W/Q: Mudane Maxamed
Xeyndaabka Fikradeed
_______
Dr Cali Al-Wardi kitaabkiisa خوارق اللاشعور waxaa ku jiro qodob uu cinwaan uga dhigay الإطار الفكري oo micniheedu yahay Xeendaabka Fikradeed.
Waxa uu leeyahay Dr-ku, insaanka wuxuu caadeystay inuu dunida kasoo eego daaqada xeyndaabkiisa fikradeed, kaas oo xadeynayo meesha uu qofku ku fakarayo. Waxaa uu qofka inkirayaa wax kasta oo uusan ka arkeynin daaqadda xeyndaabkiisa. Insaanka marka uu micnahaan leeyahay, wuxuu u ekaanayaa fardaha gawaarida yar-yar jiida, markii labadiisa indhood lagu xiro xeyndaab si uu aragiisa ugu beego hortiisa oo kaliya oo uusan meel kale u fiirin.
Sidoo kale Dr ku waxa uu leeyahay marka xeyndaabka fikradeed laga hadlayo majiro farqi u dhexeeya mutacallimiinta iyo kuwa kale, balse waa lagu kala heerar sarreeyaa. Xeyndaabka fikradeed ee uu qofku leeyahay waa mid badankiisa ka kooban wixii uu deegaankiisa ka bartay ee ay bulshadiisu usoo waxyoodeen ee ay ku beereen gunta caqligiisa qarsoon.
Insaanku marka waa qof ku saameysan waxyaabahaas isagoo aan dareemeyn. Marka uu ku fakarayo waxa ku hareereysan ma dareensano in fakarkiisu uu xadeysanyahay, wuxuu si yaqiin ah u rumeysanyahay in uu si xorriyad ah u fikiraayo. Marka uu arko qof ka aragti duwan caradiisa wa banaanka, waxaaba dhacda in uu ku xadgudbo, balse xadgudubkaasi u ma arko dulmi, maxaa yeelay wuxuu rumeysanyahay In uu u dirirayo runta darteed.
Waxyaabaha la inkiraayo waxaa kamida in aan aragno qof qof kale caburinaayo aragtidiisa darteed, kadib waxaa dhacdo in uu si lama filaan ah isu baddelo oo uu dago booska ninkii shalay uu caburinaayay, markaas ayuu haddana bilaabayaa inuu caburiyo dadkii shalay ku aragtida ahaa. Aragtidiisu waa ay is badashay, balse hal wax ayaa guntiisa ku haray oo aan is baddalin waana xeyndaabkiisa fikradeed.
