Dib-u-eegista iyo dulmarka buugga: Fanmasraxeedka Soomaalida ee Maxamed D. Afrax
WQ: Aw Saahil
Masraxa Soomaaliya wuu toosi doonaa, wuxuuse toosi doonaa oo keliya marka ay toosaan arrimaha bulsho-dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka. Kuwaasina iskood isagama toosayaane waxay u baahanyihiin in la toosiyo. Taasina waa xilka horyaal dadweynaha soommaliyeed.
Afrax
GOGOLDHIG
Bartimihii qarnigii inna dhaafay, bulshada Soomaalida oo aan weli yeelan far qoran ayaa waxaa mar qura u baryay waa cusub oo noqday mid ku suntan fan dhalad ah oo Soomaaliyeed, fan ay fannaaniintiisii iyo bulshadoodii oo wada jira inta fadhiga uga kaceen, gardaadiyeen, koolkooliyeen ugu dambayn gaarsiiyeen heer aad u sarreeya oo duufaantiisu Geeska Afrika iyo dunida kaleba gilgishay. Fankaas qiimaha leh waxa uu isugu jiray mid heeseed iyo mid jilitaan amase masrixiyadeed, ma uusan ahayn kaliya fan ku eg heesidda oo ah mid ka kooban meerisyo maanso ah, laxan iyo muusig oo la yiraahdo “fanka erayga” se waxaa ku lammaanaa fanka riwaayadaha oo ah mid ka mid ah tabaha bulshada loogu soo gudbiyo baaqyada suubban ee noloshooda lagu hagayo laguna hanuuninayo. Fankaas ujeeddada weyn ee labadaas jaad iyo jaadadfaneedyo kale oo soo hoos gelaya ka samaysan marka la isku soo wada darana noqonaya fanmasraxeedka Soomaalida (Somali dramatic art) Waxa uu ahaa mid ka dhashay dareenka barbaarta oo bandhigyo ciyaardhaqameed iyo kuwo suugaaneedba ku tartami jiray, dhimbiilo ka soo faniinay kulamadaas barbaarta iyo halabuurka ay noloshooda ku cabbirayeen ayuu ka unkamay isla iyagii ayaana nooleeyay oo calankiisa ciidda ka ilaaliyay.
Hase ahaatee, bishaaradaan sharfan ee faneed oo taariikhda qaniga ah leh waxaa mar walba barbar socotay ayaandarro aan ka shar yareyn oo si guud ugu habsatay bulshadeenna oo ah maqnaanshiyaha hay’adaha urursha raadadka waxqabadka ummadaha (National archives) iyo sidoo kale goobaha buugaagta lagu kaydiyo (National library) waxaa kale oo intaas dheer oo iyadana aan cidina xil iska saarin qodob uusan waxqabadsuugaaneed kasta oo la halabuuro ka maarmin, oo afka Ingiirisiga lagu yiraa “criticism” carabigana “نقد” ku noqonaya islamarkaana ah muraayadda lagu eego tayada suugaanta, waana midda la dhihi karo Afrax ayaa inta suugaanteenna ku soo siyaaadiyay, ku macneeyay “faaqidaad”, maadaama uu yahay ruuxa kaliya ee faaqidaadda fanmasraxeedka Soomaalida u tafoxaytay goor aanay jirin cid kale oo ku baraarugsan, waxa uuna inna hor keenay buuggaan qaayaha weyn ee qawaaniinta fanka faaqidaadda si saxan fankeenna ugu dabaqaya muddo ku dhaw nus qarni ka hor, dhanka kalena dadka u iftiiminaya waxa ay tahay faaqidaaddu, qoraal ku qoran qeybaha dambe ee buugga oo ciwaankiisu yahay: Faaqidaadda Masraxu Maxay tahay?, ayaana wax walba innooga marag kici doona.
SOOKOOBID GUUD
“Maxamed Daahir Afrax wuxuu ahaa qoraa suugaanta allifa, sheekooyin daabacan iyo riwaayado leh; isla markaana faaqida fanka, gorfeeyana waxsoosaarka halabuur ee dhiggiisa, siiba masraxa; suxufi iyo mutacallin daraaseeya dhaqanka iyo waayaha bulshada; raadna ku leh qalinka iyo halabuurka Soomaalida.” Tilmaamahaas baaxadda leh ee aan mid laaxin ah ku jirin ayay ku sifeeyeen shakhsiyaddii Afrax qorayaasha maqaalka qalindaraalaha ah ee (Afrax: Xilkas kaalin galay–Nov–09. 2021.) Waxqabad-suugaaneed ballaaran oo sheekadiisii caanka noqotay ee Maana-Faay hormuud u ahayd, kana dambeeyeen buugaag iyo qoraallo kale oo isdabajoog ahaa oo eelka bulshada iyo halka ay sartu ka quransantahay had iyo jeer farta ku fiiqayay ayay dadweynuhu ku barteen Afrax. Dhinaca kale safarkiisa waxbarasho ilaa heerka saddexaad ee diktoornimada waxa uu ku jiray suugaanta Soomaalida. Qoraalkiisa qalinjebinta ee PhD-da ee uu 2013 u gudbiyay jaamacaddii uu ka diyaarinayay ee London waxa uu ku daraasaynayay “Dabeecadda kala-guurka ee maansada Soomaalida ka dib xornimadii iyo riwaaydihii lixdamaadka tan iyo maanta”
Buuggan sita magaca weyn ee fanmasraxeedka Soomaalida iyo ciwaanhoosaadka soojiidashada leh ee (Raadraac taariikheed iyo faaqidaad riwaayado caan baxay) billowgiisi hore waxa uu maray heerar kala duwan waxa uuna ahaa maqaallo uu qoraagu ku daabacay wargaysyadii xilligaas wax lagu qori jiray ee Xiddigta Oktoobar iyo Halgan dabadeedna dadkii u riyaaqay ay kula taliyeen in ‘buug laga dhigo ama la isugu geeyo.’ Waxa uu ku saabsan yahay oo uu lafagurayaa abbaaro badan oo isku sidkan. Waxa uu ka warramayaa asalka taariikheed iyo summadaha uu gaarka u leeyahay masraxa Soomaalidu. Waxa uu si cuddoon uga taariikhaynayaa soo-ifbixii fanka iyo masraxa Soomaalida, isbeddelladii ku dhacayay iyo halkii uu ku sugnaa xilligii buuggan la qorayay iyo saadaalinta halka uu ku dambeyn doono geeddisocodkiisu haddii aan la cillad bixin. Buugga oo ah waxqabad ammaan iyo xigtaysi mudan uruurintiisuna xilli dheer jiitamaysay waa 299 bog 1987-dii ayaa si rasmi ah markii u horraysay dalka Kiiniya lagu daabacay.
Ujeeddada uu Afrax buuggan ka lahaa haddaan u soo daaddegno waxa ay noqonaysaa, waxa uu arkay in halabuurkii Soomaalida qiimadhac iyo hoobasho dhanka tayada ah soo food saartay, riwaayadihii nuxurka lahaa, heesihii iyo muusiggii oo mar kaliya wada abaarsaday sababta oo ah hiboolaydii curin jiray ayaa aamus dheer galay. Fac cusub oo ku hamminaya in ay hiddiihii dib boorka uga jafaanna saansaantooda lama arkayn, markaas ayay dadkii wixii hore in ay iimaansadaan ku gaabsadeen. Sidaas darteed sababahaas dhiillada leh ee is biirsaday; qiimaha fanmasraxeedku u lahaa bulshada, dayaca ku dhacaya iyo dabaylaha habaaska sida ee ku soo wajahan hiddaha iyo jiritaanka bulshada haddana aysan jirin cid dhaaddan, cid wax ka dhahaysa iyo cid ugu yaraan dood ka keenta ayaa Afrax ku dhaqaajisay in uu qalinka qaato oo u qaylo dhaansho garaadka bulshada ee fadhiidka noqday ee ka warla’ aayatiinka iyo waxa uu soo sido! Si buuxda oo xilkasnimo ku jirto ayuuna ujeedkaas u gaaray, natiijadii iyo baraaruggii ka dhashay debkuu shiday Afraxna waa tan igu kalliftay 36 sano ka dib soobixiddii buuggaan, in aan maanta u hollado dib-u-eegis iyo dulmar guud oo aan ku sameeyo waxqabadkaan dhaxalgalka ah.
Waxaan dhihi karnaa ugu dambayn nuxurka buuggu waa digniin. Waxa uu farta ku fiiqayaa in ay jiraan khataro badan oo la mooggan yahay oo kaabiga ku soo haayay bulshada, haddii ay tahay ilbaxnimada lumaysa, dhaqanka kala dhantaalmaya, fanka arradku ku habsaday iyo maktabadaha haawanaya. Isaga oo taas ka duulaya kana difaactamaya ayuu waxa uu mar kaliya wada daboolayaa saddex ciwaan oo dulucdoodu fogtahay, mid kastaana buugaag laga qori karo; Ururinta, ka sheekaynta iyo faaqidaadda masraxa Soomaalida. Sidaas awgeed ogoobey buuggu waxa uu ahaa kaliya mid hordhac iyo gogolxaar u ah hawlaha mawduucyadaa ku aaddan ee uu qoraagu is lahaa way ka daba iman doonaan. Haddaba baahida markaas taagneed ayuu si degdeg u daboolayay dadkana indhaha ayuu u fiiqayay waxa uuna dareensiinayaa lamahuraannimada fanka. Si macno leh ayuuna inta fanka iyo masraxa u derso u faaqidayaa. Waxa uuna leeyahay:
“Fanka iyo suugaantuna waa halbowlaha dhaqanka ruuxiga ah; waa summadda shacab kasta looga dhex garto shucuubta kale; lagu shaki-bixiyo jiritaankiisa; lagu aqoonsado shakhsiyaddiisa iskeed u taagan; laga dhex eego taariikhdiisu inta ay qodan tahay; lagu sinji-sooco dunta uu ka samaysanyahay, qaabka uu u fekero iyo hababkii nololeed ee uu ku soo dhaqmi jiray. Intaas oo dhan darsiddeeda iyo fahamkeedu waa saldhig lagamamaarmaan u ah dhismaha ilbaxnimada cusub ee ummad kasta.”
DULMARKA QAYBAHA BUUGGA
Qaybta koowaad: Aasaaska taariikheed iyo astaamaha masraxa Soomaaliga
Qaybtan oo lagu daahfurayo buugga waa midda ugu ballaaran waxaana hoos imaanaya labo qayb-hoosaad oo iyaga laftooduna sii kala farcamaya. Haddaba, waxa aan isku dayeynaa in aynnu dusha ka xaadinno innaga oo aan kala qaadqaadin akhristayaashana aan buugga uga sheekayn si aynaan hawshooda akhriska uga carshacarshayn. Qaybaha hore ee cutubkan waxa uu qoraagu marka hore innoogu sharraxayaa waxa uu yahay fanmasraxeedku iyo inta uu ka kooban yahay iyo sida uu fanmasraxeedku asalkiisi ku samaysmay? Isaga oo sheegaya in uu ka dhashay rabitaanka dabiiciga ah ee aadmiga wajigii ugu horreeyay ee fanmasraxeedkun ahaa mid diineed!
Intaas ka dib, waxa uu si kooban uga hadlayaa dhalashadii iyo heerarkii koritaan ee fanmasraxeedka Soomaalida isaga oo ka soo billaabaya soo ifbixii dhaqdhaqaaqyada masraxa. Waxa uu carrabbaabayaa in uu 30-nnadii Muqdisho ka bilowday masrixii ugu horreeyay oo ka dhashay haasaawaha iyo madadaalada dhallinyarada, intaas ka gadaal waxa uu u kacayaa dhankaas iyo Hargaysa waxa uuna soo bandhigayaa kaahii masraxa waqooyiga iyo kaalintii ay dugsiyadu ku lahaayeen, waxa uu uga sii gudbayaa Jabbuuti oo iyadana abbaarahaas ka aasaasmay masrax cusub. Inta uu ciwaannadaas ka bixinna waxa uu tusmaynayaa masraxa kasta iyo sidii uu koritaanku ugu dhacayay! Isaga oo sawir ka bixinaya billowga heesahana waxa uu leeyahay, “Xagga heesaha, kontannadu waa xilligii dhalay heesaha loo yaqaan “Qaraamiga” een weli ka go’in kana go’i doonin dhadhanka fan-macaansiga qof kastoo Soomaali ah. Maantadaas wax dhageysigooda nafsadda lagu nasiyo iyagaa loogu jecelyahay.” Bogga-36
Intaas ka dib, bartamaha qaybtan koowaad waxa uu gelayaa falanqeynta xilli uu ugu yeeray “berisamaadkii masraxa Soomaalida” oo ku beegan hilaaddii 1962–1972, iyo xilli kale uu ku magacaabay “xilliga cilladaysan” waxa uuna tilmaamayaa halka ay salaaddu ka xirmi la’dahay “…halka cilladdu ka jirtaa riwaayadola’aan ma aha. Waa dhinacyo kale oo ay ka mid yihiin tayada riwaayadaha, dhadhanka heesana, nooca daawatada, maamulka kooxaha iyo xaaladda ay ku suganyihiin fannaaniintii soomaalidu. Dhammaan ammuurahaasi sidii ay beri ahaan jireen ivo sida ay maanta yihiin marka la is-barbar dhigo ayuu caddaan nogu muuqanayaa burburka halista ah.”-Bogga 72-aad
Dhammaadka qaybta koowaadna waxa uu uga jawaabi doonaa waxa keenay ciladdaas isaga oo ku lifaaqi doona astaamaha u gaarka ah masraxa Soomaalida oo uu ku sheegayo in ay maamulaaan dad aan mutacallimiin ahayn, adduunka kalena uu ka go’doonsan yahay, cilladda waxa keenayna isaga oo si kooban u shaacinaya ayuu leeyahay: “Masraxu wuxuu ka dhex hanaqaadaa mujtamac xornimo taal, qadder kasta ha le’ekaatee. Wuxuu ku magoolaa neecawda dimoqraadiyadda. Haddiise dadka naqaska lagu celiyo, masraxoodu wuu cabburaa, wuuna bakhtiyaa; wuxuu ka dhexeeyaa in bidhaantiisa la waayo iyo in uu noqdo meyd socda. Masraxoo keliya ma ahee hal-abuurka dadka oo dhan ayaa dimograaddiyadla’aanta ku gaaggaxa kuna gura.”Bogga-104
Qaybta Labaad: Faaqidaad riwaayado caan baxay.
Qaybtan oo ka mid ah qaybaha aadka u macnaha badan lagama maarmaankana ah waxa ay daboolaysaa oo isku dayaysaa in ay marada u celiso riwaayadihii tirada badnaa ee billowga masraxa illaa 80-nnada la curinayay oo aysan jirin cid isku xilqaanta in ay waxtarkooda iyo milgahooda faneed qiimayso, oo la waayay cid faaqidda. Iyada oo aan markaan lagu doodi karin in uusan Af-Soomaaligu qornayn, oo goorta buuggan la qorayo waa xilligii uu Soomaaligu tisqaaday ayna soo caan baxeen facii koowaad ee qalinlayda Soomaalida laakiinse nasiibdarro aan il gaar ah ku eegin waxa ka socda masraxa iyo sida ay u socdaan halkaasna dadaalkii fannaaniinta ee xilliga dheer soo jiitamayay ayaa hal bacaad lagu lisay ku noqday.
Afrax isaga oo qalinlayda arrinkaas ku eedaynaga waxa uu leeyahay “Fannaaniintu xilkoodii way la rafanayaan, qorayaashu se way ka gaabiyeen xilkoodii ka saarnaa shaqooyinka fanka: la socodkooda, aruurintooda, dayactirkooda, falangayntooda, qiimayntooda iyo fidintooda.” Bogga-184
Haddaba qaybtan oo ah tan labaad waxaa uu ku faaqidayaa tobankan riwaayadood;
1-Shabeel Naagood–Xasan Sh. Muumin
2- Qabrigii jacaylka– Maxamuud Cabdillaahi Singub
3-Bad dhiig ah iyo beer kalagacal–Yuusuf Aadan
4-Dirqi maaha jacaylku –Maxamed Aadan Dacar
5-Boqaraddii Jacaylka–Iskaashatada fannaaniinta Banaadiriga
6-Taariikh lama’illaawaan–Kooxda Waaberi
7-Dhaqdhaqaaq–Siciid Saalax Axmed
8-Xorriyo nin geyaa ha guursado–Singub
9-Qaran iyo Qabiil–Cabdi Miiggane
10- Qaahira–Ibraahim Gadhle
Waxa uu si faafaahsan oo sukulan ugu lafagurayaa riwaayadahan oo sanado kala duwan la sameeyay isla markaana uu ugu talagalay mid walba in ay sawir cad ka bixiso heerkii uu marayay masraxu iyo tayada riwaayadaha la allifayay! Waxa uu si aad u macaan u guda gelayaa faaqidaadda riwaayadahan oo ahaa kuwo caan baxay oo ay ugu horrayso riwaayadda magaca dheer ee “Shabeel naagood” oo u taagan masraxa berisamaadkii (lixdamaadka)
Marka laga soo tago dhinaca ammaanta qoraagu waxa mu’allifiintii riwaayadaha ku dhaliilayaa in ay qalad fahmeen dareenkii dadweynaha oo u qaateen in uu ku jeedo jacayl, madadaalo iyo hees tiro badan oo nuxur la’aan ah sidaas awgeedna badi riwaayadcuriyayaashu ay u iisheen dhanka haasaawaha iyo macno la’aanta lagana gaabiyay farriimihii asaasiga ahaa, hanuunintii bulshada iyo barbaarinta jiilka cusub. Galdaloolada ugu badan ee riwaayadaha ee uu tilmaamay waxaa ka mid ah shakhsiyadaha sheekada oo aan mar walba la qeexin oo aan la siin tilmaamo dhammeystiran amase ugu yaraan lagu aqoonsan karo tanina waa mid ay la wadaagaan sheekofaneeddu, marka aad u fiirsato sheekooyinka Soomaalidu inta badan shakhsiyadaha summado ma siiyaan oo ma caddeeyaan dabcigooda, muuqaalkooda iyo isbeddellada nololeed ama fekereed ee ku dhacaya inta sheekada ama riwaayaddu socoto. Sidoo kale waxa uu xusay in ay jacayl miiran noqdeen jeer uu ka qoray maqaal uu ciwaan uga dhigay “Masraxeenna ha laga cuudiyo jacaylka” oo aad ugu tegi doonto cutubka saddexaad ee buuggaan. Sida uu sheegayna sababtu ma ahayn xorriyad la’aan iyo in jacaylka la siyaasadeynayay ee waxa ay ahayd doorasho mu’allifiinta dhankooda ka imaanaysay sidaas awgeed waxa uu Afrax aad u dhaliilay in inta mawduucaydii kale meel la iska dhigay jacaylkii sida malabka shinnida lagu xoomay. Labadaas qodob kaliya kuma koobna dhaliiluhu laakiinse annaga ayaa intaas ku dhaafaynna.
Qaybta Seddexaad: Qoraallo la aruurshay
Qaybtan oo ah tan ugu dambaysa uguna gaaban waxa ay ka kooban tahay kaliya afar maqaal oo qoraagu toddobaatannadii wargaysyadii Xiddigta Oktoobar iyo Halgan ku faafiyay oo qaybaha hore ee buugga lagu soo faaqiday xariir la leh. Waxaa ugu horreeya qoraalkii aan soo xusnay ee ciwaankiisu ahaa: Masraxeenna ha laga cuudiyo jacaylka. Xilliga uu qoraalkaan qorayay waxa uu qoraagu taabanayay in riwaayadaha waqtiyadaas la soo saari jiray noqdeen kuwo isu wada eg, wada caashaq ah, isku wada sheeko ah, kuwo fudud oo aan daraamaatig ahayn qaabka ay ku dhammaan doonaanna uu daawaduhu sii oddorosi karo waxa ayna ahaayeen kuwo ka maran ujeeddooyinka faneed kuna meeraysta shilinraadis iyo in laga qosliyo carruurta iyo haweenka oo ahaa awoodda ugu badan daawatada isaga oo taas ka gadoodsan ayuuna maqaalkaan qoray.
Maqaallada xiga waxa ugu muhiimsan midka ka warramaya waxa ay tahay faaqidaaddu si fiicanna u kala dhigdhigaya farsamooyinkeeda iyo qawaaniinteeda iyo sida loogu baahi qabo waxa uuna qoraagu ku dadaalayaa in uu suugaanlayda Soomaalida iyo faaqidaadda is baro. Waxaa kale oo uu xusayaa in xilliyadaas la dareemayay neecow qabow oo ku bishaareynaysa in ay soo baxeen rag u qalab qaatay faaqidaadda oo billaabay in ay wax gorfeeyaan oo ay ugu horreeyaan Gaarriye iyo Carraale oo markaas billaabay dooddii ku aaddanayd miisaanka maansada iyo rag kale oo qalinka qaatay oo masraxa wax ka qorayay inkastoo aysan ahayn rag u diyaarsan in ay wax faaqidaan maxaa yeelay aqoonta faaqidaadda ma aysan lahayn sidoo kalena isaga ayay ku dhaliileen in uu fanka riwaayadaha ka daayo waxyaalaha taban ee uu ka qorayo- waxa ay qalad fahmeen faaqidaaddii. Markaas ayuu isaga oo dadka u sheegaya in aan riwaayadaha iyo suugaanteennu faaqidaad ka maarmin ku leeyahay: “Poetica” (Gabayga) oo ah kii seeska u dhigay masraxa adduunka, ayaan kumannaankii sano ed uu soo jiray weli laga daalin faaqidaad[d]iisa. Xaggee joogaan riwaayadaha boobsiiska ah ee ay suuqa ganacsiga ku soo tuuraan mu’allifiinteenna aan waligood la siin tacliin iyo taakulayn tiirisa hibadooda dhalashada ah iyo dadaalkooda shakhsiga ah!” Bogga-280.
Intaas ayaan uga gudbaynaa dulmarka cutubyada buugga oo ah wax aan laga geyoon karin. Fanmasraxeedka Soomaalidu ma ahan buug fudud oo lagu dhiirran karo in dhowr bog oo sidaan u itaal yar looga sheekeeyo, se waa buug u qalma in buugaag kale oo la mid ah lagu falanqeeyo balse markii aan akhriyay oo aan u jeedi waayay wax faallo ah oo laga qoray marka laga reebo barnaamij kooban oo Astaan ka diyaarisay ayaan jidbooday oo aan is iri bal adigu wax uun ka dheh–ceyri ceymo ma diiddee.
Haddaba, aynnu u immaanno guud ahaan qaabqoraalka buugga, sida uu isugu xiriirsan yahay iyo doodda qoraaga. Buuggu waxa uu u qoran yahay si fudud haddana farshaxamaysan, waxa uuna isugu taxan yahay si shubaal ah oo aan murugsanayn oo waxa uu ka kooban yahay saddex qayb oo kala madax bannaan laakiinse mawduuc ahaan isula xiriira. Afrax waxa uu mar kaliya awood u lahaa isaga oo aan ku mintidin erayo adag in uu adeegsado af hodon ah haddana sahlan oo cid kasta fahmi karto kuna raaxaysan karto. Doodda qoraagu waa mid waxtarkeedu sarreeyo oo waxa ay ku jeeddaa qodob caadyaal ah oo aan wada garan karno oo ah; in aan fankeenna iyo masraxeenna ka sheekaynno, sooyaalkooda kaydsanno aayaha dambena dayaca ka dhawranno illayn waa qayb weyn oo jirtaankeenna barkiis ah, waxa uuna aad isugu taxalujiyay in uu sida ugu qumman noola wadaago welibana dhan saykoolojiyeed ayuu iska taagayaa si uu dareenkeenna u taabto oo uu innoo garawsiiyo waxa uu fanku nolosha iyo nafta uga dhigan yahay sidaas darteed waxa aan dhihi karaa dhigaalku waa mid ka soo dhalaalay kaalintiisi. Ma jirto cillad aan ahayn qoraalka degdegga ah iyo xogaha culus ee hadba dhinac taabanaya haddana aan si buuxda u wada gaarayn taasina sida aan kasoo dhawaajinnay waxa ay ahayd daruuf jirtay.
Qof noocee ayaa ku raaxeysan kara? Qof kasta oo suugaanta jecel iyo nin kasta oo fanka Soomaaliga daneeya waxna ka yaqaan taariikhdiisa ayaa buuggan ay qasab tahay in uu mar uun akhriyo. Waana aan ku talinayaa in uu akhriyo qof kasta oo fanka macaansada iyo ruux kasta oo jecel in uu berisamaadkii Fanmasraxeedka Soomaalida wax ka ogaado.
Guntii iyo gebagebadii, qof kasta oo fanmasraxeedka Soomaalida akhriya si fiicanna u dhuuxa waxa uu bogaggiisa ka dhadhansanayaa sifaad toolmoon oo uu Afrax ku suntanaa oo uu si fiican soo u bandhigay;
1)Jacaylka uu fanka iyo suugaanta u qabay oo ahaa mid xad-dhaaf ah oo lexjeclo badan ku abuuray.
2)Xeeldheeridiisa faneed iyo tan cilmiyeed.
3)Xarragada habqoraalkiisa jaadgooniga ah ee ashaqaraarka leh iyo sida fudud ee uu qalinka iyo erayga ugu daanshodaanshoodo.
4)Kartida iyo maddaalanimada, hagarla’aanta iyo geesinnimada dheeraadka ah.
5) Aqoomaynta iyo hodminta af Soomaaliga. “Afkeenna Hooyo waa jiritaankeenna. Waa aayaha ubadkeenna.” -Afrax
Waxa aan ku soo afmeerayaa baaq ku aaddan cidda waxqabadkaan (buuggaan) qaayaha badan ee Afrax innooga tagay gacanta ku haysa. Waxa aan ka codsanayaa in dib loo daabaco maadaama ay adag tahay la akhriyo sababta oo ah nusqada aan nasiibka uu yeelannay waa sawir laga soo qaaday nusqo duug ah oo meelaha qaar qadda fartu isku darmatay meelaha qaarna qoraalkii tirtirmay. Waan rajeynayaa in mar kale dib loo daabici doono oo jiilkaan hadda jooga iyo kuwa foogta imaan doonaba ay dhaxalkaas intifaacsan doonaan waayo ujeeddadii fogayd ee qoraaga ayaa sidaas ahayd. Sidoo kale kuwii uu carrabbaabay in uu ebyay se aannu Eebbe ku simin in uu daabaco iyagana in la daabaco aad ayay u wanaagsanaan lahayd, intaas ka dib akhristayaasha waxa aan uga tegayaa in ay waajib xilkasnimo ku tahay in ay raadiyaan oo ay daraaseeyaan waxqabad-suugaaneedka qarada weyn ee Digtoor Maxamed Daahir Afrax (AUN).
