Ma og tahay?

WQ: Sh. Abdirahman Bashir
WT: Cabdiwaasac Nimcaan
Tifaaftir: Farxaan Gacmuudi

Ma og tahay?
………………….

Ma og tahay in nolosha loo alkumay dhammaan adiga iyo asaaggaa ba. Haka fekerin inaad aragto naftaada dadka kale la’aantood. Ha qorshaynin inaad yool u samayso dadka, suurtagal maaha, waa laga yaabaa in ay ku suurowdo awood, se si qoran ba wakhtigu waa soconayaa noloshuna way tegaysaa. Dadkuna waxay ka baranayaan sooyaalka adkida ka naftiisa uun u shaqeeya, ee qorsheeya laynta dadka. Ha noqon ka ay nacladaan facyaashu, se isku day inaad noqoto ku u noolaaday naftiisa iyo qayrkeedba, ee si badhaadhe leh u noolaada u dhintana isaga oo la weyneeyo ee gala diiwaanka sooyaalka si igmasho la’aan ah.

Ma og tahay in muwaadinka qaarkii uu ku nool yahay dalkiisa isaga oo waageeni¹ gaajoonaya oo la yaso ah. Halka ay waddanka kula nool yihiin qariib si maamuus, ciseyn iyo sharci-sharfitaani ku ladhan yahay; waayo maamulku mudanaha wuu ka cabsadaa e martida kama cabsado. Saa waageeniga wuxuu siiyaa wax kaste halka muwaadinka loo diido wax kaste! Suu moodaa soo-galootigii in caddaaladdu sidaas tahay muwaadinkiina uu u maleeyaa inaanu xilligu xilligiisii ahayn. Taasina waa mid dhacday lamana waayo, haddana jirta.

Ha se ahaatee kolka arrinku sidiisii ku noqdo ka ugu horeeya ee ka cararaayaa waa qariibkii. Se Waxa la yaab leh inuu raadiyo waddan kale oo uu waageeni ku noqdo isaga oo sharfan! Kaasi waa mid ka mid ah dhaqannada ‘Walaxowga Aadanaha’ sida uu Masiiri² ku ereybixiyo xusuusqorkiisa irkiga leh.

Ma og tahay in dadka qaar ay la dhaqdhaqaaqaan oo la falceliyaan walxaha, halka qaar ay la falceliyaan dhacdooyinka. Waxaa se yar inta akhrisa waxa ka danbeeya dhacdooyinka iyo walxaha. Tani waa isku dheellitiranka nolosha! Saddex geeskeedu dadka badankiisa wuu isku rogay. Waxay xiiseeyaan walxo aanay garanayn qiimaheeda iyo micnahay ugu fadhido ilbaxnimada. Ilbaxnimadu maahan walxo ee waa fikirro, dhaqanno iyo wax abuurid asal ahaan.

Si aad xaqiiqada u garato aad magaaladii Dubaay, ee quruxda iyo irkiga lahayd, caalamka walxuhu si xisaab la’aan ah ayuu u dhexyaallaa. Aad magaalada Landhan, Baaris, Istaanbul ama xitaa Qaahira iyo Dimishiq waxa dhexdooda ah fikir, ilbaxnimo, aqoon iyo sooyaal, dabadeetana waxaad heli walxo si xeeldheeri leh loo uumay oo qurux iyo layaab ku dheehan yahay.

Ma og tahay in haddii aad akhrido kitaab ay u dhiganto ku gaaf wareeggida caalamka aqoon ahaan? Haddaad akhrido Hordhaca—Muqaddimada—ibnu Khalduun, waxay ka dhigan tahay adiga oo u safray dhanka sooyaalka iyo ilbaxnimooyinka oo aad la falgashay dawlado iyo bulshooyin ba. Oo aad akhrisay xagallada nolosha dhanka siyaasadda ka dibna aad gorfayso arrimaha ilbaxnimo, waayo Ibnu Khalduun waa xeeldheere siyaasadeed, wuxuuna leeyahay aragti qeexaysa fahanna ka bixinaysa ilbaxnimada nolol iyo geeriba. Mararka qaar waxa laga yaabaa in aad dul istaagto arrimo fiqhi ama cilmi afeed ah.

Waxa ugu qaayo badan ee kitaabka ku jiraa waa in aad fahanto xeerarka sargooya nolosha—Sunanul-Xayaah—adiga oo ku sugan gurigaaga, maktabaddaada ama xafiiskaaga. Iyada oo uu hortaada yaallo koob shaaha, qaxwe ama caano ahi waa haddaad tahay fidroole iyo dabci same e.

Ma og tahay in akhrinta bog ka mid ah kitaabka Ilaahay oo si dhugmo iyo u fiirsasho leh u akhrinaysaa ay ka fiican tahay akhrinta jus aad si dhugmo la’aan ah ku akhriday. Laba goora ba ajarkii waad leedahay si kaste ba. Se maxaa ka danbeeya akhriskaas? Waxa is waydiin mudan in aad akhrido kitaabka Ilaahay si fahan la’aan ah adiga oo ka xishooda in aad akhriso dhambaalka qof aad jeceshahay oo aanad fahmayn!

Ma og tahay in aamusni ku fekerku ka fiican yahay hadal ku fekerka, waayo aamusnida waxaad adeegsanaysaa garaad nidaamsan carrabkuna in yar buu odhanayaa, halka marka labaadna aad garaadka iyo carrabka ba wada adeegsanayso. Muhiimaddu waxa weeye, baro fanka aamusnida, fanka garaad nidaamsanida. markaasna ha hadlin baahi kuu gaysa la’aanteed, hana la tiraabin cid aan garanayn qaayaha fekerka, la dood inta waaweyn, oo baro sida loo qanciyo inta iska caadiga ah.

Diiwaan gali maandhurradaada siiba kuwa yimaadda feker nidaamsani dabadeed. Hana qorin waxa ay dadku rabaan waayo ma tihid hantiilaha suuqa ku xidhan ee aan suuqa samayn! Halka mufakirka iyo abwaan ku dadka ula yimaaddo aragtiyihiisa ee uu ku saameeyo deegaanka—jawiga nololeed ee isbeddelka bulsheed—oo aanu sugayn waxa ay dadku doonayaan, isaga oo kaga duwan hantiilaha arrintaas.

Waxa laga yaabaa in dadka Alle xaggiisa dadka ugu yeedhaa in ay dadka daba socdaan se taasi maaha astaanta daaciyada dhabta ah. Daaciga fikirayaa dadka wuxuu u sameeyaa giraan fikraddeed iyo tu hab dhaqmeedba, halka daaciga wacdiilaha ahi uu hadlo uun sida hantiilaha, markaa isagu wuxuu daba socdaa uun dadka! Mushkiladduna waa in aynaan lahayn feker nidaamsan.

Ma og tahay in Hadalku ka fiican yahay aamusnida, shaqo wadareedduna ka habboon tahay shaqada qof keli ahi qabto, shaqada qorshaysanina ka fiican tahay shaqada bilaa qorshaha ah, dhiska fikireedna uu ka horreeyo dhiska ruuxeed: waayo dhisanka ruuxeed waa dheef, halka dhisanka fikireed sababtiisii yahay. Aqoontu waa hordhaca Iimaanka, Iimaankuna waa hordhaca xasiloonaanta iyo khushuucda: “… Iyo si ay u ogaadaan kuwii cilmiga la siiyay in uu yahay [Qur’aanku] xaq dhanka Rabbigaa ka yimi oo ay u rumeeyaan kadibna qalbiyadoodu u khushuucdo isaga, Allena waa kii ku hanuuninaya kuwii imaanka laga helay jidka toosan.³”

Ma jirto guuli barnaamish la’aan, barnaamijna ma jiro qorshe la’aan, qorshena ma jiro aragti la’aan, aragtina ma jirayso aqoon la’aan. Waxaas oo dhamina wuxuu ku dhammaystirmaa jawi shaqo wadareed, kuma se dhammaystirmo deegaan ay hoggaamiso dhaqanka shaqanimo ee kelikelida ah.

Ma og tahay in fadhiidnimada fikireed ay ka halis badan tahay wax kaste oo kale! Xisku mar ka uu sardho galo ama la seexiyo noloshu way is taagtaa, awoodaha iyo tamaruhuna way caddlilmaan maalmuhuna isu eekaadaan heer wakhtigu qaayabeelo, goobuhuna aanay micno samayn bal ee waxyigu kuwa caqligooda shaqo tira wax ma dheefiyo. Kuwa aan u fekerin si manhajaysan waxay ku nool yihiin banka ilbaxnimo, saxaraha, haddana waxay ku faanaan jahligooda iyagoo u arka maamuus iyo milgo sidaasna waxay sii ahaadaan qarniyo iyada oo dadkiina caqliga adeegsanayaan si manhajaysanna u fekerayaan —sida waxyigu ba ugu baaqay— iyaga oo horumar sii korodhsanaya.

Noqo qof cusub, cusboonaysii baaqaaga, afkaartaadana noocyo u yeel noloshana u eeg sidii oo maanta lagu abuuray tagtadii oo qudha haku noolaan maxaa yeelay waxaad ku dhiiranaysaa arinkaa, markaana waxaad helaysaa nolosha oo kaa fogaata.


1: waageeni; qariib, marti, nin aan dalka u dhalan ama soo-galooti ah.
2: maqaalka Masiiri ee :الإنسان الوظيفي ayaad ku arki kartaa.
3: Suurtatul Ancaam, aayadda 54aad.

One thought on “Ma og tahay?

  1. Bahda Raad-reed dhammaantiin oo isku duuban waxan idin leeyahay mahadsanidiin
    Sheekh Abdirahmaan maqaalo cilmiyaysan oo badan buu qoray soo af naqa si dhallinyaradu uga wada faa’iidaystaan
    Mar labaad mahadsanidiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *