Soo-koobidda buugga; Saboolnimada sidee looga baxaa?

Soo-koobidda buugga; Saboolnimada sidee loogu baxaa?

Hordhac;

Buuggani waxaa qoray Qoraa Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil. Waa 207 bog kana kooban sagaal cutub. Qorista buugga waxa ay ku timi ayada oo qoraagu doonayay in uu maqaal ka qoro mawduuca saboolnimada ka dibna uu maqaalkii dheeraaday, intaa ka dibna waxaa ku dhalatay in maqaalka u baddelo buug, ayada oo buuggaasina la daabacay sanadkii 2001dii. Sida uu qoraagu ba xusaayo, u jeedka buugga waxa uu ahaa in uu yara iftiimiyo culeyska saboolnimada iyo xalkeeda, maadaama dunida noqotay hal tuulo, haddane dad badani wali aysan fursad u helin in ay xubin ka noqdaan tuuladaas, ayada oo fursadaha inta badani ay gacanta u galeen dad gaar ah.

Waxaa laga yaabaa in marka ciwaanka buuga ee ‘Sidee Saboolnimada looga baxaa’ aad akhriso, is la markiiba ay kugu soo dhacaan kuwa yiraahdo, ‘Sidee milyoneer ku noqotaa’ balse qoraaga waxa uu caddeynayaa in uusan raacin manhajka qoraalada nuucaas ah, buugiisana uu ka madax-bannaan yahay waalidaas. Waana dhab, oo buuga gudihiisa waxa ku qorani waa aqoon iyo xaqiiqooyin ka fog ka ganacsiga dareenka dadka.

Cutubka 1aad: Xaaladda saboolnimada adduunka. In kastoo uu aadmiga si guud uu qarnigii 20aad horumar ballaaran ku tallaabsaday, hadane si is ku mid looga ma wada faa’ideysan, oo ma jirin isu-dheelitirnaan uu aadmiga u qeybsaday horumarkaas la gaaray. Hadane, ayada oo aysan jirin tirakoob oo ka run sheegi karo xaaladda aadaminimo ee xaaladdaas ayaa waxaa la helayaa tirokoobyo aan lagu farxaynin, kuwaasi oo muujinaayo heerka saboolnima ee dunida.Tusaale ahaan, tirakoob uu sameeyay Bankiga Adduunka ayaa sheegaya in 6 bilyan oo dunida saaran, dalalka soo koraya, sannooyinkii 1987, 1990 oyo 1998 ay 2.8bilyan oo ka mid ah ku noolaayeen wax ka yar $2 maalintii halka 1.2 bilyan oo dadkaasi ka mid ah kuna nool Afrika ay ku noolaayeen wax ka yar $1 maalintii.

Cutubka 2aaad: Waa maxay Saboolnimo?
Saboolnimadu, waa ay noocyo badan tahay, waana arrin marba dhinac laga eegi karo. Sidaa daraadeed, ma lahan qeexitaan sax ah oo la is ku raacsan yahay. Balse, taas baddelkeeda waxa ay saboolnimada micnaheedu qaadanaysaa hadba goorta iyo goobta la jooga, ayada oo lagu jaangoynaayo dhaqanka bulshada. Tusaale ahaan, haddii cabirka micnaha saboolnimada laga qaato Soomaaliya waxa ay noqoneysaa in Mareykanku uusan sabool yeelan. Dhinaca kale, haddii xariiqda saboolnimada laga cabiro nolosha Mareykanka waxa ay ka dhigan tahay in Afrika oo dhami ay sabool yihiin. Saboolnimada waxa ay noqon kartaa in lagu guuldareysto in la haqabtiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha wanaagsan. Midda ugu xun waa in qofka uusan damaanad qaadi karin waxii uu berri quudan lahaa. Waxaa saboolnimada loo qeybiyaa, saboolnimo dhameystiran(Absolute Poverty) iyo saboolnimo nisbi ah(Relative Poverty). Saboolnimada dhameystiran waa in waxa uu ruuxa heli karo ay ka yaraato in ay daboosha heerka ugu hooseyso ee nolosha.

Cutubka 3aad: Yaa sabool ah?
Si ay suurtogal u noqoto la tacaalidda saboolnimada, waxaa lama huraan ah in la ogaada tirada dadka saboolka ah, meelaha ay ku nool yihiin iyo tilmaamahooda. 1995tii warbixinta horumarinta aadmiga waxa ay sheegeysaa in dunarka dhaqatada ah(rural women) ee saboolnimada darani heyso ay kor u kacday 50% 20kii sano ee u danbeeyay. Waxaana la yiraahdaa, saboolnimada waxa ay leedahay waji dumar(Feminization of poverty). Dhanka kale, dumarka lahaanshahooda (Ownership) aad ayuu u yaryahay oo ka ma badno 1%. Soomaalidu waa tii tiri; “Alif wax ma leh, gabar wax ma leh” Waxaa kale oo badanaa saboolnimada haleeshaa dadka laga tiro badan yahay(Ethinic minority) iyo kuwa la faquuqo, midib ama diin.

Cutubka 4aad: Aragtida Islaamka iyo tan Reer Galbeedka ee saboolnimada. Nebi Muxamed NNKH waxa uu leeyahay, “Ima rumeyn ruuxii dhereg ku baryo, deriskiisa oo baahan” Qoraaga cutubkaan uguma hadlaayo si faahfaahsan mawqifka uu Islaamka ka istaagay saboolnimada, balse waxa uu talo ahaan u soo jeedinayaa in cidda dooneyso in qodobkaani si wacan oo faahfaahsan u fahanto in ay akhriso buugga Yuusuf Al-Qardaawi ee ‘مشكلة الفقر وكيف عالجها الاسلام’ Aragtida Reer Galbeedka ee ku aadan saboolnimaduna waa in ay lagama maarmaan tahay in qofka uu sameeyo dadaal badan, si uu u hagaajiyo xaaladiisa dhaqaale taas oo keeneyso in bulshadu horumarto.

Cutubka 5aaad: Waa maxay miraha ka dhasha saboolnimada? Si kooban, waxaa saboolnimada ka dhasho in qof walbo oo sabool ah uu sameeyo falal qaraar oo ay duruufta keentay. Saboolnimaduna waa ibta xumaha oo idil. Xumaha ay saboolnimada keentana waxa ay saameynayaan qofka, qoyska, bulshada iyo caalamka. Waxaa aad u bato danbiyada ay dadka baahani ku kacayaan. Waxaana ka mid ah, in ragu si daran u adeegsadaan maandooriyaha si ay cirbad suuxdin oo dhibta ilowsiiso kaga dhigtaan, dumarku jirkoodu ka ganacsadaan, caruurtana la iibsado. Daroogada sida sharci darrada ah looga ganacsado waxaa 1995tii lagu qiyaasay 400 oo bilyan $. Halka tirada iibsiga dumarka iyo gabdhaha lagu qiyaasay 1.8 malyan oo qof. Si kooban, “In aad quraacato, dhar fiican xirato, waxa ay keentaa in dad la dhaqankaagu uu wanaagsanaado”

Waxaa kale oo ay saboolnimada dhalisaa, in qofka baahan uu ku duulo deegaan kale oo nabad ah kadib na uu carqaladeeyo, intaasi na waxa uu u sameynayaa si uusan gaajo ugu dhiman. Miraha saboolnimada waxaa ka mid ah in dadka gaajeysani ay deegaanka dhaawac u geystaan. Sidaas daraadeed, si horumar waara(Sustainable Development) iyo deegaan fayo-qabo loo helo waa in la yareeyo saboolnimada, ka hor inta aan deegaanka la horumarin. Sannooyinka burburka Soomaaliya dhibka ay dadku deegaanka u geysteen sida, jaridda dhirta, dhoofinta xoolaha dhediga iyo duurjoogta ba waxaa keenay waa saboolnimada. Sidaas daraadeed, si deegaanka u helo fayo-qab buuxo waa in la yareeyo saboolnimada baahsan ee ay dadka Soomaaliyeed la tiicayaan.

Cutubka 6aaad: Maxaa keena Saboolnimada?
Si guud, waxa saboolnimada keeno waa labo sababood, sababo khiyaali ah iyo kuwa dhab ah. Waxaa dadka saboolka ah lagu eedeeyaa, caajiska iyo shaqo naceybka, balse xaqiiqdu waa in saboolka ay ka shaqo badan yahay midka ladan, oo dhowr saac oo xiriir ah ayay shaqeeyaan waliba shaqooyin adag oo aan is ku mid aheyn. Sidoo kale qaamuuska dadka saboolka ahi kuma jiro erayga fasax! Waxaa kale saboolka lagu eedeeyaa in taranka badan uu u keeno saboolnimada, balse dadka arrintaani u kuur galay waxa ay leeyihiin waa uu jiraa xiriir qoto dheer oo ka dhaxeeyo, hadane ilaa iyo hadda lama haayo markhaati caddeynaayo in taranku uu keeno saboolnimada. Waxa kaliya ee la taaban karo waa in kororka taranku uu yahay calaamad lagu garto saboolnimada, balse uusan aheyn sababta keento saboolnimada.

Waxaa kale oo lagu andacoodaa in waxa Afrika heysto ay dabiicadda sidato, taas oo ka dhigan in saboolnimadu tahay musiibo cirka ka timid, balse xaqiiqada ayaa ah in saboolnimada uu aadmiga abuuro(Man-made) ayna saboolnimada ka dhalato siyaasiyiinta iyo siyaasadda. Qofka saboolka ah ee taranka badiyo waxa uu qabaa in ubadku u geli karaan booska ceymiska. Sababaha dhabta ah ee saboolnimadana keena waxaa ka mid ah, garbaduubka dhaqaalaha siyaasiga, ciidameynta dhaqaalaha iyo faafidda musuqmaasuqa.

Cutubka 7aad: Cutubka 7aad waxa uu ka hadlayaa Soomaaliya, sababaha dhabta ah ee gaajada, waxa uuna qoraaga cutubkaan ka soo miinguuriyay buugga “The Globalization of Poverty: Impact of IMF and World Bank Refoems) ee uu qoray Micheal Chossudovsky. Waxa uu cutubkani si ballaaran u sharraxayaa sida ay IMF u ragaadisay Soomaaliya, ayada oo ku harqiday dayn, taas oo ahayd waddo halis ah oo ay Soomaaliya cagta saartay ayada oo la burburiyay dhaqaalihii dalka.

Cutubka 8aad: Cutubkani waxa uu qoraaga kaga hadlayaa Dr. Stigliz iyo Bangiga Adduunka. Joseph Stigliz, waxa uu ahaa macallin jaamacadeed oo dhaqaalaha dhigo, 1943 ayuu dhashay. 1966dii ayuu dararada PhD qaatay, isaga oo 23 jir ah. Waxa uuna macallin ka noqday, Oxford, MIT, Yale, Princeton, iyo Stanford. Waxa uu caan ku ahaa daraasadda dhaqaalaha macaluumaadka(the economic of information). Waxaana 1997dii loo magacaabay in uu noqdo madaxa dhaqaaleyahannada Bangiga Adduunka(Cheif Economists). Markii uu dhaleeceeyay siyaasadda xoreynta cusub(New Liberalization), is ka hor imaad badan oo dhanka siyaasadda yareynta saboolnimada ah ka dib, sanadkii 2000 ayaa xilka laga qaaday.

Cutubka 9aaad: Sidee loola tacaali karaa saboolnimada? Waa ay fiicnaan laheyd in xal ka ma danbeys ah laga gaaro sidii loo ciribtiri lahaa saboolnimada, balse taasi ma dhici karto caqli gal na ma ahan. Sababtu na waa inta ay dharegi jirto in ay baahi jireyso, sidoo kale na dunida ma ahan janno ee waa duni si ay isu dheekitirnaanto u sameysan in wax walho lidkooda jiro. Waxa taasi lagu baddeli karaa, habka loo yareyn karo saboolnimada, haa taas ayaa mudan in la gorafeeyo, laga na run sheego. Cidda ku fikireyso in saboolnima la tirtiro waxa ay ku jirtaa riyo maalmeed.

Saboolnimada waxaa keena doonista aadmiga, si la mid ah waxaana looga bixi karaa amaba lagu yareyn karaa is la doonista aadmiga. Soomaaliduna waxa ay tiraahdaa; “Waxii rag u kaco rabina aqbalo waa rumoobaan” Maadaama dad badani ku doodayaan in aysan dadku sinnaan karin, ayaga oo leh sida aysan shanta farood u sinnaan karin in dakhliga dadkuna uusan u sinnaan karin, ayaa waxa uu qoraagu leeyahay, waxa dhibka loo arko ayaa ah in aysan suurtogal aheyn in faraha qaar ay hal ama labo mitir ka dheeraadaan kuwa kale, waayo dhererka nuucaas ah waxa uu keenaa in faraha gaabani ay gabaan dhammaan shaqadoodii.

Qoraaga waxa uu xalka ku soo koobayaa, in la helo Xukun wanaagsan(Good governance), Sameynta horumar u hiiliya saboolka(Pro-poor growth), Horumarinta Beeraha, Xoojinta iyo maalgelinta yar(Micro-credit), talo iyo shaqo ka qeyb galinta saboolka, Maalgashiga awoodda saboolka, Sameynta ururo u dooda saboolka, Xoojinta hab-dhaqameedyada bulshada wax isuga taraan, In la helo iskaashiga adduunka iyo wax-qabad loo dhan yahay.

2 thoughts on “Soo-koobidda buugga; Saboolnimada sidee looga baxaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *