaanba, ugu dambayn inaan baxo ayaan hoosta ka xariiqday. Judhiiba ilayska qolkayga ayaan daaray, waxaana isku dhex-riday funaanad madow, iskuna duuduubay go’ shaala oo aabbe lahaa, se kolkaa qolkayga yiillay.
Waxaan furay albaabka qolkayga. Dhankii ilayska daarada baan aaday oo aan daaray. Waxaa ardaaga guriga sidii neef bakhtiyay u jiifa barbaar la iigu sheegay inaanu ilmo abti nahay. Kulayl aan la la qabin buu ka sheegtaa oo sidii dharkii ayuu habeenkii ardaaga isku wadhaa oo seexdaa.
“Waryaa meyd.. Waryaa meyd. Meydyahow qudhmay! Kakac hurdada” ayaan iri, aniga oo faraha fiidooda sidii maskii madaxa uga garaacaya. “Haah.. Haah.. xabiibtii sidee lee dahay.. naga daa yaaqey noh. Hawsha ha nagu kala goyn!” ayuu ku qarway, isaga oo dhunkasho iyo salaaxid la raadsaday gacantii aan madaxa kaga garaacayay. “War ma tii yarayd ee suuqa xidhiidhada iyo jacaylka aad isku eryanayseen baad imooday” intaan iri, baan bahal dharbaaxo dhabanka kaga soo jaray.
Argaggax awgii intuu samada galay ayuu si foolxun gogoshii ugu soo laabtay. Intuu iska saxay dhanka aan ka jiray ayuu bahal feedh ah caloosha ii geliyay. Hillaac baa iga kacay. Wa xoogaa aflagaado, laad iyo feedh lagu ladhay ayaynu hawada isku marinay.
Ugu dambayntii inuu istoosiyo, shaydaanka iska naaro, hawo qaato, degnaan muujiyo, goobta adeega iyo caalamka aynu ku nool nahay uu kusoo laabto ayaan ka dalbaday. Ilbiriqsiyo kama ba soo wareeginba “Alla hayaay inan baa cabaadeesee miyaad maqlaysaa?!” Ayuu si argaggax iyo yaabi ku jirto iigu yiri. Sababta aan uga kiciyay inay tahay baan u sheegay. Waxaan kaloo u sheegay inay inantaasi hiil nooga baahan tahay. Wuxuu daamanka iyo dhakada bidaarta sahansanaysa wareejiyaba, ugu dambayntii waa igu waafaqay.
Funaanad aad moodo harqad iyo macawis qoodhasifays ah intuu isku dhexriday ayaanu kedinka ka wada degannay oo sida maska uu muska uga dhexduso baan mugdiga habeenka uga dhexdusnay.
Intuu qadaadka xoqday, dhawr jeerna hamaansaday buu yiri:
— “Maxay kula tahay?!”
— “Dee mooyi” indhahaan maraanmaray.
— “Kawaran xaasle xaaskiisa kaga cabaadinaya hadduu noqdo?!” mar kaluu qadaadka xoqday.
— “Habka ugu habboon, uguna dhadhan macaan ee la isugu galmoodo baan u sharraxaynaa xaaslaha wareersan” go’ awelba ii hagaagsanaa ayaan sii hagaajistay.
— “Haduu albaabka naga furi waayane?” Qoodhasifaystii buu dacalkeeda qabsaday.
— “Daaqada ayaan ku garaacaynaa” Waan hamaansaday
— “Oo haduu furi waayane?” Sidii oo ay sharbo ku yaallaan ayuu miiqay.
— “Dariskaa lagu soo kicin” jeegadaan xoqday.
— “Allow adaan daris kula noqon. Garacyahow raaxada dadka ka dhabqiya!” Dacalkii qoodhasifaystuu sii daayay.
— “Tani raaxo maaha ee waa kufsi maxalli ah” labo hindhiso oo degdeg ah baan iska daba keenay. Hendhis! Hendhis!
Gurigii baan soo gaadhnay. Gurigu waa dhismo qadiimi ah. Gidaar duqoobay oo malaha nus-qarni qotonsanaa baa ku hareersan. Malaha waa noocii lagu dhisi jiray caanaha geela. Ganjeel weyn oo bir ah oo culus oo daxalaystay baan garaacis la hor istaagnay. Gow! Gow! Kakanaantiisa, mindhaa isagane lafo geel baa laga sameeyay. Mooyi!
Albaabkii nagala furi waa, kol-kale garaacnay. Gow! Gow! Haddane garaacnay. Kii ila socday baa labo fiilo istaabatay, kolkaa buu laad la dhacay albaabkii illaa laga furay. Fag!
“War maxaad ahaydeen?!” Oday feero qaawan oo qoodhasifays uskagaysan lawyaha u joogta oo naga furay albaabka ayaa hadalkaa nagu salaamay. Odaygu, da’da ka muuqata foolxumadeeda intay garbahiisa goday ayay goobo u yeeshay. Dhako afarta barje bidaar kaga timid, indho naxariistii kol-hore ka gudheen, af aad moodo kii Jiirka oo labada kore ee ilkaha maqan yihiin, afar-xabo oo shaarbo dhaadheer, feero la tirin karo, calool dhabarka ku dhagan iyo mijo fiilada-korontada kula tartami karta dhuubnida ayuu Odaygu lee yahay.
Suun maqaar ah oo labadiisa dacal biro yihiin buu badhtanka hayaa oo lalminayaa. Dhididka ka soo farooday dhafoorada ayaa labadiisa dhaban hoorayo. Deriska inaan nahay baan u sheegnay, ina ayohaygane waan u raaciyay, si aanu odayga u didin. “Hagaag bal soo gala” Oday raabuq waa is-majiiray. Si qunyar ah baa innagane uga daba-galnay.
Judhiiba waxaa hortayda iyo dhinacyadaba iiga muuqday labo geed oo ay geed-hindi ula baxeen Soomaalida. Musqul dhimatay oo albaab jajaban ayaa dacalka shishe ee guriga iiga muuqatay. Dameer oo meel halkana bururuf lehne waa ii muuqday. Kaabad burbursan, gidaar dildillaacan, albaabo iyo daaqado ay qaarkood is-garaacayaan iyo muuqaalka guud ee guriga waxaa laga dheehan karay sida ay reerka u yihiin danyar masaakiina oo wax hanitiya haysan.
Mid kamida geedaha dhexqotomay guriga waxaa ku marnaa oo ku xidhnaa gabadh da’ yar oo aan dhowr iyo toban jir ku qiyaasi karay. Iftiinka nalka ee ardaaga ka daaran ee bigdamlaynaya ayaa muuqeeda si dirqi ah iigu muujinayay. Waxay ahayd weyd, indho-cawlan, timo dhaadheer, bishimo madmadow iyo midab maariin-cadaan xigeen ah. Sidii loo garaacayay ayay wajiga, gacmaha, lugaha iyo badi xubnaha kale ku yeelatay dhaawacyo daran oo qaarkood dhiigayaan. Way gabtay oohintii iyo ilmadiiba oo imika waa ay hiqlaynaysaa.. Hiq! Hiq!
“Adeer siday wax u jiraan?!” Intaan iri, baan si kalsooni iyo dhiirinaani ku jirto isku dherariyay oo indhaha indhaha ugu qabtay.
Wuxuu ii sheegay inuu yahay danyar dhalay sagaal carruura, kuna xamaasha gaadhi-dameer. Wuxuu kale oo ii sheegay in gabadhu ay curadiisa tahay, sida uu doonane ka yeelan karo! Khaladaadkeedii oo idil buu taano-taano iigu dul istaagay, wuxuu ku habsaamay oo uu aad iigu sharraxay keedii ugu dambeeyay ee aay galabta gashay.
Goor ay hooyadeed islaan kale ummul ka bixinayso, guri baylahane looga tagay, in ay ciyaar iyo foodley aaday buu dhegaha iigu shubay. Casarliiq ay cadceedu godkeeda sii gelayso inuu guriga yimid, isaga oo gaadhi dameerkiisa wata, deedna uu indhaha ka qaaday carruurtii, alaabtii iyo gurigii oo isku qasan. Xilligaa inaysan casho diyaarsanayn, gurina hagaagsanayn buu ii sheegay. Cadhada uu ka qaaday in la madax-maray oo dhawr kaniini oo kii madaxa iska daba liqay, isla markaana uu wacad ku maray in saqdhexe suun dubka kaga diiri doono buu ii sheegay. Ugu dambayn wacadkii inuu fuliyay buu hadalkiisii iigu khatimay.
Goorta uu naaska usoo baxo inanta ama manida uu keeno inanka inay tahay xilliga ay ugu kibir iyo santaag badan yihiin baan soo xusuusiyay, hadalkaygane ku furfurtay. Kolkaa in jujuub iyo qasab wax looga jaro ama loogu sandulleeyo ay tahay gacmo daalis iyo kud ka guur oo qanjo u guur ayaan ugu xijiyay. Waxaan u sheegay in carruurta uu u caddaalad sameeyo oo kurayda cayaar mooyee aan wax kale qaban aanu gabadhiisa ugu ciqaabin ama ugu canaan maxaad wax ugu karin wayday?
In sida gabadha uga la xisaabtamayo guriga, in sidaa oo kale wiilashiisane uga la xisaabtamo. In sida wiilasha ciyaar, damaashaad, saaxiibo wakhti la la soo qaato ay ugu baahan yihiin in sidaa oo kale ay gabdhaha uu dhalayna ugu baahan yihiin ayaan dhegaha ugu shubay. Gabdhaha uu dhalay inay yihiin nafley ciyaar, tamashleyn, farxad iyo bood-bood u baahan ayaan markale ugu sii adkeeyay.
Waxaan u sheegay in khalad walba oo ay galaan inaan lagu xalin garaac iyo waano. Garaacistu ilmuhu inuu kasii dara mooyee aanu kasoo roonaanayn baan markale dhegaha ugu shubay. Siiba xaaladaha kala miiranka oo magaalada ay seexato aanay wacnayn in weedh xun ilmaha la yiraahdo, dil warkiisaba daa. Cudurka si loo daweeyo waa in la ogaadaa sababka keenay, si lamida khaladaadka carruurta, si xal looga gaaro waa in aad ogaataa sababaha dahsoon ee ka dambeeya, lana isku dayaa in la la falgalo sababahaas ayaan u sheegay. Ugu dambayntii, in dilku uu noqdo xalka ugu dambeeya ama inta uu ka meermeeri karo uu ka meermeero baan hadal ugu khatimay.
Odaygii waa uu yara aammusay. Aammus daqiiqado qaatay. Inta i soo eegay ayuu ii mahadceliyay, iiguna celceliyay mahadcelinta illaa uu iigaga xishood siiyay. Sida aan sheegay iyo si ka wacanba inuu samayn doono buu wacad iigu maray. Hadda kadib inaan iska warhayno buu iga codsaday. Gabadha adiga ayaanba ku siin ayuu si kaftana iigu yiri.
Ugu dambayn, waxaan wada aadnay dhankii gabadha. Xadhigii baan ka furnay oo aan dhankeedane la hadlay. Waxaan u sheegay inay ku saxan tahay inay ciyaar, tamashleyn iyo boodboodba ay u baahan tahay, se arrinku ka la muhiimsan yahay. Laga yaabaa gabdhaha ay la ciyaarayso in qaybta ay ku lee yihiin hawsha gurigooda ay kol hore soo dhammaysteen ama guriga shaqaale u joogaan baan ku baraarujiyay.
In odayga aan la hadlay oo qof walba oo guriga qayb ka ah hawl loo qoondayn doono baan ugu bishaareeyay oo hadda kadib culayska guriga la wada qaybsan doono. Ugu dambayn inay caadi iska dhigto oo caalamkeeda carruurnimo ama dhoocilnimo ku raaxaysato baan hadal ugu khatimay.
Ilmo ayaa kusoo joogsatay oo indho miskiin iyo daacadnimo ka muuqdo oo haddii lagu eegi lahaa Sheydaanka uu tawbadkeeni lahaa bay igu eegtay. Deetane shafka ayay si ogaal iyo ku talagal la’aan ah ii gelisay. Hab! Dhibco waaweyn oo illin ah iyo neef kulul oo ay sambabada in badan ku raajisay ayay kol qudha soo daysay.
