Waxaaa qoray: Sayid Maxamed
Loolan iyo Hardan Fikraded
Kitaabka caanka ah ee تهافت الفلاسفة, waa mid kamida dhigaallada ugu muhiimsan, falsafada Islaamiyada الفلسفة الإسلامية, waxaana lahaa imaamka filasoof, suufi, faqiiha weynaa ee usuuliga mutakallimka Abii-Xamid al-Qasaali. Dhanka kale wuxuu kaalin aad ubalaaran ku lahaa, farcinta iyo faafinta fiqiga Shaaficiyada oo uu ka qoray kutubo ilaa iyo maanta la cuskado oo uu ugu caansanyahay الوجيز. Sidoo kale waxaa uu tiir iyo udub dhaxaad u ahaa, madhabka caqiido Ashaacirada, haka reebin cilmiga usuulka, wuxuu uga jiraa baarka sare, wuxuuna leeyahay kitaabka المستصفى, oo kamida dhowrka kitaab ee ugu weyn cilmigaas, balse dhanka sida gaarka ah loogu xusuusto, sheekha, waa cilmiga tassawufka ama cilmu-suufiga oo loogala jeedo cilmiga leylinta nafta, saafiyeelida laabta, suubinta anshaxa, iyo ku xirnaanta Eebe. Waxa uuna sheekhu leeyahay dhigaallada ugu caansan cilmigaas ee maanta la marsado.
Dhinaca kale marka taas lagasoo gudbo, iyado oo ay intaasi oo dhan jiraan, haddana sheekhu wuxuu ahaa filasoof weyn, waayo dhigaallada uu ka qoray falsafada sida kitaabka مقاصد الفلاسفة iyo تهافت الفلاسفة. Waxaa loo arkaa falsafad asal ah oo barax la’ qeybna ka ah sooyaalka ama geedi l-socodka iyo marxaladaha horumar ee ay falsafadu ku jirtay, sabanka dheer.
Sideedaba, aqoonyahanku falsafada ha dhaliilo ama ha taageero, laba-goorba waa filasoof. Ahmiyada ama nuxurka falsafaduba waa leylinta caqliga iyo firfircoonida fakarka hodantinimada dhabta ah ee falsafaduna waa kala duwanaanshaha.
Hadaba caalimkii iyo filasoofkii weynaa ee Ibnu-Rushdi iyo Qasaali waxaa dhexmaray loollan fikradeed oo aad ugundheer, iyada oo ay jirto in labadooduba aysan isku soo gaarin nolosha oo sheekhu wuxuu dhintay, markii hijrada rasuulka NNKH laga joogay 505, halka Ibnj Rushdi uu dhashay 520.
Waqtigii uu Imaam Qasaali noolaa, waxay falsafadu aheyd mid baahsan oo uu calankeedu babanayo, dadkana saameyn weyn ku leh, balse Qasaali waxaa uu u arkayay in ay falsafaddu dhibaato iyo caqabad weyn ku tahay akhlaaqda, anshaxa, dadka iimaankooda, iyo nidaamka siyaasadeed ee markaa jiray, waxaana uu daruuri u arkay in uu usoo banboxo qalinkana uqaato, waxna uu ka qoro.
Waxa uu sheekha ufariistay, sidiisii caadada aheyd in uu diraaseeyo falsafada, dhigaaalladeedana akhriyo, gunteedanaa gaaro, oo sheekhu qodob aanu baarin kana gungaaarin ma uusan dhaliili jirin, waxna kama uu dhihi jirin, waxaana Imaam Qasaali ay ku qaadatay, aqriskeeda iyo baaristeeda muddo labo sano, kadibna wuxuu sheekhu lasoo banbaxay labadaas dhigaal ee aan soo xusnay, iyada oo uu kan hore ku caddeyay, aragtiyohooda ujeedooyinkooda iyo eray-cilmiyeedyadooda, magacna uga dhigay, مقاصد الفلاسفة si uu gogol-dhig ugu noqdo, kitaabkiisa danbe ee dhaliisha ah ee uu ugu magacdaray تهافت الفلاسفة kuna soo uruuriyay oo uu kusoo koobay diraasadii uu labada sano waday, waxaana uu natiijada uu gaaray ay noqotay, in uu gaaleysiiyay inta ugu badan falaasifadii muslimiinta, kuna tilmaamay mulxidiin aan ilaahey rumeysneen.
Ibnj Rushdi oo markaa ka gadaal yimid waxaa uu go’aansaday in uu ka warceliyo eedeymihii Qasaali, iyo weerarka uu ku qaaday qamaamuurtii falaasifada muslimiinta, wuxuuna lasoo banbaxay laba kitaab oo uu kan hore ugu magac darayفصل المقال فيما بين الحكمة والشريعة من الإتصال. Waxaanu aad ugu dadaalay Ibnu Rushdi, in uu kitaabkan ku bayaamiyo, aragtida ay shareecadu ka qabto falsafada iyo xiriirka ka dhexeeya, sidoo kale ku caddeeyo in ay iska hor imaanayaan iyo in kale, waxa uuna Ibnu Rushdu aad ugu dadaalayay in uu cadeeyo, in falsafadu aysan aheyn wax ka badan aragtida laga yeelanayo jirayaasha, kuwaas oo iyaga tusinaya ABUURAHA/EEBE, mar walba, oo aragtida jirayaasha laga yeelanayo, ay noqoto mid wanaagsan, aragtida rabi SW laga yeelanayaana, waxaaa ay noqoneysaa mid wanaagsan, markaa ka gadaalna, waxaa uu bnu Rushdi uu qoray kitaabkiisa uu kaga warceliyay eedaymihii Qasaali ee تهافت التهافت, qodob qodobna udul ustaagay.
