W/Q: Yuusuf Cabdifitaax(Absuge)

“Ambad, weli waa ambad. Dadka in qaar ambado nolosha bay kamid tahay. Weli sidii ayay; Usha xaska ku dhufo wixii ku jiraba waa ay kasoo bixine u tahay. Waa hubaal in maamulkii iyo kala dambayntii wanaagsanaa ee qoyska Soomaaliyeed qarniyaasha kusoo dhaqmayay qas galay, laakiin qaska ma qurbahaa mise waa qoonsimaad hore?”
Buuggani Sandareerto waa sheeko dhab ah balse magacyada uun la baddelay. Waa sheeko ku salaysan jacayl, dhaqan doorsoon, qurbo iyo qaskiis iyo arrimo kale oo fara badan kuwaas oo si toos uga xog wareamaya qoyska Soomaaliyeed iyo qaskii ku habsaday qarnigii ugu dambeeyay gaar ahaan burburkii kaddib.
Waa buug aan is dhihi karno farshaxannimo heerka ugu saraysay baa lagu qoray, qoraaguma waxa uu aad ugu xog sheeganayaa adeegsiga ereyada iyo murtida nuxurka leh isaga oo buugga inta sheekada socota oo idil bog walba labo ama saddex maahmaah oo masiiri ah soo qaadanaya oo sal uga dhigaayo, kuwaa oo sheekada si macaan oo xiiso la dareemi karo ka qaadanaya.
Qoraagu waxa uu buugga ku qoray lahjadda Maxaa Tiriga, ka soo billow teeda fudud ee Xamar looga hadlo, tan dhexdhexaadka ah ee Gaalkacyo laga adeegsado ilaa tan Burcaawiga ah ee aadka u kakan. Waxa uuna kusoo bandhigay AfSoomaali aad u dihan oo murti iyo maadba wato.
Buuggu waxa uu aad u gorfeenaya doodaha ugu waaweyn rag iyo dumar ka dhex aloosan, iyo sida doodahaas ay u qaabeeyeen qoyska Soomaaliyeed ee casrigaan nool! Ereyga cajiibka ah aad ugu tegi doonto waa dumar-u-dood(Feminist). Waxa uu qoraagu soo bandhigayaa in dumarka Soomaaliyeed wax badan ay ka tabanayaan dhaqanka iyo ragga Soomaaliyeed taasna ay sababtay in la isla gaaro meelo aan habbooneen iyo arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreeyaan in ragga iyo dumarka dhan walba laga simo lagana dhigo laba abuur aan waxba is doorin! Waxa uuna aad u sheegayaa in si walbaa oo dumarka ay abuurtooda uga didaan ay ugu dambayn sababi karto in ay si toos u qoonsadaan doonistii rabbi oo aanan ahayn arrin sahlan.
Meelaha aan buugga kala soo dhex baxay ee aan aad ka kaga helay waxaa kamid ah dhibta laga dhaxli karo kala maqnaanshiyaha qoyska iyo burburka halista ah ee uu keeni kara. Sidoo kale in jacaylka iyo rabitaanku dhallinyarnimo ay dhalanteed uun u badanyihiin balse marka guur meesha yimaado mas’uuliyad iyo isu dhimrin xadka ka baxsan la iska rabo, balse taas aysan awoodin dadka badankood.
Qoraagu waxa uu si hagaagsan u tusaaleenayaa in ilbaxnimada Reer Galbeedka gaar ahaan waddamada Yurub iyo kuwa cariga Maraykan sida Kanada oo kale laga dhaxlay uun burburka qoyska Soomaaliyeed oo cirka isku shareera, maadaama xurriyad iyo furfurnaanta ilbaxnimadaas wadato aysan munaasab ku ahayan curfiga, dhaqanka iyo diinta Soomaalida heysato!
Ugu dambeyn, waxaan kusoo koobayaa in buuggani yahay mid si la yaqaan usoo bandhigaya qataraha ka dhalan kara marka labo dhaqan iyo bulsho aan is lahayn isku dhex milmaan iyo sidoo kale dhibaatooyinka waaweyn ee laga dhaxli karo!
