W/Q: Cabdifitaax Shureym
SALAAD BAA I DHAAFTAY
Buugga SALAAD BAA I DHAAFTAY, waxaa qoray qoraa Masaari ah oo lagu magacaabo Islaam Jamaal. Waxaana AfSoomaali ku tarjumay walaalkeen Cabdulxakiim Muxammed Obsiiye.
Sida ka muuqato buugga waxa uu ka hadlaayaa salaadda. Waxaad isleedihiin ma sidii aynu naqaanay ayuu buugga salaadda uga hadlaayaa oo cabsi-cabsida ahayd? Haddaba waa maya, sidaa ma ahan. Buuggani waxa uu si guud ka koobanyahay 13 cutub iyo gunaanad.
Qoraaga waxa uu kuso qaadanaayaa hordhaca hadalo laga yaaba in kuwa badan oo inaga mid ahi ay ku soo xasuustaan naftooda. Hadaladaas waxaa kamid ah; “Dhowr sanadood waxaan kor ka daawanayay oday gaboobay oo 80 jir ku dhow, odaygaas oo aan arki jiray salaad kastaba inta aan la eedaamin isaga oo hor maraayo wadada gurigayga u dhow, markastaba wijigiisa waxaa ka muuqata dhoolacadeyn quruxbadan, maalmaha qaar wadada ayaa dib u eegi jiray, mise aan arki jiray isaga oo ka soo noqday salaaddii kuna socda hoygiisa.”
Waxaan xasuusan jiray waqtigaas uu salaada ku maqnaa inaan waxba badan qaban, xitaa haddii aan howl qabanayay maxaa dhici lahaa inta aan inyar dhigto inta aan salaada soo tukado, iyada oo sidaa tahay hadane naftayda waxa ay igu qancin jirtay; waa daalantahay, waqti maheysid, xilli kale ayaa tukan doontaa iyo tobannaan cudurdaar oo aanan waxba ka jirin.
Sanado badan ayaa kaso wareegay, walina waxaa qolkayga ka dhex maqlaa odayga shanqarta ushiisa marka uu masjidka u socdo, shanqartaas majoojiyaan dhaxan iyo roob toonna, xilliyada ayaa isbadala, hadana ushaas markasta waan maqlaa codkeeda, naftayda ayaan waydiiyaa, maxaad sida odaygaas oo kale masaajidka u tagi wayday? Haddana mowjad cudurdaaro ah ayaa dib ii seexisa oo waliba ay ugu weyntahay; mardhoweed ayaad seexatay oo saakay yara seexo, biri ayaad tukan doontaa iyo waxyaaba lamid ah.”
Qoraaga waxa uu kuu soo gudbinaayaa sida uu ugu liitay joogteynta salaadda iyo sida uu xal ugu helay dhibaatadaas. Waxaan isku dayaya inaan kaso qaato dhowr tallaabo oo qofkastaba ka caawin karto joogteynta salaadda iyo sida loo jeclaado, inkasto aanan gunta wada gaari karin cabsi an ka qabo in uu qoraalka sii dheeraado, balse qodobo tirsamaayo ayaan kasoo qaadan doonaa wixii intaa ka badan buugga ayaad ugu tagaysaan.
1) Jaceylka Ilaahay: Qoraaga waxa uu leeyahay si aad salaadda u jeclaato marka horeba waa inaad barataa rabbigii salaadaanba lahaa, wuxu leeyahay:”Caruurnimadeennii waxaynu arki jirnay waalidkeyna oo tukanaya mise aynu ku dayan jirnay, hadana waa ay inagu cuslaan jirtay markaas ayaan iska dayn jirnay, kadib waxa aan maqli jirnay wadaad ka sheekeenaya salaadda ahmiyadeeda iyo ciqaabta uu la kulmaayo qofkii ka taga, markaas ayaan tukan jirnay, maalma kadib ayaa hadana ka caajisi jirnay, waxa aan moodi jirnay in an ay dareemayn waxa aynu dareemeyno maadaama ay inaga weynyihiin, markii aynu waynaanayna sidii unbay salaadda inagu cuslaatay. Hadaba su’aasha muhiimka ahi waxa weeyaan, maxay salaadda sidaa inoogu culustahay?
Hadaba si aynu jawaabta u helno salaada aynu dib ugu noqono waqtigii ay soo bilaabatay. Salaadda waxaa la waajibiyay habeenkii Al-israa Wal-micraaj ee Nabiga NNKH la dheelmiyay oo aheyd 12 sano nabinimada kadib, 12 sano ayeena asxaabta tukaneenin iyaga oo muslimiin ah, haddaba taasi micnaheedu waa maxay? Xigmadda uu Ilaahay ka lahaa ayaa ah, in saxaabada la baro rabbigood naxariistiisa, waynidiisa iyo waxkastaba oo ku saabsan si ay Alle u jeclaadaan kadibna ay salaada ugu fududaato. Ka dib markii ay Allaah barteen halka ay salaadda kaga noqon laheed culays waxay noqotay mid ay xiiseeyaan oo ay raaxo ay ku dareemaan. Haddaba xirfadda ugu horeesa ee ay tahay in aad barato si aad salaadda u ilaaliso ayaa ah barashada Rabbigaa.
Dhageyso maalinkastaba muxaadaro ka hadleyso weynida Alle, akhriso ama dhageyso qisaska saxaabada iyo dadka Ilaahay kala dhaxeeyay xirrirka wanaagsan, dhageyso qur’aanka waqtiyada aad firaaqada tahay. Laakiin runta ayaa ah sababta aadan salaadda u jecleen waxaa weeye in aadan Alle si buuxda u aqoonin.
2) Fikirkaaga hagaaji: Markastaba niyada ku haay salaadda, adiguna waxa aa tahay waxa ad ku fikirto. Afkaartu waxa ay qaabeeyaan habka aynu u dhaqanno iyo ficilada aynu sameyno.
Markii la waydiiyay feeryahankii Maxamed Cali Kalaay sirta guushiisa waxa uu sheegay in uu markastaba ku celcelin jiran “Anaa ah kan ugu weyn” illaa uu noqday kan ugu weyn ee soo maray taariikhda ciyaarta feerka, waa marka ciyaarta Feerka laga hadlaayo dabcan. Erayadaas ayuu ku celcelin jiray marka uu tababarka ku adkaado, afkaarta noocaas ayaa ka dhigtay ninka aynu maanta naqaano, laga yaabo in aad salaadda ka heesato fikirro xunxun, sida habeen adigoo dhaxamoonaayo aad masjidka taktay, laga yaabaa in markaaad ka timid masjidka wadada lagaag dhacay mobil ama hanti kale. Sawirka aad salaadda ka heesato ma aha midka saxda ah, Ilaahay baro, afkaarta ku saabsan salaadana hagaaji.
3) Xakameynta nafta: Xkameynta nafta waa in aad qabataa howsha kuu taala waqtigeeda, haddii aad jeceshahay iyo haddii aad necebtahayba, inaad sameyso waxa fudud ee bilaa faa’iidada ahi waxay ku siinayaa isla waqtigaas raaxo iyo macaansi, balse maalinka dhammaadkiisa waxaad dareemi doontaa niyad jab iyo inaadan wax muhim ah qaban waqtigaagii.
Halka haddii aad qabato wax faa’ido leh dareemeyso marka aad howsha qabanayso caajis iyo niyad xumo, laakiin maalinkaaga dhammaadkiisa waxaad noqoneysaa mid qanacsan oo qabtay wax qiimo leh.
Hadaba markasta oo aad salaadda maqasho, hala doodin maankaga oo aamusi, toosna u waysayso.
Intaasna waa qayb kamid ah cirbad biyaha badda la giliyay oo laga sugaayo inay biyaha badda soo qaado. Micnaha fikradaha iyo tilmaamaha buugga laguma soo koobi karo qoraalkaan kooban. Talooyinka buugga haddii la dhaqan-geliyo, waxaan aaminsanahay in ay waxbadan ay iska baddelayaan salaadaheena, midkeena tukada iyo kan aan tukanba.

Iga cawi sidan u hali laha