Bulshada madow iyo qadiyadda Falastiin

Bulshada madow iyo qadiyadda Falastiin

Maxaa waajib ka dhigaayo in bulshada madow ay garab u noqoto qadiyadda Falastiin?

Waxaa qoray: Cumar Cali Baasha [af Carabi)

Waxaa tarjumay: Cabdiraxmaan Caqiil [af Soomaali]


Sannadkii 1961kii ayaa wargeyska New York Times waxa uu Xanna Erned¹[1](Hannah Arendt) oo ahayd faylasuufad siyaasadda u dhuun-daloosha u diray maxkamadaynta Adolf Eichmann[2] oo ahaa ninkii ugu dambeeyay ee loo maxkamadeeyo dambiyo ka dhan ah Yuhuudda, iyo dembiyo aadanaha ka dhan ah. Markii ay ka warramaysay shakhsiyaddiisa, waxa ay ku tilmaantay in uu yahay dhiigyacab la adeegsaday.

Waxa ay leedahay; Dhibta Eichmann haysata ayaa ah, in ay joogaan dad badan oo isaga lamid ah, oo aan qabin dhibaato maskaxeed iyo mid jinsiba, kuwaas oo ahaa welina ah dad caadi ah oo waxaan la filaynin ku dhaqaaqa. Iyadoo intaa la yaaban ayaa waxa ay su’aal iska weydiisay xiska iyo damiirka qofka sida uu noqon karo, waxayna su’aasheeda kula duldhacday Ishman. Ma ka shalaynaysaa wixii aad samaysay? Jawaabtii Ishman waxa ay noqotay, in uusan wax dembi ah dareemin, waxa uuna intaa ku daray in uusan wax dembi ah galin inta uu hortaaganyahay maxkamaddan, balse Alle hortii kolka uu joogo uu qiraayo wixii dambi ee uu galay.

Jawaabtaasi iyad oo ka duulaysa, waxa ay Erned na soo hordhigaysaa isweydiin abuuri karta marka koowaad diiqad siyaasadeed, marka xigtana mid falsafadeed oo ah; Suurtagal miyay tahay in aynu noqonno muwaadiniin wanaagsan oo u hoggaansan sharciga, innaga oo islamarkaa shuruuc kale ku tumanayna? Sidee bay ku suurtowdaa in aynu qaanuunka ixtiraamno isla annaga oo gaysanayna dembiyo aadanaha ka dhan ah? Sidee ayay macquul ku tahay in aan ka hor-imaanno wixii ay ahayd inaan samayno, lana imaanno waxii ay aheyd inaan ka tagno.

Lix sanno kaddib maxkamadayntii Eichmann, iyada oo laga duulayo su’aalahan, waxa ay Israa’il xoog ku qabsatay gobollo hor leh oo Falastiin kamid ahaa, Israa’iil oo 1948kii ku dhawaaqday dowladdeedii xoogga ku qabsatay dhulka Falastiin, waxa ay gabood-fallo ka geysatay tuulooyin badan, waxayna xoog ku rartay dadkii degganaa halkaasi. Yuhuudii ka cabanaysay ficilladdii Naasiyiinta[3] ee ka baxsanaa bani-aadannimada waxa ay ku dhaqaaqeen falal aan ka yarayn wixii Naasigu iyaga ku sameeyay. Sidee ayay ku dhacday in Yuhuudii ka cabanaysay gumaad iyo barakicin xoog leh in lagu sameeyay, ay ayaguna isla falkii kula kacaan shacab kale?

Si lamid ah su’aashii Erned, sidee buu ku awooday Israa’iiliga ku dhaqmaya sharciga Isra’iil, in uu ka tallaabsado shuruucda kale? Sida in uu dilo qof Falastiini ah, gurigiisana uu ka xoogo? Yaa u idmay in uu dembi dagaal ka galo reer Falastiin, kuna xadgudbo qiyamka aadanaha, isaga oo samaysanaya xeerarka dhulboobka iyo isir-kalasooca. Taas lidkeeda, hoggaanka Sahyuunidda[4] waxa uu dareensanaa heerka labo wajiilenimo ee maxkamadaynta Ishman. Ben gorion waxa uu ku adkaystay in maxkamadaynta Ishman laga dhigo dembiyo ka dhan ah Yuhuudda, balse aan laga dhigin dembiyo aadanaha ka dhan ah, sababtoo ah dembiyada uu Ben gorion[5] ka galay Falastiin kama yarayn kuwa Ishman marka la barbardhigo, sidaa awgeed waxay hoggaamiyeyaashii Sahyuuniyadda iska fogeeyeen in mowduuc bani aadannimo meesha la keeno.

Waxaa taas ka aragti duwanaa aqoonyahanka Yuhuudda qaarkood oo ay Xanna Erned ugu horraysay. Waxa ay aaminsanayd in bani’aadannimadu aan looga maarmayn maxkamadda, wax ayna soo saartay buug markii dambe muran dhaliyay oo la sheego in aan loo turjumin afka Cibriga, si lagaga fogaado in Israa’iil ay ka abuuranto doodda bani’aadannimada, si aysan naxariis ugu dareemin dhibta Falastiin lagu hayo.

Mowqifka ay Xanna ka taagnayd Sahyuuniyadda waxa uu ahaa mid aan mugdi ku jirin, waxa ay si cad uga hortimid in shacab aan wax galabsan la gumaado, waxa ayna aaminsanayd in Falastiin ay tahay dhul dad kale ay leeyihiin, suurtagalna aanay ahayn in dad kale ay ka dhistaan mustacmarad xoog ah. Waxaase wax laga naxo ah, mowqifka ay ka taagnayd bulshada madowga ah iyo qaddiyadooda. Xanna Erned waxa ay si cad u garab istaagtay dulmiga ninka cad uu ku hayay bulshada madow, waxa ayna ku dhacday musiibo akhlaaqeed oo aan la ilaawi karin.

DHIBAATADA MADOWGA IYO YAHUUDDA: GARABSIINTA NINKA CADDAANKA AH

Xanna Erned nasiibdarro waxa ay ku dhacday dabinka Cunsuriyadda, iyo garab istaagga dulmiga, waxa ayna toos u caddaysay colaadda ay u qabto madowga. Kathryn Gines[6] ayaa buuggeeda Xanna iyo mushkilada madowga(Hanna Ernedt and the negro question) waxa ay kaga warrantay sida Erned ula dhaqantay doodda bulshada madowga ah ee Maraykanka. Farriinta ugu weyn ee buugga Kathryn uu xanbaarsan yahay ayaa ah; in manhajka Erned ay ku socotay uu ahaa mid dhexdhexaad ah oo aan dhinac u janjeerin, waxaayse ku dhacday kolkii ay iska dhaadhicisay in caddaankii Cunsuriyadda waday ay xaq u leeyihiin in ay u taliyaan bulshada madow ee ka halgamaysay Maraykanka iyo Afrikaba. Waxa ay Erned toos u taageertay xitaa in reeraha kasoo jeeda bulshada madow aysan helin fursado waxbarasho oo la siman tan dadka caddaanka ahi haystaan.


Kolkii ay Erned ku shaabadaysay bulshada madow in ay dagaal u joog yihiin, waxaa sare u kacay waayadaasi isbeddelkii Raadhikaaliga ahaa, waa goortii uu Malcolm X[7] uu sida daran uga hor yimid Sahyuuniyadda, isaga oo 1964kii faafiyay maqaalkiisii uu u bixiyay”Mandiq As-sahyuuni”. Waxa uu maqaalkiisa ku caddeeyay sida loo rabo in Afrikaanka iyo Falastiiniyiintaba loogu taliyo, waxa uu sidoo kale Malcolm tilmaamay booska istaraatiijiga ah ee Isra’iil ugu jirto Imbaraaliyadda⁰ caalamiga ah, waxa ayna imbaraaliyadda caalamiga ah dadaal u gashay sidii loo kala qaybin lahaa dowladaha Carbeed sida horayba Afrika loo qeybiyay. Malcolm waxaa lagu tiriyaa in uu kamid ahaa hoggaanka bulshada madow ee Maraykanka oo la kulmay hoggaanka ururka xorraynta Falastiin oo kolkaas la aasaasay.

Waxaa sidoo kale sanadkii 1967dii jariiradda New York Times maqaal ku qoray James Baldwin[8] oo ahaa suugaanyahan, iyo u dhaqdhaqaaqe arrimaha bulshada, maqaalkaas oo uu u bixiyay” Madowgu waxa uu cadow ku yahay Semitiga, sababtuna waa in ay yihiin dad cad-cad”, Baldwin waxa uu maqaalkiisaas ku leeyahay: Suurtagal ilama aha inaan la dareen noqon waayo madowga New York deggan, sababtoo ah waxa ay necebyihiin mulkiilayaasha bakhaarada ee Yuhuudda, mulkiilayaasha xafiisyada dayn bixinta ee Yuhuudda, iyo mulkiilayaasha guryaha iyo hoteellada ee Yuhuudda, waxa ayna bulshada madow cod dheer ku sheegaan nacaybka ay Yuhuudda u qabaan, sababta nacaybka keentay ma aha in ay yihiin Semitik, balse Yuhuudda ayaa xiratay shaarka ninka cad ee cunsuriga ah, waxa uuna u la dhaqmaa sida nin cad oo masiixi ah.


Waxaa qoraallada Malcolm, James Baldwin iyo Katheryn intuba laga dheehan karaa in Yuhuuddu ay tahay wax uu gadaal ka wato nidaamkii gumeystaha ee ninka cad samaystay, sidaa awgeed Sahyuuniyadda oo ah wax uu gumeystaha gacantiisa ku samaystay waxa ay cadow iyo colba la tahay qof kasta oo madow, oo qaddarin u haya qaddiyada iyo xuquuqda bulshada madow ee dunida.

FRANTZ FANON[9]: LOOMA’OOYAAN

Fanon in uu ka hadlo qadiyadda Falastiin waxa ay tilmaan mug weyn u ahayd xiriirka dhibbanaaysha uu gumeystuhu ku dhibaateeyay dunida oo idil, siyaasadihii gumeystaha ee ku dhisnaa khaarijin, barakicin, iyo in la cabsi-geliyo dunida; waxa ay isu beddeshay qaddiyad heer caalami ah, waxa ayna saamayn nafsi ah ku reebtay bulshooyinka la gumeysto madow iyo Falastiini midka uu doono ha ahaado. Tan xigta waxsoosaarka Fanon oo uu kamid yahay buuggiisa”Looma’ooyaan” waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay bayaan falsafadeed iyo mid bulsho, oo lagu cabbirayo ahaanshiyaha qofeed iyo ka xoroobidda gumeystaha iyo ku-tiirsanaantiisaba.

Fanon waxa uu bar muhiim ah u yahay, xiriirka madowga iyo qaddiyadaha carbeed, maadaama uu ahaa gobannimadoon Aljeeriyaan ah oo qayb ka ahaa kacdoonkii gumeysidiidka ahaa ee Aljeeriya, haddana xiriirka madowga iyo qadiyadda Falastiin waxa uu u lahaa ahmiyad sii waarta.

Waxa uu sidoo kale na horkeenayaa xaqiiqda dhabta ah ee dadka gobannimadoonka ahi u la dagaalsanyihiin gumeystaha. Gumaystaha waxa uu isku dayay in uu ku ciyaaro wacyiga iyo ogaalka bulshada, waxa uu iska dhigayaa in uu xanbaaro ilbaxnimo iyo reer magaalnimo, sidoo kale Sahyuuniddu waxa ay isku dayday in ay dadka ka dhaadhiciso in Falastiin markeedii horeba ahayd meel biyo fariisin ah oo kaneecadu saldhigatay, Yuhuuduna ay ka dhigeen meel lagu noolaan karo. Marmarsiiyahaas oo idil waxa ay Sahyuuniyadda iyo nidaamka Imbiriyaaliguba ugu gol-leeyihiin, in lagu xalaalaysto ciqaabta, iyo dilka isiraysan. Waxaan u la jeedaa, haddii aad tahay Falastiini deggan dhulka la haysto, ama madow ku sugan Maraykanka, waxa aad khatar ugu jirtaa in midabkaaga lagugu bartilmaamaysto, waa taas kolka la toogto qof aan waxba galabsan, haddana dusha laga saaro eed aan jirin oo ah, in uu mindi sitay ama uu rabay in uu dilo askari Isra’iili ah.

KOONFUR AFRIKA: GUMEYSTAHA IYo SAHYUUNIYADDA

Qabsashada iyo deegaamaynta dhul, kalasoocidda iyo midab-takoorka waa arrimaha ugu muhiimsan ee ay wadaagaan bulshada madowga iyo Falastiiniyiintuba, gumeysigan in badan ayuu ka duwanyahay midkii hore(Classic). Gumeysigan ku dhisan deegaamaynta iyo xoog ku qabsashada ma lahan dowlad loo tiiriyo, kaliya waxaa xoog iyo maquunin lagu qaadanayaa dhul ummado kale leeyihiin, waxa uuna gumeystuhu samaystaa baro kantarool, iyo derbiyo dhaadheer oo kala soocaya dadkii deegaanka lahaa iyo kuwa deegaamaynta ku yimid ee gumeysiga la socda.

Nidaamkii midab-takoorka ku dhisnaa ee koonfur Afrika ka jiray(Apartheid) waxa uu xooggiisa isugu geeyay deegaamaynta caddaankii isticmaarka ka haray loo samaynayey, waxa uu nidaamkaasi dhisay koox qowmi ah oo laga sooco dadkii horay u joogay, waxa uu sidoo kale dajiyay xeerar mamnuucaya isu-socodka muwaadiniinta asalka u leh dhulka, iyo xaqa ah in ay wax doortaan oo laga dhigay mid aan waxba ka jirin.


Si ka duwan, caddaankii tirada yaraa ee gumeystuhu gadaal ku sitay, waxay fasax u haysteen in sidii ay doonaan u farogeliyaan dhaqaalaha, waxayna gacanta ku hayeen hanti aan yarayn, sidoo kale nidaamkii gumeysiga waxa uu dejiyay siyaasadda waxbarashada, dhaqanka iyo diinta waxa uu saldhig uga dhigay in caddaanka ay ka sarreeyaan madowga, iyo in la tirtiro sooyaalkooda soo jireenka ahaa, waxaase ugu darnayd markii madowga laga saaray darajada bani’aadannimo. Si lamid ah siyaasadda nidaamkii midab-takoorka ee koonfur Afrika, waxa ay Israa’iil kula dhaqantaa DaantaGalbeed iyo dhulka la haystaba, iyo xitaa halka loo yaqaano khadka cagaaran. Hendrik Verwoerd[10] waxa uu Israa’iil ku tilmaamay in ay tahay;” Dowlad ku dhisan takoor iyo cunsuriyad, sida Koonfur Afrika oo kale”.

In bulshada madow ay u kacdo qadiyadda Falastiin ma aha mas’alo ku kooban isu-damqasho, balse waa xiriir masiiri ah oo mustaqbalka la xiriira. Falastiiniga ku hoos-nool gumaca hubka gumeystaha Israa’iil, dhulkii awowyaashiina qaxooti iyo shisheeye ku ah, waxa uu la mid yahay Afrikaanta inta kheyraadkooda la boobay, dhulkoodana la gumeystay, sida Koonfur Afrika, iyo qofka madow ee ay ku dhacayso rasaasta askariga cad, gudaha Maraykanka, kaliya in uu madow yahay darteed. Xiriirkaas masiiriga ah iyo mustaqbalkaasi waxaa waajib ah in qof walba oo afrikaan ah, halgamaa walba oo madow ah, iyo cid walba oo xuquuq aadannimo qaddarin u haysa in qadiyadda Falastiin ay u noqdaan garab iyo gaashaan, maadaama ay tahay qadiyad gobannimadoon ah.


[1] Hanna Ernedt: Faylasuufad iyo falanqeeye siyaasadeed, 1906 ayay dhalatay 1975kii ayayna galbatay, waa Yuhuudiyad asal ahaan Jarmal ah.

[2] Adolf Eichmann(1906-1962): Waa mid kamid ah saraakiishii Jarmalka ee loo haystay in uu Yuhuudda gumaaday, 1960kii ayay Mossad ku soo qabayay Argentina, 1962diina dunida ayaa laga sii sagootiyay.

[3] Naasiyiinta: Xisbiga hantiwadaagga shaqaalaha Jarmalka(Ationalsozialistische Deutsche Arbeiterpartei) 1920-1945 ayuu jiray. Gottfried iyo Adolf Hitler ayaa kamid ahaa hoggaankii ugu saamaynta badnaa xisbigan, Nazi ayaana Lagu naanaysi jiray.

[4] Sahyuuniyad: Waxaa lagu tilmaamaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka shaqeeya sidii Yuhuudda la isugu keeni lahaa Falastiin.

[5] David Ben-Gurion: Raysalwasaarihii koowaad ee Isra’iil, inta u dhaxaysay 1955-1963.

[6] Kathryn Sophia Belle: Waa Faylasuufad Maraykan ah dhalatay 1978kii, ahna Feminist u doodda madowga.

[7] Malcolm X(1925-1965): waxa uu ahaa dhaqdhaqaaqe madow Muslim ah oo ku noolaa Maraykanka.

[8] James Baldwin (1924-1987): Qoraa iyo daneeye arrimaha bani’aadannimada la xiriira, waxa uu ka mid ahaa bulshada madow ee Maraykanka.

[9] Franz Fanon: Qoraa iyo mufakir reer Aljeeriya, waana qoraaga buugga The Wretched of the Earth, af Soomaaligana loogu turjumay Looma’ooyaan

[10] Hendrik Verwoerd: Ra’iisul wasaarihii 6aad ee Koonfur Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *