W/Q: Cabdifitaax Ashraf
Aragtida shakhsiyadda ee Taxliilin-nafeedda: FREUD |Psychoanalysis Theory of Personality| Q3aad
Superego
________
Qaybta ugu dambaysa ee waxyaabaha ay shakhsiyaddaka kooban yahay waa superego ga. Sida uu Sigmund Freud yiri superego waxa soo ifbaxaa laga soo bilaabo da’da shanaad ee qofka.
Superego ga waxa uu isku hayaa xeerarka akhlaaqda iyo dhaqannada mitaaliga ah e waalidka iyo buslahda laga dhaxlo (dareenka saxnaanta iyo qaldanaanta).(Boag S. 2014).
Marka uu ilmaha soo gaaro shan sano waxa uu bilaabaa in uu qaato dhaqanka waalidkiisa, markaas ayuu superego giisa dhismaa , canaanta iyo oggolaanshaha waalidka ayaa uu xumaanta iyo wanaagga ku kala saaraa; wax kasta uu waalidka u oggolaado waa sax, waxii uu ka canaanta waa qalad.
Superegoga waxa uu inoo xaaraa dhabbihii inoo suurogalin lahaa in aan wax ku xukunno ama aan cid ama shay gaar ah go’aan kaga qaadanno. Superego ga waxa uu ka kooban yahay labo qaybood oo kala ah: Damiirka; waxa ku kaydsan dhammaanta xogta walaxaha waalidka iyo buslahdu u arkaan in ay yihiin wax xun. Badanaa habdhaqannadan waa kuwa aan la oggolayn cawaaqib xumo, ciqaab, ama dareemidda dambi iyo qoomamo kugu hoggaaminaya.(Schalkwijk F. 2018).
Ego-ka mitaaliga ah (the ego ideal) ; isagana waxaa ku kaydsan dhammaan xeerarka iyo halbeegyada habdhaqan ee uu ego ga doonaya in la gaaro.(Schalkwijk F. 2018).
Ego ka mitaaliga ah waa sawir qofeedka uu ruuxan haysto ama waxa uu ka aaminsan yahay astaamaha qofka dhammaystiran ee iinta la’ dhaqan ahaan waxa uu na isku dayaa in uu noqdo qofka nuucaa ah ee maankiisa ku sawiran. Sidaa darteed egoga mitaaliga ah waa sawirka maankiisa ku xardhan ee uu sidiisa noqo is leeyahay.
Haddaan aan soo koobno;
Id: qaybta ugu wayn ee dunta hoose ee shakhsiyadda taas oo isku dayda in ay si degdeg ah ugu jawaabto dareenada qofka soo cariya sida; gaajada, oonka, qooqa iwm. Ego: qaybta isku dayda inay xakamayso id-ga baahidisiina u dabooshay si caqliyaysan oo suurogal ah. Super ego waa qaybta wax kala saarta ee u kala qaybisa sax iyo qalad , xalaal iyo xaaraan, waxayna isku daydaa in ay joojiso rabitaanada waalida ah ee id-ga.
Id-ga waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay qaybta bahalnimada ee shakhsiyadda qofka , waxa uuna isku dayaa in uu baahidiisa daboolo si kasta uu u dabooli karo, Tusaale ahaan haddii uu galmo u baahdo qofkii ka horyimaada ayuu kufsanayaa, halka Ego-ga oo lagu tilmaamo in uu yahay kan xakameeya , sida uu Freud tibaaxayna id-ga waa sida faraska Ego-gana waa qofka wada, ego-ga sida id-ga ma yaqaano sax iyo qalad wax la yiraahdo, sidaa darteed si uu u daboolo baahidaa galmo waxa uu raadinayaa hab galmo ah taas oo aysan hadhow dhib ka imaanayn ama dadka ku ogaanayn , tusaale waxa uu id-ga ku qancinayaa in uu meelaha lagu tunto aado oo soo dhillaysto intii uu wax kufsan lahaa.
Superego-ga oo ah kan wax kala saara si loo daboolo baahidaa galmada wuxuu soo jeedinayaa in uu guursado , galmada guurka ka baxsanna xaaraan ayuu u arkaa, sidaa darteed waxa uu cibaqaabayaa id-ga iyo ego-ga asoo dareensiinayaa danbi, ceeb iwm. Kala fogaanshaha id-ga iyo Super ego-ga, darteeda ayaa Ego-ga lagu tilmaamaa in uu yahay mid labadooda dhexdhexaadiya markastana xal dhexdhexaad ah gaara.
Saddexdaan awoodood ayuu ku hardama gudaha miyirka qofka, qofna wax ayaa ku badan oo kuwe kale shiiqiya, dadka sida bahalnimada ah u dhaqma waxaan dhihi karnaa id-gooda ayaa sarreeya. Si loo ogooda qofka heerka id-giisa , Ego-ga iyo Super-ego-gaba waxaa la sameeyaa waxa loo yaqaano psychoanalysis oo ah taxliilin miyireed.