Awoodda muuqato iyo midda qarsoon!

Waxaa qoray: Cabdicasiis Mubaarak

Awoodda muuqato iyo Midda qarsoon!

Waxa uu ku soo rarayaa Ibnul Asiir taariikhdiisa, sidoo kalena uu ku xusayaa Ibnu Khalduun kitaabkiisa caanka ah ee Taariikhda, in Suldaankii Saljuuqiga ahaa ee (Alab Arsalaan) isaga oo  u socdo caasimaddiisi (Khuraasaan), kana soo laabtay dagaal kamid ah dagaalladiisi, loo sheegay war ah in boqorkii (Qusdundiniya) ee (Roomaanoos) uu la soo duullaan tagay ciidan tiradiisu gaarayso 300,000 kun oo Askari. Tirada ciidanka Alab Arsalaan la socduna waa 15,000 kun oo Askari.

Alab Arsalaan waxa uu galay teendhadiisi, waa uuna soo qabaystay, kafan ayuuna soo xirtay, waxa uuna la wadaagay ciidankiisi xogta soo gaartay, waxa uuna yiri “Sida aad aragtaan waan soo kafan xirtay, ee ciddii janno rabto sideyda oo kale ha sameeyso, wallaahi maanta Islaamka ayaan u hiillinaynnaa ama waan u dhimanaynnaa” khudbaddaas waxa ay taabatay Askartii oo dhan, mid walibana waxa uu sameeyay sida hoggaamiyahoodii,waxa ayna isku wada diyaariyeen geeri ama guul!

Labadii ciidan ayaa is helay, waxaana dhex maray dagaal aad u culus, waad qiyaasi kartaan 15kun  oo askari oo ay ku aadayaan 300.000 kun oo askari. Macnaheedu waa in halkii askari uu ku aadayo 13nin oo Roomaanka ah! Saacado yar kadib, waxaa dhawaaqay qof leh, ‘Allaahu Akbar, waa la jabiyay ciidankii Roomaanka, waxaana gacanta kaga soo dhignay Boqorkoodii Roomaanoos’. Waxa ay noqotay guul weyn, Muslimiintuna Alle ayay mahadnaq ugu sujuudeen.

Waxaan qisadan oo kale ku arkaynnaa suuratul Baqarah, aayadda 249aad, Illaahay marka uu ka sheekaynayo (Daaluut iyo Jaaluut), waxa uuna ina leeyahay “Imisa koox yar ay ka guuleeysatay  koox badan”.

Maanta waxaan arkaynnaa waxa ka socdo Falastiin, laba ciidan oo kala itaal iyo awood badan, Ciidan ay dunida oo dhan la jirto, hiil iyo hoo, tiro iyo tayo, taageero dhaqaale iyo garab istaag danqasho intaba helayo, iyo wiilal dalkooda u dagaallamayo, cid caawinaysana aysan jirin, oona la isku dayayo habeen iyo maalin in argagixisanimo lagu shaabadeeyo. Halbeegyada iyo cabbirrada oo dhan waxa ay sheegayaan in hubkaas gacan ku samayska ah ee awoodda badan lahayn, uusan u babac dhigi karin taangiyada iyo hubka casriga ah ee malaayiinta doollar ku baxday, laakiin waxaa caddaatay in halbeeggu uusan ahayn inta inoo muuqato, labada sheeko ee horena ay muujinayaan, sirta waa kalsoonida dagaalyahanka, caqiidada askariga iyo Iimaanka riixayo. Waxa ay noo caddeeyeen sida shidaalka iimaanka uga awood badanyahay shidaalka taangiga dhaqaajiya, ayna suuragal u tahay markale in awood yar, iyo tiro kooban ay loodin karto awood badan iyo cudud adag marka ay ku hubeeysan yihiin caqiido iyo madhaafaan ay rumeeysanyihiin.

Waxa jirto sheeko Turki ah, oo sheegayso in hoggaamiye ciidan oo wato 100 askari, isaga oo saaran buur, loo sheegay in ay ku soo socdaan Kun askari oo kamid ah cadawgiisa. Isaga oo labada gacmood isu dulsaaran yihiin, una muuqdo mid fikirayo ayuu u yimid ku xigeenkiisi, isaga oo leh “Taliye, waxa ay u muuqataa in aad ka fikirayso halkii aan u baxsan lahayn, maadaama aanan u babac dhigi karin kun askari innaga oo boqol ah.” Inta uu qoslay hoggaamiyihii ayuu yiri “Maya ee waxa aan ka fakarayaa halkii lagu duugi lahaa kunkooda askari, maadaama dhulku yahay buuraleey!” Waxa ay muujinaysaa sheekadan kalsoonida iyo dhiirranaanta Hoggaamiyahaas, waana  tan u dhaboowday oo uu kaga guuleeystay cadwogiisi badnaa! Waxaan xasuustaa sheekadaas, marwalba oo aan daawado afhayeenka xaq-u-dirirka Xamaas ee Abii Cubeyda, sida dhiirranaanta, kalsoonida iyo qabka leh ee uu u hadlayo. Waxa ay muujinaysaa cidda dhulka leh, iyo cidda u hari doonto.

Xaqqa iyo Baadilku marna loolan ka istaagi maayo, balse waxaa kala duwan goobaha iyo dadka, sunnada Illaahay ee ah in xaqqu  guuleeystana ma dhammaan doonto. Si walbo oo uu daalimku u qooqo, kibir badan u muujiyo, isugu maleeyo awoodda ugu  danbeeyso Alla ayaa u awood sheegto, tusiyana xaqiiqdiisa. Ree falastiin  waa ay guuleeysan doonaan, dulmiguna wuu dhammaan doonaa, balse waxaa ayaan daran midka garab istaagay dulmiga xaqqana ka hiilliyay!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *