Kalsoonidarro!

W/Q: Daa’uud Cali

Kalsoonidarro!

Qof kasta oo baraha bulshada wax soo dhiga, waxyaalaha uu sida gaarka ah xilka isaga saaro waxaa ka mid ah sawirrada. Qofku sawirrada uu iska qaaday intuu wada fiiriyo, ayuu midka ugu qurxoon inta sii naashnaasho, oo naqdiyo, wax lagu qabsan karana ka raadiyo —soo dhigaa.

Taas macnaheedu waxay tahay in comment kasta oo sawirkaas laga bixinayo uu qofka meel uga dhacayo, haddii asxaabtu comments wada ammaan ah ka bixiyaan oo reaction wada love ah saaraanna uu ku farxayo, wuxuuna xil iska saarayaa sidii uu mar walba qof qurxoon oo la ammaano usii ahaan lahaa. Taas oo marka dambe cudur ku noqota qofka inta badan sawirrada soo dhiga baraha bulshada.

Bulshayaqaan (sociologist) Jocelyn Lachance wuxuu ku tilmaamay baraha bulshadu in ay yihiin “Maxkamadda sawirrada” qofku sawir uu soo diyaariyay, oo naashnaashay, ayuu maxkamadda keenayaa, intaa wixii ka dambeeyana “wixii faallo ah waa xaggiinna” waxaa shaqadooda qabsanaya qareennada, markhaatiyada, goobjoogayaasha, baarayaasha iyo qaalliyada oo xukunka kamadambaysta ah ee ku habboon saaraya.

Cilmibaaris sanadkii dhammaaday soo baxday ayaa lagu sheegay in uu xiriir weyni ka dhexeeyo adeegsiga badan ee baraha bulshada iyo in qofku muuqa jirkiisa ku qanacsanaan waayo (kalsoonidarro), ixtiraamkii uu naftiisa u hayayna lumiyo, haba usii nuglaadeen da’yarta 20-ka ka hooseeyee.¹

Sidoo kale, cilmibaaris kale oo taas ka sii horraysay ayaa lagu tilmaamay in sawir-dhigista badan ee baraha bulshada iyo edit garaynta (qurqurxinta) sawirradu ay caafimaadka caqliga iyo naftaba wax u dhimaan, ayna qofka ku beeraan in uu is-hiifo, in uu jirkiisa qawado/saluugo, deggenida laabtiisuna burburto!²

Baaris kale oo si gaar ah ugu saabsanayd Instagram-ka ayaa lagu sheegay in aaladdaas sawirkubaahinteedu qofka ku abuurto welwel iyo isnac, ay u sabab tahay cadaadiska (macnawiga ah) ee bulshada ku xiran uga imaanaya si uu u muujiyo qurux aan jirin oo gacankusamays ah. ³

Saamaynta guud ee loo simanyahay marka laga soo tago, saamaynta ugu xun waxay ku dhacdaa dumarka qaar iyo ragga qaar. Waana marka ay si dadban ama si toos ahba ugu adeegsadaan xayeysiinta meelo gaar ah oo jirkooda ka mid ah. Waa marka gabadhu ay sawirradeeda si gaar ah u muujiso meelaha ay aamminsantahay in ay ka shidantahay ee ay soojiidashada ka leedahay, ama ninku bilaabo in uu soo bandhigo murqihiisa iyo jirkiisa dhisan, taas oo qofka ka dhigaysa in uu qiimihiisii dadnimo ku xiray muuqaalkiisa jireed.

Cudurkaan jirqawadka ah ee baraha bulshada laga qaado ayaa maanta dunida aad ugu baahay, heer ay soo baxeen dhaqdhaqaaqyo u ololeeya in ay dadka ku qanciyaan in ay muuqaalkooda caadiga ah ku qancaan, ayna iska daayaan filterka iwm, sida dhaqdhaqaaqa “body positive” oo arrintaas u ololeeya.

Dhinaca kale, waxaa jira baarisyo lagu sameeyay gabdhaha Muslinka ah ee xijaaban oo la barbardhigayo kuwa aan Muslinka ahayn, ama Muslinka ah balse aan xijaabnayn ee jirkooda soo bandhiga. Sida cilmibaarista Maraykanka lagu sameeyay oo gabdho labadaas qaybood ah lagu waraystay ay soo baxday in gabdhaha aan xijaabnayn ay ka wada cabanayaan iskukalsoonaan la’aan, oo aysan ku qanacsanayn qaabka jirkoodu yahay, halka kuwa xijaaban ay ku qanacsanyihiin sida jirkoodu yahay. ⁴

Jirku ma ahan wax ka badan aqoonsi dadka lagaaga sooco iyo jiritaankaaga muuqiisa. Ilaahey iyo dadkuba meesha ay kaa qiimaynayaan waa macnaha jirkaas ku duugan, ee dhaqan ah, caqli ah, aqoon iyo waxqabad ah, haddii aan jirkaas waxba kaaga hoosayn ee keligiis miisaan laguu saarayo, haddii ay qurux noqotana xayawaanno badan baa kaa qurxoon, haddii ay xoog noqotana dameerka iyo fardaha ayaa kugu haysta, haddii ay jirweyni noqotana walaalkaa maroodi baa kaa wata.

Baaritaannadaan iyo kuwa la midka ahba waxaan ka baranaynnaa dad badan oo sawirro iyo muuqaallo aan la yaabno soo dhiga, ee aan dad caadi ah oo caafimaad qaba u xisaabsanaynno ay yihiin dad bistood ah oo dhakhtar nafeed u baahan.

📚حضارة البشرة: الجسد وما بعد الجسد في الثقافة المعاصرة.

Tixraac

ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ
¹. https://www.cambridge.org/core/journals/european-psychiatry/article/impact-of-social-media-on-selfesteem-and-body-image-among-young-adults/D0385652A27F160C752E5FD69608DEF2#

². https://www.sciencedirect.com/science/article/abs/pii/S1740144519305753#:~:text=It%20was%20found%20that%20although,facial%20dissatisfaction%20in%20both%20groups.

³.
https://www.researchgate.net/publication/341455300_Fear_the_Instagram_beauty_stereotypes_body_image_and_Instagram_use_in_a_sample_of_male_and_female_adolescents

⁴.
https://www.sciencedirect.com/science/article/abs/pii/S1740144509001041?via%3Dihub

One thought on “Kalsoonidarro!

  1. Maqaalakan waxaan ka bartay inaan kalsooni darro iyo xanuun nafsiya aanan midna qabin😂😂

    Mahadsanid Daa’uud Ali.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *