Aragtida shakhsiyadda ee Taxliilin-nafeedda: FREUD |Psychoanalysis Theory of Personality| Q2aad

W/Q: Cabdifitaax Ashraf

Ego

Sida uu Sigmund Freud qabo Ego-ka waxa uu ka yimidaa ide waxa uu na xaqiijiyaa in carinnada id ga loo soo bandhigo qaab uu waaqaca aqabali karo.(Pulcu E. 2014).

Ego, waxa uu ka hawlgalaa dhammaan miyir duleedka, miyir dhexaadka iyo miyir duneedkaba. Ego ga waa qaybta shakhsiyadda ee la tacaamusha waaqaca. (Bargh JA, Morsella E. 2008).
Ego ga waa qaybta nidaamsan ee waaqiciga ah taas oo dhexdhexaadisa rabitaannada dhalanka ah ee Id ga iyo dhaliisha super ego ga.(James Strachey, Gen. 19999).

Shaqada ego ga waxaa sal u ah Mabada’a waaqaca (Reality principle) kaas oo ay hawshiisu tahay  in uu rabitaannada  id ga u habaqtiro qaab waaqac la jaanqaadaya buslahdana ay oggoshahay. Mabada’a waaqaca waxa uu isku miisaamaa khasaaraha iyo faa’idada falka ka imaanaya si loo go’aamiyo haddii la fulinayo ama laga tagayo. Marar badan carinnada Id ga waxaa la daboolaa ayada oo loo sii maraya hannaanka “dib u dhigidda haqabtirka” (delayed gratification), ego-ka ugu dambayn  waa u oggalaanayaa habdhaqankan balse waa marka waqtiga iyo goobtu ku habboon yihiin samayntiisa.(Boag S. 2014).

Dib u dhigidda haqabtirka waa in aad nafta ka celisaa wax ay hadda rabto adiga oo u ballanqaadaya abaalmarin wayn oo goor dambe ah, sida aan nafta ka celiso macmacaanka adiga oo u sheegaya in jir qurux badan oo caafimaad qaba ay heli doonto mustaqlka haddii ay maanta iska dayso cuntada nuucaan ah. Si guud waa nooc ka mid ah qabaabka nafta loo xakameeyo.

Freud waxa uu ego ga ku matalay in uu yahay sidi nin fardfuul ah oo faraska xakmaynaya, faraska ayaa xoog badan oo wayn balse ninka saaran ayaa hadba dhan u jiheeya oo xakamihiisa haya. Faraskana wax kale ma ahan waa id ha maadaama uu aad uga wayn yahay ego ga.

Muhiimmada shaqada ego ga waa in xakeemaya dhammaan marinnada carinnadu ka soo fufaan. Haddaba xiriirka ego ga kala dhexeeya id ga waxa uu la mid yahay midka ka dhexeeya faraska iyo ninka dushiisa saaran, ninka waxa uu ku qasban yahay in uu xakameeyo awoodda wayn ee faraska. Hadduu faraq u dhexeeyo tusaalaha iyo la tusaaleeyaha waa in fardfuulka uu adeegsado awooddiisa gaarka ah si uu u xakameeyo faraska, halka ego ga uu u isticmaalo maamulidda id ga awoodo uu soo amaahday.

Haddii aan tusaalaha sii faafaahinno, fardfuulka haddii uusan ka tagin faraska waxa uu ku qasban yahay in uu u jiheeyo halka uu u aadayo faraska, sidaas oo kale ego ga caadadiisa waxa ay tahay in uu rabitaannada Id ga fal u beddelo sidii ay yihiin kuwiisa gaarka ah.(Freud, 1896).

One thought on “Aragtida shakhsiyadda ee Taxliilin-nafeedda: FREUD |Psychoanalysis Theory of Personality| Q2aad

  1. Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin.
    Talo: waxaa jira ereyo laga yaabo ineysan aqoon dadka aqristayaasha ah sida ereyga currinada ah aniga xitaa ma aqaano waxa laga wado, micnaha ereyada sii sharaxa si loo fahmo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *