Aragtida shakhsiyadda ee Taxliilin-nafeedda: FREUD |Psychoanalysis Theory of Personality| Q1aad

W/Q: Cabdifitaax Ashraf

Aragtida shakhsiyadda ee Taxliilin-nafeedda: FREUD

Aragtidan waxaa lahaa Saakoolajistihii iyo dhakhtarkii caanka ahaa ee caafimaadka maskaxda ahaa ee Sigmund Freud. Wadiiqada Taxliilin-nafeedda ee shakhsiyadda waxa ay xoojisaa muhiimmada ay leeyihiin dhacdooyinka la la kulmo xilli carruunimada iyo muhiimmada miyir duneedka (Subconscious mind).

Sigmund Freud waxa uu rumaysnaa in waxyaabaha ku qarsoon miyir duneedka ee dibadda ugu soo bixi karaan qaabab kala duwan sida; sida riyo, sheeko furan iyo carrab-dafid(hafasho).(Mcwilliams N, 2011).

Sida uu Freud leeyahay miyir duneedka waxa uu si joogta ah saameeyaa habdhaqankeenna iyo Waayo-aragnimadeenna, xitaa innaga oo aan ka warqabin saamayntaas. (Boag S. 2014).

Sigmund Freud waxa uu qabaa; in shakhsiyadda dadka ay dhawr shay ka kooban tahay. Sida uu ku sheegay aragtidiisa caanka ah ee Taxliilin-nafeedda shakhsiyadda waxa ay ka kooban tahay saddex waxyaabood oo kala; Id ga, Eg ga iyo super ego ga. Saddexdan ayaa si wadajir ah isu la shaqeeya si ay abuuraan habdhaqanka aadanaha.. (Boag S. 2014).

Ayada oo aragtida Freud loo eegayo Id ga waa isha ay ka soo burqadaan dhammaan tamarta nafeed, waana qaybta sameeya salka shakhsiyadda.”(Boag S. 2014).

Id ga

Id ga waa qaybta uu qofka ku dhasho, waana meesha ay ka soo burqadaan dhamaan baahiyaheenna iyo rabitaannadeena, waa qyab guud ahaanba mid qarsoon ama ku dhex jirta miyir duneedka. Falalka isaga ka soo fula ma ahan kuwa miyir duleedka ku soo dhaca ama laga fekero waa kuwa si aan la dareemayn u dhaca ama si toos ah (automatically).

Id ga waa qaybta xaywaannimada ee qofka taas oo aan waxba xeerin iskuna dayda in baahi walba si dhaqso uga jawaabto, id ga waa waxa maamula habdhaqanka carruurta, marka ay gaajoodaan waa ay ooynayaa ilaa baahidooda laga daboolayo ma yaqaanaan sug sababta oo ah id ga ayaa xukumaya, waa uu na sii xukumaa ilaa ay ka garaadsanayaan ama ay la qabsanayaa bulshada ku hareeraysan ayaga wax ka baranaya habdhaqannadooda iyo xeerarkooda.

Id ga waa qaybta isku dayda in ay si dedeg ah uga jawaabto baahiyaha iyo rabitaannada qofka, waxaa gadaal ka soo riixayo “Mabda’a raaxada” (Pleasure Principle). Kolka la jooga aragtida Taxliilin-nafeedda ee Freud “Mabda’a raaxada” waa awoodda dhaqaajinaysa Id ga kaas oo isku daya in si dhaqsi ah loo daboolo dhammaan baahiyaha iyo rabitaannada.

Haddii si kale loo dhigo, Mabada’a raaxada waxa uu ku dadaalaa in si degdeg loo habaqtiro baahiyaheenna aasaasiga iyo bidaa’iga ah oo ay ka mid yihiin; gaajada, oonka, xanaaqa iyo qooqa. Kolka aan la daboolin baahiyahan waxaa ka dhasha
In Freud’s psychoanalytic theory of walaac iyo xasiloonidarro. (Moccia L, Mazza M, Di Nicola M, Janiri L, 2018).

Balse habdhaqanka nuucaan ah ee isku dayaya in baahi kasta isla marka la dareemo la haqabtiro waa mid ay carqalad ku hor gudban tahay bulshadana aysa aqbali karin, sidaa darteed waxa uu Freud leeyahay si id gu arrintaa u maareeyo waxa uu adeegsadaa “Habka feker ee aasaasiga aj” (primary process of thinking). Habkan waa in maanka lagu sawiro shayga la rabo ayada taas looga gol leeyahay in lagu qanciyo baahida markaas taagan.(Boag S. 2014).

Tusaale ahaan haddii ay gaajo soo cariso id ga waxa uu samaynayaa in uu u sawiro cunto macaan maadaama aa isla markaa la heli karin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *